Tusmo

Guryaha iyo Qasriyada Jannada:

Jannada Raxmaanka waxa Ilaahay ku diyaariyey guryo, qasriyo iyo taandhooyin kala duwan. Sida aan ogsoonahay jannadu way kala darajo sarreysaa sidaa darteed guryaha qaar kamida waxay ku yaalan Firdawsa oo ah jannada ugu sarreysa, kuwa kalena way ka hooseeyaan, manalaha jannaduna wax hoseeyee.

Hadaad rabto ka daawo halkan ama hoos ka akhriso:

Ilaahay wuxuu quraankiisa ku xusay in jannadu leedahay qolal, guryo, qasriyo iyo taandhooyinba.

وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ

“Iyo deegaanka wanaagsan ee Jannada Cadan”[1]

وَهُمْ فِي الْغُرُفَاتِ آمِنُونَ ﴿٣٧﴾

”Ayaguna guryaha sare ee jannada ayay aamin ku yihiin”[2]

لَـٰكِنِ الَّذِينَ اتَّقَوْا رَبَّهُمْ لَهُمْ غُرَفٌ مِّن فَوْقِهَا غُرَفٌ مَّبْنِيَّةٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ وَعْدَ اللَّـهِ ۖ لَا يُخْلِفُ اللَّـهُ الْمِيعَادَ ﴿٢٠﴾

”Hase haatee kuwa Rabbigood ka cabsaday waxay mudanayaan qolal ay ka sarreeyaan qolal kale oo isku dhisan oo ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii, waa ballantii Ilaahay, Ilaahayna ma ballan buriyo”[3]

Jannadu maxay ka dhisantahay?

Jannadu waxay ka dhisantahay jaajuur dahaba iyo mid fidho ah, waxa u dhaxeeya ee isu haya waa miskiga udgoon ee wanaagsan. Guryaha aduunyada jaajuurka iyo dhagxaanta waxa loo dhaxaysiiyaa sibidh ama shamiito ama dhoobo, balse jannada waxa u dhaxeeya waa cadarrada kii ugu udgoona oo ah miski.

عن أبي هريرة …قلت يا رسول الله مم خلق الخلق قال من الماء قلنا الجنة ما بناؤها قال لبنة من فضة ولبنة من ذهب وملاطها المسك الأذفر وحصباؤها اللؤلؤ والياقوت وتربتها الزعفران من دخلها ينعم لا يبأس ويخلد لا يموت لا تبلى ثيابهم ولا يفنى شبابهم

Abihurayra waxa laga wariyey… waxaan idhi: rasuulkii Ilaahayow, khalqiga maxaa laga abuuray? Wuxuu yidhi: biyo. Waxaanu nidhi: jannada maxaa laga abuuray? Wuxuu yidhi: jaajuur fidho ah iyo jaajuur dahaba, talbiisteeduna waa miski wanaagsan, qururuxeedu waa dheeman iyo yaaquut, ciideedu (carradeedu) waa sacfaraan, qofkii galaa wuu barwaaqoobayaa mana dhibtoonayo, wuu waarayaa mana bukoonayo, dharkoodu ma duugoobayo, dhalinyaronimadooduna ma dhamaanayso”[4]

Qofkasta laba guri ayuu leeyahy:

Ma ogtahay in qofkasta uu jannada iyo naarta midkasta uu guri ku leeyahay, hadii laga helo camal saalixa oo uu jannada galo waxa gurigiisa naarta la siinayaa ehelka naarta. Haduu kamid noqdo ehelka naartana, waxa gurigiisii jannada dhaxlaya ehelka jannada.

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا لَهُ مَنْزِلَانِ مَنْزِلٌ فِي الْجَنَّةِ وَمَنْزِلٌ فِي النَّارِ فَإِذَا مَاتَ فَدَخَلَ النَّارَ وَرِثَ أَهْلُ الْجَنَّةِ مَنْزِلَهُ فَذَلِكَ قَوْلُهُ تَعَالَى أُولَئِكَ هُمْ الْوَارِثُونَ[5]

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Majiro qof idinka mida (haduu jiraba) wuxuu leeyahay laba guri, guri jannada ku yaala iyo guri naarta ku yaala, haduu dhinto oo uu naar galo waxa dhaxlaya ehelkii jannada gurigiisii, waana fasirka qawlka ilaahay ”kuwaasi ayagaa dhaxlaya”

Qasriyada nabigu ku leeyahay Jannada

Qasriga nabiga ee daruurta cad

Rasuulka Ilaahay wuxuu jannada ku leeyahay qasriyo badan, waxa kamida qasriga daruurta cad, qasriga wabiga Kawthar iyo qasriga daruurta lamoodo.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لنا أتاني الليلة آتيان فابتعثاني فانتهينا إلى مدينة مبنية بلبن ذهب ولبن فضة فتلقانا رجال شطر من خلقهم كأحسن ما أنت راء وشطر كأقبح ما أنت راء قالا لهم اذهبوا فقعوا في ذلك النهر فوقعوا فيه ثم رجعوا إلينا قد ذهب ذلك السوء عنهم فصاروا في أحسن صورة قالا لي هذه جنة عدن وهذاك منزلك قالا أما القوم الذين كانوا شطر منهم حسن وشطر منهم قبيح فإنهم خلطوا عملا صالحا وآخر سيئا تجاوز الله عنهم[6]

Rasuulkii Ilaahay (scw): ”Xalay waxa ii yimid laba nin, wayna i kaxeeyeen oo waxaan ku dhamaanay magaalo ka dhisan jaajuur dahaba iyo jaajuur fidho ah, waxa naga hor yimid niman qeyb jidhkooda kamida ay ka qurxoonyihiin wax la arko, qeybna ka foolxun, waxay (labadii nin) ku dhaheen: taga oo gala wabigaas, wayna ku dhaceen (wabigii), markaasay nagusoo laabteen ayagoo xumaantii ka tagtay oo noqday sawirkii ugu quruxda badnaa, waxayna igu dhaheen: tani waa jannadii Cadan, kaasina waa gurigaagii. Waxay dhaheen: qoomkan qeyb kamida ay qurxoonayd qeybna ka fool xumaa, ayagu waxay isku dareen camal wanaagsan iyo mid xun, Ilaahayna wuu cafiyey”

Qasriga nabiga ee wabiga Kawthar ku ag yaala

Rasuulkii Ilaahay oo ka warramaya habeenkii la dheelmiyey, ayaa waydiiyey malaku Jibriil wabiyadii uu arkay, wuxuuna yidhi:

ما هذان النهران يا جبريل قال هذا النيل والفرات عنصرهما ثم مضى به في السماء فإذا هو بنهر آخر عليه قصر من لؤلؤ وزبرجد فضرب يده فإذا هو مسك أذفر قال ما هذا يا جبريل قال هذا الكوثر الذي خبأ لك ربك [7]

”Waa maxay labadan wabiyo Jibriilow? Wuxuu yidhi: waa Niilka iyo Furaatka asalkoodii, markaasuu usii socday xaga samada, mise waxa (halkaa) ahaaday wabi kale oo uu ka sarreeyo qasri ka samaysan dheeman iyo sabarjad. Dhulka ayuu gacnta ku dhuftay mise waa miski, wuxuu yidhi: Waa maxay wabigani Jibriilow? Wuxuu yidhi: waa Kawtharkii Ilaahay kuu qariyey”

Qasriga nabiga ee Daruurta la moodo

Nabiga waxa kale oo la tusay guri sida daruurta oo kale ah, markaasuu jeclaystay inuu galo balse malaa’iktii ayaa ku tidhi: ma gali kartid oo cimrigaagii aduunyada maad dhamaysanin.

فارفع رأسك فرفعت رأسي فإذا فوقي مثل السحاب قالا ذاك منزلك قلت دعاني أدخل منزلي قالا إنه بقي لك عمر لم تستكمله فلو استكملت أتيت منزلك[8]

”Madaxaaga sare u qaad, madaxygaan sare uqaaday mise dushayda waxa ahaaday wax daruur lamoodo, waxay dhaheen: kaasi waa gurigaagii. Waxaan idhi: idaaya aan galo gurigaygee. Waxay dhaheen: cimrigaaga waxbaa kuu hadhsan, manaad dhamaysanin, hadii aad dhamaysato waad imann gurigaaga”

Qasriga Khadiija:

Hooyadii mu’miniinta ee Khadiija bintu Khuwaylid, waxa loogu bishaareeyey inay galayso jannada oo looga dhisay guriga dheemana oo aan buuq iyo qaylo toona lahayn.

عن أبي زرعة قال سمعت أبا هريرة قال أتى جبريل النبي صلى الله عليه وسلم فقال يا رسول الله هذه خديجة قد أتتك معها إناء فيه إدام أو طعام أو شراب فإذا هي أتتك فاقرأ عليها السلام من ربها عز وجل ومني وبشرها ببيت في الجنة من قصب لا صخب فيه ولا نصب[9]

Abi Zurca waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan maqlay Abihurayra oo leh: Jibriil ayaa u yimid nabiga (scw) wuxuuna yidhi: rasuulkii Ilaahayow: waa tan Khadiija kuu imanaysa, waxay sidataa weel ay ku jirto iidaan, cunto ama cabitaan ee markay kuu timaado iga gaadhsii salaan ka timid rabbigeeda iyo anigaba, uguna bishaaree guri ku yaala Jannada oo ka samaysan dheeman oo aan buuq iyo daal toona lahayn”

Qasriga Cumar ibnu Khadaab (Rc)

Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu galay Jannada, wuxuuna maqlay sanqadh, markaasuu yidhi: waa kuma? Waxa lagu yidhi: waa Bilaal. Kadibna jannada wuxuu ku arkay qasri wayn oo dahab ka samaysan.

فَأَتَيْتُ عَلَى قَصْرٍ مُرَبَّعٍ مُشْرِفٍ مِنْ ذَهَبٍ فَقُلْتُ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ فَقَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ الْعَرَبِ فَقُلْتُ أَنَا عَرَبِيٌّ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ قُرَيْشٍ قُلْتُ أَنَا قُرَشِيٌّ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ أُمَّةِ مُحَمَّدٍ قُلْتُ أَنَا مُحَمَّدٌ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِعُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ[10]

”Waxaan dul imid qasri afar geesooda oo ka samaysan dahab, waxaan idhi: yaa iska leh qasrigan? Waxay dhaheen: nin carbeed. Waxaan idhi: anigaa nin carbeeda ee yaa iska leh qasrigan? Waxay dhaheen: nin reer Qureesheeda. Waxaan idhi: anigaa reer Qureesha ee yaa iska leh qasrigan? Waxay dhaheen: nin ummada Muxamed kamida. Waxaan idhi aniga Muxamed ah ee yaa iska leh qasrigan? Waxay dhaheen: Cumar ibnu Khadaab”

Guryaha Shuhadada:

Shuhadudu waa ku naftooda iyo maalkoodaba u huray diinta Ilaahay ee geeriyooday ayagoo u dagaalamaya sidii kalimada Ilaahay ee tawxiidku u sarreyn lahayd. Sida Ilaahay quraankiisa ku cadeeyey, shuhadadu may dhimanin ee way noolyihiin, waxa laga arsaaqaana Ilaahay agtiisa. Ruuxda shuhadadu waxay ku dhex jirtaa shinbir cagaaran oo dhirta jannada maalintii daaqda, habeenkiina u hooyada qanaadiil kasoo laalaada carshiga raxmaanka.

أَيُّ الشُّهَدَاءِ أَفْضَلُ ؟ قَالَ : ” الَّذِينَ إِنْ يُلْقَوْا فِي الصَّفِّ يَلْفِتُونَ وُجُوهَهُمْ حَتَّى يُقْتَلُوا ، أُولَئِكَ يَنْطَلِقُونَ فِي الْغُرَفِ الْعُلَى مِنَ الْجَنَّةِ ، وَيَضْحَكُ إِلَيْهِمْ رَبُّهُمْ ، وَإِذَا ضَحِكَ رَبُّكَ إِلَى عَبْدٍ فِي الدُّنْيَا ، فَلَا حِسَابَ عَلَيْهِ “[11]

Shuhadada keebaa u fadli badan? Wuxuu yidhi: ”kuwa marka lagu tuuro safka (dagaalka), hortooda fiirsanaya illamaa laga dilo, kuwaasi waxay aadayaan guryaha sare ee jannada, waxa ku qosla rabbigood, hadii rabbigaagu aduunyada u qoslo adoon, lama xisaabinayo”

Qosolka Ilaahayna lama mid aha qosolka makhluuqaadkiisa, waa mid ku haboon oo u qalma una cuntama rabbiga wayn subxaanahu wa tacaala.

Guryaha qofka rumeeyey nabiga (scw)

Rasuulkii Ilaahay wuxuu guri u damaanad qaaday qofkii isaga rumeeyey, islaamay ee hijrooda sidoo kalena ku jihaaday jidka Ilaahay, wuxuuna yidhi:

” أَنَا زَعِيمٌ وَالزَّعِيمُ الْحَمِيلُ ، لِمَنْ آمَنَ بِي وَأَسْلَمَ وَهَاجَرَ بِبَيْتٍ فِي رَبَضِ الْجَنَّةِ ، وَبِبَيْتٍ فِي وَسَطِ الْجَنَّةِ ، وَأَنَا زَعِيمٌ لِمَنْ آمَنَ بِي وَأَسْلَمَ وَجَاهَدَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ بِبَيْتٍ فِي رَبَضِ الْجَنَّةِ ، وَبِبَيْتٍ فِي وَسَطِ الْجَنَّةِ ، وَأَنَا زَعِيمٌ لِمَنْ آمَنَ بِي وَأَسْلَمَ وَجَاهَدَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ بِبَيْتٍ فِي رَبَضِ الْجَنَّةِ ، وَبِبَيْتٍ فِي وَسَطِ الْجَنَّةِ وَبِبَيْتٍ فِي أَعَلَى غُرَفِ الْجَنَّةِ ، ” .[12]

”Anigaa u damaanad qaadaya, qofkii i rumeeya, islaama ee hijrooda guri jannada hareerteeda ah (guri hoose), iyo guri badhtamaha jannada ah. Aniga  ayaa u damaanad qaadaya qofkii i rumeeyey, islaamay ee ku jihaaday jidka Ilaahay guri jannada hareerteeda ah (guri hoose) iyo guri jannada badhtankeeda ah. Aniga ayaa damaanad qaadaya qofkii i rumeeyey, islaamay ee ku jihaaday jidka ilaahay guri ku yaala jannada hareerteeda iyo guri ku yaala jannada badhtankeeda iyo guri ku yaala guryaha ugu sarreeya jannada”

Guriga qofka ka tagay iyo ka wanaajiyey akhlaaqdiisa

عن أنس بن مالك قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من ترك الكذب وهو باطل بني له في ربض الجنة ومن ترك المراء وهو محق بني له في وسطها ومن حسن خلقه بني له في أعلاها[13]

Anas ibnu Maalik waxa lagasoo wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofkii ka taga beenta baadilka waxa loo dhisaa guri ku yaala jannada hareerteeda (guri hoose), qofkii ka taga istusnimada isagoo xaq sheegaya waxa loo dhisaa guri ku yaala jannada badhtankeeda, qofkii waanaajiya akhlaaqdiisana waxa looga dhisaa guryaha sare”

Run ahaantii akhlaaqda wanaagsan ayadaa la tagtay khayr oo dhan, qofku wuxuu dhaqankiisa wanaagsan ku gaadha darajada qofka sooman maalin kasta ee tukanaya habeen kasta. Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi:

عَنْ عَائِشَةَ رَحِمَهَا اللَّهُ قَالَتْ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ إِنَّ الْمُؤْمِنَ لَيُدْرِكُ بِحُسْنِ خُلُقِهِ دَرَجَةَ الصَّائِمِ الْقَائِمِ

Caasha Ilaahay ha unaxariistee waxa laga wariyey inay tidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”qofka mu’minka ah wuxuu ku gaadha akhlaaqdiisa wanaagsan darajada ka sooman ee taagan”[14]

Guryaha dadka Ilaahay dartii isu jecel

Dadka Ilaahay dartii isu jecel waxay kamid yihiin todobada carshiga Ilaahay hadhsanaya hooskiisa, maalinta aanay jirin meel kale oo la hadhsado. Jannada dhexdoodadana waxay dadka ugu muuqanayaan sida xidigaha cirka inooga iftiimo oo kale.

عن أبي سعيد الخدري قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن المتحابين لترى غرفهم في الجنة كالكوكب الطالع الشرقي أو الغربي فيقال من هؤلاء فيقال هؤلاء المتحابون في الله عز وجل[15]

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Kuwa is jecel waxa loo arkayaa guryahooda jannada sida xidigaha kasoo baxa bari ama galbeed, waxa la dhahayaa: waa kuwama kuwaasi? Waxa la dhahayaa: waa kuwii Ilaahay dartii isu jeclaa”

Qofka Ilaahay dartii u jeclaada qof kale oo ay diinta ku walaaloobeen, wuxuu kamid yahay sadex qof ee rasuulkii Ilaahay sheegay inay dhadhamiyeen iimaanka.

Guriga qofka tukada laba iyo toban rakcadood oo sunne ah

Salaadaha sunnooyinka ah ee ka horreeya ama ka danbeeya salaadaha faralka ah oo tiradoodu tahay laba iyo toban rakcadood, qofkii ilaaliya ee u dhabar adayga waxa loo dhisayaa guri jannada ku yaala. Laba iyo tobanka rakcadood waxay kala yihiin: laba rakcadood oo ka horreysa salaada Subaxa, afar ka horreeya Duhurka, laba ka danbeeya Duhurka, laba ka danbeeya Maqribka iyo laba ka danbeeya Cishaha.

عن أم حبيبة زوج النبي صلى الله عليه وسلم أنها قالت سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول ما من عبد مسلم يصلي لله كل يوم ثنتي عشرة ركعة تطوعا غير فريضة إلا بنى الله له بيتا في الجنة أو إلا بني له بيت في الجنة[16]

Umu Xabiiba sawjadii nabiga (scw) waxa laga wariyey inay tidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Majiro adoon muslima oo tukada maalin kasta laba iyo toban rakcadood oo sunne ah oo aan faral ahayn, (haduu tukadaba) waxa Ilaahay u dhisaa guri jannada ku yaala ama waxa loo dhisaa guri jannada ku yaala”

Guriga qofka dadka quudiya ee hadalkana wanaajiya

Hadalka in la wanaajiyo waa mid kamida akhlaaqda wanaagsan, rasuulkii Ilaahayna wuxuu yidhi: ”Khayr ku hadal ama iska aamus”[17] Hadii waxa afkaaga kasoo baxayaa uu yahay khayr iyo wanaag, waxa guri lagaaga dhisayaa jannada:

علي قال قال النبي صلى الله عليه وسلم إن في الجنة غرفا ترى ظهورها من بطونها وبطونها من ظهورها فقام أعرابي فقال لمن هي يا رسول الله قال لمن أطاب الكلام وأطعم الطعام وأدام الصيام وصلى لله بالليل والناس نيام[18]

Cali wuxuu yidhi: nabigu (scw) wuxuu dhahay: ”Jannada waxa ahaaday guryo dushooda laga arko hoostooda, hoostoodana laga arko dushooda” waxa istaagay nin reer baadiye ah, wuxuuna yidhi: yaa iska leh rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: ”Qofkii wanaajiyey hadalka, dadkana quudiyey, soonkana daayimay, salaadana Ilaahay u tukaday habeenkii ayadoo dadku ay hurdaan”

Guriga qofka Ilaahay dartii u dhisay masaajid

عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال من بنى لله مسجدا صغيرا كان أو كبيرا بنى الله له بيتا في الجنة[19]

Nabiga (scw) waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Qofkii Ilaahay u dhisay masaajid, ha yaraado ama ha waynaadee, waxa Ilaahay u dhisayaa guri ku yaala jannada”

Guriga qofka soo booqday walaalkii ama qof xanuusanaya

Camalada khayrka badan ku jiro ee dad badan mooganyihiin waxa kamida in lasoo booqdo qof xanuusanaya. Cidii soo booqata maalin, waxa u ducaynaya todobaatan kun oo malag ilaa habeenka laga gaadhay, cidii soo booqata habeena waxa u ducaynaya todobaatan kun oo malag ilaa laga waagu ka baryayo.

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من عاد مريضا أو زار أخا له في الله ناداه مناد أن طبت وطاب ممشاك وتبوأت من الجنة منز[20]

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofki booqda ruux buka ama u siyaarta walaalkii dar Ilaahay, waxa u dhawaaqa mid dhawaaqaya (oo leh) waad wanaagsantahay, socodkaaguna wuu fiicanyahay, jannada waxa laguugu diyaariyey guri”

Guriga uu leeyahay waalidka ilmihiisu ka saqiiro

Waalidka aduunyada wuxuu ugu jecelyahay caruurtiisa, waliba marka ay yaryihii ee ay qoslaan ayagoo ilko lahayn, waxa qosolkoodu kala qaalisanyahay aduunyada dhan. Sidaa darteed, ayuu aabuhu maalin oo dhan u maqanyahay si uu ufarxad galiyo ubadkiisa. Haddaba waalidka ilmihiisii ka saqiiray, waxa kusoo habsatay musiibo, haduu dhibtaa u samro waxa sare loo qaaday abaalmarintiisa.

عَنْ أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” إِذَا مَاتَ وَلَدُ الْعَبْدِ قَالَ اللَّهُ لِمَلائِكَتِهِ قَبَضْتُمْ وَلَدَ عَبْدِي فَيَقُولُونَ نَعَمْ فَيَقُولُ قَبَضْتُمْ ثَمَرَةَ فُؤَادِهِ فَيَقُولُونَ نَعَمْ فَيَقُولُ مَاذَا قَالَ عَبْدِي فَيَقُولُونَ حَمِدَكَ وَاسْتَرْجَعَ فَيَقُولُ اللَّهُ : ” ابْنُوا لِعَبْدِي بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ وَسَمُّوهُ بَيْتَ الْحَمْدِ “[21]

Abi Muuse Al-ashcari waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Hadii adoonka ilmo ka dhinto, Ilaahay wuxuu ku dhahaa malaa’iktiisa: miyaad oofsateen adoonkayga ilmihiisii? Waxay leeyihiin: haa. Wuxuu dhahayaa: miyaad oofsateen qalbigiisii? Waxay dhahayaan: haa. Wuxuu leeyahay: muxuu adoonkaygu yidhi? Waxay dhahayaan: wuu ku mahadceliyey, waanu kuusoo laabtay, waxa Ilaahay dhahayaa: ”Uga dhisa adoonkayga guri jannada, una bixiya guriga mahadnaqa”


[1] Suuratu Tawbah: 72

[2] Suuratu Saba’: 37

[3] Suuratu Zumur: 20

[4] Tirmadi: 2525

[5] Ibnu Maajah: 4341

[6] Bukhaari: 4397

[7] Bukhaari: 7079

[8] Bukhaari: 1320

[9] Muslim: 2432

[10] Sunan Tirmadi: 3689

[11] Axmed:21886

[12] Sunan Nisaa’i: 4224

[13] Tirmadi: 1993

[14] Abudawuud: 4798

[15] Axmed: 11420

[16] Muslim: 728

[17] Bukhaari: 5672

[18] Tirmadi: 1984

[19] Tirmadi: 319

[20] Tirmadi: 2008

[21] Tirmadi: 942