Tusmo

Ragga iyo Dumarka keebaa Jannada ku badan?

Hadaad rabto ka daawo halkan ama akhriso:

Su’aashan waxa la is waydiiyey xilligii saxaabadii, waxa Imaamu Muslim saxiixiisa kusoo saaray xadiis uu kasoo warinayo Muxamed ibnu siiriin:

عَنْ مُحَمَّدٍ قَالَ إِمَّا تَفَاخَرُوا وَإِمَّا تَذَاكَرُوا الرِّجَالُ فِي الْجَنَّةِ أَكْثَرُ أَمْ النِّسَاءُ فَقَالَ أَبُو هُرَيْرَةَ أَوَ لَمْ يَقُلْ أَبُو الْقَاسِمِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ أَوَّلَ زُمْرَةٍ تَدْخُلُ الْجَنَّةَ عَلَى صُورَةِ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ وَالَّتِي تَلِيهَا عَلَى أَضْوَإِ كَوْكَبٍ دُرِّيٍّ فِي السَّمَاءِ لِكُلِّ امْرِئٍ مِنْهُمْ زَوْجَتَانِ اثْنَتَانِ يُرَى مُخُّ سُوقِهِمَا مِنْ وَرَاءِ اللَّحْمِ وَمَا فِي الْجَنَّةِ أَعْزَبُ

Muxamed Ibnu siiriin waxa laga wariyey inuu yidhi: Ama way isu faaneen ama way xasuusteen, nimanka iyo gabdhaha kuweebaa ku badan jannada? Markaasuu Abuhurayra yidhi: miyaanu Abu Al-Qaasim (scw) dhihin: ”Kooxda ugu horeysa ee jannada galaysa waxay ku galaysaa sawirka dayaxu markuu dhamaystiranyahay, ta ku xigtaan iftiinka xidiga samada, nin kasta wuxuu leeyahay laba xaas oo dhuux lugtooda laga dhex arkayo hilibkooda, jannadana majiro qof guurdoona (aan xaas lahayn)”[1]

Abuhurayra, Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu xadiiskan ka qaatay in dumarku jannada ku badanyihiin maadaama ninkii kasta laba xaas leeyahay, taasoo macnaheedu tahay in haweenka jannadu kusoo laba laabmayaan nimanka. Xitaa way ka badnaanayaan, sababtoo shahiidku wuxuu guursanaya todobaatan iyo labo xuural cayna, waxa kale oo jooga dumarkii siyaadada ahaa.

Dhanka kale rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu sheegay in dumarku u badanyihiin dadka naarta galaya:

اطَّلَعْتُ فِي الْجَنَّةِ فَرَأَيْتُ أَكْثَرَ أَهْلِهَا الْفُقَرَاءَ وَاطَّلَعْتُ فِي النَّارِ فَرَأَيْتُ أَكْثَرَ أَهْلِهَا النِّسَاء

”Waxaan arkay Jannada mise dadka ugu badan fuqarada, waxaan kale oon arkay naarta waxaana ugu badan dumarka”[2]

Haddaba inagoo ka duulayna labadan xadiis, waxa inoo cadaatay in dumarku jannada iyo naartaba u badanyihiin.

Dhanka kale waxa la is waydiin karaa; dumarka jannadu waa xuural cayntii Ilaahay jannada ku abuuray, waxaan rabnaa in la is barbardhigo dumarka aduunyada iyo nimanka aduunyada.

Hadii aan su’aashana ka jawaabno, xadiiska tilmaamaya in dumarku yihiin kuwa ugu badan naarta galaya, wuxuu sheegay in sababta ay cadaabka ku galeen ay tahay ayagoo ka mahad celin waayey abaalkii raggoodu u sameeyeen.

Dancan danbigaasi maaha mid keensanaya inay cadaabka naareed ku waaraan ee ugu danbayn way kasoo baxayaan oo masiirkoodu waa jannada. Markaa waxaad qiyaastaa dumarkii (xuural caynta) oo Jannada markii hore ku badnaa ayaa waxa kusoo darsamaya haweenkii cadaabka naareed lagasoo saaray ee Ilaahay u naxariistay.

Guntii iyo gabogabadii dumarku way ka badanyihiin nimanka, ayagaana ah kuwa u badan jannada iyo naartaba.

Xaaskaaga Aduunyadu waa xaaskaaga Jannada:

Ninka mu’minka ah hadii Ilaahay u nicmeeyo oo uu jannada geeyo oo xaaskiisii aduunyaduna gabadh mu’minada ahayd, waxa la isugu guurinayaa jannada. Hadii ninka darajadiisu sarreyso waxa loo keenayaa xaaskiisii aduunyada iyo durriyadiisii si loo farxad galiyo.

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَاتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَانٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَا أَلَتْنَاهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَيْءٍ

”Kuwa Ilaahay rumeeyey ee durriyadooduna ku raacday iimaanka waxaan raacinaynaa durriayadoodii (jannada darajadii sare xitaa hadii ay aabahood ka darajo hooseeyeen) camalkoodana waxba kama aanan nuqsaamin”[3]

Aayada sharafta leh waxay cadaynaysaa in aabaha wanaagsan ee jannada halka sare ka galay in durriyadiisii iyo xaasaskii aduunyada ee ayagun muslimiinta ahaa ee ka darajo hooseeyay in sare loogu qaadi doono si aabahaasi ugu indho doogsado ubadkiisii iyo xaaskiisii.

Gabadhii soo guursatay niman badan yaa jannada ku guursaya?

Gabadhii aduunyada ku guursatay niman badan oo dhamaantood ay ahaayeen niman mu’miniina, cida jannada ku guursanaysa waa la isku khilaafay:

  • Ninkii ugu akhlaaqda wanaagsanaa ayaa guursanaya.
  • Waa la kala doorad siinayaa.
  • Ninkii ugu danbeeyey ayey guursanaysa.

Sadexdaas qawl waxa ugu saxiixsan ka ugu danbeeya ee ah inay guursanayso ninkii ugu danbeeyey. Waxaana jira xadiis loo rafcinayo rasuulka (scw) oo leh:

” أيما امرأة تُوفي عنها زوجها ، فتزوجت بعده ، فهي لآخر أزواجها “

”Gabadh kasta oo ninkeedu ka dhinto oo guursata isaga kadib waxa yeelanaya ninkii ugu danbeeyey”[4]

Sidaa darteed, haweenkii rasuulka (scw) oo dhamaantood niman hore soo guursaday marka laga reebo Caasha, waxa jannada ku guursanaya rasuulkii Ilaahay (scw). Haweenkii nabiguna (scw) waxay mu’miniinta u yihiin hooyooyin, sidaa darteed markuu rasuulku (scw) geeriyooday cid kale oo uga danbaysay may jirin.

Caruurta Islaamka ee saqiirtay xagay tagayaan?

Caruurta yaryar ee muslimiinta ka saqiirta waxay ka kafaalo qaatay nabi Ibraahiim iyo xaaskiisii Saara, maalinta Qayaamena waxay u celinayaan waalidkood.

” أَوْلادُ الْمُؤْمِنِينَ فِي جَبَلٍ فِي الْجَنَّةِ يَكْفُلُهُمْ إِبْرَاهِيمُ وَسَارَةُ حَتَّى يَرُدَّهُمْ إِلَى آبَائِهِمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ “

”Caruurta mu’miniintu waxay joogaan buur jannada ku taala, waxa kafaalo qaadanay Ibraahiim iyo Saara illamaa ay usoo celiyaan aabayaashood maalinta Qayaame”[5]

Sidoo kale caruurta gaalada ayagana waxa kafaalo qaadanaya nabi Ibraahiim iyo haweenaydiisii Saara Ilaahay nabadgalyo kokooda ha yeelee.

Nabiga (scw) wuxuu ka sheekeeyey inuu arkay riyo, waxana u yimid laban in kadibna ay geeyeen meel beer ah oo midbyo kala duwan leh, beertaasna waxa joogay nin dheer oo madixiisa aanu arkin, hareertiisana ay joogto caruurtii ugu badnaa. Kadibna labadii nin ayaa riyadii u fasiray waxayna ku dhaheen:

وَأَمَّا الرَّجُلُ الطَّويلُ الذي فِي الرَّوضَةِ فَإِنَّه إبراهيمُ ، وَأَمَّا الوِلدَانُ الذِينَ حَولَه فَكُلُّ مَولُودٍ مَاتَ عَلَى الفِطْرَةِ ، فَقَالَ بَعضُ المُسلِمِين : يَا رَسُولَ اللهِ ! وَأَوْلَادُ المُشْرِكِين ؟ فَقَالَ : وَأَوْلَادُ المُشرِكِين )

”Ninkii dheeraa ee beerta joogay waa Ibraahiim, caruutii hareertiisa joogtayna waa ilmo kasta oo fidrada (islaamnimada) ku dhashay. Muslimiintii qaar kamida ayaa dhahay: Rasuulkii Ilaahayow iyo caruurta gaalada? Wuxuu yidhi: iyo caruurta gaalada”[6]

Caruurta saqiirtay waxay u shafaaco qaadayaan waalidkood:

 

عَنْ أَبِي حَسَّانَ قَالَ قُلْتُ لِأَبِي هُرَيْرَةَ إِنَّهُ قَدْ مَاتَ لِيَ ابْنَانِ فَمَا أَنْتَ مُحَدِّثِي عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِحَدِيثٍ تُطَيِّبُ بِهِ أَنْفُسَنَا عَنْ مَوْتَانَا قَالَ قَالَ نَعَمْ صِغَارُهُمْ دَعَامِيصُ الْجَنَّةِ يَتَلَقَّى أَحَدُهُمْ أَبَاهُ أَوْ قَالَ أَبَوَيْهِ فَيَأْخُذُ بِثَوْبِهِ أَوْ قَالَ بِيَدِهِ كَمَا آخُذُ أَنَا بِصَنِفَةِ ثَوْبِكَ هَذَا فَلَا يَتَنَاهَى أَوْ قَالَ فَلَا يَنْتَهِي حَتَّى يُدْخِلَهُ اللَّهُ وَأَبَاهُ الْجَنَّةَ

Abi Xasaan waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan Abuhurayra ku dhahay: ”waxa iga dhintay laba wiil ee maxaad nooga sheegi kartaa rasuulkii Ilaahay (scw) xadiis naftayada uga bishaareeya caruurtii naga dhimatay? Wuxuu yidhi: haa, caruurtoodu waxay galayaan jannada (meel kasta), midkood wuxuu la kulmayaa aabihii ama labadiisa waalid, wuxuuna qabanayayaa maradiisa ama wuxuu yidhi gacantiisa sida iminka u hayo maradaada dacalkeeda, mana joogayo illamaa Ilaahay galiyo isaga iyo aabihiiba jannada”[7]

Jannada caruur malagu dhalayaa?

Qaar kamida culumada islaamku waxay dhaheen: Adoonku markuu jannada uu ku galo oo naftiisu ay doonto inuu caruur dhalo waa la siinayaa, waxayna daliishadeen xadiiskan:

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( الْمُؤْمِنُ إِذَا اشْتَهَى الْوَلَدَ فِي الْجَنَّةِ كَانَ حَمْلُهُ وَوَضْعُهُ وَسِنُّهُ فِي سَاعَةٍ ، كَمَا يَشْتَهِي

Abi Saciid Al-khudriyy (Rc) waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Mu’minku markuu ku doono caruur jannada dhexdeeda, uurka inta uu ku jiro dhalidiisa iyo cumrigiisa (oo ah sadex iyo sodon jir) waa hal saac kaliya, siduu rabay (wiil ama gabadh kii uu rabay)”[8]

Halka culumo kale ay daciifiyeen xadiiskan waxay ku doodeen in jannada uur iyo dhalmo aanay jirin, dumarkana laga daahiriyey xaydkii iyo nifaaskii. Ta labaad hadii ay caruur dhalayaan ma mid waligeeda soconaysaa mise way istaagaysaa? Sidoo kale Ilaahay markuu quraanka ku sheegay in aabaha meel sare gaadhay sare loogu qaadayo durriyadiisii, lama sheegin in durriyad cusub lagu siinayo jannada.

Si kastaba ha ahaatee jannadu waa meel lagu raali galinayo mu’miniintii gashay, mana jirto cid baahi u qabta caruur u adeegta.

Ninka ugu danbeeya ee Jannada galaya:

Ibnu Mascuud (I.R.H) wuxuu ka warinayaa Nabiga (scw) inuu yidhi: Ma idiin ka warramaa Ninka ugu danbeeya ee Jannada galaya? Waa nin ay Cadaabka Naareed leefayso oo marna ku dhacaya marna kasoo baxaya illamaayo ugu danbayn Ilaahay kasoo badbaadinayo, markaasuu dhahayaa: Ilaahybaa barako badan, Ilaahaybaa mahad iska leh isiiyey waxaanu siinin caalamiinta! Kadibna wuxuu arkayaa geed wayn oo hadh (hoos) qabow leh, markaasuu dhahayaa: Rabiyoow, geedkaas hadhkiisa i gee aan hadhsado hooskiisa, sidoo kalena aan ka cabo biyihiisa. Ilaahay wuxuu dhahaya: Adoonkaygoow, hadaan ku siiyo waxaad rabto miyaad wax kale i waydiisanaysaa? Adoonkii wuxuu leeyahay: Ilaahayoow, sharaftaadaan ku dhaartee wax kale kuma waydiisanayo, kolkaasbaa loo soo dhoweynayaa geedkii oo uu cabayaa biyihii sidoo kalena uu hadhsanayaa hooskii geedka. Hadana wuxuu arkayaa geed kale oo aad uga wanaagsan kii hore markaasuu dhahayaa: Ilaahayoow, geedkaas i gee. Ilaahayna wuxuu dhahayaa: Bani-aadamoow maxaa kaa ballan burin badan, sawdigii lahaa Ilaahayoow, wax kale kuma waydiisanayo. Adoonkii wuxuu leeyahay; Ilaahayoow, hayga dhigin ka ugu hoogsan makhluuqaadkaaga, Ilaahayna waa u cudur daarayaa oo wuxuu arkayaa Adoonku wuxuu la samri waayo, kolkaasbaa la keenayaa geedkii oo wuu hadhsanayaa waanu ka cabayaa biyaheeda. Hadana Adoonkii waxa la tusayaa geed kale oo ka qurux badan labadii hore oo ku yaal Albaabka Jannada, subxaanAllah kadibna Adoonkii waa adkaysan kari waayey oo wuxu dhahayaa: Ilaahayoow, Geedkaas igee, waligayna wax danbe kuma waydiisanayo, sidii hore oo kale ayuu Allah dhahayaa: Bani-aadamoow, maxaa kaa ballan burin badan! Sawdigii hadda kahor lahaa wax danbe kuma waydiisanayo, hadana Ilaahay waa u cudur daarayaaa oo Adoonku wuxuu arkay waxaanu adkaysan karayn. Adoonkii ayaa la keenayaa geedkii Jannada u dhowaa, markaasaa la odhanayaa gal Jannada! Adoonkii waa yaabayaa, markaasuu galayaa oo wuxuu arkayaa Jannadii oo dadkeedii buuxiyeen wuxuuna dhahayaa: Rabbiyoow, Jannadu way buuxdaa oo waa lakala qaatay boosaskii, kolkaasbuu Allah dhahayaa: Adoonkaygoow, waxaan ku siiyey Aduunyadii iyo mid lamid ah!! Adoonkii wuxuu leeyahay: Rabiyoow, miyaad igu cayaaraysaa adigoo ah Rabbiga Caalamiinta? Kolkaas ayaa waxa qoslay Ibnu Mascuud oo warinayaa Xadiiska, waxa la waydiiyey Ibnu Mascuud maxaad la qoslaysaa? Wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay ayaa qoslay markuu halkan marayey oo waxaanu waydiinay maxaad ku qoslaysaa Rasuulkii Ilaahayoow? Wuxuu yidhi: Ilaahay ayaa qoslay markuu Adoonkii dhahay : Miyaad igu cayaaraysaa Adigoo ah Rabbiga Caalamiinta! Rabbina wuxuu dhahay: Kuguma cayaarayo, kugumana dheelayo ee waxaan ahay ku wax kasta kara.[9]


[1] Saxiix Muslim: 2834

[2] Bukhaari: 3241

[3] Suuratu Duur: 21

[4] صححه الألباني رحمه الله في صحيح الجامع 2704 وفي السلسلة الصحيحة 1281

[5] Xaakim: 1350

[6] Bukhaari: 7047

[7] Saxiix Muslim: 2635

[8] Tirmadi: 2563

[9] Saxiix Muslim: 187