Tusmo

Darajooyinka Jannada:

halkan ka daawo ama hoos ka akhriso

وَمَن يَأْتِهِ مُؤْمِنًا قَدْ عَمِلَ الصَّالِحَاتِ فَأُولَـٰئِكَ لَهُمُ الدَّرَجَاتُ الْعُلَىٰ ﴿٧٥﴾

”Cidii u timaada (rabbigii) isagoo mu’mina oo camal saalixa la yimid kuwaasi waxay mudan darajooyinka sare”[1]

انظُرْ كَيْفَ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ وَلَلْآخِرَةُ أَكْبَرُ دَرَجَاتٍ وَأَكْبَرُ تَفْضِيلًا ﴿٢١﴾

”Fiiri sida aan ukala fadilnay badhkoodba badhka kale (irssaqada aduunyada), aakhiraase ka darajo wayn kana fadli badan”[2]

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” الْمُؤْمِنُ الْقَوِيُّ خَيْرٌ وَأَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنَ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ ، وَفِي كُلٍّ خَيْرٌ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Mu’minka xoogan ayaa ka khayr badan, ilaahay agtiisana looga jacayl badanyahay mu’minka tamarta yar, kulligoodna waxa ku jira khayr”[3]

لَّا يَسْتَوِي الْقَاعِدُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ غَيْرُ أُولِي الضَّرَرِ وَالْمُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللَّـهِ بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ ۚ فَضَّلَ اللَّـهُ الْمُجَاهِدِينَ بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ عَلَى الْقَاعِدِينَ دَرَجَةً ۚ وَكُلًّا وَعَدَ اللَّـهُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَفَضَّلَ اللَّـهُ الْمُجَاهِدِينَ عَلَى الْقَاعِدِينَ أَجْرًا عَظِيمًا ﴿٩٥﴾

Ma simna kuwa mu’miniinta ah ee ka hadhay (jihaadka) marka laga reebo dadka cudurdaarka haysta iyo mujaahidiintii jidka Ilaahay u huray xoolahooda iyo nafahoodaba, Ilaahaybaa ka fadilay mujaahidiinta xoolahoodda iyo nafahoodaba kuwa ka hadhay darajo, kulligoodna Ilaahay wanaag ayuu ugu ballan qaaday, Ilaahay mujaahdiinta ayuu ka fadilay kuwa ka hadhay ajar aad u wayn (95)[4]

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَأَقَامَ الصَّلَاةَ وَصَامَ رَمَضَانَ كَانَ حَقًّا عَلَى اللَّهِ أَنْ يُدْخِلَهُ الْجَنَّةَ هَاجَرَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَوْ جَلَسَ فِي أَرْضِهِ الَّتِي وُلِدَ فِيهَا قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ أَفَلَا نُنَبِّئُ النَّاسَ بِذَلِكَ قَالَ إِنَّ فِي الْجَنَّةِ مِائَةَ دَرَجَةٍ أَعَدَّهَا اللَّهُ لِلْمُجَاهِدِينَ فِي سَبِيلِهِ كُلُّ دَرَجَتَيْنِ مَا بَيْنَهُمَا كَمَا بَيْنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ فَإِذَا سَأَلْتُمُ اللَّهَ فَسَلُوهُ الْفِرْدَوْسَ فَإِنَّهُ أَوْسَطُ الْجَنَّةِ وَأَعْلَى الْجَنَّةِ وَفَوْقَهُ عَرْشُ الرَّحْمَنِ وَمِنْهُ تَفَجَّرُ أَنْهَارُ الْجَنَّةِ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Qofkii rumeeya Ilaahay iyo rasuulkiisa ee tukada salaada ee sooma ramadaan, waxa Ilaahay ku waajiba inuu galiyo jannada, haduu jidka Ilaahay u hijroodo iyo haduu dhulkiisii uu ku dhashay fadhiyo” waxay dhaheen: rasuulkii Ilaahayow, miyaanan dadka u sheegaynin arrintaas? Wuxuu yidhi: ”Jannada waxa ahaaday boqol darajo oo Ilaahay u diyaariyey mujaahidiinta ku jihaaday jidaka Ilaahay, labadii darajo waxay isu jiraan inta samada iyo dhulku isu jiraan, ee hadaad Ilaahay waydiisataan, waydiista Firdawsa maxaayeelay ayadu waa Jannada badhtankeeda iyo jannada ugu sarreysa, dusheedana waxa ahaaday carshiga raxmaanka, isagayna kasoo burqataa wabiyada jannadu”[5]

عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال إن أهل الجنة يتراءون أهل الغرف من فوقهم كما يتراءون الكوكب الدري الغابر في الأفق من المشرق أو المغرب لتفاضل ما بينهم قالوا يا رسول الله تلك منازل الأنبياء لا يبلغها غيرهم قال بلى والذي نفسي بيده رجال آمنوا بالله وصدقوا المرسلين

Abi Saciid Al-khudriyy (Rc) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Ehelka Jannadu waxay u arkayaan ehelka sare (ee jannada) siday u arkaan xidigaha iftiima ee taga samada bari iyo galbeed si loo kala fadilo dhexdooda” waxay dhaheen: kuwaasi ma guryaha nabiyadaa oo cid aan ayaga ahayn gaadhi mayso? Wuxuu yidhi: ”Haa, Ilaahbaan ku dhaartee rag aaminay Ilaahay oo rumeeyey rusushiisa (ayaa gaadhaya)”[6]

Camalada Darajooyinka sare lagu gaadho.

Jihaadka ama in jidka Ilaahay loo diriro:

عن أبي سعيد الخدري أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال يا أبا سعيد من رضي بالله ربا وبالإسلام دينا وبمحمد نبيا وجبت له الجنة فعجب لها أبو سعيد فقال أعدها علي يا رسول الله ففعل ثم قال وأخرى يرفع بها العبد مائة درجة في الجنة ما بين كل درجتين كما بين السماء والأرض قال وما هي يا رسول الله قال الجهاد في سبيل الله الجهاد في سبيل الله

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Aba Saciidow, qofka Ilaahay raali uga noqda rabbinimo, islaamkana diin ahaan, Muxamedna nabinimo, waxa u waajibay Jannada” Abu Saciid wuu la cajabay, wuxuuna yidhi: iigu soo celi rasuulkii Ilaahayow, waanu ugu celiyey. kadibna wuxuu yidhi: ”Mid kale, waxa adoonka sare loogu qaadaa boqol darajo oo jannada ah, oo labadii darjaba ay isu jiraan inta samada iyo dhulku isu jiraan” wuxuu yidhi: waa tee rasuulkii Ilaahayo? Wuxuu yidhi: ”Waa jidka Ilaahay oo lagu jihaado, Waa jidka Ilaahay oo lagu jihaado”[7]

Is dul dhiga:

عن أبي هريرة عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال ما نقصت صدقة من مال وما زاد الله عبدا بعفو إلا عزا وما تواضع أحد لله إلا رفعه الله

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Sadaqo ma nuqsaamiso maalka, Qofna Ilaahay wax uma cafiyo ilaa sharaf ayuu Ilaahay u kordhiyaa, Qofna Ilaahay isuma dul dhigo ilaa sare ayuu Ilaahay u qaadaa”[8]

Akhrinta Quraanka

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( يُقَالُ لِصَاحِبِ الْقُرْآنِ : اقْرَأْ وَارْتَقِ وَرَتِّلْ ، كَمَا كُنْتَ تُرَتِّلُ فِي الدُّنْيَا ، فَإِنَّ مَنْزِلَكَ عِنْدَ آخِرِ آيَةٍ تَقْرَؤُهَا )

Cabdilaahi binu Camaru (Rc) waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofka quraanka akhriya waxa lagu dhahayaa: akhri oo fuul oo tartiili (quraanka tajwiid ku akhri), sidii aad aduunyada u akhrin jirtay, gurigaagu waa aayada ugu danbaysa ee aad akhrido” [9]

Socodka Masaajidka oo aad badsato

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال ألا أدلكم على ما يمحو الله به الخطايا ويرفع به الدرجات قالوا بلى يا رسول الله قال إسباغ الوضوء على المكاره وكثرة الخطا إلى المساجد وانتظار الصلاة بعد الصلاة فذلكم الرباط

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Ma idin tusiyaa waxyaalaha Ilaahay ku tirtiro danbiyada, darajooyinkana sare ugu qaado? waxay dhaheen: haa, rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: waa waysada ood ku xeel dheeraato xilliyada la karaahiyeysto (xilliga qabowga), tallaabooyinka badan ee masaajida lagu aado, iyo salaadaha kadib oo aad ku sugto salaada kale, waa kaas jihaadku”[10]

Safka oo aad awdo:

مَنْ سَدَّ فُرْجَةً فِي صَفٍّ رَفَعَهُ اللَّهُ بِهَا دَرَجَةً أَوْ بَنَى لَهُ بِهَا بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ “

”Cidii awda daloolka safka, Ilaahay darajo ayuu sare ugu qaadaa, ama guri ayuu uga dhisaa jannada”[11]

In dhibaatada loo samro.

ما من مسلم يشاك شوكة فما فوقها إلا كتبت له بها درجة ومحيت عنه بها خطيئة

”Majiro qof muslima oo ay qodax mudo iyo wax ka sareeyaba (hadiiba ay dhibtaasi soo gaadho) waxa loo qoraa darajo, waxaana laga tirtiraa danbi”[12]

Cilmiga iyo Aqoonta:

يَرْفَعِ اللَّـهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ ۚ

”Sare ayuu Ilaahay u qaaday kuwiina iimaanka laga helay, kuwa cilmiga la siiyayna darajooyin (ayuu sare u qaadaa”[13]

Cirrada ama timaha oo ku cadaada islaamnimo

لا تنتفوا الشيب ما من مسلم يشيب شيبة في الإسلام  إلا كانت له نورا يوم القيامة وقال في حديث يحيى إلا كتب الله له بها حسنة وحط عنه بها خطيئة

”Ha jarina cirrada, majiro qof muslima oo ku cirraysta islaamnimada, (haduu jiraba) waxay u noqotaa nuur maalinta Qayaame. Wuxuu yidhi: xadiiskii Yaxye, waxa loo qoraa xasano, waxa laga tirtiraa danbi” [14]

Dawaafka badan

مَنْ طَافَ بِهَذَا الْبَيْتِ أُسْبُوعًا ( أي سبعة أشواط ) فَأَحْصَاهُ كَانَ كَعِتْقِ رَقَبَةٍ ، لا يَضَعُ قَدَمًا وَلا يَرْفَعُ أُخْرَى إِلا حَطَّ اللَّهُ عَنْهُ خَطِيئَةً وَكَتَبَ لَهُ بِهَا حَسَنَةً

”Qofkii ku dawaafa gurigan (kacbada) todoba jeer oo dhamaysta waxay u tahay sidii inuu xoreeyey adoon, cag ma dhigo midna sare uma qaado ilaa waxa lagu tirtiraa danbi, waxa la qoraana xasano”[15]

Sujuuda:

عليك بكثرة السجود لله فإنك لا تسجد لله سجدة إلا رفعك الله بها درجة وحط عنك بها خطيئة

”Waa inaad badsataa sujuuda, maxaa yeelay ma sujuudid (hadaad sujuudaba) waxa Ilaahay sare kuugu qaaday darajo, waxaanu kaa tirtiray danbi”[16]

Akhlaaqda Wanaagsan:

عن عائشة رحمها الله قالت سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول إن المؤمن ليدرك بحسن خلقه درجة الصائم القائم

”Caasha Ilaahay ha unaxariistee waxa laga wariyey inay tidhi: ”Waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay oo leh: qofka mu’minka ah wuxuu akhlaaqdiisa wanaagsan ku gaadhaa darajada qofka sooman ee taagan”[17]

Ducada waalidka loogu duceeyo.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الرجل لترفع درجته في الجنة فيقول أنى هذا فيقال باستغفار ولدك لك

Wuxuu yidhi rasuulkii Ilaahay (scw): ”Ninka waxa sare loo qaadaa darajadiisa jannada, wuxuuna dhahaa: xagee ka timid (darajadan)? Waxa lagu dhahaa: ”waxa kuusoo duceeyey wiilkaagii”[18]

Jacaylka nabiga:

Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu jannada ka galayaa darajada ugu sarreysa, hadii aad rabto inaad la jirkiisa noqoto waa in lagaa helaa jacayl dhaba oo aad jeclaato rasuulkii Ilaahay (Scw)

عن أنس بن مالك أن رجلا سأل النبي صلى الله عليه وسلم متى الساعة يا رسول الله قال ما أعددت لها قال ما أعددت لها من كثير صلاة ولا صوم ولا صدقة ولكني أحب الله ورسوله قال أنت مع من أحببت

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey in nin waydiiyey nabiga (scw): goormay dhacaysaa saacada (Qayaame) rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: ”Maxaad u diyaarsatay?” wuxuu yidhi: umaan diyaarsan wax badan oo salaad, soon iyo sadaqo ah, hase ahaatee waxaan jeclahay Ilaahay iyo rasuulkiisa. Wuxuu yidhi: ”Adigu cidii aad jeceshahay ayaad la jirtaa”[19]


[1] Suuratu Daaha: 75

[2] Suuratu Israa: 21

[3] Saxiix Muslim: 4822

[4] Suuratu Nisaa: 95,96

[5] Bukhaari: 6987

[6] Bukhaari: 3083

[7] Saxiix Muslim: 1884

[8] Saxiix Muslim: 2588

[9] Tirmadi: 2914

[10] Saxiix Muslim: 251

[11] Ibnu Abi Shayba: 3725

[12] Saxiix Muslim: 2572

[13] Suuratu Al-Mujaadalah: 11

[14] Abudaawuud: 4202

[15] Tirmadi: 959

[16] Saxiix Muslim: 488

[17] Abudaawuud: 4798

[18] Ibnu Maajah: 3660

[19] Saxiix Muslim: 5819