Tusmo

Dhirta Jannada iyo Midhaheeda:

Jannada waxa ereygan janno loogu bixiyey waa dhirteeda oo fara badan oo is dhex gashay, kuwaaso midabkoodu yahay cagaar madoobaaday. Dhirta Jannada way badantahay, waxase kamida:

Halkan ka daawo hadii kale hoos ka akhriso:

Sidriga (Gobka)

Geedka Sidriga la dhaho ama Gobku waa geed kamida dhirta aduunyada, wuxuu leeyahay qodxaan iyo midho macaan. Gobka jannadu malaha qodxaan, waanu ka macanyahay gobka aduunyada:

فِي سِدْرٍ مَّخْضُودٍ ﴿٢٨﴾

”Waxay helayaan geedka Sidriga (Gobka) oo aan qodax lahayn.”[1]

Waxa rasuulkii Ilaahay lagasoo wariyey in nin reer baadiye ahaa u yimid oo uu ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayow; quraanka, Ilaahay wuxuu ku sheegay geed dhib leh, umana malaynayo in jannada dhexdeeda dhibaato jirto. Wuxuu yidhi: muxuu yahay geedkaasi? Wuxuu yidhi: waa geedka gobka, wuxuu leeyahay qodxaan dhib leh. Wuxuu ku yidhi: ”Ilaahay miyaanu dhihin qodax malaha, ilaahaybaa ka gooyey qodxaantii, kuna badalay booskoodii midho”[2]

Geedka Dalxiga (Muuska):

Dalxigu waa geed wayn oo qodxaan leh, waxa kale oo la yidhi: waa geedka muuska ama mooska.

وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ ﴿٢٩﴾

”Iyo Dalxiga (Muuska) oo isdul saaran”[3]

Cinabka:

Cinabku waa faakiho macaan oo xidhmooyin u xidhan, waxa quraanka lagu sheegay marar badan.

حَدَائِقَ وَأَعْنَابًا ﴿٣٢﴾

”Waxay helayaan beero iyo cinabyo”[4]

Geedka Duuba

Geedka duubaa waxa lagasoo gooyaa hoostiisa dharka jannada ee xariirta ah:

عن أبي سعيد الخدري عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أن رجلا قال له يا رسول الله طوبى لمن رآك وآمن بك قال طوبى لمن رآني وآمن بي ثم طوبى ثم طوبى ثم طوبى لمن آمن بي ولم يرني قال له رجل وما طوبى قال شجرة في الجنة مسيرة مائة عام ثياب أهل الجنة تخرج من أكمامها

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw): nin ayaa yidhi: rasuulkii Ilaahyow wanaagsanaa ka ku arkay ee ku rumeeyey. Wuxuu yidhi: ”Duubaa ayaa u sugan qofkii i arkay ee i rumeeyey, haddana Duuba ayaa u sugugan, haddana Duuba ayaa u sugugan, haddana Duuba ayaa u sugugan ka i rumeeyey ee aan i arkin” nin ayaa dhahay: Waa maxay Duubaa? Wuxuu yidhi: ”Waa geed jannada ku yaala oo la socda boqol sanadood (hadhkiisa), dharka ehelka jannada ayaa lagasoo saaraa hoosteeda”[5]

Geedka Sidratu Al-muntahaa

Geedka sidaratu al-muntahaa wuxuu ku yaala Jannada Hoyga ah agteeda, waana geedkii rasuulku (scw) arkay habeenkii la dheelmiyey.

عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ ﴿١٤﴾ عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ ﴿١٥﴾ إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ ﴿١٦﴾

Geedka Sidratu Almuntahaa agtiisa (14) agteeda waxa ahaaday jannadii hoyga ahayd (15) markii geedka Sidaradu daboolmay (16)[6]

”Geedkan waxa daboolay amarkii Ilaahay, markaasay isbadashay mana jiro cid sifayn karta quruxdeeda” waxa rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi:

ثُمَّ رُفِعَتْ إِلَيَّ سِدْرَةُ الْمُنْتَهَى فَإِذَا نَبْقُهَا مِثْلُ قِلالِ هَجَرَ وَإِذَا وَرَقُهَا مِثْلُ آذَانِ الْفِيَلَةِ قَالَ هَذِهِ سِدْرَةُ الْمُنْتَهَى

”Kadibna waxa sare la iigu soo qaada Sidratu Almuntahaa, mise midhaheedu waa sida aadbay u waynyihiin, caleemaheeduna waa sida dhagaha maroodiga, waxa la igu yidhi: waa sidratu almuntaha”

Geedkan waa meesha ugu danbaysa ee makhluuq gaadho, waana meesha ay ku dhamaadaan camalada sare loo qaado.

Faakihooyinka Jannada

Timir iyo Rummaanka:

Geedka timirtu waa geed barakaysan oo rasuulkii Ilaahay ku tilmaamay inay lamid tahay qofka mu’minka ah, caleenteedu ma dhacdo xagaa iyo jiilaalba, midhaheedu waa macaan, jirrideeduna faa’ido badan ayay leedahay. Rummaankuna waa faakiho laga sameeyo casiir aad u macaan.

فِيهِمَا فَاكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ ﴿٦٨﴾

“Waxa jannada dhexdeeda ahaaday faakiho, timir iyo rummaan”[7]

Faakihooyin laba nooca

Faakiho kasta oo jannada ka baxdaa waa laba nooc oo dhadhankoodu ka duwanyahay kan kale.

فِيهِمَا مِن كُلِّ فَاكِهَةٍ زَوْجَانِ ﴿٥٢﴾

“Faakiho kasta waa laba nooc”[8]

Faakihooyin badan

Ehelka jannada waxa la siinayaa faakihooyin badan oo ay kala dooranayaan iyo faakiho kasta oo ay naftoodu doonto.

مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ ﴿٥١﴾

”Dhexdeeda way ku dangiigaan (jiifaan) waxayna u yeedhanayaan faakihooyin badan iyo cabitaan”[9]

وَفَوَاكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٤٢﴾

”Waxay cuni faakihooyin (kay naftoodu) doonto”[10]

Faakihooyin la helayo xilli kasta

Dhirta jannadu waa mid midho leh sanadka oo dhan, maaha sida dhirta aduunyada ee xilli gaara midho leh. Jannada midhaheedu waa daayim, mana go’ayaan oo ma dhamaanayaan.

أُكُلُهَا دَائِمٌ وَظِلُّهَا ۚ

”Midhaheedu waa daayim iyo hadhkeeduba”[11]

وَفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ ﴿٣٢﴾ لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ ﴿٣٣﴾

“Iyo faakihooyin badan (32) oo aan go’ayn loomana diidayo (33)”[12]

Midhaha Jannada goosashadoodu way dhowyihiin

Dhirta jannada oo aad u waawayn, dhererkooduna aad u dheeryahay, ayaa haddana goosashada midhaheedu aadbuu u dhowyihiin:

وَجَنَى الْجَنَّتَيْنِ دَانٍ ﴿٥٤﴾

“Midhaha labada janno way dhowyihiin”[13]

قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ﴿٢٣﴾

“Goosashadeedu way dhowdahay”[14]

Midhaha Jannadu way kala duwanyihiin xaga dhadhanka

Midhaha jannadu waa kuwa is shabaha, haddana kala dhadhan duwan. Ehelka Jannada marka loo keeno faakihooyin waxay u malaynayaan inay yihiin kuwo hadda kahor lagu arsaaqay, markay dhadhamiyaan ayay ogaanayaan inay kala duwanyihiin.

كُلَّمَا رُزِقُوا مِنْهَا مِن ثَمَرَةٍ رِّزْقًا ۙ قَالُوا هَـٰذَا الَّذِي رُزِقْنَا مِن قَبْلُ ۖ وَأُتُوا بِهِ مُتَشَابِهًا ۖ

“Markasta oo lagu arsaaqo midho risqiya, waxay dhaheen kan hadda kahor ayaa nalgu arsaaqay, waxa la siiyey ayadoo is shabahaysa”[15]

Isla marka ay dhadhamiyaan ayay ogaanayaan inay kala duwanyihiin, xitaa hadii ay isku magac iyo muuq ahaayeenba. Jannadu maadaama ay raaxaysi tahay, waxa mar kasta loo keenayaa cuntooyin iyo cabitaano, markay dhadhamiyaan waxay ogaanayaan inay ka duwanyihiin kuwii hadda kahor lagu arsaaqay sababtuna waa si xiisaha cuntadu u kordho.

Dhirta jannadu waa cagaar daran

Caleemaha dhirta jannadu midabkoodu waa cagaar aad u daran oo madow sii xiga:

مُدْهَامَّتَانِ ﴿٦٤﴾

“Labadan janno waa cagaar daran oo madow sii xiga”[16]

Hadhka ama Hooska Jannada

Jannada hadhkeedu waa mid daayima, waana hadh fidsan oo aan bacad iyo kulayl toona lahayn.

وَنُدْخِلُهُمْ ظِلًّا ظَلِيلًا ﴿٥٧﴾

“Waxaan galinaynaa hadh ama hoos fidsan”[17]

وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ ﴿٣٠﴾

”Waa hoos fidsan”[18]

Nabadgalyo ayay wax ku cunayaan

Ehelka jannadu markay cunayaan faakihooyinka iyo irsaaqada kale ee Ilaahay ku arsaaqay, waxay ku cunayaan si nabada oo aamina.

يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَاكِهَةٍ آمِنِينَ ﴿٥٥﴾

”Waxay u yeedhanayaan faakiho kasta ayagoo aamina”[19]

Uduga dhirta Jannada:

Dhirta jannadu way udgoontahay, waxaana la ursiiyey dadka muqarrabiinta ah markay sii dhimanayaan, si ay u jeclaystaan la kulanka rabbigooda:

فَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ الْمُقَرَّبِينَ ﴿٨٨﴾ فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ ﴿٨٩﴾

”Haduu kamid yahay Muqarrabiinta (kuwa Rabbi u dhow) (88) waxa u sugan raaxo iyo rayxaan iyo jannada naciima”

Rayxaan waa geed kamida dhirta jannada oo loo keenayo muqarrabiinta Ilaahay u dhow si ay carafteeda u ursadaan.

Jirridaha dhirta Jannada:

Dhirta Jannadu waxay leeyihii jirrido waawen oo ka ahaaday macdanta Dahabka. Subxaana Allah, geedkasta jirridiisu waa dahab.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا فِي الْجَنَّةِ شَجَرَةٌ إِلَّا وَسَاقُهَا مِنْ ذَهَبٍ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Geed kasta oo jannada ku yaala jirridiisu waa dahab”[20]

Waynida dhirta Jannada:

Dhirta jannadu sida ay u wayntahay waxa ina tusaya xadiiskan:

عن أبي هريرة عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال إن في الجنة لشجرة يسير الراكب في ظلها مائة سنة

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: ”Jannada waxa ahaaday geed farda-fuuluhu soconayo hadhkeeda (hooskeeda) boqol sanadood”[21]


[1] Suuratu Al-waaqica: 28

[2] صحيح الترغيب والترهيب 3742 وقال الالباني صحيح لغيره

[3] Suuratu Al-waaqica: 29

[4] Suuratu Naba’: 32

[5] Musnadu Axmed: 11276

[6] Suuratu Najmi: 14,15,16

[7] Suuratu Arraxmaan: 68

[8] Suuratu Arraxmaan: 52

[9] Suuratu Saad: 51

[10] Suuratu Al-mursalaat: 42

[11] Suuratu Arracdi: 35

[12] Suuratu Al-Waaqica: 32,33

[13] Suuratu Arraxmaan: 54

[14] Suuratu Alxaaqah: 23

[15] Suuratu Al-baqarah: 25

[16] Suuratu Arraxmaan: 64

[17] Suuratu Nisaa: 57

[18] Suuratu Al-waaqica: 30

[19] Suuratu Dukhaan: 55

[20] Tirmadi: 2524

[21] Saxiix Muslim: 2829