Su’aal:

Ma banaantahay in Salaada Habeenkii quraanka laga akhriyo kitaabka?

Jawaab:

Dhib malaha in kitaabka laga akhriyo quraanka marka la tukanayo salaada, sababtoo ah Caasha ilaahay raali haka ahaadee waxay lahayd wiil tujiya salaada ramadaanta oo ka akhrin jiray kitaabka. [Bukhaari ayaa mucallaq ahaan kusoo saaray kitaabkiisa 1/245]

Imaamu Nawawi wuxuu yiri: haduu quraanka ka akhriyo kitaabka  buri mayso salaadiisu, waa isku mid haduu xifdisanyahay iyo hadii kaleba. Hadii aanu xifdisanayn Faatixada waa ku waajib inuu ka akhriyo, hadii xaashadaha uu mararka qaarkood rogrogana kama burayso… waa kaas madhabkayagu iyo madhabka Maalik, Abi Yuusuf, Muxamed iyo Axmedba. [“المجموع” (4/27)]


Xigasho

Islamqa