Tusmo

Koorsooyinka Xagaaga:

Bisha fasaxa ah ee xagaaga darteed waxaan bilaabaynaa duruus lagu dhigayo qaab online ah,  kuwaasoo aan ugu talo galnay ardayda fasaxyada galaya inay wax ka bartaan diintooda macaan. Ardayda aan qaadanayno waa akhrin kara Luuqada Af-soomaaliga, kutubada ardaygu baranayo waxay ku turjuman yihiin luuqada Af-soomaali.

Ardayda aan si fiican u fahmi karin Afsoomaaliga waxaan loogu sharrixi doonaa luuqada Englishta.

Kutubada la dhiganayo

Kitaabka Tajwiidka oo ku qoran Afsoomaali.

Kitaabka Siffatu Salaah Annabi oo ku qoran Af-soomaali

Tiknaloojiyada aan adeegsano

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah oo macalinku soo galayo 

Guruubka Ardayda:

Koorsadan waxay leedahay guruub dhanka Whatsupka ah, halkaasoo loo soo dhigayo linkiga casharka la qaadanayo maalintaas. Waa muhiim in ardaykasta guruubkan ku jiro si uu macalimiinta ula xiriiro iyo si uu uhelo casharka la qaadanayo.

Mudada la baranayo Koorsadan:

Koorsadan waxay soconaysaa hal bil oo ka bilaabmaya 21 ka bisha Juun ee sanadka 2023.  Todobaadkii shan maalmood ayaa la qaadanayaa casharrada, maalintiiba hal saacad.

Fasalka 1aad waa saacada 15:00 UK ama 17:00 bariga Afrika.

Marka koorsadu dhamaato shahaadooyin ayaa la gudoonsiin doonaa ardayda ka qalinjabisa koorsoyinka.

Qalabka Ardaygu ubaahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Kutubada uma baahnid inaad soo gadato, waxaan kuu haynaa ayagoo ah PDF, hadaad guriga ku haystana waa mid aad u fiican. Waxa ardaygu u baahanyahay sidoo kale kitaab uu ku qoro waydiimaha macallinku waydiiyo.

Macallimiinta dhigaysa

Macalin Cabdicasiis Maxamed Oogle +46760552713

Koorsooyinka Ramadaanta
Dooro Koorsada