Tusmo

Albaabada Jannada iyo dadka galaya:

Halkan ka daawo ama hoos ka akhriso:

Ilaahay (swt) wuxuu yidhi:

 

هَـٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَآبٍ ﴿٤٩﴾ جَنَّاتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ الْأَبْوَابُ ﴿٥٠﴾

Kaasi waa dikri (xus), kuwa Alle ka cabsada waxa u sugan noqosho wanaagsan (49) jannooyinka Cadan ayaa u furan albaabadeedu (50)[1]

Ilaahay (swt) wuxuu yidhi:

جَنَّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنْ آبَائِهِمْ وَأَزْوَاجِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ ۖ وَالْمَلَائِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ ﴿٢٣﴾ سَلَامٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ ۚ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ ﴿٢٤﴾

Jannooyinka Cadan ayay galayaan iyo kuwa wanaagsan ee aabayaashooda, xaasaskooda iyo ubadkoodaba, malaa’iktuna waxay ugasoo galaysaa albaaab kasta (23) Nabadgalyo korkiina ha ahaato wixii aad u samirteen, meel loo noqday u fiicantahay (24)[2]

Ilaahay (swt) wuxuu yidhi:

وَسِيقَ الَّذِينَ اتَّقَوْا رَبَّهُمْ إِلَى الْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَامٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَادْخُلُوهَا خَالِدِينَ ﴿٧٣﴾

Waxa loo kaxeeyey kuwa Rabbigood ka cabsaday xaga jannada ayagoo kooxo ah, illamaa ay yimaadeen oo la furay albaabadeedii oo ay dhaheen khasnad-hayayaasheedii nabadgalyo korkiina ha ahaato waad fiicnaydeen ee gala idinkoo ku waaraya (73)[3]

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

فَآخُذُ بِحَلْقَةِ بَابِ الْجَنَّةِ فَأُقَعْقِعُهَا[4]

”Waxaan qabanayaa handaraabka albaabka jannada oo waan garaacayaa”

Albaabka Jannadu siduu u eegyahay?

Albaabada Jannada dushooda ayaa laga arkayaa hoostooda, hoostoodana dushooda laga arkayaa. Waana albaabo waaweyn oo leh laba fardood oo ay kala duwantahay waynidoodu maadaama jannadu ay darajooyin kala duwan leedahay. Albaabada qaar waxa galaya dad gaara, markay galaana waa la xidhayaa.

Waynida albaabadeeda

Jannada albaabadeedu way waynyihiin, rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay:

فأقول يا رب أمتي أمتي فيقال يا محمد أدخل الجنة من أمتك من لا حساب عليه من الباب الأيمن من أبواب الجنة وهم شركاء الناس فيما سوى ذلك من الأبواب والذي نفس محمد بيده إن ما بين المصراعين من مصاريع الجنة لكما بين مكة وهجر أو كما بين مكة وبصرى [5]

”Waxaan odhanayaa: Rabbiyoow Ummadaydii Ummadaydii! Waxa la dhahayaa: Muxamadow, jannada ka gali ummadaada kuwa aan la xisaabinayn albaabka midigeed ee albaabada jannada, dadkana waxay shuraako kula yihiin wixii albaabo soo hadhay, waxaan ku dhaartay Allaha gacantiisa ay ku jirto nafta Muxamede, labadeeda fardadood ee kamida albaabada jannada waxay isu jiraan intay isu jiraan Makkah iyo Hajar (magaalo Sacuudiga ku taala) ama Makkah iyo Busra (magaalo Shaam ku taala)”

Xadiiskan wuxuu tilmaamay in fardada alabaabka jannadu isu jiraan intay isu jiraan Makkah iyo Busra oo runtii aad u wayn.

Haddana waxa jira xadiis kale oo tilmaamaya in fardadaha albaabada loo kala soconayo afartan sanadood, taasoo inoo cadaynaysa in albaabada jannadu kala waynyihiin oo kala duwan yihiin. Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi:

وما بين مصراعين من مصاريع الجنة مسيرة أربعين عاما وليأتين عليه يوم وإنه لكظيظ[6]

”laba fardadood oo kamida fardadaha Jannadu waxa loo socdaa afartan sanadood, waxa iman doona maalin ay cidhiidhi noqon doonto”

Maadaama jannadu ay kala darajo wayntahay albaabadeeduna way kala waynyihiin, wayna kala sarreeyaan. Sidoo kale albaabada qaarna cid kooban ayaa galaya sida albaabka midigeed ee ay galayaan todobaatan kun ee xisaab la’aanta ah.

Albaabada jannadu waa sideed sida xadiisyo badan tilmaameen, waxaana suurtagal ah in alabaabadaas ay usii qaybsamaan qeybo kale, sida alabaabada naartuba ay u qeybsamayaan:

لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَابٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ (44)

”Waxay leedahay (naartu) todoba alabaab oo albaabkasta u qaybsamo qeybo (44)”[7]

Alabaabada jannada waxa la furaa Isniinta iyo Khamiista:

 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ تُفْتَحُ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ يَوْمَ الِاثْنَيْنِ وَيَوْمَ الْخَمِيسِ فَيُغْفَرُ لِكُلِّ عَبْدٍ لَا يُشْرِكُ بِاللَّهِ شَيْئًا إِلَّا رَجُلًا كَانَتْ بَيْنَهُ وَبَيْنَ أَخِيهِ شَحْنَاءُ فَيُقَالُ أَنْظِرُوا هَذَيْنِ حَتَّى يَصْطَلِحَا أَنْظِرُوا هَذَيْنِ حَتَّى يَصْطَلِحَا أَنْظِرُوا هَذَيْنِ حَتَّى يَصْطَلِحَا[8]

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: “waxa la furaa albaabada jannada maalinta isniinta iyo maalinta khamiista, waxa loo danbi dhaafaa adoon kasta oo aan Ilaahay shirki ula imanin, marka laga reebo nin isaga iyo walaalkii ay u dhaxayso cuqdad, waxa la dhahaa: dib u dhiga labadan illamaa ay ka heshiinayaan, dib u dhiga labadan illamaa ay ka heshiinayaan, dib u dhiga labadan illamaa ay ka heshiinayaan.”

Sidaa darteed ayuu nabigu u jeclaysan jiray inuu soomo isniinta iyo khamiista:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ تُعْرَضُ الْأَعْمَالُ يَوْمَ الِاثْنَيْنِ وَالْخَمِيسِ فَأُحِبُّ أَنْ يُعْرَضَ عَمَلِي وَأَنَا صَائِمٌ[9]

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: “Camalada waxa la bandhigaa maalinta Isniinta iyo Khamiista, waxaan jeclahay in camaladayda la bandhigo anigoo sooman”

Jannada waxa la furaa bisha barakaysan ee Ramadaan:

 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِذَا جَاءَ رَمَضَانُ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ النَّارِ وَصُفِّدَتْ الشَّيَاطِينُ[10]

Abihurayra (Rc) waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Marka Ramadaan yimaado waxa la furaa albaabada jannada, waxa la xidhaa albaabada naarta, waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta”

Albaabada Jannadu waxa kamida:

Albaabka Rayaan:

 

عَنْ سَهْلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِنَّ فِي الْجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ الرَّيَّانُ يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ يُقَالُ أَيْنَ الصَّائِمُونَ فَيَقُومُونَ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ فَإِذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ[11]

Sahal (ilaahay raali haka ahaadee) waxa laga wariyey inuu nabiga (scw) kasoo wariyey inuu yidhi: “Jannada waxa ahaaday albaab la dhaho Rayyaan, waxa ka gala dadka sooma maalinta Qayaame, cid aan ayaga ahayn ma gasho, waxa la dhahaa: meeye dadkii soomi jiray? Ayaga mooyee cid kale ma gasho, markay galaana waa la xidhaa, cid kalena ma gasho”

Ereyga Rayyaan wuxuu la macno yahay waraabin, wuxuu kasoo horjeedaa harraadka ama oonka. Dadka Ilaahay dartii usoomay ee u harraaday waxa laga waraabinayaa albaabkan rayyaan, mana harraadi doono dib oo u danbaysa.

وَرَأَيْتُ رَجُلًا مِنْ أُمَّتِي يَلْهَثُ عَطَشًا مِنَ الْعَطَشِ فَجَاءَهُ صِيَامُ رَمَضَانَ فَسَقَاهُ[12]

“waxaan arkay nin kamida ummadayda oo u laaladinaya carrabaka harraad darteed, waxa u yimid soonkii ramadaan oo waraabiyey”

Albaabka dadka aan la xisaabinayn:

فأقول يا رب أمتي أمتي فيقال يا محمد أدخل الجنة من أمتك من لا حساب عليه من الباب الأيمن من أبواب الجنة وهم شركاء الناس فيما سوى ذلك من الأبواب والذي نفس محمد بيده إن ما بين المصراعين من مصاريع الجنة لكما بين مكة وهجر أو كما بين مكة وبصرى [13]

”Waxaan dhahayaa: Rabbiyoow Ummadaydii Ummadaydii! Waxa la dhahayaa: Muxamadow, jannada ka gali ummadaada kuwa aan la xisaabinayn albaabka midigeed ee albaabada jannada, dadkana waxay shuraako kula yihiin wixii albaabo soo hadhay, waxaan ku dhaartay Allaha gacantiisa ay ku jirto nafta Muxamede, labadeeda fardadood ee kamida albaabada jannada waxay isu jiraan intay isu jiraan Makkah iyo Hajar (magaalo Sacuudiga ku taala) ama Makkah iyo Busra (magaalo Shaam ku taala)”

Dadka looga yeedhayo sideeda albaab ee Jannada:

Ehelka Sadaqada:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ أَنْفَقَ زَوْجَيْنِ فِي سَبِيلِ اللَّهِ نُودِيَ فِي الْجَنَّةِ يَا عَبْدَ اللَّهِ هَذَا خَيْرٌ فَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّلَاةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّلَاةِ وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الْجِهَادِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الْجِهَادِ وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّدَقَةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّدَقَةِ وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصِّيَامِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الرَّيَّانِ فَقَالَ أَبُو بَكْرٍ بِأَبِي أَنْتَ وَأُمِّي مَا عَلَى مَنْ دُعِيَ مِنْ هَذِهِ الْأَبْوَابِ مِنْ ضَرُورَةٍ فَهَلْ يُدْعَى أَحَدٌ مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ كُلِّهَا قَالَ نَعَمْ وَأَرْجُو أَنْ تَكُونَ مِنْهُمْ[14]

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Cidii laba nooc (oo xoolo ah sida laba halaad, laba riyaad) ku bixisa jidka Ilaahay waxa looga dhawaaqa jannada dhexdeeda (ayadoo la leeyahay) adoonkii Ilaahayow waa khayr, qofkii ehelka salaada ah waxa looga yeedhaa albaabka salaada, qofkii ehelka jihaadka waxa looga yeedhaa albaabka jihaadka, qofkii ehelka sadaqada waxa looga yeedhaa albaabka sadaqada, qofkii ehelka soomka ahna waxa looga yeedhaa albaabka Rayyaan, markaasuu Abubakar yidhi: aabahay iyo hooyadaybaan kugu furtee, qof looga yeedhay alabaabadaas muu khasaarine ee ma majiraa cid albaabada oo dhan looga yeedhayo? Wuxuu yidhi: haa, oo waxaan rajaynayaa inaad kamid tahay”

Waysada:

قَالَ مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ يَتَوَضَّأُ فَيُبْلِغُ أَوْ فَيُسْبِغُ الْوَضُوءَ ثُمَّ يَقُولُ أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُ اللَّهِ وَرَسُولُهُ إِلَّا فُتِحَتْ لَهُ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ الثَّمَانِيَةُ يَدْخُلُ مِنْ أَيِّهَا شَاءَ[15]

Cumar ibnu Khadaab waxa laga wariyey inuu yidhi: ”majiro mid idinka mida oo wayso qaata oo ku xeel dheeraada waysada kadibna dhaha: waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee iyo in muxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii waxa loo furaa albaabada jannada ee sideeda ah, kuu doonana wuu ka galayaa”

Ilmaha saqiiray:

عَنْ عُتْبَةُ بْنُ عَبْدٍ السُّلَمِيُّ فَقَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ مَا مِنْ مُسْلِمٍ يَمُوتُ لَهُ ثَلَاثَةٌ مِنْ الْوَلَدِ لَمْ يَبْلُغُوا الْحِنْثَ إِلَّا تَلَقَّوْهُ مِنْ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ الثَّمَانِيَةِ مِنْ أَيِّهَا شَاءَ دَخَلَ[16]

Cutba ibnu Cabdi Sulamiyyu wuxuu yidhi: ”Waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Majiro qof muslima oo ay ka dhimato sadex caruura oo aan qaangaadhin (haduu jiraba) wuxuu kula kulmaa albaabada jannada ee sideeda ah, kuu doonana wuu ka galaa”

Tawxiidka:

عَنْ عُبَادَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ شَهِدَ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ وَأَنَّ عِيسَى عَبْدُ اللَّهِ وَرَسُولُهُ وَكَلِمَتُهُ أَلْقَاهَا إِلَى مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِنْهُ وَالْجَنَّةُ حَقٌّ وَالنَّارُ حَقٌّ أَدْخَلَهُ اللَّهُ الْجَنَّةَ عَلَى مَا كَانَ مِنْ الْعَمَلِ. وَزَادَ مِنْ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ الثَّمَانِيَةِ أَيَّهَا شَاءَ[17]

Cubaada (Ilaahay raali haka ahaadee) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Qofka qira in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, kalidiina uu yahay, cibaadadiisana cid kale aanay la wadaagin, ee qira in Muxamedna yahay adoonkiisii iyo rasuulkiisii, iyo in Ciisana yahay adoonkii Ilaahay iyo rasuulkiisii iyo ereygiisii uu ku tuuray Maryama iyo ruux katimid xagiisa iyo in jannadu tahay xaq, naartuna ay tahay xaq, Ilaahay wuxuu galiyaa jannada wuxuu doona camal hakaga sugnaadee. Waxa lagu siyaadiyey: albaabada jannada ee sideeda ah kuu doono.”

Gabadha wanaagsan:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، أَنّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، قَالَ : ” إِذَا صَلَّتِ الْمَرْأَةُ خَمْسَهَا ، وَصَامَتْ شَهْرَهَا ، وَحَصَّنَتْ فَرْجَهَا ، وَأَطَاعَتْ بَعْلَهَا ، دَخَلَتْ مِنْ أَيِّ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ شَاءَتْ[18]

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Hadii gabadhu ay tukato shanteeda, ay soomto bisheeda, ay dhawrto xubinkeeda, ay adeecdo ninkeeda, waxay ka gashaa jannada albaabkii ay doonto”

Albaabada la mooganyahay ku dadaal:

Maadaama Albaabada jannadu sideed yihiin lagana yaabo inay usii qaybsamaan qeybo kala duwan sida albaabada naarta oo kale. Waa inaan ogaano in albaabada qaar faylkoodu dheeryahay oo dad badan kayuu ugu jiraan, sida albaabka salaada, soonka, xajka, sadaqada.

Waa ianaan ku dadaalno albaabada dadku ay mooganyihiin sida talo saarashada, dikriga, quraan akhrinta, jihaadka, daacada ninka, samirka iyo dacwada diinta.

Albaabada Jannada iyo malaa’ikta khasnadooda haya:

وَسِيقَ الَّذِينَ اتَّقَوْا رَبَّهُمْ إِلَى الْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَامٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَادْخُلُوهَا خَالِدِينَ ﴿٧٣﴾

Waxa loo kaxeeyey kuwa Rabbigood ka cabsaday xaga jannada ayagoo kooxo ah, illamaa ay yimaadeen oo la furay albaabadeedii oo ay dhaheen khasnad-hayayaasheedii nabadgalyo korkiina ha ahaato waad fiicnaydeen ee gala idinkoo ku waaraya (73)[19]

Waxa lagasoo wariyey nabiga (scw) in qofka ugu horeeya ee jannada laga furayo inuu isaga yahay:

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ آتِي بَابَ الْجَنَّةِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَأَسْتَفْتِحُ فَيَقُولُ الْخَازِنُ مَنْ أَنْتَ فَأَقُولُ مُحَمَّدٌ فَيَقُولُ بِكَ أُمِرْتُ لَا أَفْتَحُ لِأَحَدٍ قَبْلَكَ[20]

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Albaabka jannada ayaan imanayaa maalinta qayaame, waxaan dalbanayaa in la iga furo, wuxuu dhahayaa khasnad-hayihii: waa kuma? Waxaan odhanayaa: waa Muxamed. Wuxuu dhahayaa: adiga ayaa la i faray (inaan ka furo) cid adiga kaa horreysa kama furayo”


[1] Suuratu Saad: 49, 50

[2] Suuratu Arracdi: 23, 24

[3] Suuratu Zumur: 73

[4] Tirmadi: 3148

[5] Muslim: 194

[6] Axmed: 1952

[7] Suuratu Xijri: 44

[8] Muslim:2565

[9] Tirmadi:747

[10] Muslim: 1079

[11] Bukhaari: 1797

[12] المعجم الكبير » الأحاديث الطوال » حديث عبد الرحمن بن سمرة في رؤيا رسول الله صلى الله عليه وسلم: 39

[13] Muslim: 194

[14] Tirmadi: 3674

[15] Muslim: 234

[16] Ibnu Maajah: 1604

[17] Bukhaari:3252

[18] المعجم الأوسط للطبراني » بَابُ الْعَيْنِ » مَنِ اسْمُهُ : عَبْدَانُ/4738

[19] Suuratu Zumur: 73

[20] Muslim: 197