Tusmo

Sifooyinka Xuural Caynta:

halkan ka daawo ama ka akhriso hoos!

Xuurul Cayn waa xaasaska iyo ooriyaha jannada. Waxa guursanay nimanka jannada galay, ninkuna wuxuu ugu jecelyahay gabadh xalaal u ah oo qurux iyo qiimamaba leh. Ilaahay wuxuu yidhi:

وَلَهُمْ فِيهَا أَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ ۖ وَهُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ﴿٢٥﴾

”Waxa ku leeyihiin (jannada) xaasas la daahiriyey, ayaguna waaraya”[1]

وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ ﴿٥٤﴾

Waxaan u guurinay Xuurul Cayn[2]

Khamaarka Xuurul Caynta:

Xuurul Cayntu waxay madaxa ku sidataa khamaar ama waxaad dhahdaa taaj oo ah ka ugu qurxoon uguna wanaagsan. Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi:

ولنصيفها يعني الخمار خير من الدنيا وما فيها

”Khamaarkeeda ama xijaabka madaxa ay ku sidato ayaa ka khayr badan Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba”[3]

Hadii khamaarkeedii ka qurxoonyahay aduunka iyo waxa dhex yaalaba, bal kawaran ayadan quruxdeedu heerka ay gaadhsiisantahay.

Wajiga Xuurul Caynta:

Magaceedu waa Xawraa, macnaheeduna waa cadaan daran iyo indhaha aadka u madow. Cadaanta jidhkeeda waxa ku dhex jira guduud ama casaan. Ilaahay wuxuu yidhi:

كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ ﴿٤٩﴾

”Waxaad moodaa ukun (beed) dhawrsoon”[4]

Ereyga (بَيْضٌ مَّكْنُونٌ) waxa lagu fasiray ukunta marka la kariyo ee qolofta sare laga saaro siday u jilicsantahay oo kale ayay Xuurul Cayntu u jilicsantahay, ayna u cadahay. Waxa kale oo lagu fasiray inay sida dheeman cad oo kale u eegyihiin. Waana waji iyo dhaban aan cidna taabanin oo dhawrsoon.

Quruxda wajigeeda:

Ilaahay wuxuu yidhi:

فِيهِنَّ خَيْرَاتٌ حِسَانٌ ﴿٧٠﴾

“Waxa dhex jooga (jannada) haween qurxoon”[5]

Ereyga (حِسَانٌ) waxa looga jeeda dumarka wajigoodu aadka u qurxoonyahay. Markasta oo nimankoodu baxaan oo ay kusoo laabtaan gurigooda, waxa sii qurux badanaya wajigii Xuural Caynta.

Dabaysha Qurxinaysa Wajiga Xuural Caynta:

Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi:

إِنَّ فِي الْجَنَّةِ لَسُوقًا يَأْتُونَهَا كُلَّ جُمُعَةٍ فَتَهُبُّ رِيحُ الشَّمَالِ فَتَحْثُو فِي وُجُوهِهِمْ وَثِيَابِهِمْ فَيَزْدَادُونَ حُسْنًا وَجَمَالًا فَيَرْجِعُونَ إِلَى أَهْلِيهِمْ وَقَدْ ازْدَادُوا حُسْنًا وَجَمَالًا فَيَقُولُ لَهُمْ أَهْلُوهُمْ وَاللَّهِ لَقَدْ ازْدَدْتُمْ بَعْدَنَا حُسْنًا وَجَمَالًا فَيَقُولُونَ وَأَنْتُمْ وَاللَّهِ لَقَدْ ازْدَدْتُمْ بَعْدَنَا حُسْنًا وَجَمَالًا

Jannada dhexdeeda waxa ahaaday suuq ay imanayaan jimce kasta, waxaana soconaya dabaysha waqooyiga, waxayna ku dhacaysaa wajiyadooda iyo dharkooda, kadibna waxa u kordhaya qurux iyo wanaag, waxayna u laabanayaan ehelkoodii, ayagoo ay u siyaaday wanaag iyo quruxba, wuxuuna ku dhahayaa ehelkoodii: Ilaahbaan ku dhaartee waxa idiin korodhay wanaag iyo qurux, waxay dhahayaan: ilaahbaan ku dhaartee, idinkana waxa idiin korodhay wanaag iyo qurux.[6]

 

Indha Xuurul Caynta:

Ilaahay wuxuu yidhi:

وَحُورٌ عِينٌ ﴿٢٢﴾

Iyo Xuurul Cayn[7]

Xuurul Cayn waa gabadha indhaha waa wayn ee inta cad ay aad u cadahay, inta madowna aad u madawdahay. Indhaha waa wayna waa quruxda dumarka iyo raggaba sidaa darteed nabigeena isagaba wuu indho waynaa.

Indhaheedu way laabanyihiin:

Indhaheeda waxay ku koobaysaa ninka qaba oo kaliya, mana fiirinayso bidix iyo midig toona. Mana rabaan nin aan ahayn ninka qaba mooyee. Waxayna u aragtaa in ninka qabaa uu yahay ninka ugu qaalisan ee jannada jooga.

Ilaahay wuxuu yidhi:

فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ

“Waxa (jannada) dhexdeeda jooga dumar indhahoodu laabanyihiin”[8]

وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ أَتْرَابٌ (52)

“Agtooda waxa ahaaday haweenkii indhahooda laabay oo is la’eeg”[9]

Quruxda sankeeda iyo siduu u jilicsanyahay:

Xuurul caynta sankeedu waa qurux badanyahay, waxa laga daahiriyey duuf, dhidid, hargab, cuncun, qabow iyo sanbuurba.

Ilaahay wuxuu yidhi:

وَأَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ

“iyo xaasas la daahiriyey”[10]

Dhabankeeda iyo siduu nadiifta u yahay:

Ilaahay wuxuu yidhi:

كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ ﴿٥٨﴾

“Waxaad moodaa sida Yaaquutka iyo Marjaanka (jawharado midbayo leh)”[11]

Dhabanka Xuural Cayntu wuu ka saafisan yahay muraayada, waanu ka cadyahay cadceeda, waana dhaban quruxda iyo dhalaalkiisa la moodo jawharado midabyo leh. Ma malayn kartid quruxda Ilaahay ku abuuray gabadha xuural caynta ah.

Gabadhaa waxa ku guulaysanaya ninka cadhadiisa qarsada, wuxuu yidhi rasuulkii Ilaahay:

من كظم غيظا وهو يستطيع أن ينفذه دعاه الله يوم القيامة على رءوس الخلائق حتى يخيره في أي الحور شاء

“Cidii qarisa cadho uu awood u leeyahay inuu fuliyo, Ilaahay wuxuu uga yeedhayaa maalinta Qayaame makhluuqaadka korkooda, illamaa ilaahay ka dooransiiyo xuurul-caynta uu doono”[12]

Afkeeda iyo nuurka la socda dhoola cadaynteeda:

Hilaac ayaad mooda inuu ka kacayo afkeeda markay dhoola cadayso, waxayna dhoola cadaynteedu ifinaysa dunida oo dhan.

Heesta Xuurul Caynta:

Xuural Cayntu jannada dhexdeeda ayay ku heesaysaa, ayadoo ku qaadaysa codka ugu macaan, kaasoo nafta u raaxaynaya oo qalbiga ninkeedana dajinaya.

: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن أزواج أهل الجنة ليغنين أزواجهن بأحسن أصوات سمعها أحد قط، إن مما يغنين به نحن الخيرات الحسان أزواج قوم كرام ينظرون بقرة أعيان، وإن مما يغنين به نحن الخالدات فلا نمتنه نحن الآمنات فلا نخفنه نحن المقيمات فلا نظعنه.

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: haweenka jannadu waxay ugu heesayaan nimankooda codka ugu wanaagsan ee la maqlo, waxa kamida heestooda: “Anagu dumar fiican oo qurxoonbaanu nahay, raggayagu waa qoom Sharaf badan oo ku eegaya indho doogsi (raaxaysi)” heesahooda waxa kamida: ” Anagu ku waaraya ayaanu nahay, mana dhimanayno, kuwa aamina ayaanu nahay, mana cabsanayno, kuwa deegaana ayaanu nahay mana gaboobayno”[13]

Waxa kale oo ay ku heesayaan:

إن الحور في الجنة يغنين يقلن نحن الحور الحسان هدينا لأزواج كرام

Xuural Cayntu way heesayaan ayagoo leh: “Anagaa ah xuurta wanaagsan, waxa nala siiyey niman sharaf leh”[14]

Waxa kale oo kamida heesahaas:

عن أنس بن مالك أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: إن الحور في الجنة يغنين يقلن نحن الحور الحسان هدينا لأزواج كرام

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu nabiga (scw) dhahay: ”Xuurta joogta jannadu way heesayaan ayagoo leh: Anaga weeye Xuurta wanaagsan, waxa nala siiyey niman sharaf leh”[15]

Heesahana waxa loogu raaxaynaa dadka ka dheeraada heesaha aduunyada ee xaaraanta ah. Haweenka xuural caynta ah markay heesayaan, waxay ku heesayaan hadal wanaagsan oo aan ceeb iyo aflagaado midna lahayn. Waxay amaanayaan rabbigooda iyo nimankooda, waxay sifaynayaan nicmada Ilaahay siiyey iyo raaxada ay ku noolyihiin ee aanay kabaxaynin.

Dhirta Jannada ee heesaysa:

Jannada waxa ahaaday dhir ka samaysan macdanada dheemanta, yaaquutka iyo zabarjadka, markaasuu Ilaahay soo dirayaa dabayl kadibna waxa kasoo baxay cod macaan oo aan waligeed hore loo maqlin.

Ibnu Cabaas waxa laga wariyey: ”jannada waxa ahaaday geed jirridiisa hadhkeeda la soconayo boqol sanadood qofka faraska saaran. Waxayna ku sheekaysanayaan hooskeeda, markaasaa qaarkood u xiisoonayaan oo ay xasuusanayaa madadaaladii aduunyada, kolkaasaa Ilaahay soo dirayaa dabayl, waxayna dhaqaajinaysaa geedkii oo ay maqlayaan dhamaan madadaaladii aduunka”

Xuural Cayntu dhalinyaranimo ayay ku waarayaan:

وَلَهُمْ فِيهَا أَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ ۖ وَهُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ﴿٢٥﴾

”Waxa ku leeyihiin (jannada) xaasas la daahiriyey, ayaguna waaraya”[16]

Waarida waxa looga jeeda in quruxdooda iyo wanaagoodu aanu marnaba is badalayn. Waxay ku waarayaan dhalinyaronimada, kamana baxayaan jannada.

نحن الخالدات فلا نمتنه

“Anagu ku waaraya ayaan nahay ee aan dhimanayn”

Dumar nimcaysan oo barwaaqadu ka muuqato:

Markay Xuural Ciintu heesaysu waxa heesteeda kamid ahaa:

نحن الناعمات فلا نبأس أبداً

“Anagu waanu nicmaysanahay mana xumaanayno waligayo”

Waa dumar jidhkoodu jilicsanyahay oo barwaaqadu ka muuqato. Mana ku gaboobayaan Jannada, jidhkooduna isma badalayo. Ilaahay wuxuu yidhi:

ادْخُلُوا الْجَنَّةَ أَنتُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ تُحْبَرُونَ ﴿٧٠﴾

Jannada gala idinka iyo haweenkiinu idinkoo ku nicmaysn (farxaya)[17]

Dumar Raaliyo ah:

ونحن الراضيات فلا نسخط أبداً

”Anagu raaliyo ayaanu nahay, mana cadhoonayno waligayo”

Waa gabdho raaliyo ah oo ninkooda aan waligood ka cadhaysiinayn, ayaguna kama cadhoonayaan raggooda. Jannada dhexdeeda majirto, hinaase, masayr, xaasidnimo, cuqdad, kibir iyo cadho toona, waa haween laga daahiriyey dhamaan ceebaha aduunyada.

Dumar aan guurayn:

نحن المقيمات فلا نظعنه

“Anagu deegaan baan nahay mana gaboobayno”

Waa dumar deegaankooda jooga oo aan safar iyo socdaal galaynin. Waa dumar ku qanacsan nolosha Ilaahay siiyey iyo raaxada ay ku noolyihiin. Nimankooda kama cadhoonayaan, kamana tagayaan guryahooda.


[1] Suuratu Albaqarah: 25

[2] Suuratu Dukhaan: 54

[3] Bukhaari: 6199

[4] Suuratu Saafaat: 49

[5] Suuratu Arraxmaan: 70

[6] Muslim: 2833

[7] Suuratu Al-waaqicah: 22

[8] Suuratu Arraxmaan: 56

[9] Suuratu Saad: 52

[10] Suuratu Alcimraan: 15

[11] Suuratu Arraxmaan: 58

[12] Tirmadi: 2021

[13] رواه الطبراني في الصغير والأوسط ورواتهما رواة الصحيح كما قال المنذري وصححه الألباني.

[14] رواه ابن أبي الدنيا والطبراني وصححه الألباني.

[15]رواه الطبراني في الأوسط ورجاله وثقوا

[16] Suuratu Albaqarah: 25

[17] Suuratu Zukhruf: 70