Tusmo

Su’aal:

ASC shiikh Waxaan maqlay salaada faralka ah ee 4 rakcadood sida duhur ka casir ka iyo cishaha in labada rakcadood danbe faataxada bes     lugu tukado oo aan Quran kale lugu daran waxaana ka maqlay Hal qof  shiikh iga jaahil bixi. Ilaah qeer badan ha kuugu badalo waqtiga aad na siisay.

Jawaab:

Alxamdulilaah, waxa ku sugan saxiixaynka (Bukhaari iyo Muslim), xadiiska abuqataada Ilaahay raali haka ahaadee in nabigu akhrin labada rakcadood ee danbe ee salaadaha duhurka iyo casarka faatixada oo kaliya, culumaduna waxay halkaas ka qaateen in rakcada danbe ee salaada Maqrib iyo labada rakcadood ee danbe ee salaada Cishe lagu tukanayo faatixada oo kaliya.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ أَبِي قَتَادَةَ عَنْ أَبِيهِ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَقْرَأُ فِي الرَّكْعَتَيْنِ الْأُولَيَيْنِ مِنْ الظُّهْرِ وَالْعَصْرِ بِفَاتِحَةِ الْكِتَابِ وَسُورَةٍ وَيُسْمِعُنَا الْآيَةَ أَحْيَانًا وَيَقْرَأُ فِي الرَّكْعَتَيْنِ الْأُخْرَيَيْنِ بِفَاتِحَةِ الْكِتَابِ” صحيح مسلم » كتاب الصلاة » باب القراءة في الظهر والعصر

“Cabdilaahi ibnu Abuqatada wuxuu ka wariyey aabihii in Nabigu (scw) ahaa mid akhriya labada rakcadood ee hore ee salaadaha Duhurka iyo Casarkaba Faatixada Quraanka iyo suurad kale, wuuna na maqashiin jiray aayadaha mararka qaar, wuxuuna akhrin jiray labada danbana Faatixada Quraanka” [Muslim: 686]

Halkaas waxaan ka fahamnay in salaadaha faralka gaar ahaan salaada duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha lagu koobsan karo akhrinta suurada Faatixada, hase ahaatee waxa jira xadiis kale oo uu saaray Imaam Muslim kaasoo tilmaamay inuu nabigu akhrin jiray aayado kale.

عن أبي سعيد الخدري ، عن النبي – صلى الله عليه وسلم – : كان يقرأ في صلاة الظهر في الركعتين الأوليين في كل ركعة قدر ثلاثين آية ، وفي الأخريين قدر خمس عشرة آية ، أو قال  نصف ذلك ، وفي العصر في الركعتين الأوليين في كل ركعة قدر خمس عشرة آية ، وفي الأخريين قدر نصف ذلك . رواه مسلم في الصحيح

“Abusaciid Alkhudri wuxuu ka wariyey nabiga (scw): Wuxuu ahaa (nabigu) mid akhriya salaada duhurka labada rakcadood ee hore mid kastaba wax ku dhow sodon aayadood, labada danbena shan iyo toban aayadood, ama wuxuu dhahay badhkood. Salaada Casarkana labada rakcadood ee hore rakcad kasta wuxuu akhrin jiray ku dhowaad shan iyo toban aayadood, labada danbena kala badhkood.”[Muslim iyo Bayhaqi 2408]

kolkaa labad xadiis mid wuxuu tilmaamayaa in labada rakacood ee danbe uu nabigu ku koobsan jiray Faatixada oo kaliya halka xadiiska kalena uu tilmaamayo inuu akhrin jiray shan iyo toban aayadood. Sidee ayey isu waafaqayaan labada xadiis:

  • Culumadu waxay dhaheen: Xadiiska hore ee Abuqataada soo arooriyey ayaa sax udow, sababtoo ah xadiiskaas waxa soo arooriyey Bukhaari iyo Muslim, halka xadiiska Abusaciid uu kali la noqday Muslim.
  • Xadiiska Abuqataada ayaa waafaqaya wixii laga soo guuriyey saxaabadii waaweynayd sida Cumar ibnu Khadaab, Cali, Ibnu Mascuud, Jaabir iyo Caashaba.
  • Xadiiska ibnu Muscuud wuxuu tilmaamay in labada rakcadood ee hore uu nabigu ku tujin jiray sodon aayadood rakcad kastaba, labada danbena shan iyo toban aayadood. Kolkaa hadaynu isu gayno aayadaha Suurada Faatixa aayadaheedu waa todoba aayadood, sidaas awgeed labada rakcadood marka la akhriyo Faatixada waxay aayaduhu noqonayaan 14 aayaadood isu gayn ahaan, kolkaa way soo dhodhoweynaysaa in shan iyo toban aayadood nabigu ku tukan jiray.

Kolkaa waxa muuqata inuu nabigu (scw) uu inta badan ku tukan jiray labada rakcadood ee danbe Faatixada Quraanka oo kaliya, sidoo kalena mararka qaarkood nabigu (scw) wuxuu ku dari jiray akhrinta aayado kale. Wallahuaclam