Waxa Ilaahay mahadiiya in Dugsiga Nasteex Online School ay ka qalin jabiyeen ardaydii dhamaysatay koorsooyinka Tajwiidka iyo Carabida ayagoo ku dhameeyay mudadii loogu talo galay oo ahayd 3 bilood oo kaliya. Dhamaadka koorsoyinkaas kadib waxa dugsiga Nasteex Online School uu qaadanaya arday cusub oo baran doonta sadex koorso oo kala duwan. Koorsooyinkaas oo kala ah; koorsada Xadiiska, koorsada Carabida iyo koorsada Afsooomaaliga.

Sadexda koorsaba waxay soconayaan mudo dhan 3 bilood oo kaliya, ayagoo baran doona duruus tayo badan oo ay ka faa’idi doonaan mudada kooban ee ay nala joogaan.

Tusmo

Koorsada Carabida:

Carabidu waa luuqada diinta islaamku ku qorantahay haday quraanka tahay iyo culuumta kale ee shariicada islaamka, waana lagama maarmaan in la barto luuqadan. Kitaabka aad baranaysaan waa kitaabka loo yaqaano (العربية بين يديك) Qeybtiisa 1aad, waxaad ku dhamaynaysaa mudo sadex bilooda. Waxa lagaa dhisayaa dhinaca wax akhriska, qorida, fahanka iyo naxwaha luuqada Carabida.

Waxa idin bari doona macalimiin khibrad uleh tacliinta ay idin bari doonaa. Waxaan xasuusanaa ardaydii qaadatay koorsadii Carabida ee tan ka horaysay waxay yimaadeen ayagoo ay ku adagtahay qorida, akhriska iyo fahanka luuqada Carabida, waxayna dhamaysteen ayagoo ku hadlaya, fahmaya oo wax ku qoraya luuqada Af Carabida. Waxa Ilaahay ogaa inay imtixaanka ku galeen luuqada Afka Carabida oo ay intooduba ku guulaysteen.

Sababta keenatay inay guushaas gaadhan waxay ahayd marka laga yimaado ogolaanshaha Ilaahay waa dadaalka ardayda iyo macalimiinta oo si wanaagsan isu fahmay iyo jadlwalka waqtigooda oo ay ilaaliyeen iyo ardayda oo wacyigoodu soo jeeday oo rabay inay waqtigooda ka faa’idaystaan.

Run ahaantii, majirto luuqad lagu wada baran karo sadex bilood oo kaliya balse waxaan idiin ballan qaadaynaa in heerka aad iminka joogtaan aad sare uga kici doontaan Inshallah. Maalinta aad dhamayso koorsadan ayaad ogaan doonta aqoonta aad heshay mudadii koobanyd ee aad nala joogtay, waanad ku farxi doontaa sidii ay u farxeen ardaydii hadda kahor qalin jabisay.

Koorsada Xadiiska

Xadiisku waa masdarka labaad ee Diinta Islaamka, waana cilmi aad uqaaliya oo aad ku baranayso sunnadii Rasuulkii Ilaahay (scw) taariikhdiisii iyo siiradiisii sidoo kale waxaad ku baranaysaa axkaamta shareecada Islaamka iyo akhlaaqda ama dhaqanka suuban ee diinta Islaamka ayadoo aynu kaga dayanayno nabigeena (scw).

Dhawr kutub ayaad baranaysaan, kutubtaas oo isugu jirta Xadiis iyo Musdalaxu Al-xadiis. Kutubta aad baranayso waxa kamida Arbaciinka, Mi’atu Al-xadiis oo dhawr qaybooda iyo kuwo kale.

Xadiisyada aad baranayso badankooda waa la qaybayaa ayadoo korka laga xifdinayo (gaar ahaana xadiisyada gaagaaban) sidoo kale waxa lagu sharraxayaa luuqada Afka soomaaliga oo aad ku heli doontaa kitaabka oo ku qoran afcarabi iyo Afsoomaaliba.

Koorsada Afsoomaaliga

Luuqada Afsoomaaligu waa luuqadeena hooyo taasoo muhiim inoo wada ah inaan barano si aan dhaqankeena iyo luuqadeenaba u ilaalino. Koorasadan waxa lagu baran doonaa sadex bilood oo kaliya, waxaad baranaysaan qorida, akhriska iyo fahanka luuqada Afsoomaaliga. Sidoo kale waxaad wax ka baran doontaa suugaanta Soomaalida sida gabayada, maansooyinka, halxidhaalayaasha, duurxulka, waxa sidoo kale aan meesha ka maqnayn naxwaha afsoomaliga.

Koorsadan waxay ku haboontahay caruurta qurbaha ku koray ee aan Afsoomaaliga aqoonin iyo dadka ubaahan inay afsoomaaligooda xoojiyaan.

Tiknaloojiyada aan adeegsano

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah oo ardayga loo sharraxayo siduu u adeegsan lahaa maalintuu bilaabo waxbarashada. Waxaad casharka kala socon kartaa Kombiyuutarkaaga, Tabska ama telefoonka.

Waxaad sidoo kale lasoo dagi kartaa Application ka dhanka telefoonda iyo tabskaba. Waxaanad ka helaysaa Play Store iyo Itunes labadaba.

Casharradu waa kuwo duuban

Dhamaan casharradu lagu qaadanayo koorsadan waa kuwo duuban oo dib loo heli karayo, waxa kale oo jira waydiimo, halxidhaalayaal iyo imtixaan la iska qaadi doono marka kitaabku idiin dhamaado.

Guruubka Ardayda:

Fasalkasta wuxuu leeyahay guruub dhanka Whatsupka ah, halkaasoo loo soo dhigayo linkiga casharka la qaadanayo maalintaas. Waa muhiim in ardaykasta guruubkan ku jiro si uu macalimiinta ula xiriiro iyo si uu uhelo casharka la qaadanayo.

Mudada la baranayo Koorsadan:

Koorsadan waxay soconaysaa 3 bilood, todobaadkii shan maalmood ayaa la qaadanayaa casharrada, maalintiiba hal saacad. Marka koorsadu dhamaato shahaadooyin ayaa la gudoonsiin doonaa ardayda ka qalinjabisa koorsoyinka Carabida, Xadiiska iyo Afsoomaaligaba.

Qiimaha Koorsadan:

Koorsadii kasta ardayga waxa laga qaadayaa 50 dollar oo qadin ah, sadexda bilood isu gayn waa 150 dollar. Hadii labada koorso aad isku baranayso isugayn waa 300 dollar. Lacagta fiiga bishiiba 50 waad bixin kartaa, waanad isku dari kartaa oo halmar waad bixin kartaa. Wixii faahfaahina kala xiriir macallimiinta dugsiga.

Qalabka Ardaygu ubaahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Kitaabka Tajwiidka  ama Carabida uma baahnid inaad soo gadato, waxaan kuu haynaa ayagoo ah PDF, hadaad guriga ku haystana waa mid aad u fiican. Waxa ardaygu u baahanyahay sidoo kale kitaab uu ku qoro waydiimaha macallinku waydiiyo.

Qaabka Casharka loo qaadanayo:

Ardaydu waxay soo galayaan qolka loogu talo galay inay wax ku bartaan, kaasoo linkigiisa maalin kasta lasoo dhigayo guruubka ardayda. Markay gaadho xilligii loo qoondeeyey in casharku baxo, waxa bilaabmaysa darsigii.

Macalinku waxa ugu horeeya ee uu ku bilaabayo waa (Xaadiriska), kadibna casharradii hore ayuu ardayda wax ka waydiinayaa.  Dabadeedna casharkii ayaa la qaadanayaa mudo 40 daqiiqadood ah, wixii ka danbeeyana waa su’aalaha ardaydu macalinka waydiinayaan iyo sharraxaad dheeraada ama hal xidhaale macalinku waydiin doono ardayda.

Macallimiinta dhigaysa Koorsooyinkan:

Macalin: Sheekh Abdifatah Osman

Macalin: Sheekh Abdulaziz Oogle

Macalin Sheekh Ahmed Dhagaxtuur

Faahfaahin Dheeriya:

Wixii Faahfaahin dheeriya waxaad la xiriirta telefoonadan hoos ku qoran:

Sheekh Abdulaziz Oogle 0046760552713

Sheekh Abdifatah Osman 00966509880497

Sheekh Dhagaxtuur 00447400092871

Maalmaha la baranayo Koorsooyinka

Koorsooyinku waxa la qaadanayaa todobaadkii shan maalmood, waqtiga iyo maalmaha iyo jadwalka ardayda waxa la idiin siinayaa markaad isdiiwaangalisaan. Wixii Faahfaahina la xiriir macalimiinta Dugsiga Nasteex Online School

Halkan iska Diiwaangali

Koorsooyin
Koorsada aad rabro *