Tusmo

Koorsada Guurka

Koorsada Guurka waa koorso lagu baranayo axkaamta guurka iyo maaraynta qoyska, waxa kale oo lagaa caawinayaa sidii aad ku heli lahayd lamaanihii aad rabtay iinaad guursato. waxay koorsadani soconaysaa mudo 7 maalmood ah:

Duruusta ugu muhiimsan ee aad ku baranayso Koorsadan:

  1. Udiyaar garowga guurka.
  2. Muhiimada Guurku leeyahay.
  3. Maxaan ku doortaa lamaanahayga?
  4. Haasaawaha iyo wada sheekaysiga.
  5. Doonista gabadha iyo isa siinta hablaha.
  6. Masaafaysiga ama la tagida gabdhaha iyo in been lagu soo xero galiyo.
  7. Carmalka ama Garoobta iyo Bikrada.
  8. Maherka, Yaradka.
  9. Arooska iyo Farxadiisa.
  10. Xuquuqda gabadhu ninka ku leedahay.
  11. Xuquuqda Ninku gabadha ku leeyahay.
  12. Gogosha xalaasha ah iyo ta xaaraanta ah.
  13. Jacaylka iyo la dhaqanka wanaagsan.
  14. Xilliga Xaydka iyo Nifaaska.
  15. Uurka iyo Dhalmada.
  16. Xuquuqda caruurta ku leeyihiin Waalidkood.
  17. Tarbiyada Caruurta.
  18. Hinaasaha, Masayrka.
  19. Mushkiladaha qoyska iyo qaabka loo xalliyo.
  20. Furniinka iyo axkaamtiisa.
  21. Dhaxalka iyo axkaamtiisa

Qaabka loo baranayo Koorsada:

Koorsadan waxa lagu baranayaa qaab Online ah, ayadoo la adeegsanayo barnaamij laagu talo galay in lagu bixiyo duruusta onlineka ah, kaasoo aad ka helaysaan telefoonada, Taabiska, iyo Kombiyuutaradaba. Qaabka aad ulasoo dagayso waxa la idiin sharraxayaa maalinta aad is diiwaangaliso.

Waqtiga koorsada la baranayo:

Waxa jira laba waqti oo aad kala dooran karto, hadba waqtigii kugu haboon. Fasalka 1aad wuxuu soo galayaa saacada 15:00 UK galabnimo. Fasalka 2aadna wuxuu soo galayaa saacada 23:00 UK ee ay Amreica u tahay 18:00. Fasalkan wuxuu ku haboonyahay, dadka jooga waqooyiga America.

Fiiga Koorsada

Koorsadan fiigeedu waa 50 dollar, taasoo la bixinayo sida ugu dhakhsaha badan. Markaad koorsada dhamaysato waxa lagu siinayaa shahaado, waxa kale oo lagaa caawinayaa sidii aad ku heli lahayd lamaanihii aad rabtay kaasoo jooga dalka aad ku nooshahay.

Macalimiinta dhigaysa Koorsadan:

Koorsadan hada kahor waxaan qabanay sadex jeer oo hore ayadoo mid walba aan ku guulaysanay, Alxamdulilaah. Koorsooyinkii hore waxay ku bixi jireen qaab free ah oo bilaash ahaa, balse koorsadan waxaan ka dhignay #Lacag.

Macallimiinta dhigaysa waxa kamida : Sheekh Yaxye Y. Omar, Sheekh Ahmed Dhagaxtuur, Sheekh Abdulaziz Oogle, Sheekh Abdifatah. Waxa kale oo koorsadan lagu macsuumayaa dad waayo arag ah oo khibrad u leh arrimaha qoyska kuwaasoo isugu jira niman iyo gabdhaba.

Halkan iska Diiwaangali:

Hadii aad ku qanacsantahay koorsadan oo aad akhrisatay macluumaadka xaga sare ku qoran iska diiwaangali halkan, adigoo noo reebaya magacaaga oo sadexan, telefoonkaaga, iyo fasalka aad rabto inaad ku biirto. Kadibna waxa kulasoo xiriiraya macalimiinta bixinaysa koorsadan.

Koorsada Guurka