Tusmo

Galida Jannada iyo Dadka ugu horeeya:

Waa tuma ummada u horeysa ee jannada galaysa?

hadaad rabto daawo ama hoos ka akhriso:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَحْنُ الْآخِرُونَ الْأَوَّلُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَنَحْنُ أَوَّلُ مَنْ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ بَيْدَ أَنَّهُمْ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلِنَا وَأُوتِينَاهُ مِنْ بَعْدِهِمْ فَاخْتَلَفُوا فَهَدَانَا اللَّهُ لِمَا اخْتَلَفُوا فِيهِ مِنْ الْحَقِّ فَهَذَا يَوْمُهُمْ الَّذِي اخْتَلَفُوا فِيهِ هَدَانَا اللَّهُ لَهُ قَالَ يَوْمُ الْجُمُعَةِ فَالْيَوْمَ لَنَا وَغَدًا لِلْيَهُودِ وَبَعْدَ غَدٍ لِلنَّصَارَى[1]

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Anagaa u danbayna uguna horeyna (umadaha) maalinta Qayaame, anaga ayaa ah kuwa ugu horeeya ee galaya Jannada, halka ayaga la inaga horesiiyey kitaabka horeteen, anagana nala siiyey ayaga kadib, wayna is khilaafeen, Ilaahayn wixii ay isku khilaafeen ayuu xaqii nagaga hanuuniyey, waa kan maalintii ay isku khilaafeen ee Ilaahayna nagu hanuuniyey, wuxuu yidhi: maalinta jimce, maanta anagaa iska leh, barrina yahuuda maalnta xigtana Nasaarada”

Ummada nabi Muxamed (scw) ayaa ah ummada u horeysa ee galaysa jannada, maadaama ay tahay ummadii ugu khayrka badnayd, lana siiyey kitaabkii ugu khayrka badnaa, laganasoo saaray nabigii ugu fadliga waynaa.

Waa tuma ummada ugu tirada badan jannada?

عن عبد الله قال كنا مع النبي في قبة فقال أترضون أن تكونوا ربع أهل الجنة قلنا نعم قال أترضون أن تكونوا ثلث أهل الجنة قلنا نعم قال أترضون أن تكونوا شطر أهل الجنة قلنا نعم قال والذي نفس محمد بيده إني لأرجو أن تكونوا نصف أهل الجنة[2]

Cabdilaahi waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Nabiga ayaan la joognay meel taandho ah, wuxuuna yidhi: ”Raali maku tihiin inaad noqotaan afar meeloo hal meel ehelka jannada, waxaanu nidhi: haa. Wuxuu yidhi: raali maku tihiin inaad noqotaan sadex meelood hal meel jannada, waxaanu nidhi: haa. Wuxuu yidhi: raali maku tihiin inaad noqotaan kalabadh ehelka jannada, waxaanu nidhi: haa. Wuxuu yidhi: ilaahbaan ku dhaartee, waxaan rajaynayaa inaad noqotaan kala badh ehelka jannada.

Waa ummada nabi Muxamed (scw), jannada waxay ka yihiin kala badh, halka ummadihii kale oo dhan ay yihiin badhka kale. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira xadiis kale oo cadynaya in ummada nabi Muxamed (scw) ay yihiin sadex meelood laba meel dadka galaya jannada.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم أهل الجنة عشرون ومائة صف ثمانون منها من هذه الأمة وأربعون من سائر الأمم[3]

Rasuulki Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Ehelka jannadu waa boqol iyo labaatan saf, sideetan kamida waa ummadan, afartana waa ummadaha kale”

Ummada nabi Muxamed (scw) ayaa ah kuwa ugu badan ee jannada galaya, waana sadex meelood laba meelood ehelka jannada. Si kale hadii aan u tilmaano, ummada nabi Muxamed ayaa laba jeer kusoo laba laabmaysa ummadaha kale ee jannada galaya.

Dadka ugu horeeya ee jannada galaya:

عن أبي سعيد قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم فقراء المهاجرين يدخلون الجنة قبل أغنيائهم بخمس مائة سنة[4]

Abisaciid waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuukii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”fuqarada muhaajiriinta ayaa galaya jannada kahor maalqabeenadooda shan boqol oo sano”

Fuqarada muhaajiriinta ayaa ugu hor galaya jannada, waxayna dadka ka horaynayaan sanado badan. Sidoo kale, fuqarda laftigoodu way sii kala fadli badanyihiin oo jannada way usii kala horreynayaan, qaarkood shan boqol oo sano ayay dadka kale ka horraynayaan, qaarna afartan sanadood, sida xadiiskan uu tilmaamayo. Mana iska hor imanayso ee waxay tilmaamaysaa in fuqaraduna ay kala horreynayaan.

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنه قال : قال لي رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم : ” أتعلم أول زمرة تدخل الجنة من أمتي ؟ ” قال : الله ورسوله أعلم . فقال : ” المهاجرون يأتون يوم القيامة إلى باب الجنة ويستفتحون ، فيقول لهم الخزنة ، وقد حوسبتم ، فيقولون بأي شيء نحاسب ، وإنما كانت أسيافنا على عواتقنا في سبيل الله ، حتى متنا على ذلك قال : فيفتح لهم ، فيقيلون فيه أربعين عاما قبل أن يدخلها الناس ” .[5]

Cabdilaahi ibnu Camruu (Rc) waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (Scw) wuxuu dhahay: ”Ma ogtihiin kooxda ugu horreysa ee jannada galaysa ummadayda? Waxay dhaheen: Ilaahay iyo rasuulkiisa ayaa og. wuxuu yidhi: ”Muhaajiriinta ayaa imanaya maalinta qayaame albaabka jannada, waxay dalbanayaan in laga furo, khasnad-hayayaashii waxay ku dhahayaan: ma la idin xisaabiyey? Waxay dhahayaan: maxaa nalaga xisaabinayaa, kaliya seefahaygu garbaha ayay noo saarnaayee anagoo ku dagaalamayna jidka Ilaahay, illamaa aan sidaa ku dhimanay. Wuxuu yidhi: waa laga furayaa. Waxayna ku nasanayaan jannada afartan sanadood kahor intaan dadka kale soo galin”

 

عن أسامة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال قمت على باب الجنة فكان عامة من دخلها المساكين وأصحاب الجد محبوسون[6]

Usaama waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”waxaan istaagay albaabka jannada, dadka ugu badan ee galayna waa masaakiintii, dadkii xoolaha haystayna waa la xisaabinayey”

Walaalka ama walaasha muslimka ah ee faqiirnimo iyo saboolnimo lasoo daristay waa inaad ku bishaaraysataan in dhibaatada aduunyada oo dhan aad ilaawaysid marka hal mar lagu galiyo jannada raxmaanka.

عن أنس بن مالك قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم يؤتى بأنعم أهل الدنيا من أهل النار يوم القيامة فيصبغ في النار صبغة ثم يقال يا ابن آدم هل رأيت خيرا قط هل مر بك نعيم قط فيقول لا والله يا رب ويؤتى بأشد الناس بؤسا في الدنيا من أهل الجنة فيصبغ صبغة في الجنة فيقال له يا ابن آدم هل رأيت بؤسا قط هل مر بك شدة قط فيقول لا والله يا رب ما مر بي بؤس قط ولا رأيت شدة قط[7]

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu dhahay: ”Waxa la keenayaa maalinta qayaame ruxii ugu barwaaqaysnaa aduunyada oo kamida ehelka naarta, waxaana la galinayaa naarta hal mar, kadibna waxa lagu dhahayaa: ina Aadamow, waligaa khayr ma aragtay? Waligaa nicmo makusoo martay? Wuxuu dhahayaa: maya, ilaahbaan ku dhaartee, rabbiyow. Waxa kale oo la keenayaa ruuxii dhibta ugu badan la kulantay Aduunyada oo kamida ehelka jannada, waxa la galinayaa hal mar jannada, waxa lagu dhahayaa: waligii dhib ma aragtay? Waligaa culays makusoo maray? Wuxuu dhahayaa: maya, Ilaahbaan ku dhaartee rabbiyoow, waligay dhib iyo culaystoona imasoo marin.

Dadka masaakiinta ah ee xabadda la iskaga dhigi jiray ee naftooda iyo maalkoodaba u huray diintoodii ayagaa jannada ugu hor galaya. Hadii dadku aanay aqoonin oo indhahooda ay ka qarsoonyihiin, waxa arka oo abaal marinaya rabbiga wayn subxaanahu wa tacaala.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، أَنَّهُ قَالَ : ” هَلْ تَدْرُونَ مَنْ أَوَّلُ مَنْ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ مِنْ خَلَقِ اللَّهِ ؟ ” ، قَالُوا : اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ ، قَالَ : ” أَوَّلُ مَنْ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ مِنْ خَلَقِ اللَّهِ الْفُقَرَاءُ الْمُهَاجِرُونَ الَّذِينَ يُسَدُّ بِهِمُ الثُّغُورُ ، وَتُتَّقَى بِهِمُ الْمَكَارِهُ ، وَيَمُوتُ أَحَدُهُمْ ، وَحَاجَتُهُ فِي صَدْرِهِ لا يَسْتَطِيعُ لَهَا قَضَاءً ،[8]

Cabdilaahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: ”Ma taqaanaan cida ugu horeysa ee jannada ka galaysa khalqiga Ilaahay? Waxay dhaheen: Ilaahay iyo rasuulkiisa og. wuxu yidhi: ”Khalqiga ilaahay cida ugu horeysa ee jannada ka galaysa waa fuqaradii muhaajiriinta, kuwaasoo lagu aaga hore ee dagaalada la gayn jiray, dhibaatana la isaga dhigi jiray oo midkood ayaa dhiman jiray ayadoo laabtiisa ay ku jirto baahidiisii oo aanu awood u lahayn inuu fuliyo”

Sifada dadka galaya Jannada:

يَدْخُلُ الْجَنَّةَ مِنْ أُمَّتِي زُمْرَةٌ هِيَ سَبْعُونَ أَلْفًا , تُضِيءُ وُجُوهَهُمْ إِضَاءَةَ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ[9]

”Jannada waxa ummadayda ka galaya koox tiradoodu tahay todobaatan kun, oo wajiyadoodu u ifayaan sida dayaxu markuu dhamaystiranyahay”

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” إِنَّ أَوَّلَ زُمْرَةٍ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ عَلَى صُورَةِ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ ، وَالَّذِينَ يَلُونَهُمْ عَلَى أَشَدِّ كَوْكَبٍ دُرِّيٍّ فِي السَّمَاءِ إِضَاءَةً ، لَا يَبُولُونَ وَلَا يَتَغَوَّطُونَ وَلَا يَمْتَخِطُونَ وَلَا يَتْفُلُونَ أَمْشَاطُهُمُ الذَّهَبُ ، وَرَشْحُهُمُ الْمِسْكُ وَمَجَامِرُهُمُ الْأَلُوَّةُ وَأَزْوَاجُهُمُ الْحُورُ الْعِينُ أَخْلَاقُهُمْ عَلَى خُلُقِ رَجُلٍ وَاحِدٍ عَلَى صُورَةِ أَبِيهِمْ آدَمَ سِتُّونَ ذِرَاعًا فِي السَّمَاءِ ” .[10]

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”kooxda ugu horeysa ee jannada galaysa sawirkoodu waa dayaxu maruu dhamaystiranyahay, kuwa ku xigaana waa sida meeraha ugu dhow iftiinkiisu samada ka baxo, ma kaadinayaan, ma saxaroonayaan, duuf iyo candhuufna malaha, karfeedhoodu waa dahab, dhididkoodu waa miski, cuudkoodu waa uluwwah, dumarkoodu waa xuurul ciin, akhlaaqdoodu waa sida hal nin oo kaliya, sawirkii aabahood aadam ayay leeyihiin oo ah lixdan dhudhun oo xaga cirka ah”

إن أول زمرة تدخل الجنة على صورة القمر ليلة البدر والتي تليها على أضوإ كوكب دري في السماء لكل امرئ منهم زوجتان اثنتان يرى مخ سوقهما من وراء اللحم وما في الجنة أعزب[11]

”Kooxda ugu horreysa ee jannada galaysa waa sida dayaxu markuu dhamaystiranyahay, kuwa ku xigaana waa meeraha ugu iftiinka dhow samada, midkastoo kamida wuxuu leeyahay laba xaas oo dhuuxo lugahooda laga arkayo hilibkooda, jannadana ma joogo qof guurdoon ah”

Soo dhoweynta ehelka Jannada:

عن أبي سعيد الخدري وأبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال ينادي مناد إن لكم أن تصحوا فلا تسقموا أبدا وإن لكم أن تحيوا فلا تموتوا أبدا وإن لكم أن تشبوا فلا تهرموا أبدا وإن لكم أن تنعموا فلا تبأسوا أبدا فذلك قوله عز وجل ونودوا أن تلكم الجنة أورثتموها بما كنتم تعملون[12]

Abisaciid Al-khudriyy waxa laga wariyey iyo abihurayra inay kasoo wariyeen nabiga (scw) inuu yidhi: ”mid dhawaaqa ayaa dhawaaqaya: idinku waad caafimaadaysaan, waligiina ma bukoonaysaan, waxa idiinku sugan (jannada) inaad noolaataan, mana dhiman doontaan waligiin, waxa idiinku sugan inaad dhalinyaro ahaataan, mana gaboobaysaan waligiin, waxa idiin ku sugan inaad barwaaqowdaan, mana abaaroobaysaan waligiin. Waana qawlkii Ilaahay ee ahaa: ”Waa loo dhawaaqay waa jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camal falayseen”

عن أبي سعيد الخدري أن النبي صلى الله عليه وسلم قال إن الله يقول لأهل الجنة يا أهل الجنة فيقولون لبيك ربنا وسعديك والخير في يديك فيقول هل رضيتم فيقولون وما لنا لا نرضى يا رب وقد أعطيتنا ما لم تعط أحدا من خلقك فيقول ألا أعطيكم أفضل من ذلك فيقولون يا رب وأي شيء أفضل من ذلك فيقول أحل عليكم رضواني فلا أسخط عليكم بعده أبدا[13]

Abi saciid al-khudriyy waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Ilaahay wuxuu ku dhahayaa ehelka jannada: ehelkii jannadow, waxay dhahayaan: waan ku ajiibnay rabbiyoow, khayrkuna gacantaada ayuu ku jiraaye, wuxuu dhahayaa: ”raali ma noqoteen?” waxay odhanayaan: oo sideebaana raali u ahayn rabbiyow, waxaad na siisay wax aanad siinin cid kamida khalqigaagee, wuxuu dhahayaa: ma idin siiyaa wax ka fadli badan? Waxay dhahayaan: rabbiyow, maxaa ka fadli badan? Wuxuu dhahayaa: raali ayaan idinka noqday oo idiinma cadhoonayo waligiin.”

عَنْ صُهَيْبٍ ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، قَالَ : ” إِذَا دَخَلَ أَهْلُ الْجَنَّةِ الْجَنَّةَ ، قَالَ : يَقُولُ اللَّهُ تَبَارَكَ وَتَعَالَى : تُرِيدُونَ شَيْئًا أَزِيدُكُمْ ؟ فَيَقُولُونَ : أَلَمْ تُبَيِّضْ وُجُوهَنَا ، أَلَمْ تُدْخِلْنَا الْجَنَّةَ ، وَتُنَجِّنَا مِنَ النَّارِ ؟ قَالَ : فَيَكْشِفُ الْحِجَابَ ، فَمَا أُعْطُوا شَيْئًا أَحَبَّ إِلَيْهِمْ مِنَ النَّظَرِ إِلَى رَبِّهِمْ عَزَّ وَجَلَّ[14]

Suhayb waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Marka ehelka jannadu uu galo jannada, ayaa Ilaahay odhanayaa: ma rabtaan wax aan idiin kordhiyo? Waxay odhanayaan: miyaanad noo nuurin wajigayaga? Miyaanad na galin jannada? Miyaanad naga badbaadinin naarta? Wuxuu yidhi: ”wuxuu faydayaa xijaabka, lama siinayo wax ay ka jecelyihiin inay daawadaan rabbigood isagaa sharaf iyo wayniba u sugantahaye”


[1] Muslim: 855

[2] Bukhaari: 6163

[3] Tirmadi: 2546

[4] Tirmadi: 2351

[5] Xaakim: 2436

[6] Bukhaari: 4900

[7] Muslim:2807

[8] Ibnu Xabaan: 7581

[9] Bukhaari: 6176

[10] Muslim:5067

[11] Muslim:2834

[12] Muslim: 2837

[13] Muslim: 2829

[14] Muslim: 271