Tusmo

Su’aal:

Asc sheikh oogle anoo soon laigu leh 10 kan bari qeeeyrka badan masoomi karaa anoo soonki hore laiga laha wcs sheikh allah haku xafido saad wanaaga nala jaceshahay

Jawaab:

– Csw, walaal waa su’aal wanaagsan oo muhiimna ah in la is waydiiyo, marka hore dhib malaha inaad soonto soonkii qallaha ahaa maalmaha Tobanka ah ee Dulxajj, waxayna u dhowdahay inaad hesho laba ajir ama lagu abaalmariyo laba jeer inshallah, ajirkii inaad iska guday dayntii hore ee lagu lahaa iyo camalka wanaagsan ee aad la timid maalmaha khayrka badan.

– Culumadu waxay dhaheen hadii soon sunne ah iyo soon faral ahaa iska hor yimaadaan waxa la hormariyaa soonka faralka ahaa, sababtoo ah marwalba faralka lagugu leeyahay ayaa wayn kana fadli badan soonka sunnaha ah, waxaa lamida salaada faralka iyo zakada faralka ahba.

– Arrinta ku saabsan in qallaha lasoo qallayn karo tobanka Dulxajj waxa isku khilaafay laba saxaabi siduu sheegay ibnu Rajab (I.H.U) wuxuu yidhi: Wuxuu Cumar ibnu Khadaab u arkayey in maalmahani ku haboon yihiin in lasoomo qallihii bisha Ramadaan halka Cali ibnu Abudaalib uu reebi jiray.

Si kastaba ha ahaatee marka la fiiriyo khilaafka culumada hadana waxay u badanyihiin inaanay karaahiyo ahayn in lasoo qalleeyo soonkii Ramadaan Tobanka Dulxajj.

Sidaa darteed ayaa wuxuu dhahay Sheekh ibnu Cuuthaymiin (I.H.U): “Hadii ay soo marto Tobanka Dulxajj ama maalinta Carafo, waxaanu leenahay: soon qallihii maalmahaas, waxana laga yaaba inay kusoo gaadho ajirkii qallaha iyo ajirkii soonka maalmahaas, kaba soo qaad xitaa hadii aan la aqbalin soonkii sunnaha ahaa, hadayba dhacdaba waxa soonka sunnaha ah laga hormarinayaa soonka qallaha ah”

Ugu danbayn: Waxaan leenahay hadii maalmaha tobanka ah kuu soo galaan ayadoo lagugu leeyahay qallo, waa inaad u niyeysataa soonkaas soonkii qallaha ahaa, waxaana dhici karta inuu Alle ku abaalmariyo laba jeer. Waxaana muhiima inaad ogaataan in cibaado kasta ay ubaahantahay niyo, oo waa inaad niyeysataan soonkii qallaha ahaa, hadii aanay niyadaasi jirin soonkaasi qalle kuuma noqonayo. Wuxuuna nabigu dhahay: “Camalada saldhigeedu waa niyada”


Xigasho:

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=143279