Tusmo

Kitaabka Arbaciinka (Afartanka Xadiisk) oo ku qoran Afsoomaali

Hadaad rabto inaad akhrisato ama aad lasoo dagto kitaabka oo PDF ah, waxaadaa halkan https://gaaldiid.com/Xogta/arbaciinka-nawawi-oo-ku-qoran-afsoomaali/

Xadiiska 1aad ” Camalada saldhigoodu waa Niyada”

عَنْ أَمِيرِ الْمُؤْمِنِينَ أَبِي حَفْصٍ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ” إنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوْ امْرَأَةٍ يَنْكِحُهَا فَهِجْرَتُهُ إلَى مَا هَاجَرَ إلَيْهِ”.

رَوَاهُ إِمَامَا الْمُحَدِّثِينَ أَبُو عَبْدِ اللهِ مُحَمَّدُ بنُ إِسْمَاعِيل بن إِبْرَاهِيم بن الْمُغِيرَة بن بَرْدِزبَه الْبُخَارِيُّ الْجُعْفِيُّ [رقم:1]، وَأَبُو الْحُسَيْنِ مُسْلِمٌ بنُ الْحَجَّاج بن مُسْلِم الْقُشَيْرِيُّ النَّيْسَابُورِيُّ [رقم:1907] رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا فِي “صَحِيحَيْهِمَا” اللذِينِ هُمَا أَصَحُّ الْكُتُبِ الْمُصَنَّفَةِ.

Amiirkii mu’miniinta (aabihii Xafsa) ee Cumar ibnu Khadaab (Rc) waxa laga wariyey inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Camalada saldhigoodu waa niyada, qof kastana wuxuu leeyahay wuxuu niyoodo. Qofkii u hijrooda xaga Ilaahay iyo rasuulkiisa, hijradiisu waa xaga Ilaahay iyo rasuulkiisa. Qofkiise u hjirooday si uu aduunyo u helo ama gabadh inuu guursado, hijradiisu waa wixii uu u hijrooday.”

Waxa soo saaray (xadiiskan) labada muxadisiinta (dadka xadiiska wariya) imaamka u ah (hogaaminaya) waa Abu Cabdilaahi Muxamed binu Ismaaciil binu Ibraahiim binu Muqiira binu Bardizabah Al-Bukhaari Al-Jucfi. [xadiiska 1aad] iyo Abu Xuseen Muslim binu Xajaaj binu Muslim Al-Qushayriyyu Al-Niisaabuuriyyu. [Xadiiska 1907] Ilaahay raali haka ahaadee, waxay kusoo saareen saxiixyadooda (labadooda kitab) oo ah labada kitaab ee ugu saxiixsan kutubta sunnada (lagu diiwaangaliyey xadiiska)

Xadiiska 2aad “Jibriil oo soo dagay si uu muslimiinta u baro diintooda”

عَنْ عُمَرَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا قَالَ: ” بَيْنَمَا نَحْنُ جُلُوسٌ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ ذَاتَ يَوْمٍ، إذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ سَوَادِ الشَّعْرِ، لَا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلَا يَعْرِفُهُ مِنَّا أَحَدٌ. حَتَّى جَلَسَ إلَى النَّبِيِّ r . فَأَسْنَدَ رُكْبَتَيْهِ إلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخْذَيْهِ، وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ أَخْبِرْنِي عَنْ الْإِسْلَامِ. فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ الْإِسْلَامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَتُقِيمَ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إنْ اسْتَطَعْت إلَيْهِ سَبِيلًا. قَالَ: صَدَقْت . فَعَجِبْنَا لَهُ يَسْأَلُهُ وَيُصَدِّقُهُ! قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِيمَانِ. قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاَللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ. قَالَ: صَدَقْت. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِحْسَانِ. قَالَ: أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّك تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاك. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ السَّاعَةِ. قَالَ: مَا الْمَسْئُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنْ السَّائِلِ. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَاتِهَا؟ قَالَ: أَنْ تَلِدَ الْأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ. ثُمَّ انْطَلَقَ، فَلَبِثْنَا مَلِيًّا، ثُمَّ قَالَ: يَا عُمَرُ أَتَدْرِي مَنْ السَّائِلُ؟. قَلَتْ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. قَالَ: فَإِنَّهُ جِبْرِيلُ أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ دِينَكُمْ “. رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:8]  .

Cumar (Rc) waxa kale oo laga wariyey inuu yiri: “Anagoo fadhina maalin rasuulka Ilaahay (ﷺ) agtiisa, ayaa waxa nagusoo baxay nin dharkiisu aad u cadyihiin, timihiisuna aad u madowyihiin, oo aan laga arkaynin raadkii safarka oo qof naga mid ahna aanu garanaynin, illamaa uu fadhiistay xagii nabigii Ilaahay (r) (hortiisa), jilbihiisana wuxuu ku tiiriyey jilbiha (nabiga), gacmihiisana wuxuu saaray bawdadiisa, wuxuuna yiri: Muxamedow iiga warran islaamka? Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (ﷺ): “islaamku waa inaad qirto in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee iyo in Muxamed yahay rasuulkii Ilaahay, iyo inaad oogto (tukato) salaada, zakadana aad bixiso, ramadaankana aad soomto iyo inaad soo gudato xajka hadii aad awoodo” wuxuu yiri (ninkii): runbaad sheegtay, waanan la yaabnay isaga, oo wuu waydiinayaa waanu rumaynayaa! Wuxuu yiri: iiga warran iimaanka? Wuxuu yiri: waa inaad rumayso Ilaahay, malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta Aakhiro iyo qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka ahba” wuxuu yiri (ninkii): runbaad sheegtay. Wuxuu yiri: iiga warran ixsaanka (samo falka)? Wuxuu yiri: “waa inaad Ilaahay u caabudaa sidii aad arkayso, hadii aanad arkaynina isaga ayaa ku arkaya” wuxuu yiri: iiga warran saacada (qayaamada)? Wuxuu yiri: “kan wax la waydiinayo (nabigu) ugama aqoon badna ka wax su’aalaya (ninkii). Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaheeda? Wuxuu yiri: “waa in adoomadu (gabadha adoomada ah) ay dhasho sayidkeeda (hooyo dhalaysa nin adoonsanaya) iyo inaad aragto dadkii kabaha la’aa ee qaawanaa ee saboolka ahaa ee adhiga raaci jiray oo ku baratamaya dherarka dhismayaasha” kadibna wuu baxay (ninkii). Waxaan joognay mudo (dheer), wuxuuna yiri (nabigu): “Cumarow, ma garanaysaa ninka su’aasha waydiinayey? Waxaan dhahay: Ilaahay iyo rasuulkiisa og. Wuxuu yiri: “Isagu waa Jibriil oo u yimid si uu diintana idiin baro” [1]

Xadiiska 3aad “Tiirarka Islaamku waa Shan”

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: ” بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:8]، وَمُسْلِمٌ [رقم:16].

Waxa laga wariyey Abi Cabdiraxmaan oo ah Cabdilaahi ibnu Cumar ibnu Khadaab, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “Islaamka waxa lagu dhisay shan (tiir): in la qiro in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee iyo in Muxamed yahay rasuulkii Ilaahay, salaadana la oogo (la tukado), zakadana la bixiyo, baytka (xaramka) lagu xajo iyo in la soomo Ramadaan”[2]

Xadiiska 4aad: “Qadarka”

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ -وَهُوَ الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: “إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ، وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا”. رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:3208]، وَمُسْلِمٌ [رقم:2643].

Waxa laga wariyey Abi Cabdiraxmaan oo ah Cabdilaahi binu Mascuud (Rc) inuu yiri: waxa noo warramay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) – waana runloowe runta sheegaya- “Midkiin waxa lagu ururiyaa abuuridiisa caloosha hooyadii, afartan maalmood waa candhuuf (dhibic mani ah), markaana wuxuu noqdaa calaqo (xinjir dhiiga) intaasoo kale (afartan maalmood), markaana wuxuu noqdaa mudhqo (waslada hiliba oo la moodo in la calaaliyey) intaasoo kale (afartan maalmood),  kadibna waxa loo soo diraa malagii oo ku afuufa ruuxda, waxa la faraa afar weedhood: inuu qoro risqigiisa (wuxuu aduunka ku cunayay), ajashiisa (cimrigiisa aduunyada uu ku noolaanayo), camalkiisa (wuxuu shaqaysan doono) iyo inuu hoogi doono ama inuu guulaysan doono (khaatumadiisa hadii ay xuntahay iyo hadii ay wanaagsantahayba), Ilaahbaan ku dhaartay -Ilaahaas- oo aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo isaga mooyee, midkiin wuxuu camal falayaa (la imanayaa) camalka ehelka jannada illamaa ay ahaato isaga iyo jannada waxa u dhaxeeyaa hal dhudhun (inuu jannada galo uu aad ugu dhowaado) ayaa waxa ka hormaraya kitaabkii (la qoray), wuxuuna la imanayaa camalka ehelka naarta waanu galayaa (sababtuna waa xumaan ku jirtay qalbigiisa, Ilaahayna qalbiyada ayuu daalacdaa), midkiina wuxuu la imanayaa camalka ehelka naarta illamaa ay ahaato isaga iyo naarta waxa u dhaxeeyaa hal dhudhun (naarta inuu galo ayuu aad ugu dhowaaday) waxa ka hormaraya kitaabkii (la qoray) wuxuuna la imanayaa camalka ehelka jannada waanu galayaa.[3]

Xadiiska 5aad: ”Halista ay leedahay bidcadu”

Bidcaduna waa in diinta lagusoo daro wax Ilaahay iyo rasuulkiisuba aanay dadka farin.

عَنْ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أُمِّ عَبْدِ اللَّهِ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا، قَالَتْ: قَالَ: رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ”. رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:2697]، وَمُسْلِمٌ [رقم:1718].

وَفِي رِوَايَةٍ لِمُسْلِمٍ:”مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ” .

Waxa laga wariyey hooyadii mu’miniinta Umu Cabdilaahi oo ah Caasha Ilaaha raali haka ahaadee inay tiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Qofka kusoo dara amarkeena (diinteena) oo tan ah (islaamka) waxaan ku jirin (aan wadanin daliil) waa lagu celinayaa (lagama aqbalayo)”[4]

Riwaayo kale oo Muslim soo wariyey waxay leedahay:

“Qofkii la yimaada camal aan ahayn amarkeena (wax Ilaahay iyo rasuulkiisu ay dadka amreen) waa lagu celinayaa (lagama aqbalayo)”

Xadiiska 6aad: “Xalaasha iyo xaaraantuba way cadyihiin”

عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَّا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَّا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ”. رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:52]، وَمُسْلِمٌ [رقم:1599].

Waxa laga wariyey Abi Cabdilaahi oo ah Nucmaan binu Bashiir Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxa u dhaxeeyana umuuro is shabaha (ismoodsiin) oo aan dad badan ogayn, cidii ka fogaata ismoodsiinta (waxyaalihii is shabahaya ee aanu garanayn ma xalaalbaa mise waa xaaraan)  wuxuu la bari noqday (ubadbaaday) diintiisii iyo sharaftiisiiba, qofkiise ku dhaca waxyaalhii is shabahayey wuxuu ku dhacay xaaraan, waa sida nin adhi ku raacaya meel seer ah (dhul xidhan oo doog iyo cagaarba ka baxo) oo ay ku dhowdahay inay daaqaan (adhigu markuu arko doogii wuuu ku daadanayaa waanu cunayaa), hooy! Boqor kasta wuxuu leeyahay seer (xuduud aan loo soo dhowaan), seeraha Ilaahayna waa wixii uu xarrimay, hooy! Jidhka waxa ku jirta waslad (hiliba) hadii ay hagaagto waxa hagaagaya jidhka oo dhan, hadii ay xumaatana waxa xumaanaya jidhka oo dhan, waar hooyaay! Waa Qalbiga.”[5]

Xadiiska 7aad: “Diintu waa nasteexo”

عَنْ أَبِي رُقَيَّةَ تَمِيمِ بْنِ أَوْسٍ الدَّارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: “الدِّينُ النَّصِيحَةُ. قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ لِلَّهِ، وَلِكِتَابِهِ، وَلِرَسُولِهِ، وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ” .

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم: 55].

Waxa laga wariyey Abi Ruqayyah oo ah Tamiim ibnu Aws Al-Daariyyi (Rc) in nabigu (ﷺ ) yiri: “Diintu waa nasteexo” waxaan dhahnay: yay ka tahay? Wuxuu yiri: Ilaahay, kitaabkiisa, rasuulkiisa, madaxda muslimiinta iyo dhamaan muslimiinta oo dhan”[6]

 

 Xadiiska 8aad: “Waxa la i faray inaan la diriro”

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “أُمِرْت أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ؛ فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إلَّا بِحَقِّ الْإِسْلَامِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى” .

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:25]، وَمُسْلِمٌ [رقم:22].

Waxa laga wariyey Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, in rasuulkii Ilaahay (ﷺ) yiri: “waxa la ifaray inaan la diriro dadka illamaa ay ka qirayaan in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee iyo in Muxamed yahay rasuulkii Ilaahay iyo inay tukadaan salaada iyo inay bixiyaan zakada, hadii ay sidaa yeelaan waxay iga ilaashteen dhiigoodii iyo xoolahoodiiba marka laga reebo xaqa islaamka (sida qisaasta in qofkii qof dilay loo dilo), xisaabtooduna Ilaaha sarreeya ayay u taalaa”[7]

Xadiiska 9aad: “Wixii aan idinka reebay ka fogaada”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍرَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ “.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:7288]، وَمُسْلِمٌ [رقم:1337].

Waxa laga wariyey Abihurayra oo ah Cabdiraxmaan binu Sakhar (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu leeyahay: “wixii aan idinka reebay ka fogaada, wixii aan idin farayna la yimaada intaad awoodaan, waxa un halaagay kuwii idin horreeyay (Yahuuda iyo Nasaarada) su’aashooda badan iyo inay khilaafeen nabiyadoodii”[8]

Xadiiska 10aad: “sababta ducada loo aqbali waayay”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “إنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إلَّا طَيِّبًا، وَإِنَّ اللَّهَ أَمَرَ الْمُؤْمِنِينَ بِمَا أَمَرَ بِهِ الْمُرْسَلِينَ فَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنْ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا”، وَقَالَ تَعَالَى: “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ” ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ يَمُدُّ يَدَيْهِ إلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ! يَا رَبِّ! وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ، وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ، وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ، وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ، فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لَهُ؟”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:1015].

Abihurayra waxa laga wariyey (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Ilaahay wuu wanaagsanyahay (xumaan oo dhan ayuu ka hufanyahay), mana aqbalo wax aan wanaagsanayn (camal iyo qawl xun), Ilaahayna wuxuu faray mu’miniinta wixii uu faray rususha, wuxuuna yiri Ilaaha sarreeyaa: “Rusuleey cuna wixii wanaagsan lana yimaada camal saalixa” waxa kale oo Ilaaha sarreeyaa yiri: “Kuwa Ilaahay rumeeyow cuna wixii wanaagsan ee aan idinku arsaaqnay” kadibna wuxuu ka warramay nin safarka dheereeyey (safarkuna wuxuu kamid yahay asbaabta ducada lagu aqbalo), oo timihiisa basaas ka muuqato iyo boodh, wuxuu gacmihiisa sare ugu qaaday xaga samada (isagoo leh): Rabbiyoow! Rabbiyoow! Cuntadiisuna waa xaaraan, cabitaankiisuna waa xaaraan, dharkiisuna waa xaaraan, wuxuu ku qadeeyeyna waa xaaraan, side looga ajiibayaa? (way fogtahay in laga ajiibo ducadiisa maadaam uu xaaraan cunay).

Xadiiska 11aad: “ka tag wixii ku shaki galiya”

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ الْحَسَنِ بْنِ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ سِبْطِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ وَرَيْحَانَتِهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: حَفِظْت مِنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ “دَعْ مَا يُرِيبُك إلَى مَا لَا يُرِيبُك”.

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2520]، وَالنَّسَائِيّ [رقم: 5711]، وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Abi Muxamed oo ah Xasan binu Cali binu Abi Daalib wiilkuu awoowga u ahaa rasuulkii Ilaahay (ﷺ) iyo indho doogsigiisaba, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, wuxuu yiri: waxaan ka xifdiyey rasuulkii Ilaahay (ﷺ): “uga tag wixii ku shaki galiya wax aan ku shaki galinayn”[10]

Xadiiska 12aad: “iskaga tag wii aan dani kuu jirin”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَرَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “مِنْ حُسْنِ إسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم: 2318] ، ابن ماجه [رقم:3976].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “qofka wanaaga islaamnimadiisa waxa kamida inuu ka tago waxaan dan ugu jirin”[11]

Xadiiska 13aad: “waxaad naftaada la jeceshahay la jeclow walaalkaa”

عَنْ أَبِي حَمْزَةَ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ خَادِمِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:13]، وَمُسْلِمٌ [رقم:45].

Waxa laga wariyey Abi Xamse oo ah Anas binu Maalik (Rc) adeegihii rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu ka wariyey nabiga (ﷺ) inuu yiri: “Midkiin ma rumaynin  (iimaankiisu ma u dhamaystirna) illamaa uu la jeclaado walaalkii wuxuu naftiisa la jecelyahay”[12]

Xadiiska 14aad: “Dhiiga muslimku waa xaaraan”

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يشهد أن لا إله إلا الله، وأني رسول الله] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6878]، وَمُسْلِمٌ [رقم:1676].

Waxa laga wariyey Ibnu Mascuud (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Ma banana dhiig qof muslim [oo qiraya in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee iyo inaan ahay rasuulkii Ilaahay] marka laga reebo sadex, qof guur hore soo maray oo zinaystay, naftii naf dishay (qisaasta) iyo kan ka ridoobay diintiisa ee ka tagay jamaacada (qof gaaloobay).”[13]

Xadiiska 15aad: “khayr ku hadal ama iska aamus”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6018]، وَمُسْلِمٌ [رقم:47].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rt) in rasuulkii Ilaahay (ﷺ) uu yiri: “qofkii rumaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro haku hadlo hadal khayra ama ha aamuso, qofkii rumaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro ha wanaajiyo dariskiisa, qofkii rumaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro ha wanaajiyo martidiisa”[14]

Xadiiksa 16aad: “ha cadhoonin”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنْ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ ﷺ أَوْصِنِي. قَالَ: لَا تَغْضَبْ، فَرَدَّدَ مِرَارًا، قَالَ: لَا تَغْضَبْ”

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6116].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) in nin ku dhahay nabiga (ﷺ) ii dardaaran, wuxuu yiri: “Ha cadhoonin” marar badan ayuu ku celceliye, wuxuu yiri: “ha cadhoonin”[15]

 Xadiiska 17aad: “Xoolaha u naxariista”

عَنْ أَبِي يَعْلَى شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذِّبْحَةَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، وَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:1955].

Waxa laga wariyey Abi Yaclaa oo ah Shaddaad binu Aws (Rc) inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (ﷺ) inuu yiri: “Ilaahay wuxuu qoray in loo samo falo shay kasta, hadaad wax dilaysaan hagaajiya dilka, hadaad wax gawracdaana hagaajiya gawraca, hana soofeeyo midkiin mindidiisa (af ha u yeelo ) oo ha u raaxeeyo neefkiisa (si aan nafta loogu dhibin waa in mindidu ay af leedahay)”[16]

Xadiiska 18aad: “ilaahay ka cabso meel kasta ood joogto”

عَنْ أَبِي ذَرٍّ جُنْدَبِ بْنِ جُنَادَةَ، وَأَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْت، وَأَتْبِعْ السَّيِّئَةَ الْحَسَنَةَ تَمْحُهَا، وَخَالِقْ النَّاسَ بِخُلُقٍ حَسَنٍ” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:1987] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ، وَفِي بَعْضِ النُّسَخِ: حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Abi Darr oo ah Jundub ibnu Janaadah iyo Abi Cabdiraxmaan oo ah Mucaad binu Jabal, Ilaahay haka raali noqdee, inay kasoo wariyeen rasuulkii Ilaahay (ﷺ) inuu yiri: “Ilaahay ka cabso meel kasta ood joogto, xumaantana raaci wanaag ayadaa tirtiraysee (toobad keen oo khayrna la imo), dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan”[17]

Xadiiska 19aad: “Ilaahay ilaali haku ilaaliyee”

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: “كُنْت خَلْفَ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ يَوْمًا، فَقَالَ: يَا غُلَامِ! إنِّي أُعَلِّمُك كَلِمَاتٍ: احْفَظْ اللَّهَ يَحْفَظْك، احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَك، إذَا سَأَلْت فَاسْأَلْ اللَّهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْت فَاسْتَعِنْ بِاَللَّهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوك بِشَيْءٍ لَمْ يَنْفَعُوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَك، وَإِنْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوك بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْك؛ رُفِعَتْ الْأَقْلَامُ، وَجَفَّتْ الصُّحُفُ” . رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2516] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

وَفِي رِوَايَةِ غَيْرِ التِّرْمِذِيِّ: “احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ أمامك، تَعَرَّفْ إلَى اللَّهِ فِي الرَّخَاءِ يَعْرِفُك فِي الشِّدَّةِ، وَاعْلَمْ أَنَّ مَا أَخْطَأَك لَمْ يَكُنْ لِيُصِيبَك، وَمَا أَصَابَك لَمْ يَكُنْ لِيُخْطِئَك، وَاعْلَمْ أَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ، وَأَنْ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا”.

Waxa laga wariyey Cabdilaahi binu Cabbaas, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, wuxuu yiri: “Maalin anigoo ka danbeeya rasuulka Ilaahay (ﷺ ) ayuu yiri: “Wiilyahow! Waxaan ku barayaa kalmado: Ilaahay ilaali (diintiisa) haku ilaaliyee (dhibaatooyinka hakaa ilaaliyee), Ilaahay ilaali waxaad ka helaysaa hortaadee (wuxuu ku tusayaa Ilaahay khayr oo dhan), markaad wax waydiisato Ilaahay (kalidii) wax waydiiso, markaad kaalmo u baahato Ilaahay waydiiso kaalmo, ogsoonowna hadii ummada (oo dhan ka u horreeya ilaa ka u danbeeya) haday isu tagaan si ay wax kuu taraan (waxtar kuu gaystaan) waxba kuuma tarayaan marka laga reebo wixii Ilaahay kuu qoray, hadii ay isu tagaan si ay dhibaato kuugu gaystaan kuma dhibayaan marka laga reebo wixii Ilaahay kuu qoray, qalimadii sare ayaa loo qaaday, kutubtiina way egagtay”[18]

Riwaayo kale oo Tirmadi aanu warinin waxay leedahay:

”Ilaahay ilaali hortaadaad ka helaysaa, Ilaahay ogsoonow (xaqiisa) xaalada barwaaqada, wuxuu ku ogaanaya (ku caawinaya) xaalada dhibaatada, ogsoonow wixii aan ku haleelin kugumuu dhici lahayn, waxa ku haleelayna kaamu gafaynin (wixii kugu dhacay ee masiibo lama celin karo oo waa laguu qoray), ogsoonow guushu waxay la jirtaa samirka (waa inaad samirtaa si aad u guulaysato), dhibtana waxa la socota faraj (dhibtu way dhamaanaysaa), culayskana waxa la socda fudayd”

Xadiiksa 20aad: “hadaanad xishoonayn waxaad doonto samee”

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت” .

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:3483].

Waxa laga wariyey ibnu Mascuud oo ah Cuqbah ibnu Camru Al-ansaariyy Al-bdriyyu (Rc) inuu yir: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “dadka waxa kasoo gaadhay hadalkii nabiyadii hore: hadaanad xishoonayn waxaad rabto samee”[19]

Xadiiska 21aad: “Ilaahay rumee kuna toosnow”

عَنْ أَبِي عَمْرٍو وَقِيلَ: أَبِي عَمْرَةَ سُفْيَانَ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: “قُلْت: يَا رَسُولَ اللَّهِ! قُلْ لِي فِي الْإِسْلَامِ قَوْلًا لَا أَسْأَلُ عَنْهُ أَحَدًا غَيْرَك؛ قَالَ: قُلْ: آمَنْت بِاَللَّهِ ثُمَّ اسْتَقِمْ” .

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:38].

Waxa laga wariyey Abi Camru, waxa kale oo la yiri Abi Camarata oo ah Sufyaan binu Cabdilaahi (Rc) inuu yiri: waxaan dhahay: rasuulkii Ilaahayow! Islaamka iiga sheeg hadal aanan waydiinin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: “waxaad dhahdaa: Ilaahbaan rumeeyey kadibna ku toosnow”[20]

Xadiiska 22aad: “salaada iyo soomka iyo xalaasha jannada lagu lagaa”

عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ الْأَنْصَارِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا: “أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ فَقَالَ: أَرَأَيْت إذَا صَلَّيْت الْمَكْتُوبَاتِ، وَصُمْت رَمَضَانَ، وَأَحْلَلْت الْحَلَالَ، وَحَرَّمْت الْحَرَامَ، وَلَمْ أَزِدْ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا؛ أَأَدْخُلُ الْجَنَّةَ؟ قَالَ: نَعَمْ”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:15].

Waxa laga wariyey Abi Cabdilaahi Jaabir binu Cabdilaah Al-ansaari, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee: Nin ayaa waydiiyey rasuulkii Ilaahay (ﷺ ) oo yiri: ka warran hadii aan tukado faralka (shanta salaadood), oo aan soomo Ramadaan oo aan xalaashado xalaasha oo aan xarrimo xaaraanta oo aanan waxna ku kordhin, janna ma galayaa? Wuxuu yiri: “Haa”[21]

Xadiiska 23aad: “dahaaradu waa iimaanka badhkeed”

عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْحَارِثِ بْنِ عَاصِمٍ الْأَشْعَرِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “الطَّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَآنِ -أَوْ: تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَك أَوْ عَلَيْك، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَائِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:223].

Waxa laga wariyey Abi Maalik oo ah Xaarith binu Caasim Al-ashcariyy (Rc) wuxuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Dahaaradu (is nadiifintu) waa iimaanka badhkeed, Alxamdulilaah (Ilaahaybaa mahad iska leh) waxay buuxisaa miisaanka, subxaana Allah (Ilaahaybaa xumaan ka dheer) iyo alxamdulilaah waxay buuxiyaan ama waxay buuxisaa samada iyo dhulka inta u dhaxaysa, salaaduna waa nuur, sadaqaduna waa xujo (daliil ayay u tahay in qofka wax bixinayaa iimaan leeyahay) samirkuna waa ilays, quraankuna xujo ayuu kuu yahay (markaad ku dhaqanto) ama adiguu xujo kugu yahay (markaad dayacdo), qof kasta wuu kallahaa (jirmaadaa) oo naftiisana wuu iibiyaa (camalo ayuu la yimaadaa) ama wuu xoreeya (markuu camal fiican la yimaado) ama wuu halaagaa (markuu camal xun la yimaado)”[22]

Xadiiska 24aad: “Dulmigu waa xaaraan”

عَنْ أَبِي ذَرٍّ الْغِفَارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى، أَنَّهُ قَالَ: “يَا عِبَادِي: إنِّي حَرَّمْت الظُّلْمَ عَلَى نَفْسِي، وَجَعَلْته بَيْنَكُمْ مُحَرَّمًا؛ فَلَا تَظَالَمُوا. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ ضَالٌّ إلَّا مَنْ هَدَيْته، فَاسْتَهْدُونِي أَهْدِكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ جَائِعٌ إلَّا مَنْ أَطْعَمْته، فَاسْتَطْعِمُونِي أُطْعِمْكُمْ. يَا عِبَادِي! كُلُّكُمْ عَارٍ إلَّا مَنْ كَسَوْته، فَاسْتَكْسُونِي أَكْسُكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ تُخْطِئُونَ بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ، وَأَنَا أَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا؛ فَاسْتَغْفِرُونِي أَغْفِرْ لَكُمْ. يَا عِبَادِي! إنَّكُمْ لَنْ تَبْلُغُوا ضُرِّي فَتَضُرُّونِي، وَلَنْ تَبْلُغُوا نَفْعِي فَتَنْفَعُونِي. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَتْقَى قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا زَادَ ذَلِكَ فِي مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ كَانُوا عَلَى أَفْجَرِ قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِنْ مُلْكِي شَيْئًا. يَا عِبَادِي! لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ قَامُوا فِي صَعِيدٍ وَاحِدٍ، فَسَأَلُونِي، فَأَعْطَيْت كُلَّ وَاحِدٍ مَسْأَلَته، مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِمَّا عِنْدِي إلَّا كَمَا يَنْقُصُ الْمِخْيَطُ إذَا أُدْخِلَ الْبَحْرَ. يَا عِبَادِي! إنَّمَا هِيَ أَعْمَالُكُمْ أُحْصِيهَا لَكُمْ، ثُمَّ أُوَفِّيكُمْ إيَّاهَا؛ فَمَنْ وَجَدَ خَيْرًا فَلْيَحْمَدْ اللَّهَ، وَمَنْ وَجَدَ غَيْرَ ذَلِكَ فَلَا يَلُومَن إلَّا نَفْسَهُ”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:2577].

Waxa laga wariyey Abi Darr Al-Qifaariyy (Rc) inuu kasoo wariyey nabiga (ﷺ ) wixii uu kasoo wariyey rabbigiisa barkada badan ee sarreeyaa, wuxuuna yiri: “Adoomadaydow: anigu dulmiga naftayda waan ka xarrimay, idinkana dhexdiina waxaan ka yeelay xaaraan ee ha is dulminina. Adoomadaydoow! Dhamaantiin waad lunsantihiin qofkii aan hanuuniyo mooye ee hanuun i waydiista aan idin hanuuniyee. Adoomadaydoow! Dhamaantiin waad gaajoonaysaan qofkii aan quudiyo mooyee, ee i waydiista cunto aan idin quudiyee. Adoomadaydoow! Dhamaantiin waad qaawantihiin qofkii aan dhar u galiyo mooyee, ee i waydiista aan dhar idiin galiyee. Adoomadaydoow! Idinku waad danbaabtaan habeen iyo maalinba, aniguna danbiyada oo dhan waan dhaafaa ee danbi dhaaf i waydiista aan idiin danbi dhaafee. Adoomadaydoow! Ma ii gaysn kartaa dhib, mana ii gaysan kartaa dheef (waxtar). Adoomadaydoow! Hadii kiina u horreeya iyo ka u danbeeya, insigiina iyo jinkiinuba aad leedihiin qalbiga ka idiinku Alla cabsiga badan, waxba kuma kordhinayso mulkigayga. Adoomadaydoow! Hadii kiina u horreeya iyo ka u danbeeya, insigiina iyo jinkiinuba aad leedihiin qalbiga ka idiinku xun, waxba kama dhimayso mulkigayga. Adoomadaydoow! Hadii kiina u horreeya iyo ka u danbeeya, insigiina iyo jinkiinuba aad istaagtaan hal wado (jid) oo ay i waydiistaan (baahiyahooda) oo aan mid kasta siiyo su’aashiisa, waxba kama dhimayso waxa agtayda ahaaday (oo mulkiya) marka laga reebo irbadu waxay ka nuqsaamiso (biyaha) marka badda la galiyo. Adoomadaydoow! Waxa un weeye camaladiinii oo aan idiin koobay (waxna lagu darin, waxna laga jarin) kadibna aan idiin oofiyey, qofkii khayr ka helana ha u mahadnaqo Ilaahay, qofkii aan helin wax (aan khayr ahayn) yaanu canaananin cid aan naftiisa ahayn”[23]

Xadiiska 25aad: “Fadliga Tasbiixda iyo Taxmiida”

عَنْ أَبِي ذَرٍّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا، “أَنَّ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَالُوا لِلنَّبِيِّ ﷺ يَا رَسُولَ اللَّهِ ذَهَبَ أَهْلُ الدُّثُورِ بِالْأُجُورِ؛ يُصَلُّونَ كَمَا نُصَلِّي، وَيَصُومُونَ كَمَا نَصُومُ، وَيَتَصَدَّقُونَ بِفُضُولِ أَمْوَالِهِمْ. قَالَ: أَوَلَيْسَ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ مَا تَصَّدَّقُونَ؟ إنَّ بِكُلِّ تَسْبِيحَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَكْبِيرَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَحْمِيدَةٍ صَدَقَةً، وَكُلِّ تَهْلِيلَةٍ صَدَقَةً، وَأَمْرٌ بِمَعْرُوفٍ صَدَقَةٌ، وَنَهْيٌ عَنْ مُنْكَرٍ صَدَقَةٌ، وَفِي بُضْعِ أَحَدِكُمْ صَدَقَةٌ. قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَيَأْتِي أَحَدُنَا شَهْوَتَهُ وَيَكُونُ لَهُ فِيهَا أَجْرٌ؟ قَالَ: أَرَأَيْتُمْ لَوْ وَضَعَهَا فِي حَرَامٍ أَكَانَ عَلَيْهِ وِزْرٌ؟ فَكَذَلِكَ إذَا وَضَعَهَا فِي الْحَلَالِ، كَانَ لَهُ أَجْرٌ”. رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:1006].

Waxa laga wariyey Abd Darr (Rc) sidoo kale: in dad kamida saxaabadii rasuulkii Ilaahay (ﷺ) ay ku dhaheen nabiga (ﷺ): rasuulkii Ilaahayow dadkii xoolaha haystay ayaa la tagay ajarkii, way tukadaan sidaan u tukano, wayna soomaan sidaan u soomno, waxayna sadaqaystaan xoolahooda. Wuxuu yiri: “Ilaahay miyaanu idiin yeelin wax aad sadaqaysataan? Tasxbiix (subxaana Allah) kasta waa sadaqo, takbiir (Allahu Akbar) kasta waa sadaqo, taxmiid (Alxamdulilaah) kasta waa sadaqo, tahiil (laa ilaaha ilaa Allah) kasta waa sadaqo, wanaaga oo aad fartaa waa sadaqo, xumaanta ood reebtaa waa sadaqo, midkiin (ehelkiisa markuu ugu tago xiriir gogoleed) waa sadaqo” waxay dhaheen: rasuulkii Ilaahayow, oo midkaayo ma wuxuu gudanayaa shahwadiisa oo ma wuxuu helayaa ajar? Wuxuu yiri: “ka warrama haduu xaaraan dhigi lahaa ma danbibuu gali lahaa? Waa sidaas oo kale markuu xalaal dhigay, wuxuu helayaa ajar”[24]

Xadiiska 26aad: “Ereyga wanaagsan waa sadaqo”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “كُلُّ سُلَامَى مِنْ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ تَعْدِلُ بَيْنَ اثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَتُعِينُ الرَّجُلَ فِي دَابَّتِهِ فَتَحْمِلُهُ عَلَيْهَا أَوْ تَرْفَعُ لَهُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَبِكُلِّ خُطْوَةٍ تَمْشِيهَا إلَى الصَّلَاةِ صَدَقَةٌ، وَتُمِيطُ الْأَذَى عَنْ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ”. رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:2989]، وَمُسْلِمٌ [رقم:1009].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “laf kasta (meesha ay ka laabato) waxa lagu leeyahay sadaqo maalin kasta oo cadceed soo baxdo, laba aad u cadaalad samayso waa sadaqo, ninka oo aad ka caawiso awrkiisa (ratiga) oo aad ku xanbaarto (hadii aanu fuuli karayn inaad awrkii saarto) ama alaabtisa aad u saarto waa sadaqo, ereyga wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad ugu socoto xaga salaada waa sadaqo, jidka oo aad dhibta ka qaado waa sadaqo”[25]

Xadiiska 27aad: “Danbigu waa waxa laabtaada kusoo noqnoqda”

عَنْ النَّوَّاسِ بْنِ سَمْعَانَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: “الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ، وَالْإِثْمُ مَا حَاكَ فِي صَدْرِك، وَكَرِهْت أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ” رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:2553].

 وَعَنْ وَابِصَةَ بْنِ مَعْبَدٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: أَتَيْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ فَقَالَ: “جِئْتَ تَسْأَلُ عَنْ الْبِرِّ؟ قُلْت: نَعَمْ. فقَالَ: استفت قلبك، الْبِرُّ مَا اطْمَأَنَّتْ إلَيْهِ النَّفْسُ، وَاطْمَأَنَّ إلَيْهِ الْقَلْبُ، وَالْإِثْمُ مَا حَاكَ فِي النَّفْسِ وَتَرَدَّدَ فِي الصَّدْرِ، وَإِنْ أَفْتَاك النَّاسُ وَأَفْتَوْك” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَيْنَاهُ في مُسْنَدَي الْإِمَامَيْنِ أَحْمَدَ بْنِ حَنْبَلٍ [رقم:4/227]، وَالدَّارِمِيّ [2/246] بِإِسْنَادٍ حَسَنٍ.

Waxa laga wariyey Nawaas binu Samcaan (Rc) inuu kasoo wariyey nabiga (ﷺ ) inuu yiri: “samofalku waa dhaqanka wanaagsan, xumaantuna waa waxa naftaada kusoo noqnoqda ee aad necebtahay in dadku ay kugu arkaan”[26]

Waxa laga wariyey Waasiba binu Macbad (Rc) inuu yiri: waxaan u imid rasuulkii Ilaahay (ﷺ ) wuxuuna yiri: “Ma waxaad u timid inaad waydiiso samofalka?” Waxaan dhahay: haa. Wuxuu yiri: “qalbigaaga fatwo waydii, samo falku waa waxa ay naftu ku xasisho, qalbiguna ku dago. Xumaantuna waa waxa naftaada kusoo noqnoqda ee laabtaana kusoo laablaabta, hadii ay dadku kuu fatwoodaan oo kuu fatwoodaan”[27]

Xadiiska 28aad : “Sunnadayda nabiga ku dhaga”

عَنْ أَبِي نَجِيحٍ الْعِرْبَاضِ بْنِ سَارِيَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: “وَعَظَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ مَوْعِظَةً وَجِلَتْ مِنْهَا الْقُلُوبُ، وَذَرَفَتْ مِنْهَا الْعُيُونُ، فَقُلْنَا: يَا رَسُولَ اللَّهِ! كَأَنَّهَا مَوْعِظَةُ مُوَدِّعٍ فَأَوْصِنَا، قَالَ: أُوصِيكُمْ بِتَقْوَى اللَّهِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ وَإِنْ تَأَمَّرَ عَلَيْكُمْ عَبْدٌ، فَإِنَّهُ مَنْ يَعِشْ مِنْكُمْ فَسَيَرَى اخْتِلَافًا كَثِيرًا، فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الرَّاشِدِينَ الْمَهْدِيينَ، عَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ، وَإِيَّاكُمْ وَمُحْدَثَاتِ الْأُمُورِ؛ فَإِنَّ كُلَّ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٌ”.

رَوَاهُ أَبُو دَاوُدَ [رقم:4607]، وَاَلتِّرْمِذِيُّ [رقم:266] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Abi Najiix Al-cirbaadh binu Saariya (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ ) ayaa nagu waaniyey waano ay quluubto la gilgilantay, indhuhuna la ooyeen, markaasaanu dhahnay: rasuulkii Ilaahayow! Waxaad moodaa inay tahay waano nalagu sagootinayo ee noo dardaaran, wuxuu yiri: “waxaan idiin dardaarmayaa taqwada Ilaahay (Alle ka cabsi) iyo inaad maqashaan oo aad adeecdaan xataa haduu madax idiin noqdo adoon, maxaayeelay hadaad noolaataan waxaad arkaysaan khilaaf badan, ee qabsada sunnadayda iyo sunnada khulafada wanaagsan ee hanuunsan (Abubkar, Cumar, Cusmaan, Cali iyo Xasan) ku qabasada gaws danbeedka, iskana ilaaliya (ka fogaada) bidcada (waxa diinta lagusoo daro oo aan daliil lahayn) maxaayeelay bidco kasta waa baadi”[28]

Xadiiska 29aad: “Camalada Jannada lagu galo”

عَنْ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قُلْت يَا رَسُولَ اللَّهِ! أَخْبِرْنِي بِعَمَلٍ يُدْخِلُنِي الْجَنَّةَ وَيُبَاعِدْنِي مِنْ النَّارِ، قَالَ: “لَقَدْ سَأَلْت عَنْ عَظِيمٍ، وَإِنَّهُ لَيَسِيرٌ عَلَى مَنْ يَسَّرَهُ اللَّهُ عَلَيْهِ: تَعْبُدُ اللَّهَ لَا تُشْرِكْ بِهِ شَيْئًا، وَتُقِيمُ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِي الزَّكَاةَ، وَتَصُومُ رَمَضَانَ، وَتَحُجُّ الْبَيْتَ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أَدُلُّك عَلَى أَبْوَابِ الْخَيْرِ؟ الصَّوْمُ جُنَّةٌ، وَالصَّدَقَةُ تُطْفِئُ الْخَطِيئَةَ كَمَا يُطْفِئُ الْمَاءُ النَّارَ، وَصَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ، ثُمَّ تَلَا: ” تَتَجَافَى جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ ” حَتَّى بَلَغَ “يَعْمَلُونَ”، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِرَأْسِ الْأَمْرِ وَعَمُودِهِ وَذُرْوَةِ سَنَامِهِ؟ قُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ. قَالَ: رَأْسُ الْأَمْرِ الْإِسْلَامُ، وَعَمُودُهُ الصَّلَاةُ، وَذُرْوَةُ سَنَامِهِ الْجِهَادُ، ثُمَّ قَالَ: أَلَا أُخْبِرُك بِمَلَاكِ ذَلِكَ كُلِّهِ؟ فقُلْت: بَلَى يَا رَسُولَ اللَّهِ‍! فَأَخَذَ بِلِسَانِهِ وَقَالَ: كُفَّ عَلَيْك هَذَا. قُلْت: يَا نَبِيَّ اللَّهِ وَإِنَّا لَمُؤَاخَذُونَ بِمَا نَتَكَلَّمُ بِهِ؟ فَقَالَ: ثَكِلَتْك أُمُّك وَهَلْ يَكُبُّ النَّاسَ عَلَى وُجُوهِهِمْ -أَوْ قَالَ عَلَى مَنَاخِرِهِمْ- إلَّا حَصَائِدُ أَلْسِنَتِهِمْ؟!” .

رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2616] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Mucaad binu Jabal (Rc) inuu yiri: waxaan dhahay: rasuulkii Ilaahayow! Ii sheeg camal i galinaya jannada, igana fogaynaya naarta? Wuxuu yiri: ”waxaad waydiisay arrin wayn, waanu fududyaay qofkii Ilaahay u fudaydiyo. Ilaahay caabud oo cibaadadiisa cid kale hala wadaajin, salaadana tuko, zakadana bixi, ramadaana soon, baytkana soo xaj. Kadibna wuxuu yiri: maku tusaa albaabada khayrka oo dhan? Soonku waa gaashaan, sadaqaduna waxay damisaa danbiga sida biyuhu u damiyaan dabka iyo salaada ninku tukado habeenka badhtankiisa (waxay damisaa danbiyada sida sadaqada oo kale), markaana wuxuu akhriyay: ”waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu jiifka” illamaa uu gaadhay ”waxay camal faleen” markaasuu yiri: makuu sheegaa arrinka madixiisa, tiirkiisa koofiyadiisa? Waxaan iri: haa. Arrinka (wixii insaanka loo abuuray) waxa madax u ah islaamka, tiirkiisuna waa salaada, koofiyadiisuna waa jihaadka (koofiyadu waa shay ka sarreeya madax, sababta loogu shabayna waa jihaadka oo sarraysiiya islaamka) markaasu yiri: ”makuu sheegaa waxaad ku hanato waxaas oo dhan? Waxaan dhahay: haa, rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu qabtay carrabkiisa, wuxuuna yiri: ilaasho kan. Waxaan dhahay: nabigii Ilaahayow, miyaa naloo qabsanayaa waxaan ku hadalno? Wuxuu yiri: ”Hooyadaa kaa goblantay, oo dadka wajiyadooda ama sankooda waxa ku tuuraa naarta saw maaha waxa carrabkoodu ku hdalo”[29]

Xadiiska 30aad: “Ha dayacina faralka”

عَنْ أَبِي ثَعْلَبَةَ الْخُشَنِيِّ جُرْثُومِ بن نَاشِبٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ قَال: “إنَّ اللَّهَ تَعَالَى فَرَضَ فَرَائِضَ فَلَا تُضَيِّعُوهَا، وَحَدَّ حُدُودًا فَلَا تَعْتَدُوهَا، وَحَرَّمَ أَشْيَاءَ فَلَا تَنْتَهِكُوهَا، وَسَكَتَ عَنْ أَشْيَاءَ رَحْمَةً لَكُمْ غَيْرَ نِسْيَانٍ فَلَا تَبْحَثُوا عَنْهَا”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الدَّارَقُطْنِيّ ْ”في سننه” [4/184]، وَغَيْرُهُ.

Waxa laga wariyey Abi Thaclabah Al-khushaniyyu Jurthuum binu Naashib (Rc) inuu kasoo wariyay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) inuu yiri: “Ilaaha korreeyaa wuxuu faral yeelay faralo (waajibiyey waajibaad sida saalada) ee ha dayacina, wuxuuna dhigay xuduud ee haku xad gudbina, wuxuuna xarrimay arrimo ee ha la imanina, wuxuuna ka aamusay arrimo ayadoo la idiin naxariisanayo oo aanay ahayn halmaan ee ha raadinina”[30]

 Xadiiska 31aad ”Ma rabtaa in Ilaahay ku jeclaado”

عَنْ أَبِي الْعَبَّاسِ سَهْلِ بْنِ سَعْدٍ السَّاعِدِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إلَى النَّبِيِّ ﷺ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ  دُلَّنِي عَلَى عَمَلٍ إذَا عَمِلْتُهُ أَحَبَّنِي اللَّهُ وَأَحَبَّنِي النَّاسُ؛ فَقَالَ: “ازْهَدْ فِي الدُّنْيَا يُحِبُّك اللَّهُ، وَازْهَدْ فِيمَا عِنْدَ النَّاسِ يُحِبُّك النَّاسُ” .

حديث حسن، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:4102]، وَغَيْرُهُ بِأَسَانِيدَ حَسَنَةٍ.

Waxa laga wariyey Abi Cabbaas oo ah Sahal binu Sacad Al-Saacidi (Rc) inuu yiri: nin ayaa u yimid nabiga (ﷺ) oo ku yiri: rasuulkii Ilaahayow! Waxaad ii tilmaantaa camal hadaan la yimaado uu Ilaahay i jeclaanayo iyo (camal) dadku igu jeclaanayo. Wuxuu yiri: “Aduunka ka saahid (xalaal miirad noqo) Ilaahaybaa haku jeclaadee, dadku waxay haystaana ka saahid (waxba ha waydiisan) haku jeclaadaan dadkuye”[31]

Xadiiska 32aad: “Majirto dhib iyo is dhib toona”

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ سَعْدِ بْنِ مَالِكِ بْنِ سِنَانٍ الْخُدْرِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: ” لَا ضَرَرَ وَلَا ضِرَارَ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [راجع رقم:2341]، وَالدَّارَقُطْنِيّ [رقم:4/228]، وَغَيْرُهُمَا مُسْنَدًا. وَرَوَاهُ مَالِكٌ [2/746] فِي “الْمُوَطَّإِ” عَنْ عَمْرِو بْنِ يَحْيَى عَنْ أَبِيهِ عَنْ النَّبِيِّ r مُرْسَلًا، فَأَسْقَطَ أَبَا سَعِيدٍ، وَلَهُ طُرُقٌ يُقَوِّي بَعْضُهَا بَعْضًا.

Waxa laga wariyey Abi Saciid oo ah Sacad binu Maalik binu Sinaan Al-Khudriyy (Rc) in rasuulkii Ilaahay (ﷺ) dhahay: “majirto dhib iyo is dhibtoona”[32]

Xadiiska 33aad “Qofkii wax sheegtaa waa inu cadeeyaa”

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “لَوْ يُعْطَى النَّاسُ بِدَعْوَاهُمْ لَادَّعَى رِجَالٌ أَمْوَالَ قَوْمٍ وَدِمَاءَهُمْ، لَكِنَّ الْبَيِّنَةَ عَلَى الْمُدَّعِي، وَالْيَمِينَ عَلَى مَنْ أَنْكَرَ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ الْبَيْهَقِيّ [في”السنن” 10/252]، وَغَيْرُهُ هَكَذَا، وَبَعْضُهُ فِي “الصَّحِيحَيْنِ”.

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee in rasuulkii Ilaahay (ﷺ) yiri: “hadii dadka wax lagu siin lahaa sheegashooda, ragbaa sheegan lahaa xoolaha iyo dhiiga qoom (waa la iska sheegan lahaa been adarteed) hase ahaatee cadayn ayaa laga rabaa qofkii wax sheeganayey, ka inkiray (wixii loo sheeganayey) waxa laga rabaa dhaar”

Xadiiska 34aad “xumaan hadaad aragto gacan wax kaga qabo”

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ” .

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:49].

Waxa laga wariyey Abi Saciid Al-khudriyy (Rc) inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “qofkii arka xumaan gacantiisa wax haka qabto, hadaanu awoodin carrabkiisa (ha hadlo), hadii aanu awoodin qalbigiisa (haka naco), taasina waa iimaanka ta u tamarta yar (qalbiga inaad ka ncado ayaa u tamar yar)”[33]

Xadiiska 35aad: “ha is xaasidina”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ ” لَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَنَاجَشُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إخْوَانًا، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ، لَا يَظْلِمُهُ، وَلَا يَخْذُلُهُ، وَلَا يَكْذِبُهُ، وَلَا يَحْقِرُهُ، التَّقْوَى هَاهُنَا، وَيُشِيرُ إلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنْ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ: دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ” .

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:2564].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ ) wuxuu yiri: “ ha is xaasidina, hana isku dalicina qiimaha (waa marka nin wax iibsanayo u yimaado nin kale oo uu lacagtii qiimaha sare u qaado isagoon rabin inuu isagu wax gato), hana isu cadhoonina, hana isu dhabr jeedinina, hana isku eriyin ganacsiga (waa marka nin dukaan wax ka iibsanaya oo 10 dollar laga siiyay uu uyimaado nin kale oo dukaan haysta kuna dhaho 9dollar baan kaa siinayaa ee iska celi) noqda adoomada Ilaahay ee walaalada ah, muslimku walaalkii waa muslimka kale, ma dulmiyo, mana hoojiyo, beena uma sheego, mana takooro. Alla ka cabsiguna halkan buu ku jiraa, wuxuuna tilmaamay laabtiisa sadex jeer. Qof waxa shar ugu filan inuu xaqiro (yaso ama takooro) walaalkiisa muslimka ah, muslimkasta waa ka xaaraan muslimka kale dhiigiisa, xoolihiisa iyo sharafkiisaba”[34]

Xadiiska 36aad: “Qof muslim astura waxa astura Ilaahay”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: “مَنْ نَفَّسَ عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ الدُّنْيَا نَفَّسَ اللَّهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ يَوْمِ الْقِيَامَةِ، وَمَنْ يَسَّرَ عَلَى مُعْسِرٍ، يَسَّرَ اللَّهُ عَلَيْهِ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ، وَمَنْ سَتَرَ مُسْلِما سَتَرَهُ اللهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ، وَاَللَّهُ فِي عَوْنِ الْعَبْدِ مَا كَانَ الْعَبْدُ فِي عَوْنِ أَخِيهِ، وَمَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَلْتَمِسُ فِيهِ عِلْمًا سَهَّلَ اللَّهُ لَهُ بِهِ طَرِيقًا إلَى الْجَنَّةِ، وَمَا اجْتَمَعَ قَوْمٌ فِي بَيْتٍ مِنْ بُيُوتِ اللَّهِ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ، وَيَتَدَارَسُونَهُ فِيمَا بَيْنَهُمْ؛ إلَّا نَزَلَتْ عَلَيْهِمْ السَّكِينَةُ، وَغَشِيَتْهُمْ الرَّحْمَةُ، وَذَكَرَهُمْ اللَّهُ فِيمَنْ عِنْدَهُ، وَمَنْ أَبَطْأَ بِهِ عَمَلُهُ لَمْ يُسْرِعْ بِهِ نَسَبُهُ”.

رَوَاهُ مُسْلِمٌ [رقم:2699] بهذا اللفظ.

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) inuu kasoo wariyey nabiga (ﷺ ) inuu yiri: “Qofkii ka neefiya (ka dul qaada) mu’min dhibaato kamida dhibaatooyinka aduunka, waxa Ilaahay ka dul qaadaa dhib kamida dhibaatooyinka maalinta Qayaame. Qofkii u fudaydiya qof culays uu haysto, waxa Ilaahay u fudaydiyaa aduunyo aakhiraba (culaysyadiisa), qofkii astura muslim waxa astura Ilaahay aduunyada iyo aakhiraba, Ilaahayna wuu kaalmaynayaa adoonka inta adoonku ka kaalmaynayo walaalkii, qofkii raaca wado uu ku raadsanayo cilmi waxa Ilaahay u fudaydiyaa wado uu ku gaadhayo jannada. Qoomna kuma kulmaan guri kamida guryaha Ilaahay ayagoo akhrinaya kitaabka Ilaahay oo is baraya badhkoodba badhka kale (hadiiba ay jirto) waxa kusoo dagta korkooda xasilooni, naxariistuna way dabooshaa, Ilaahayna wuxuu ku xusaa kuwa agtiisa jooga (malaa’ikta). Qofkii camalkiisu gaabiyo ma dheeraysiinayo nasabkiisu (qabiilkiisu)”[35]

Xadiiska 37aad: “Qofkii wanaag la yimaada waa loo laablaabaa”

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ فِيمَا يَرْوِيهِ عَنْ رَبِّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى، قَالَ: “إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ إلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَإِنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللَّهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، وَإِنْ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللَّهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6491]، وَمُسْلِمٌ [رقم:131]، في “صحيحيهما” بهذه الحروف.

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas, Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wixii uu kasoo wariyey rabbigiisa barakada badan ee sarreeya, wuxuu yiri: “Ilaahay wuxuu qoray wanaagyada iyo xumaanahaba (looxa Al-maxfuudka ayuu ku qoray) kadibna wuu cadeeyey. Qofkii hamiya (doona) inuu wanaag la yimaado oo aan la imanin waxa Ilaahay u qorayaa xasano (ajar) dhamaystiran, haduu hamiyo (uu doono wanaagii) oo uu la yimaado waxa Ilaahay u qorayaa toban xasano ilaa laga gaadho todoba boqol oo laablaab iyo laablaabyo badan, haduu doono xumaan oo aanu la imanin waxa Ilaahay u qorayaa xasano dhamaystiran, haduu doono (xumaantii) oo uu la yimaado waxa Ilaahay u qorayaa hal xumaana”[36]

Xadiiska 38aad: “waxyaalaha Ilaahay loogu dhowaado”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَة رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُول اللَّهِ ﷺ إنَّ اللَّهَ تَعَالَى قَالَ: “مَنْ عَادَى لِي وَلِيًّا فَقْد آذَنْتهُ بِالْحَرْبِ، وَمَا تَقَرَّبَ إلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُهُ عَلَيْهِ، وَلَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْت سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا، وَلَئِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ، وَلَئِنْ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ”.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6502].

Waxa laga wariyey Abihurayra (Rc) inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Ilaaha sarreeya wuxuu yiri: “Qofkii la colooba wali waxaan ku iclaamiyey dagaal (waliguna waa qofka Ilaahay rumeeyey ee Alle ka cabsina la yimid) adoonkayguna iiguma soo dhowaado shay aan ka jeclahay wixii aan ku faral yeelay, kamana suulayo adoonkaygu (kama tagayo) inuu iigu soo dhowaado sunnooyin (haduuba badsado sunooyinkii) waan jeclaadaa, hadaan jeclaadana waxaan ahaada maqalkiisa uu wax ku maqlayo (kaliya wuxuu maqlayaa wax Ilaahay raali ka yahay) iyo aragiisa uu wax ku arkayo iyo gacantiisa uu wax ku qabanayo iyo lugtiisa uu ku soconayo (aragga, gacanta iyo lugtaba Ilaahay ayaa u dhawraya) haduu wax i waydiistana waan siinayaa, haduu wax iga magangalana waan ka magan galinayaa”[37]

Xadiiska 39aad: “Ilaahay umadayda wuxuu ka dhaafay wixi ay halmaanto”

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ قَالَ: “إنَّ اللَّهَ تَجَاوَزَ لِي عَنْ أُمَّتِي الْخَطَأَ وَالنِّسْيَانَ وَمَا اسْتُكْرِهُوا عَلَيْهِ” .

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ ابْنُ مَاجَهْ [رقم:2045]، وَالْبَيْهَقِيّ [“السنن” 7 ].

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee in rasuulkii Ilaahay (ﷺ) yiri: “Ilaahay wuxuu iiga dhaafay umadayda wixii ay ku gafto iyo wixii ay halmaanto (ilwodo) iyo wixii lagu qasbo”[38]

Xadiiska 40aad: “Aduunka ku ahow sidii qof qariiba ama socoto ah”

عَنْ ابْن عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: أَخَذَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ بِمَنْكِبِي، وَقَالَ: “كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّك غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ”. وَكَانَ ابْنُ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا يَقُولُ: إذَا أَمْسَيْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الصَّبَاحَ، وَإِذَا أَصْبَحْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الْمَسَاءَ، وَخُذْ مِنْ صِحَّتِك لِمَرَضِك، وَمِنْ حَيَاتِك لِمَوْتِك.

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:6416].

Waxa laga wariyey Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ )wuxuu i qabtay garabkayga, wuxuuna yiri: “aduunka ku ahow sidii qof qariiba (ehelkiisa aan la joogin) ama sidii qof socoto ah (musaafira)”

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee wuxuu dhihi jiray: hadaad galabaysato ha sugin waabariga, hadaad waabariisatana ha sugin galabta, caafimaadkaagana u qaado xanuunkaaga (ka faa’idayso kahor intaanad bukoonin) noloshaada (ka faa’idayso intaanad) dhimanin”[39]

Xadiiska 41aad: “ujeedadaadu waa inay noqotaa raacida shareecada nabiga”

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ “لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يَكُونَ هَوَاهُ تَبَعًا لِمَا جِئْتُ بِهِ”.

حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ، رَوَيْنَاهُ فِي كِتَابِ “الْحُجَّةِ” بِإِسْنَادٍ صَحِيحٍ.

Waxa laga wariyey Abi Muxamed oo ah Cabdilaahi binu Al-caas Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “midkiin muu rumayn (lagama helin iimaan dhamaytiran) illamaa ujeedadiisu noqoto inuu raaco wixii aan la imid (shareecada islaamka)”[40]

Xadiiska 42aad: “Ilaahay danbi dhaaf waydiiso”

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: قَالَ اللَّهُ تَعَالَى: “يَا ابْنَ آدَمَ! إِنَّكَ مَا دَعَوْتنِي وَرَجَوْتنِي غَفَرْتُ لَك عَلَى مَا كَانَ مِنْك وَلَا أُبَالِي، يَا ابْنَ آدَمَ! لَوْ بَلَغَتْ ذُنُوبُك عَنَانَ السَّمَاءِ ثُمَّ اسْتَغْفَرْتنِي غَفَرْتُ لَك، يَا ابْنَ آدَمَ! إنَّك لَوْ أتَيْتنِي بِقُرَابِ الْأَرْضِ خَطَايَا ثُمَّ لَقِيتنِي لَا تُشْرِكُ بِي شَيْئًا لَأَتَيْتُك بِقُرَابِهَا مَغْفِرَةً” .

 رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:3540]، وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Anas binu Maalik (Rc) inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “Ilaaha sarreeyaa wuxuu yiri: “Ibnu Aadamow! Adigu ima baridid oo ima rajaysid (hadiiba aad wax i waydiisato ood i rajayso) waan kuu dhaafayaa wixii kaa dhacay adiga (ee danbiya) anigoo aan ka noqonayn (ka laabanayn). Ibnu Aadamow! Hadii danbiyadaadu ay gaadhaan samada sare markaana aad i waydiisato danbi dhaaf, waan kuu dhaafayaa. Ibnu Aadamow! Hadaad iila timaado dhulka wax u dhow (xajmigeeda) oo danbiyo ah markaana aad ila kulanto adigoon cidna ii shariik yeelin waxaan kuula imanayaa wax u dhow (xajimigeeda) oo danbi dhaafa”[41]

Xadiiska 43aad: “dhaxalka hala siiyo cidii xaqa u lahayd”

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِﷺ قَالَ: “أَلْحِقُوا الْفَرَائِضَ بِأَهْلِهَا، فَمَا أَبْقَتَ الْفَرَائِضُ فَلِأَوْلَى رَجُلٍ ذَكَرٍ” .

رواه البخاري [رقم: 6732]، ومسلم [رقم: 1615].

Waxa laga wariyey Ibnu Cabbaas Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “dhaxalka raaciya ehelkeeda (siiya dhaxalka cidii xaqa u lahayd) wixii kasoo hadha dhaxalka waxa iska leh ninka ugu dhow (casabiyada ama tolka ninka ugu dhow qofkii la dhaxlayey)”[42]

Xadiiska 44aad: “Naas nuujintu waxay xarrimta waxa dhalashadu xarrinto”

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا عَنْ النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: ” الرَّضَاعَةُ تُحَرِّمُ مَا تُحَرِّمُ الْوِلَادَةُ”.

رواه البخاري [رقم:2646]، ومسلم [رقم:1444].

Waxa laga wariyey Caasha Ilaahay raali haka ahaadee inay kasoo warisay nabiga (ﷺ) inuu yiri: “Naas nuujintu waxay xarrintaa waxa dhalasho xarrinto (sida guurka, laba wada dhashay isma guursan karaan sidaasoo kale laba naas wada nuugayna isma guursan karaan)”[43]

Xadiiska 45aad: “Ilaahay iyo rasuulkiisuba way xarrimeen iibka Khamriga”

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّهُ سَمِعَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ عَامَ الْفَتْحِ وَهُوَ بِمَكَّةَ يَقُولُ: “إِنَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ حَرَّمَ بَيْعَ الْخَمْرِ وَالْمَيْتَةِ وَالْخِنْزِيرِ وَالْأَصْنَامِ، فَقِيلَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ شُحُومَ الْمَيْتَةِ فَإِنَّهَا يُطْلَى بِهَا السُّفُنُ، وَيُدْهَنُ بِهَا الْجُلُودُ، وَيَسْتَصْبِحُ بِهَا النَّاسُ؟ فَقَالَ: لَا، هُوَ حَرَامٌ، ثُمَّ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ عِنْدَ ذَلِكَ: قَاتَلَ اللَّهُ الْيَهُودَ، إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَ عَلَيْهِم الشُحُومَ، فَأَجْمَلُوهُ، ثُمَّ بَاعُوهُ، فَأَكَلُوا ثَمَنَهُ”.

رواه البخاري [رقم: 2236]، ومسلم [رقم:1581] .

Waxa laga wariyey Jaabir binu Cabdilaahi Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee inuu maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) sanadkii furashada isagoo jooga Makka oo uu leeyahay: “Ilaahay iyo rasuulkiisuba way xarrimeen iibka khamriga, bakhtiga, doofaarka iyo sanamyada. Waxa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow, ka warran baruurta bakhtiga (dufanka iyo xaydha) maxaayeelay doonyaha ayaa la mariyaa, hargahana waa lagu duugaa, dadkuna way ku waabariistaan (saliid ahaan ayay u marsadaan), wuxuu yiri: maya, waa xaaraan. Markaasuu dhahay rasuulkii Ilaahay (ﷺ ): Ilaahay ha dilo Yahuuda, Ilaahay ayaa ka xarrimay baruurta, makaasay qurxiyeen oo iibiyeen oo cuneen lacagteedii. (ujeedadu waxa weeye hadii Ilaahay shay xarrimo, iibkeedana wuu xarrimaa)”[44]

Xadiiska 46aad: “Maandoorya kasta waa xaaraan”

عَنْ أَبِي بُرْدَةَ عَنْ أَبِيهِ عَنْ أَبِي مُوسَى الْأَشْعَرِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ بَعَثَهُ إِلَى الْيَمَنِ، فَسَأَلَهُ عَنْ أَشْرِبَةٍ تُصْنَعُ بِهَا، فَقَالَ: وَمَا هِيَ؟ قَالَ: الْبِتْعُ وَالْمِزْرُ، فَقِيلَ لِأَبِي بُرْدَةَ: مَا الْبِتْعُ؟ قَالَ: نَبِيذُ الْعَسَلِ، وَالْمِزْرُ نَبِيذُ الشَّعِيرِ، فَقَالَ: كُلُّ مُسْكِرٍ حَرَام”ٌ .

رواه البخاري [رقم:4343] .

Waxa laga wariyey Abi Burdata inuu kasoo wariyey aabihii oo kasoo wariyey Abi Muusa Al-Ashcariyy (Rc) in nabigu (ﷺ) u diray Yaman, wuxuuna waydiiya (xukunka) cabitaano ay samaystaan. Wuxuu yiri: maxay yihiin? Wuxu yiri: waa Bitci iyo Mizri, waxa lagu dhahay Abiburdata: waa maxay Bitcigu? Wuxuu yiri: waa malabka oo la khamiiriyey, Mizriguna waa qamandida oo la khamiiriyey, markaasuu yiri: “Maandoorya kasta waa xaaraan”[45]

Xadiiska 47aad “Aadamuhu ma buuxiyo wax ka shar badan caloosha”

عَنْ الْمِقْدَامِ بْنِ مَعْدِيَكْرِبَ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: “مَا مَلَأَ آدَمِيٌّ وِعَاءً شَرًّا مِنْ بَطْنٍ، بِحَسْبِ ابْنِ آدَمَ أُكُلَاتٌ يُقِمْنَ صُلْبَهُ، فَإِنْ كَانَ لَا مَحَالَةَ، فَثُلُثٌ لِطَعَامِهِ، وَثُلُثٌ لِشَرَابِهِ، وَثُلُثٌ لِنَفَسِهِ” .

رَوَاهُ أَحْمَدُ [رقم: 4/132]، والتِّرْمِذِيُّ [رقم: 2380]، وابْنُ مَاجَهْ [رقم: 3349]، وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ .

Waxa laga wariyey Miqdaam binu Macdi Yakrib inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “Aadamuhu ma buuxiyo wax ka shar badan calool, Ibnu Aadamka waxa ku filan hudhmooyin uu ku toosiyo dhabarkiisa, hadii ay lagama maarmaan tahay, sadex meelood hal dalool haka dhigo cuntadiisa, sadex meelood hal daloolna cabitaankiisa, sadex dalool hal daloolna neeftiisa”[46]

Xadiiska 48aad: “Calaamadaha Munaafiqnimada”

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: “أَرْبَعٌ مَنْ كُنَّ فِيهِ كَانَ مُنَافِقًا، وَإِنْ كَانَتْ خَصْلَةٌ مِنْهُنَّ فِيهِ كَانَتْ فِيهِ خَصْلَةٌ مِنْ النِّفَاقِ حَتَّى يَدَعَهَا: مَنْ إِذَا حَدَّثَ كَذَبَ، وإِذَا وَعَدَ أَخْلَفَ، وإذَا خَاصَمَ فَجَرَ، وَإِذَا عَاهَدَ غَدَرَ”.

رواه البخاري [رقم:34]، ومسلم [رقم:58].

Cabdilaahi ibnu Camru Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee waxa laga wariyey in nabigu (ﷺ) yiri: “Afar qofkii laga helo waa munaafaq, hadii qaar kamida laga helana waxa ku jira qaar kamida munaafaqnimada illamaa uu daynayo: qofka markuu sheekeeyo been sheega, markuu ballanqaado ka baxa (ballantii), markuu dodo xumaan ku hadla, markuu ballan galena buriya (ballantii)[47]

Xadiiska 49aad: “Talo saarashada Ilaahay”

عَنْ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عن النبي ﷺ قَالَ: “لَوْ أَنَّكُمْْ تَوَكَّلُونَ عَلَى اللَّهِ حَقَّ تَوَكُّلِهِ لَرَزَقَكُمْ كَمَا يَرْزَقُ الطَّيْرَ تَغْدُو خِمَاصًا وَتَرُوحُ بِطَانًا”.

رَوَاهُ أَحْمَدُ [رقم: 1 0 و52]، وَالتِّرْمِذِيُّ [رقم:2344]، وَالنَّسَائِيُّ فِي “الْكُبْرَى” كَمَا فِي “التُّحْفَة: [رقم: 8/79]، وَابْنُ مَاجَهْ [رقم: 4164]، وَصَحَّحَهُ ابْنُ حِبَّانَ (730)، وَالْحَاكِمُ 418، وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَسَنٌ صَحِيحٌ.

Waxa laga wariyey Cumar ibnu Khadaab (Rc) inuu kasoo wariyey nabiga (ﷺ) inuu yiri: “hadaad idinku u talo saraaran lahaydeen Ilaahay si xaq ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu u arsaaqo shinbirta, waxay kallahdaa (jarmaadaa) ayadoo gaajaysan, waxayna carrowdaa ayadoo dharagsan”[48]

Xadiiska 50aad: “Carrabkaagu yaanu ka daalin inuu ku qoyanaado xuska Ilaahay”

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ بُسْرٍ قَالَ: “أَتَى النَّبِيَّ ﷺ رجلٌ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنَّ شَرَائِعَ الْإِسْلَامِ قَدْ كَثُرَتْ عَلَيْنَا، فَبَابٌ نَتَمَسَّكُ بِهِ جَامِعٌ؟ قَالَ: لَا يَزَالُ لِسَانُكَ رَطْبًا مِنْ ذِكْرِ اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ”.

رواه أحمد [رقم: 188 و 190].

Waxa laga wariyey Cabdilaahi binu Busri inuu yiri: Waxa nabiga (ﷺ) u yimid nin oo ku yiri: rasuulkii Ilaahayow shareecadii Islaamka ayaa nagu badatay ee albaabkee ayaa na kulmin oon ku dhagnaa? Wuxuu yiri: “yaanu ka suulin (ka tagin) carrabkaagu inuu ku qoyanaado xuska Ilaaha sharafta iyo waynida iska leh”[49]

 

Wa billahi Tawfiiq


[1] [Waxa soo saaray Muslim: Xadiiska 8aad]

[2] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 8aad iyo Muslim, xadiiska 16aad.

[3] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 3208 iyo Muslim, xadiiska 2643

[4] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 2697 iyo Muslim, xadiiska 1718

[5] Bukhaari ayaa soo saaray, xadiiska 52aad iyo Muslim, xadiiska 1599

[6] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 55aad.

[7] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 25aad iyo Muslim, xadiiska 22aad

[8] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 7288aad iyo Muslim, xadiiska 1337aad.

[9] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 1015aad.

[10] Waxa soo saaray Imaamu Tirmadi sunankiisa, xadiiska 2520aad iyo Nisaa’I , xadiiska 5711aad.

[11] Waxa soo saaray Imaamu Tirmadi sunankiisa, xadiiska 2318aad iyo Ibnu Maajah, xadiiska 3976.

[12] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 13aad iyo Muslim, xadiiska 45aad.

[13] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6878aad iyo Muslim, xadiiska 1676aad.

[14] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6018 iyo Muslim, xadiiska 47aad.

[15] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6116aad

[16] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 1955aad.

[17] Waxa soo saaray Tirmadi, xadiiska 1987aad.

[18] Waxa soo saaray Tirmadi, xadiiska 2516aad

[19] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 3483aad.

[20] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 38aad.

[21] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 15aad.

[22] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 223aad.

[23] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 2577aad.

[24] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 1006aad.

[25] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 1989aad iyo Muslim, xadiiska 1009aad.

[26] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 2553aad

[27] Waxa soo saarat Imaamu Axmed musnadkiisa, mujaladka 4aad, xadiiska 227aad.

[28] Waxa soo saaray Abudaawuud, xadiiska 4607aad iyo Tirmadi,xadiiska 266aad.

[29] Waxa soo saaray Tirmadi, xadiiska 2616aad.

[30] Waxa soo saaray Daara Qudni, 4/ 184

[31] Waxa soo saaray Ibnu Maajah, xadiiska 4102aad.

[32] Waxa soo saaray Ibnu Maajah, xadiiska 2341aad.

[33] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 49aad.

[34] Waxa soo saaray Muslim, xadiis 2564aad.

[35] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 2699aad.

[36] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6491aad iyo Muslim, xadiiska 131aad.

[37] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6502aad.

[38] Waxa soo wariyey Ibnu Maajah, xadiiska 2045aad

[39] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6416aad.

[40] Waxa soo saaray Baqawi sharxu alsunnah, 1/213

[41] Waxa soo saaray Tirmadi,xadiiska 3540aad.

[42] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 6732aad iyo Muslim xadiiska 1615aad.

[43] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska2646aad iyo Muslim, xadiiska 1444aad.

[44] Waxa soo saaray Muslim, xadiiska 1581aad iyo Bukhaari, xadiiska 2236aad.

[45] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 4343aad

[46] Waxa soo saaray Tirmadi, xadiiska 2380aad.

[47] Waxa soo saaray Bukhaari, xadiiska 34aad iyo Muslim, xadiiska 58aad.

[48] Waxa soo saaray Tirmadi, xadiiska 2344aad.

[49] Waxa soo saaray Imaamu Axmed musnadkiisa.