Waa maxay Kolestaroolku?

Kolestaroolku waa shay dufan ah oo jirku u baahanyahay inuu adeegsado, waxaana loo isticmaalaa si loo dhiso unugyada jirka iyo hormoonada. Waxaa lagu sameeyaa beerka sidoo kale waxa laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha sida, hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga. Kolostaroolka kacsan waxa lagu kaydiyaa xididada dhiiga taas oo keenta in wadada xididadu cidhiidhi noqdaan, kadibna horseeda in xabadku ku xanuunuo ama wadnuhu ku xanuuno (Angina). Hadii xididada dhiigu xirmaan waxay keentaa wadno qabad (heart attack).

Picture70

Waxa jira noocyo kala duwan oo koletaroola sida kolestaroolka LDL, kalostaroolka HDL iyo Triglycerides. Hadii uu kacsanyahay kolestaroolka LDL oo loo yaqaano kolestaroolka “xun” waxa uu keenaa in dufanku isku kaydiyaan xididada dhiiga kuwaas oo awda wadada dhiiga, mudo kadibna sababa xanuunada wadnaha sida, wadno qabad, faalig iyo wareega dhiiga oo xumaada. Hadii uu kacsanyahay kolestaroolka HDL oo loo yaqaano kolestaroolka “fiican” waxa uu meesha ka saaraa kolestaroolka xun ee dhibaatooyinka keena.

Calaamadaha:-

Kolestaroolka kacsan malaha calaamado muuqda sidaa darteed ayaa la dhahaa waa “dilaaga aamusan”, hase ahaatee waxa uu keenaa cuduro badan. Dadka qaar waxa ka muuqda nabaro midabkoodu yahay cadaan iyo jaale agagaarka indhaha laakiin waa naadir.

Maxaa keena Kolestaroolka kacsan?

Kolestaroolka kacsan waxa inta badan keena waa hiddo ama dhaxal, hadii waalidkaa qabo kolestarool waxa sare u kacaya fursada uu adigana ku asiibi karo. Waxa kale oo keena cuntooyinka dufanku ku badanyihiin sida “fast foods”, jimicsi la’aanta iyo xanuuno kale.

mcd

Baadhitaanka iyo Daawaynta:-

Qof kasta oo ka wayn 20 sano waa inuu baadhaa heerka kolestaroolka dhiigiisa ugu yaraan shantii sanoba mar. Dhakhtarku waxa uu kaa qaadayaa dhiig loo yaqaano “The lipoprotein profile” kaas oo qiimaynaya heerka kolestaroolka kacsan. Dhakhtarku waxa kale oo uu ku waydiinayaa caafimaadkaaga guud, sidoo kale waxa uu cabirayaa garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiiga.

Hadii kolestaroolku kacsanyahay oo aad halis ugu jirto wadno xanuun waxa dhakhtarku kuu qorayaa dawooyin iyo inaad noloshaada wax ka badasho.

Toban su’aalood oo muhiima  inaad waydiiso dhakhtarkaaga:-

  • Waa maxay halista kolestaroolka kacsan? Dhibaatooyin ma keeni karaan?
  • Maxaa sababay in kolestaroolku sare u kcao?
  • Ma jiraa waxyaalo aan guriga ku sameeyo si aan u dhimo kolestaroolka kacsan?
  • Ma waajibaa inaan qaato daawada?
  • Siday daawadu u shaqeysaa?
  • Daawadu miyey dhibaatooyin kale igu keeni kartaa?
  • Maxaan sameeyaa si aan u jimicsadu?
  • Ma jiraa meelo aan ka baran karo macluumaad dheeri ah si aan ula noolaado kolestaroolka kacsan?
  • Cuntadee ayaa cuunaa? Cuntadee ayaan iska daayaa?

Maxaan sameeyaa si aan u dhimo heerka kolestaroolka kacsan.

  • La tasho dhakhtarkaaga:- waxa uu kaa caawinayaa inaad qorshaysaan cuntooyinka u wanaagsan caafimaadkaaga iyo jimicsiga kugu haboon.
  • Dawooyinka u qaado sida laguugu soo qoray.
  • Jimicsi samee:- 30 daqiiqo oo maalintii aad jimcsato waxa uu dhimayaa miisaanka saa’idka ah, xadiga kolestaroolka iyo dhiig karka.
  • Isticmaal saliidaha caafimaadka u wanaagsan sida saliida kaluunka ama krill oil .
  • Cun cuntooyinka wanaagsan sida kuwan halkan ku sawiran.

oatmeal walnut salmon sardines tofu

Daawo casiir faa’ido badan leh oo ku anfacaya, sidoo kalana dhimaya kolestaroolka kacsan