Kooxdii ugu khatarsanayd ee soo marta taariikhda Islaamka, waa kooxda loo yaqaano Xashaashiin. Waxay ku caanbaxeen shirqoolo loo maleego madaxda muslimiinta, culamada muslimiinta, qaadiyada iyo imaamyada muslimiinta. Kooxdani waa koox kamida kooxaha shiicada, gaar ahaan madhabka Ismaaciiliga, waxayna kasii yihiin Nazaariya. Culamada Islaamku waxay u yaqaaneen kooxdan Baadiniyah, sababtoo ah ayaga iyo Qaraamidadii dhacday dhagaxa madaw ee Kacbadu iyo guud ahaan Ismaaciliyiintu waxay rumaysanyihiin in Quraanka Kariimka ah uu leeyahay macne hoose oo dad gaara ay yaqaaniin.

Kooxdan waxa aasaasay ninka la dhaho Xasan Assabaax, kaasoo ku dhashay dalka Iiraan sanadkii 430 H kuna beegnayd 1027 M. Wuxuu kusoo barbaaray madhabka shiicada raafidada ee laba iyo tobanka imaam rumaysan, kadibna isagoo dhalinyaro ah ayuu ka baxay madhabkan, wuxuuna qaatay caqiidada Ismaaciiliyiinta, waxa u horseeday inuu Ismaaciili noqdo ninka la dhaho Cabdi Malik ibnu Cadaash oo fidin jiray caqiidada Ismaaciiliyada.

Ismaaciiliyiintu waa koox diimeed shiico ah kana mida kuwa ugu khatarsan, waxayna ku abtirsadaan Ismaaciil binu Jacfar Assaadiq. Jacfar Assaadiq Ilaahay ha u naxariistee waa imaamka lixaad ee shiicadu ay ku abtirsadaan, waxa Jacfar uu dhalay caruur badan, wiilkiisa curad ee ugu wayn waxa la dhihi jiray Ismaaciil, balse Ismaaciil wuxuu dhintay aabihii oo nool. Dabadeedna shiicadii ayaa khilaaf wayn soo kala dhex galay, waxa qolo kamida shiicadu ku adkaysatay in imaamku yahay wiilka wayn, haduu dhintayna wuxuu ka tagay wiil uu dhalay oo la dhaho Maxamed binu Ismaaciil, qoladii sidaas tidhi waxa loo bixiyey Ismaaciiliya. Dhanka kale shiicada raafidadu waxay imaam ka dhigteen wiil kale oo Jacfar uu dhalay oo la dhaho Muuse Al-kaadim, ayagoo ku dooday in aabihii u dardaarmay imaamnimadiisa, waxa kooxdana loo yaqaana Raafidada laba iyo tobanka imaam rumaysan, raafidana waxa loogu bixiyey maadaama ay gaalaysiiyeen saxaabadii rasuulka, ha ugu horeeyaan Abubakar, Cumar, Cusmaan, Caasha, Xafsa iyo guud ahaan saxaabadii rasuulku ka geeriyooday, marka laga reebo sadex ama todoba kaliya.

Xilliga uu soo baxay habaarqabihii aasaasay Xashaashiinta ee Xasan Assabaax, waxa caalamka islaamka ka talinayey dawladii Cabbaasiyiinta oo xaruntoodu ahay dalka Ciraaq, gaar ahaana magaalada Baqdaad. Dalka Iiraan waxa ka talinayey dawlad sunniya oo la dhaho Salaajiqo oo hoos iman jirtay khilaafada Cabbaasiyiinta. Balse waqooyiga Afrika iyo dalka Masar waxa qabsaday dawlad la magac baxday Faadimiya ayagoo sheegtay inay ku abtirsadaan Faadima bintu Muxamed Ilaahay haka raali ahaadee.

Faadimiyiinta qoladan la baxday waxay haysteen caqiidada Ismaaciiliyiinta, waxa dawladana aasaasay nin la dhaho Cubaydilaahi binu Maymuun Alqadaax, oo ahaa nin yahuudiya kadibna sheegtay inuu dhashii Faadima ku abtirsado. Imaamu Ibnu Taymiyah Ilaahay ha unaxariistee wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Minhaajka in Cubadilaahi uu ahaa nin Yahuudiya oo uu soo barbaariyey nin majuusiya oo dabka caabuda.

Imaamu Dahabi Ilaahay ha unaxariistee wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Siyaru Aclaamka in Cubaydilaahi ahaa nin yahuudiya ahaana nin mulxida oo aan islaam ahayn, magiciisana la odhan jiray Saciid, kadibna wuxuu la baxay magaca Cubaydilaahi, wuxuuna sheegatay inuu ku abtirsado Maxamed binu Ismaaciil binu Jacfar, binu Maxamed binu Cali binu Xuseen binu Cali binu Abidaalib.

Dabcan sida ay cadaynayaan culumada ugu waawayn diinta Islaamku, waxa ninkaasi ahaa yahuudi sheegtay inuu yahay dhashii Faadima, wuxuuna ahaa nin karti badan, wuxuuna aasaasay dawlada la magac baxday Faadimiyiinta oo asalkeeda culumadu ugu yeeraan in la dhaho dawladii Cubaydiyiinta si aan loo nijaasaynin magaca gabadhii kaliya ee rasuulka (scw) ubadkiisu kasoo jeedaan. Dawladaas Cubaydiyiinta oo qabsatay waqooyiga Afrika iyo dalka Masar, waxa xiiligaas ka talinayey khaliifka la dhaho Al-Mustansir billaah.

Xasan Assabaa, aasaasihii Xashaashiinta wuxuu ka tagay dalka Iiraan, wuxuuna aaday Masar si uu ula kulmo khaliifka Cubaydiyiinta ee Mustansir, markuu la kulmayna wuxuu la galay bayco, wuxuuna waydiiyey cida uga danbaynaysa imaamnimad, wuxuuna ku jawaabay wiilkayga Nazaar. Fiiro gaara, Mustansir wuxuu lahaa laba wiil oo la kala dhaho Nazaar iyo Mustacli, waxa wanaa Nazaar sidaas darteed ayuu Xasan Assabaax u taageeray wiilka wayn ee Nazaar sidoo kalena ah dhaxal sugaha. Hase ahaatee, waxa jiray wasiir la dhaho Badru Diin Al-Jamaali oo awood badan ku lahaa dawlada Cubaydiyiinta, wuxuuna taageeray Mstacli, maadaama uu abti u ahaa.

Wasiirkii Al-Jamaali wuxuu xabsiga dhigay Xasan Assabaax maadaama uu Nazaar taageersanaa, kadibna wuxuu ka mustaafuriyey dalka Masar. Xasan wuxuu ku laabtay dalka Iiraan, oo xilligaas ay ka talinayso dawlad awood badan oo sunniya, waana Salaajiqadii. Kadibna wuxuu go’aansaday Xasan inuu caqiidada ismaacilyada ku fidiyo dalka Iiraan, wuxuuna aaday dhulka baadiyaha ah,  buuralayda ka fog magaalooyinka iyo culumada xanbaasan diintaba.

Mudo yar gudaheeda wuxuu aasaasay koox isaga ka amar qaadata, wuxuuna qabsaday qalcado dhawra, waxa ugu caansan qalcada la dhaho Aala Moot, oo ku taal buur dusheeda oo ay adagtahay in furto.

Tusmo

Shirqoladii uu fuliyey habaarqabe Xasan Assabaax:

Shirqoolkii ugu horeeyey wuxuu ku dilay nin mu’adina oo diiday inuu qaato caqiidada ismaaciiliyada. Kadibna waxa dhaqdhaqaaiisa ogaaday dawladii Salaajiqada, waxayna cadaadis saartay kooxdiisii ayadoo la dagaalantay, iskuna dayday inay qabsadaan qalcadiisa. Dabadeedna Xasan wuxuu go’aansaday inuu diro wiil naftii haliga ah oo qaab shirqoola u dila wasiirkii ugu saamaynta badnaa dawlada oo la dhaho Nidaam Al-Mulki. Ayadoo lagu jiro bil ramadaan oo wasiirkii afuray ayaa wiil iska dhigaya inuu warqad u sido wasiirka uu mindi caloosha ka taagay, sidaasbaanu ku dhintay wasiirkii Ilaahay ha unaxariistee, naftiisa halligihiina waa la dilay.

Xasan Assabaax wuu sii waday shirqooladii argagaxa lahaa wuxuuna dilay, wasiirkii la odhan jiray Cabdi Jaliil Al-Dahstaani, muftigii magaalada Asfahaan. Hadana kooxdii Xashaashiintu waxay laayeen dad masaakiina oo xajka ku socday ayagoo xoolahoodii iyo gaadiidkoodiina dhacay.

Dawladii Salaajiqadu waxay kusoo qaaday Xashaashiinta weerar culus waxayna qabsadeen qalcada la dhaho Mashaah Deez, waxayna ku dileen Ibnu Cadaash, macalinkii Xasan Assaabaax. Qalcadii Aala Mootna waxay ku qabteen go’doon halisa, ilaa ay dadkii ku jiray ay ka cuneen xashiishka iyo caleemaha dhirta. Kadibna xilligii jiilaalka iyo barafka ayaa yimid, suldaankii go’doonka ku hayeyna wuu ka tagay goobtii.

Magaca Xashaashiin xaguu ka yimid:

Badmaaxihii talyaaniga ahaa ee la odhan jiray Marco Polo ayaa kitaabkiisa ku sheegay in xashaashiintu ay cuni jireen daroogada xashiishta oo Xasan Assabaax u qooshi jiray askartiisa. Run ahaantiina warka Marco Polo sheegay ma cada oo malaha daliilo xoojinaya arrintaas.

Dadka qaar waxay dhaheen: magaca Xashaashiintu wuxuu ka yimid caleemihii iyo laamihii dhirta ee ay cuneen markii go’doonka lagu qabtay ee ay cuneen xashiishka dhulka.

Kuwa kale waxay dhaheen ereryga Xashaashiin wuxuu kasoo jeedaa ereryga afka ingiriisiga lagu dhaho Assasin oo macnaheedu tahay shirqoolayaal.

Xasan Assabaax oo dhintay:

Xasan mudo dheer ayuu noolaa wuxuuna sii waday shirqoolada qorshaysnaa ee uu dadka magaca bulshada ku leh uu ku khaarijin jiray, iyo ayagoo gubay masaajidka magaalada Asfahaan, waxay kale oo ay dileen qaadigii magaalada Niisaabur.

Xasan wuxuu taageero u fidiyey Nazaar binu Mustansir sidaan hore usoo sheegnay, balse wasiirkii awooda ku lahaa dawladii Cubaydiyiinta ayaa Nazaar dilay, wuxuuna caleemo saaray walaalkii Mustacli. Ismaaciiliyiinta waxay u qaybsameen laba qolo oo la kala dhaho: Nazaariyiin iyo Mustacliyiin. Xasan wuxuu ahaa Nazaari, waxayna sheegteen in ubadkii Nazaar ama xaaskiis Nazaar oo uur leh ay tagtagy qalcada Aala Moot ayadoo dhuumanaysa. Arrintaasna wax cadaynayaa majiraan, oo waxa loo tiirinayaa inay tahay sheegasho ay rabeen inay ku sheegtaan in qaarkood kasoo jeedo dhashii Nazaar si ay wax u xukumaan.

Xasan wuxuu dhintay sanadkii 518 H, isagoo dilay labadiisii wiil ee uu dhalay, kadib markii lagu eedeeyey inay nin kooxdiisa ka tirsanaa ay dileen. Sidaa darteed waxa Xasan ka danbeeyey niinka la dhaho; Barzak Aameed.

Shirqooladii oo sii socday

Xashaashiinta waxa u suurtoobay inay dilaan khaliifkii Cubaydiyiinta oo la dhaho Al-xaakim bi amri Allah binu Al-Mustacli, sababtuna waxa ka dhaxay colaad oo ayagu waa nazaariya, halka khaliifkuna uu ahaa ina Mustacli.

Waxa kale oo dileen khaliifkii Cabaasiyiinta ee Mustarshid billah iyo khaliif kale oo xilka laga qaaday.

Ninkii Axkaamta shareecada ka saamaxay Xashaashiinta

Sanadkii 557 H waxa yimid ninka la dhaho Xasan binu Xasan oo madax u noqday Xashaashiinta, ninkanin wuxuu kooxdii ka dajiyey axkaamta Ilaahay waajibiyey, wuxuuna u baneeyey xaaraan oo dhan, taasoo farxad galisay Xashaashiintii.

Xashaashiintu way sii wadeen shiqooladii qarsoonaa, waxay isku dayeen inay dilaan suldaankii Salaaxu Diin laba jeer, wayna ku fashilmeen. Salaaxu Diin Ilaahay ha unaxariistee isagaa ka adkaaday dawladii Cubaydiyiinta kana xoreeyey shiicadii dhulka Masar oo ehelkoodu ahaa dad sunniyiina.

Hoolaako oo qabsaday Qalcadii Aala Moot

Mudo laba boqol oo sanadood ayay Xashaashiintu wareeriyiin caalamka ilaa uu yimid Hoolaako oo ahaa nin Tataara wuxuuna qabsaday qalcadii buurta dusheeda ku taalay ee Aala Moot, wuxuuna laayey Xashaashiintii, wuxuuna gubay kutubtoodii. Taasina waxay ahayd gabagabadii Xashaashiintii daganayd dalka Iiraan, halka xashiishiintii reer Suuriyana uu soo afjaray suldaankii Daahir Beebaras ee Mamaaliikta ka tirsanaa.

Caqiidada Xashaashiinta iyo Ismaaciiliyada

  1. Waa koox baadiniya oo quraanka macne aan la aqoon ku fasirata.
  2. Waa shiicada nooca ugu xun ee culumo badan ku tilmaameen inay mulxidiin yihiin.
  3. Waxay shirqoolo u maleegeen Bani Aadamka oo dhan, ha ugu badnaadaan Muslimiintu.
  4. Waxay dadkii ka dajiyeen waajibaadka diiniga ah oo dhan.

Xigasho:

Siyaru Aclaam Al-nubalaa ee Imaamu Dahabi: Cubaydilaahi binu Maymuun AlQadaax

منهاج السنة النبوية في نقض كلام الشيعة القدرية

حركة الحشاشين تاريخ وعقائد أخطر فرقة سرية في العالم

الموسوعة الميسرة في الأديان والمذاهب والأحزاب المعاصرة