Tusmo

Ardayga baranaya cilmiga

ومن سلك طريقا يلتمس فيه علما سهل الله له به طريقا إلى الجنة

”Qofkii raaca jid uu ku raadsanayo cilmi waxa Ilaahay u fududeeyaa jidkii jannada”[1]

Gabadha jacaylka iyo dhalmada badan

ألا أخبركم بنسائكم من أهل الجنة ؟ ” ، قالوا : بلى يا رسول الله ، قال : ” الودود الولود التي إن ظلمت أو ظلمت قالت : هذه ناصيتي بيدك ، لا أذوق غمضا حتى ترضى ” .

”Ma idiinka warramaa xaasaskiina ehelka jannada? Waxay dhaheen: haa, rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: waa gabadha ninkeeda jecel ee dhalmada badan ee hadii ay wax dulmido ama ayada la dulmiyo tidhaahda: waa tan foodaydii, mana isku keenayo il iyo baal intaad raali ka noqonayso”[2]

Qofka ka tagay beenta iyo ka wanaajiyey akhlaaqdiisa

عن أنس بن مالك قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من ترك الكذب وهو باطل بني له في ربض الجنة ومن ترك المراء وهو محق بني له في وسطها ومن حسن خلقه بني له في أعلاها

Anas ibnu Maalik waxa lagasoo wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofkii ka taga beenta baadilka waxa loo dhisaa guri ku yaala jannada hareerteeda (guri hoose), qofkii ka taga istusnimada isagoo xaq sheegaya waxa loo dhisaa guri ku yaala jannada badhtankeeda, qofkii waanaajiya akhlaaqdiisana waxa looga dhisaa guryaha sare”[3]

Ilmaha kaa saqiiray ood ku samirto

عَنْ أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” إِذَا مَاتَ وَلَدُ الْعَبْدِ قَالَ اللَّهُ لِمَلائِكَتِهِ قَبَضْتُمْ وَلَدَ عَبْدِي فَيَقُولُونَ نَعَمْ فَيَقُولُ قَبَضْتُمْ ثَمَرَةَ فُؤَادِهِ فَيَقُولُونَ نَعَمْ فَيَقُولُ مَاذَا قَالَ عَبْدِي فَيَقُولُونَ حَمِدَكَ وَاسْتَرْجَعَ فَيَقُولُ اللَّهُ : ” ابْنُوا لِعَبْدِي بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ وَسَمُّوهُ بَيْتَ الْحَمْدِ “

Abi Muuse Al-ashcari waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Hadii adoonka ilmo ka dhinto, Ilaahay wuxuu ku dhahaa malaa’iktiisa: miyaad oofsateen adoonkayga ilmihiisii? Waxay leeyihiin: haa. Wuxuu dhahayaa: miyaad oofsateen qalbigiisii? Waxay dhahayaan: haa. Wuxuu leeyahay: muxuu adoonkaygu yidhi? Waxay dhahayaan: wuu ku mahadceliyey, waanu kuusoo laabtay, waxa Ilaahay dhahayaa: ”Uga dhisa adoonkayga guri jannada, una bixiya guriga mahadnaqa”[4]

Ilaahay dartii in la isu siyaarto:

عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم أن رجلا زار أخا له في قرية أخرى فأرصد الله له على مدرجته ملكا فلما أتى عليه قال أين تريد قال أريد أخا لي في هذه القرية قال هل لك عليه من نعمة تربها قال لا غير أني أحببته في الله عز وجل قال فإني رسول الله إليك بأن الله قد أحبك كما أحببته فيه

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw): in nin ku booqday walaalkii magaalo kale, Ilaahayna wuxuu fadhiisiyey jidkiisii malag, markuu u yimidna wuxuu ku yidhi: xagaad ku socotaa? Wuxuu yidhi: waxaa aadayaa walaal aan ku leeyahay magaaladan. Wuxuu yidhi: oo ma abaal ayaad u gudaysaa? Wuxuu yidhi: maya, ee kaliya Ilaahay dartii ayaan u jeclaaday. Wuxuu yidhi (malagii): aniga, Ilaahay ayaa ii kaasoo diray, Ilaahayna wuu ku jeclaaday sidaad u jeclaatay”[5]

In diinta lagu toosnaado:

إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّـهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ ﴿١٣﴾ أُولَـٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ خَالِدِينَ فِيهَا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ ﴿١٤﴾

”kuwa dhahay rabbigayo waaa Allah ee ku toosnaaday, korkooda ma saarno cabsi mana murugoonayaan (11) Kuwaasina waa asxaabta jannada ee ku waaraya dhexdeeda wixii ay camal faleen ayadoo laga abaalmarinayo (12)”[6]

Kuwa cadhadooda qarsada ee dadkana cafiya:

وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ ۗ وَاللَّـهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ﴿١٣٤﴾

”kuwa cadhadooda qarsada ee cafiya dadka, ilaahayna wuu jecelyahay samofalayaasha (134)”[7]

Samo-falayaashii dadka cafiyey ee cadhadoodana qarsaday waxa loogu ballanqaaday jannada, wuxuu Ilaahay leeyahay:

لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا الْحُسْنَىٰ وَزِيَادَةٌ ۖ

”Ku samaha falay waxay mudan janno iyo dheeraad (aragga rabbi)”[8]

Sharciga Ilaahay oo la fuliyo

وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْكِتَابِ آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَكَفَّرْنَا عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ وَلَأَدْخَلْنَاهُمْ جَنَّاتِ النَّعِيمِ ﴿٦٥﴾

“Hadii ehelu kitaabku (yahuuda iyo nasaarada) rumayn lahaayee oo Alle ka cabsidna la iman lahaayeen waxaan u dhaafi lahayn xumaanahooda, waxaan galin lahayn jannooyinkii nicmaysnaa (65)”[9]

Ruuxa toobad keena:

إِلَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَـٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّـهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا ﴿٧٠﴾

“Marka laga reebo qofkii toobad keena ee (la yimaada) iimaan iyo camal saalixa, kuwaas waxa Ilaahay xumaanahoodi ugu badalayaa wanaag, Ilaahayna waa danbi dhaaf badane naxariista (70)”[10]

Sideen u toobad keenaa?

Marka hore ogsoonow in qof kasta oo bani aadama ay ka dhacayso danbiyo iyo gafafba, ku yar iyo ku waynba. Rasuulkii Ilaahayna (scw):

عَنْ أَنَسٍ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كُلُّ ابْنِ آدَمَ خَطَّاءٌ وَخَيْرُ الْخَطَّائِينَ التَّوَّابُونَ

Anas waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Ibnu Aadam kasta wuu danbaaba, kuwa danbaabanawaxa ugu khayr badan kuwa toobad keena”[11]

Mar walba waxa inaga dhacaya danbi, sidaa darteed ayaa Ilaahay ina faray inaan isaga waydiisano danbi dhaaf markasta iyo naxariis.

Shuruudaha Toobada:

Toobadu waxay u baahantahay dhawr shuruudood oo la rabo inaad la timaado, si toobadaadu u noqoto tawbadii nasuuxa ahayd:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا

“Kuwa Ilaahay rumeeyow u toobad keena Ilaahay tawbad nasuuxa (run ah oo go’aan la socdo)”[12]

Toobada nasuuxa ah waxay leedahay dhawr shuruudoo oo culumadu ay ka qaateen aayadaha quraanka iyo sunnada nabiga, waxayna kala yihiin:

  • Inaad danbigii joojiso, hadii adigoo danbigii ku gudo jira aad afka ka tidhaahdo (astaqfiru Allah) oo aanad joojinin danbigii, ma noqonayso toobadii nasuuxa ahayd. Sidaa darteed ayuu Ilaahay dhahay:

وَأَنِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ

“Danbi dhaaf waydiista rabbigiin oo isaga u toobad keena”[13] Markaad istiqfaarta la timaado, ee aad toobad keento, ku soco toobadaada oo haku noqonin danbigii.

  • Inaad go’aansato inaanad dib ugu laabanin danbigii.
  • Inaad ka shallayso ama aad ka murugooto danbigii. Murugaduna waa tiirka ugu wayn ee toobadu leedahay, sababtoo ah waxay koobsanaysaa in la joojiyo danbigii iyo in la go’aansado inaan dib loogu noqonin xumaantii. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

“النَّدَمُ تَوْبَةٌ”

“Shallayntu (murugadu) waa Tawbada”[14]

Hadii qofku ku faraxsanyahay danbigii oo marka uu soo xasuustaba uu ku raaxaysanayo, qofkaa tawbadiisii uma dhamaystirna, waxa ka maqan tiirkii ugu waynaa toobada oo ah inuu ka shalleeyo xumaantii ka dhacday.

  • In wixii xaq aadamuhu lahaayeen loo celiyo, sida nin guri xaaraan ku bililiqaystay waa inuu u celiyaa cidii gurigaa lahayd. Dadkii lahaa hadii ay dhinteen waxa loo celinayaa dadka dhaxalkiisa lahaa. Hadii aan la garanayn qofkii guriga lahaa, waa loo sadaqaynayaa.

In la toobad keeno sida ugu dhakhsaha badan:

إِنَّمَا التَّوْبَةُ عَلَى اللَّـهِ لِلَّذِينَ يَعْمَلُونَ السُّوءَ بِجَهَالَةٍ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٍ فَأُولَـٰئِكَ يَتُوبُ اللَّـهُ عَلَيْهِمْ ۗ وَكَانَ اللَّـهُ عَلِيمًا حَكِيمًا ﴿١٧﴾

”Tawbadu waxay Ilaahay uga ahaatay (ilaahay ka aqbalayaa) kuwa xumaanta la imanaya ayagoo jaahil ah (ciqaabka Ilaahay ka jaahila) markaana toobad keena waqti dhow (kahor intaanu dhiman) kuwaa Ilaahay toobad aqbalayaa, Ilaahayna waa Alle cilmi iyo xikmad badan”[15]

Qofka muslimka ah waa inuu toobad keenaa kahor intaanu dhimanin ama cadceedu galbeed kasoo bixin. Xilligaas waxa la xidhayaa albaabka toobada, ruuxii toobad keenana waxba uma qabanayso tawbadii, sidoo kale ruuxii isagoon toobad keenin dhintay lagama aqbalayo toobadiisa dhimashada kadib.

Sidaa darteed, waa muhiim in la toobad keeno sida ugu dhakhsaha badan. Waxa Ilaahay mahaddiiya inaad haysato mudo gaadhaysa lix saacadood kahor intaan malagu kugu qorin danbigii aad la timid, hadii lixdaa saacadood kahor aad toobad keento waxa laguu qorayaa xasanaad iyo wanaagyo.

عَنْ أَبِي أُمَامَةَ ، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – قَالَ : ” إِنَّ صَاحِبَ الشِّمَالِ لِيَرْفَعُ الْقَلَمَ سِتَّ سَاعَاتٍ عَنِ الْعَبْدِ الْمُسْلِمِ الْمُخْطِئِ أَوِ الْمُسِيءِ ، فَإِنْ نَدِمَ وَاسْتَغْفَرَ اللَّهَ مِنْهَا أَلْقَاهَا ، وَإِلَّا كُتِبَتْ وَاحِدَةً . [16]والحديث حسنه الشيخ الألباني في صحيح الجامع الصغير, وأورده ضمن السلسلة الصحيحة.

Abi Umaama waxa laga wariyey (Ilaahay raali haka ahaadee) inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: ” Saaxiibka bidixda (Malagu) wuxuu qalinkiisa sare uga qaadayaa lix saacadood adoonka muslimka ee danbaabay ama gafay, hadii uu ka shalleeyo oo Ilaahay uu danbi dhaaf waydiisto wuu tuurayaa, hadii kalena waxa la qorayaa hal (danbi).[17]

Qaabka aad u toobad keenayso:

Marka danbi kaa dhaco waa inaad qirataa danbigii aad gashay iyo inaad naftaada ku gardarrootay, kadibna Ilaahay u tuko laba rakcadood oo aaq qalbigaaga soo xaadirinayso adigoon arrimo aduunyo ugu sheekaynayn, kadibna Ilaahay waydiiso danbi dhaaf. Nabigii Ilaahay (scw) waxa lagasoo wariyey inuu yidhi:

” مَا مِنْ رَجُلٍ يُذْنِبُ ذَنْبًا ثُمَّ يَقُومُ فَيَتَطَهَّرُ ثُمَّ يُصَلِّي ثُمَّ يَسْتَغْفِرُ اللَّهَ إِلَّا غَفَرَ اللَّهُ لَهُ ، ثُمَّ قَرَأَ هَذِهِ الْآيَةَ وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنْفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللَّهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ وَمَنْ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلا اللَّهُ وَلَمْ يُصِرُّوا عَلَى مَا فَعَلُوا وَهُمْ يَعْلَمُونَ سورة آل عمران آية 135

“Majiro nin danbaabay (haduu jiraba) oo kaca, isna daahiriya (wayso qaata) oo tukada markaana Ilaahay waydiista danbi dhaaf, Ilaahay wuu u danbi dhaafaa” wuxuuna akhriyey (nabigu) aayadan: “Kuwa sameeyey faaxishada ama naftooda dulmiyey ee xasuustay Ilaahay oo waydiistay inuu dhaafo danbigooda, oo yaa dhaafa danbiya cidaan Ilaahay ahayn oo aan ku adkaysanin wixii ay sameeyeen ayagoo ogsoon”[18] [19]

Sifiican u wayso qaado:

Kahor intaanad tukanin labada rakcadood, ku dadaal inaad si wanaagsan u wayso qaadato, si danbiyadaadu u raacaan biyaha waysada. Waxa rasuulkii Ilaahay (scw) laga wariyey:

عَنْ عُثْمَانَ بْنِ عَفَّانَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ “مَنْ تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ خَرَجَتْ خَطَايَاهُ مِنْ جَسَدِهِ حَتَّى تَخْرُجَ مِنْ تَحْتِ أَظْفَارِهِ”.

Cusmaan ibnu Caffaan waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “qofkii wayso qaata ee wanaajiya waysada, waxa danbiyadiisu ka baxaan jidhkiisa illamaa aya ka baxaan cidiyihiisa hoostooda”[20]

Camal wanaagsan ka danbaysii xumaantii:

Ruuxa toobadiisu ay ka runtahay wuxuu xumaantii booskeedii ku badalaa wanaag, danbigiina wuxuu ka danbaysiiya camalo wanaagsan. Ilaahay wuxuu yidhi:

إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ۚ

“Xasanaadku waxay tirtiraan xumaanhihii”[21]

Sidoo kale rasuulkii Ilaahay waxa lagasoo wariyey inuu yidhi:

اتق الله حيثما كنت وأتبع السيئة الحسنة تمحها وخالق الناس بخلق حسن

“Ilaahay ka cabso meel kasta oo aad joogto, xumaanta raaci wanaag way tirtiraysaaye, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan”[22]

Sidoo kale Ilaahay waxa quraankiisa inoogu cadeeyey in marka la toobad keeno la raaciyo iimaan iyo camal saalixa si Ilaahay xumaanihii kaa dhacay uu booskoodii kuugu badalo wanaagyo. Subxaana Allah, waxaad qiyaastaa ruuxii khamriga cabay ama sinaystay ama daroogo isticmaalay ee toobada keenay waxa meeshii danbiga wayn ku qornaa lagu badalayaa wanaag iyo xasanaad. Ilaahay wuxuu yidhi:

إِلَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَـٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّـهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا ﴿٧٠﴾

“Marka laga reebo qofkii toobad keena ee (la yimaada) iimaan iyo camal saalixa, kuwaas waxa Ilaahay xumaanahoodi ugu badalayaa wanaag, Ilaahayna waa danbi dhaaf badane naxariista (70)”[23]

Ogsoonow, Ilaahay naxariistu way balaadhantahay:

Naxariista Ilaahay way balaadhantahay, waanu kuu dhaafayaa danbigaaga intuu doono xajmigiisu hala ekaado. Hadii dhulka xajmigiisa oo danbiyo ah aad la timaado oo aad usoo noqoto xaga Ilaahay, rabbiga wayn wuu kuu dhaafayaa danbigaagii, Ilaahay wuxuu yidhi:

ۖ وَرَحْمَتِي وَسِعَتْ كُلَّ شَيْءٍ ۚ فَسَأَكْتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَالَّذِينَ هُم بِآيَاتِنَا يُؤْمِنُونَ (156)

“Naxariistaydu waxay u waasac noqotay shay kasta, waxaanan u qorayaa kuwa taqwada la yimaada ee bixiya zakada ee aayaadkayga rumaynaya (156)”[24]

Sidoo kale Rabbi wuxuu yidhi:

وَإِذَا جَاءَكَ الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِآيَاتِنَا فَقُلْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۖ كَتَبَ رَبُّكُمْ عَلَىٰ نَفْسِهِ الرَّحْمَةَ ۖ أَنَّهُ مَنْ عَمِلَ مِنكُمْ سُوءًا بِجَهَالَةٍ ثُمَّ تَابَ مِن بَعْدِهِ وَأَصْلَحَ فَأَنَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (54)

“Markay kuu yimaadaan kuwa rumaynaya aayaadkayga waxaad ku dhahdaa nabadgalyo korkiina ha ahaato, waxa rabbigiin naftiisa ku waajibiyey naxariis (inuu u naxariisto) kuwa idinka mida ee la imanaya xumaan ayagoo jaahila markaana toobad keenaya (danbigii) kadib ee hagaagsanaada isagu waa u danbidhaaf badanyahay waanu u naxariisan (54)”[25]

Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa isagana laga wariyey:

عن أبي ذر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول الله عز وجل من جاء بالحسنة فله عشر أمثالها وأزيد ومن جاء بالسيئة فجزاؤه سيئة مثلها أو أغفر ومن تقرب مني شبرا تقربت منه ذراعا ومن تقرب مني ذراعا تقربت منه باعا ومن أتاني يمشي أتيته هرولة ومن لقيني بقراب الأرض خطيئة لا يشرك بي شيئا لقيته بمثلها مغفرة

Abi Darr waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Ilaaha sharafta iyo waynidu u sugnaatay wuxuu leeyahay: qofkii wanaag la yimaadaa wuxuu mudan toban lamida waanan u kordhin, qofkii xumaan la yimaadaana waxa lagu abaal marin hal xumaan oo lamida ama waan u dhaafi, cidii iisoo dowaata hal taako waxaan u dhowaada diraac (dhudhdun), cidii diraac iisoo dhowaata waxaan u dhowaada baac, cidii socod iigu timaada waxaan ugu tagaa guclayn (orod), qofkii ila kulma isagoo (xanbaarsan) dhulka oo danbiya oo aan shirki iila imanin waxaan kula kulmaa mid (dhulka) la eeg oo danbi dhaafa”[26]

Malo fiican ka malee rabbigaa:

Ruuxa muslimka ah waa inuu rabbigii ka malaysto malo fiicn, sababtoo ah qof kasta wuxuu rabbigii kula kulmayaa malihiisa. Qofkii malo fiican ka malaystay wax fiican ayuu kala kulmi, kii malo xun ka filanayayna wuu la kulmi malihii xumaa ee uu rabbigii ka malaystay.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال قال النبي صلى الله عليه وسلم يقول الله تعالى أنا عند ظن عبدي بي وأنا معه إذا ذكرني فإن ذكرني في نفسه ذكرته في نفسي وإن ذكرني في ملإ ذكرته في ملإ خير منهم وإن تقرب إلي بشبر تقربت إليه ذراعا وإن تقرب إلي ذراعا تقربت إليه باعا وإن أتاني يمشي أتيته هرولة

Abihurayra Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: nabigu (scw) wuxuu yidhi: “Ilaaha sarreeya wuxuu leeyahay: anigu malaha adoonkayga ayaan ahaaday, waanan la jiraa markuu i xusayo, haduu naftiisa igu xuso anigu naftaydaan ku xusaa (ku amaana), haduu meel dad joogaan igu xuso waxaan ku xusaa (ku amaanaa) meel koox ka khayr badan joogto, haduu taako iisoo dhowaado waxaan u dhowaadaa dhudhun, haduu dhudhun iisoo dhowaadana baac ayaan u dhowaadaa, haduu socod iigu yimaadana guclayn ayaan ugu tagaa”[27]

Ha quusanin waligaa:

In laga quusto naxariista Ilaahay waa astaanta iyo sumadaha lagu yaqaano dadka gaalada ah. Shaydaanku wuxuu isku dayayayaa inuu ku gaadhsiiyo heerka ah inaad ka quusato naxariista Rabbi, kadibna aad xalaashato danbigii oo aad sidaa ku gaalowdo, iska ilaali tallaabooyinka shaydaanka. Ilaahay isagoo inooga warramaya nabi Ibraahiim ayuu yidhi:

قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِ إِلَّا الضَّالُّونَ (56)

“Wuxuu yidhi (Ibraahiim) oo yaa ka quusta naxariista rabbigii kuwa baadiyoobay mooyee (56)”[28]

Sidoo kale rabbi isagoo inooga warramaya nabi Yacquub (scw) wuxuu yidhi:

يَا بَنِيَّ اذْهَبُوا فَتَحَسَّسُوا مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَيْأَسُوا مِن رَّوْحِ اللَّهِ ۖ إِنَّهُ لَا يَيْأَسُ مِن رَّوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ (87)

“Ubadkaygiiyow taga oo raadiya Yuusuf iyo walaalkii hana ka quusanin naxariista Ilaahay, kamana quusto naxariista Ilaahay qoom gaalo ah mooyee (87)”[29]

Hadii danbigii kaa dhaco mar kale:

Hadii shaydaanka iyo naftaadu kaa adkaadaan mar kale oo aad ku dhacdo isla danbigii ama mid kaleba ku celi toobada oo Ilaahay usoo laabo, sababtoo ah Ilaah kale malihid oo toobada kaa aqbalaya.

Iska ilaali shaydaanku inuu ku dhaho: hadda kahor ayaad toobad keentay waanad ku laabatay danbigii, waxana toobadu kuuma tarayso ee danbiga iskaga jir, sidaasbaa Ilaahay kuu qoraye!! Arrintaasi waa tallaabooyinka shaydaanka ee la ina faray inaynaan raacin, marka hore intuu danbiga ku galiyo ayuu haddana kaa quusinayaa naxariista Ilaahay.

Waa inaad shaydaanka ku dhahdaa: malcuunbaad tahay! Rabbigay toobada wuu aqbalayaa, naxariistiisuna way ballaadhantahay, albaabka toobaduna wuu ii furanyahay, Ilaahayna wuu i jeclyahay waanan u toobad keenayaa oo ku laabanayaa xaga Rabbigayga Sharafta leh.

Midna ogsoonow, qof toobada badan ee mar kasta kasoo laabta danbigii uu galay, Ilaahay wuu jecelyahay ruuxaas. Rabbi wuxuu yidhi:

إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ (222)

”Ilaahay wuu jecelyahay kuwa [30]

Dabcan qofka toobad keenka badan waa qof danbigiisu badanyahay, hase ahaatee rabbigii usoo laabanaya oo aan ka daalaynin inuu rabbigii waydiisto danbi dhaaf. Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa laga wariyey:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيمَا يَحْكِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ قَالَ أَذْنَبَ عَبْدٌ ذَنْبًا فَقَالَ اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ فَقَالَ أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى عَبْدِي أَذْنَبَ ذَنْبًا فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ فَقَالَ أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ اعْمَلْ مَا شِئْتَ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكَ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu ka sheekeeyey rabbigiisa sharafta iyo waynida iska leh wuxuuna yidhi: ”Adoon ayaa danbaabay markaasuu yidhi: Ilaahow danbigayga ii dhaaf, markaasuu Rabbiga barakada badan dhahay: adoonkaygii wuu danbaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay rabbi u dhaafaya danbigii kana joojinaya danbiga, haddana wuu ku laabtay oo wuu danbaabay wuxuuna yidhi: Ilaahow danbigayga ii dhaaf, markaasuu Rabbiga barakada badan dhahay: adoonkaygii wuu danbaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay rabbi u dhaafaya danbigii kana joojinaya danbiga, haddana wuu ku laabtay oo wuu danbaabay wuxuuna yidhi:Ilaahow danbigayga ii dhaaf, markaasuu Rabbiga barakada badan dhahay: adoonkaygii wuu danbaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay rabbi u dhaafaya danbigii kana joojinaya danbiga. Waxaad doonto samee waan kuu danbi dhaafay.”[31]

Maadaama aad markasta oo aad danbaabto aad u toobad keenayso Rabbi subxaanahu wa tacaala, wuu kuu dhaafayaa danbigii.

 Waxyaalaha kaa caawinaya inaad toobad keento:

  • Inaad la timaado ikhlaas oo aad Ilaahay dartii u toobad keentaa. Hadii danbiga aad u joojisay adigoo awood u waayay: tusaale; ninbaa cabida khamriga iskaa daayey markuu heli waayay lacag uu kusoo gato, ninkaasi muu toobad keenin.
  • Camalo saalixa inaad badsato si ay u tirtiraan xumaanihii iyo si miisaanka Qayaamada wanaagaagu uga cuslaado xumaanaha.
  • Inaad dareento foolxumada danbiga iyo ciqaabkiisa aduun iyo aakhiro.
  • Inaad ka fogaato meelaha danbiga kuu horseedaya, sida marfashyada qaadka, kalaabyada lagu tunto, meelaha dadka lagu xanto, qolka madow ee kalida aad ku tahay.
  • Inaad yeelato saaxiibo wanaagsan oo kugu kaalmeeya wanaaga.
  • Inuu badsato ducada iyo xuska ilaahay.
  • In waqtiga firaaqada ah ee danbiyadu kaa dhacaan inaad ku mashquusho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiro.

[1] Muslim: 2699

[2] Dabaraani (Alkabiir): 307

[3] Tirmadi: 1993

[4] Tirmadi: 942

[5] Muslim: 2567

[6] Suuratu Al-axqaaf: 13,14

[7] Suuratu Al-Cimraan: 134

[8] Suuratu Yuunus: 26

[9] Suuratu Al-Maa’idah: 65

[10] Suuratu Al-Furqaan: 70

[11] Tirmadi: 2499

[12] Suuratu Taxriim: 8

[13] Suuratu Huud: 3

[14] Axmed: 4012

[15] Suuratu Nisaa: 17

[16] Dabaraani (Alkabiir): 7765

[17] [Mucjamka Wayn ee Dabaraani: 7765 ] Xadiiskana waxa taxsiiniyey Albaani [Saxiixu Aljaamic: xadiiska lanbarkiisu yahay 2097 ]

[18] Tirmadi: 371

[19] Suuratu Al-Cimaraan: 135

[20] Muslim: 245

[21] Suuratu Huud: 114

[22] Tirmadi: 1987

[23] Suuratu Al-Furqaan: 70

[24] Suuratu Al-acraaf: 156

[25] Suuratu Al-Ancaam: 54

[26] Muslim: 2687

[27] Bukhaari: 6970

[28] Suuratu Al-Xijri: 56

[29] Suuratu Yuusuf: 87

[30] Suuratu Al-Baqarah: 222

[31] Bukhaari: 7068 iyo Muslim: 2758