Waxay dhaheen ururka la dagaalanka Kansarka ee Jermalku: Jimicsigu wuxuu xadidaa khatarta ay leeyihiin 13 nooc oo cudurka Kansareka kamida, tusaale ahaan; kanarka xiidmaha, kansarka naasaha iyo kansarka riximka ama ilmo galeenka.

Sidaas darteed waxa waajiba in la jimicsado wax aan ka yarayn shan maalmood todobaadkii, mudo gaadhaysa 30 daqiiqo jimicsi kasta, ayadoo lagu dadaalayo in jidhkaagu dhidido markasta ood jimicsi samaynaysid.

Sababtoo ah jimicsigu wuxuu kicinayaa (metabolism) habka jidhku u samaysto tamarta, waxa kale oo uu sare u qaadayaa nidaamka difaaca ee jidhka.

Sidoo kale ruuxa la nool cudurka kansarka waxa jimicsigu sare u qaadayaa caafimaadkiisa iyo qiimaha noloshu leedahay, wuxuuna yaraynayaa dhibaatooyinka taban.


Ururka la dagaalanka ee Jarmalka.