Tusmo

Nicmada ugu wayn ee Jannada

Raali ahaanshaha Rabbi:

Ruuxa mu’minka ah markuu jannada galo ee uu arko nicmooyinka Ilaahay ku manaystay, waxa loogu darayaa nicmo kale oo sii dhamaystiraysa barwaaqada iyo farxada ehelka jannada, nicmadaasina waa raali ahaanshaha Ilaahay iyo inaanu waligood ka cadhoonaynin.

Si kasta aduunyada hadii aad nicmooyin u haysato oo Ilaahay aanu raali ka ahayn waa mid la isaga daba imanayo oo durabdii dhamaanaysa. Ilaahay (swt) isagoo ka warramaya raali ahaanshihiisa wayn wuxuu yidhi:

وَعَدَ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَانٌ مِّنَ اللَّهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (72)

”Waxa Ilaahay ugu yaboohay mu’miniinta (nimanka) iyo mu’minaatka (haweenka) jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii ayagoo ku waaraya dhexdeeda iyo deegaan wanaagsan oo ku yaala jannada cadan, iyo raali ahaanshaha rabbi ee wayn, taasi waa guul aad u wayn”[1]

جَزَاؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۖ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِيَ رَبَّهُ (8)

”Abaalgudkooda Ilaahay agtiisa ay ku leeyihiin waa jannooyinka cadan ee ay soconayso hoostooda wabiyoyaalkii ayagoo ku waaraya dhexdooda waligood, Ilaahay raalibuu ka noqday ayaguna raalibay ku noqdeen, taasna waxa iska leh cidii rabbigood ka cabsata”[2]

عن أبي سعيد الخدري أن النبي صلى الله عليه وسلم قال إن الله يقول لأهل الجنة يا أهل الجنة فيقولون لبيك ربنا وسعديك والخير في يديك فيقول هل رضيتم فيقولون وما لنا لا نرضى يا رب وقد أعطيتنا ما لم تعط أحدا من خلقك فيقول ألا أعطيكم أفضل من ذلك فيقولون يا رب وأي شيء أفضل من ذلك فيقول أحل عليكم رضواني فلا أسخط عليكم بعده أبدا

Abi saciid al-khudriyy waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Ilaahay wuxuu ku dhahayaa ehelka jannada: ehelkii jannadow, waxay dhahayaan: waan ku ajiibnay rabbiyoow, khayrkuna gacantaada ayuu ku jiraaye, wuxuu dhahayaa: ”raali ma noqoteen?” waxay odhanayaan: oo simaanan raali u ahayn rabbiyow, waxaad na siisay wax aanad siinin cid kamida khalqigaagee, wuxuu dhahayaa: ma idin siiyaa wax ka fadli badan? Waxay dhahayaan: rabbiyow, maxaa ka fadli badan? Wuxuu dhahayaa: raali ayaan idinka noqday oo idiinma cadhoonayo waligiin.”[3]

Maxaa ka wanaagsan oo nafta uga macaan inay maqasho go’aanka rabbi ee ah ”raalibaan idinka ahay, idiinmana cadhoonayo waligay” Ilaahay hanaga yeelo kuwa Ilaahay raalida ka noqdo ee aan loo cadhoonin.

Aragga Rabbi

Caqiidada dadka mu’miniinta ah waxa kamida inay rumaysanyihiin in rabbigood ay arkayaan maalinta qayaame. Aduunyada inta aynu joogno waxa rabbi inoogu nicmaystay hadalkiisii oo ah kitaabka Ilaahay ee quraanka, halka jannadana dib naloogu dhigay muuqaalka rabbi subxaanahu wa tacaala.

Sida caadiga ah hadii aad maqasho cod kaliya waxaad jeclaanaysa inaad aragto codkaas muuqaalkiisa sidii nabi Muuse (scw) markuu maqlay ee uu dhagaystay hadalkii rabbi u waxyoonayey ayuu doonay inuu ku darsado muuqaal, wuxuuna rabbigii ka codsaday inuu istuso.

وَلَمَّا جَاءَ مُوسَىٰ لِمِيقَاتِنَا وَكَلَّمَهُ رَبُّهُ قَالَ رَبِّ أَرِنِي أَنظُرْ إِلَيْكَ ۚ قَالَ لَن تَرَانِي وَلَٰكِنِ انظُرْ إِلَى الْجَبَلِ فَإِنِ اسْتَقَرَّ مَكَانَهُ فَسَوْفَ تَرَانِي ۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُ لِلْجَبَلِ جَعَلَهُ دَكًّا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقًا ۚ فَلَمَّا أَفَاقَ قَالَ سُبْحَانَكَ تُبْتُ إِلَيْكَ وَأَنَا أَوَّلُ الْمُؤْمِنِينَ (143)

”Markuu Muuse u yimid ballantanadii oo rabbigiina uu la hadlay ayuu yidhi (Muuse) rabbiyow iskay tus aan ku arkee, wuxuu yidhi (rabbi) ima arkaysid ee waxaad fiirisaa xaga buurta hadii ay sideeda ahaato waad i arki doontaa, markuu rabbigii isu muujiyey buurtii ayuu ka dhigay burbur oo Muusana wuu suuxay, markuu soo kacay ayuu yidhi adigaa xumaan ka nasahan (rabbiyow) waan kuu toobad keenay waxaanan ahay ka u horeeya ee rumeeya”[4]

Sida aan kor kusoo sheegnay nabi Muuse hadalkii uu maqlay ayuu doonay inuu ku darsado muuqaal, hase ahaatee waxa u cadaatay in Ilaahay aduunyada aan lagu arkaynin, waanu toobad keenay oo Ilaahay usoo laabtay.

Aayadan waxaan ka faaidaynaa:

  • Inay suurtagal tahay in rabbi la arki karo, sababtoo ah hadii aanay suurtagal ahayn nabi Muuse kamuu codsan lahayn rabbigii.
  • Nabi Muuse wuxuu rumaysan yahay inaanu Ilaahay arkaynin illamaa Ilaahay isagu awoodiisa uu isku tuso.
  • Ilaahay wuxuu isu muujiyey buurta oo ah wax kamida makhluuqaadkiisa, kadibna way burburtay. Maadaama aduunyada xeerarkeedu ka duwanyihiin aakhiro markaa waa suurtagal in la arko rabbiga wayn subxaanahu wa tacaala.

Aayad kale rabbi wuxuu yidhi:

( وجوه يومئذ ناضرة . إلى ربها ناظرة )

”Wajiyayaal ayaa faraxsan. Xaga rabbigood ayay eegayaan”[5]

Wajiyadan farxsan waxay daawanayaan rabbigood subxaanahu wa tacaala, waana sababta barwaaqadu uga muuqato wajiyadooda.

Waxa kale oo Ilaahay yidhi:

( لهم ما يشاءون فيها ولدينا مزيد )

“Waxay helayaan wax kasta oo ay doonaan waxaan haynaana dheeraad”[6]

Dheeraadku waa eegmada wajiga Ilaahay subxaanahu, sida uu ku fasiray Anas ibnu Maalik ilaahay raali haka ahaade.

Waxa kale oo rabbi yidhi:

 ( للذين أحسنوا الحسنى وزيادة )

”Kuwa samo falayaasha waxa u sugnaatay janno iyo dheeraad” [7]

Dheeraadkuna waa eegmada rabbi subxaanahu wa tacaala, waana sida uu ku fasiray rasuulkii Ilaahay (scw):

 عَنْ صُهَيْبٍ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” إِذَا دَخَلَ أَهْلُ الْجَنَّةِ الْجَنَّةَ قَالَ: يَقُولُ اللَّهُ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: تُرِيدُونَ شَيْئًا أَزِيدُكُمْ فَيَقُولُونَ أَلَمْ تُبَيِّضْ وُجُوهَنَا أَلَمْ تُدْخِلْنَا الْجَنَّةَ وَتُنَجِّنَا مِنْ النَّارِ قَالَ فَيَكْشِفُ الْحِجَابَ فَمَا أُعْطُوا شَيْئًا أَحَبَّ إِلَيْهِمْ مِنْ النَّظَرِ إِلَى رَبِّهِمْ عَزَّ وَجَلَّ وهي الزيادة ثُمَّ تَلَا هَذِهِ الْآيَةَ ( لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا الْحُسْنَى وَزِيَادَةٌ )

Suhayb (Rc) waxa laga wariyey inu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”marka ehelka jannadu ay galaan jannada, wuxuu yidhi: Ilaaha barkada badan ee sarreeya ayaa odhanaya: ma rabtaan dheeraad? Waxay dhahayaa: miyaanad noo nuurinin wajiyadayadii? Miyaanad na galinin jannadii? Miyaanad naga badbaadin naartii? Wuxuu yidhi: wuxuu faydayaa (rabbi) xijaabkii, lamaba siinin wax ay ka jeceliyihiin eegmada rabbigooda sharafta leh, waana dheeraadka. Wuxuuna akhriyey ” ”Kuwa samo falayaasha waxa u sugnaatay janno iyo dheeraad”[8]

Hadii aad ogtaatay in ehelka jannada wixii la siiyey ay ugu jecelyihiin eegmada ama daawashada rabbiga wayn, waxa kuu cadaatay dhibta ay leedahay iyo khasaaraha wayn ee u sugan gaaladii Ilaahay u diiday inay arkaan isaga, wuxuu Rabbi yidhi;

 ( كلا إنهم عن ربهم يومئذ لمحجوبون )

”Sidaas maahee ayagu rabbigood maalintaas waa laga xijaabay”[9]

قال الشافعي ، رحمه الله : ما حجب الفجار إلا وقد علم أن الأبرار يرونه عز وجل

Imaamu Shaafici (AHU) wuxuu yidhi: ”Faajiriinta xijaab ayaa la saaray (hadii la saarayna) waxa la ogaanayaa in samo falayaashu ay arkayaan rabbigood”[10]

Waxa kale oo u daliila in rabbi la arkayo maalinta Qayaame, xadiisyada saxiixa ah ee kusoo arooray saxiixa Imaamu Al-Bukhaari iyo Imaamu Al-Muslim.

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن ناسا قالوا : يا رسول الله هل نرى ربنا يوم القيامة ؟ فقال رسول الله : ” هل تضارون في رؤية القمر ليلة البدر ؟ ” قالوا : لا يا رسول الله . قال : ” هل تضارون في الشمس ليس دونها سحاب ؟ ” قالوا : لا . قال : ” فإنكم ترونه كذلك …الحديث “.

Abihurayra (Rc) waxa laga wariyey in dad ay dhaheen: rasuulkii Ilaahayow ma arki doonaa rabbigeen maalinta Qayaame? Rasuulkii Ilaahayna wuxuu yidhi: ”Miyaad ka arki kari waayeysaan dayaxu habeenka uu dhamayska yahay? Waxay dhaheen: Maya, rasuulkii Ilaahay. Wuxuu yidhi: Miyaad ka arki kari waayeysaan qorraxda marka daruur aanay jirin? Waxay dhaheen: maya. Wuxuu yidhi: ”sidaasoo kale ayaad u arkaysaan.[11]

عن جرير بن عبد الله البجلي قال: كنا جلوسا مع النبي صلى الله عليه وسلم فنظر إلى القمر ليلة أربع عشرة فقال إنكم سترون ربكم عيانا كما ترون هذا لا تضامون في رؤيته ” .

Jariir ibnu Cabdilaahi Al-bajali waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan la fadhinay nabiga (scw), wuxuuna fiiriyey dayaxa habeen uu dhamaytiranyahay, wuxuuna yidhi: ”Idinku waxaad rabbigiin u arkaysaan si dhaba sida aad u aragtaan kaas (dayaxii) ee aydaan isugu qabsanayn daawayshiis”[12]

عن أبي موسى أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : “جنتان من فضة آنيتهما وما فيهما، وجنتان من ذهب آنيتهما وما فيهما، وما بين القوم وبين أن يروا ربهم تبارك وتعالى إلا رداء الكبرياء على وجهه في جنة عدن

Abi Muuse waxa laga wariyey in nabiga (scw) dhahay: ”Laba Janno waa fidho, weelkooda iyo waxa yaalaaba, laba jannana waa dahab weelkooda iyo waxa dhex yaalaaba, umana dhaxayso qoomka iyo rabbigooda khayrka iyo barakada badan marka laga reebo huga kibirka ee wajigiisa ahaaday ee jannada cadan”[13]


[1] Suuratu Tawbah: 72

[2] Suuratu Albayyinah: 8

[3] Muslim: 2829

[4] Suuratu Al-acraaf: 143

[5] Suuratu Al-Qiyaamah: 22, 23

[6] Suuratu Qaaf: 35

[7] Suuratu Yuunus: 26

[8] Saxiix Muslim: 266

[9] Suuratu Mudaffifuun: 15

[10] Tafsiirka Ibnu Kathiir

[11] Bukhaari: 6088

[12] Bukhaari: 6883

[13] Bukhaari: 4500