Su’aal:

markaan salaada ku guda jiro sujuuda luuqadaan carabi aheen maku duceesan karaa?

Jawaab:

– Hadii ruuxa salaada tukanayaa yaqaano ama uu cilmi uleeyahay luuqada carabida markaas uma banaana inuu luuqad kale ku ducaysto salaada dhexdeeda.

– Balse hadii ruuxa salaada tukanayaa aanu aqoon ulahayn luuqada afka Carabiga, markaas wax dhib ah malaha inuu ku ducaysto luuqada uu yaqaano, illamaa inta uu ka baranayo luuqada Carabiga.

– Sidoo kale hadii aanu ruuxu salaad ku gudo jirin oo uu ku ducaysto luuqada uu fahmayo oo qalbigiisuna uu joogo wax dhib ah malaha, wuxuu yidhi Sheekhul islaam ibnu Tayyimah:

 

والدعاء يجوز بالعربية ، وبغير العربية ، والله سبحانه يعلم قصد الداعي ومراده ، وإن لم يقوِّم لسانه ، فإنَّه يعلم ضجيج الأصوات ، باختلاف اللغات على تنوع الحاجات … ” مجموع الفتاوى ” ( 22 / 488 – 489 ) .

“Waa lagu ducaysan karaa Af-carabi iyo luuqad kaleba, Ilaahayna (S.W.T) wuu garanayaa ujeedada ruuxa baryaya iyo muraadkiisaba, xitaa haduuna kaga dhawaaqin carrabkiisa, maxaa yeelay wuxuu ogyahay codka kiisa cabashada ah (qaylada ah) haba kala duwanaadaan luuqaduhu iyo xaajooyinkubee..” [Majmuuc Al-fatawa. (22/488-489)]


Xigasho: Islamqa 20953