Tusmo

Is Diiwaangali Koorsada Caruurta ee sanadka cusub 2020

Assalaama Calaykum!

Dhamaan waalidiinta jecel in ubadkoodu ay bartaan culuumta diinta islaamka waxa la ogaysiinayaa inay ubadkooda uga faa’ideeyaan koorsada Caruurta oo soconaysa 10ka maalmood ee caruurtu fasaxa ka yihiin dugsiyada. Koorsadan waxa caruurtu ay ku baranaysaa duruus fara badan oo ay kamid yihiin Caqiidada Caruurta Islaamka, Qisooyinka Nabiyada, Sheekooyinka Caruurta iyo Aklaaqda iyo aadaabta looga baahanyahay caruurta Muslimka.

Sidee la isu diiwaangalinayaa?

Waxaad iska diiwaangalisaa halkan, adigoo buuxinaya foomka hoos ku yaala adigoo ku qoraya telefoonkaaga lagaala soo xiriirayo oo wata furaha dalka aad joogto, waana inaad haysato Whatsup.

Looma baahna kutub:

Ardaydu uma baahna inay soo iibsadaan kutub, sababtoo ah casharrada ay qaadanayaan waa kuwo u diyaarsan una duuban. Ardaydu si fudud ayey u helayaan darsigii ay qaateen.

Tiknaloojiyada aan adeegsano:

Ardaydu waxay leeyihiin group ay ku kulmaan, halkaas oo ay su’aalaha ku waydiin karaan macalimiintooda. Sidoo kale waxa guruubka loo soo dhigayaa jadwalka casharada maalintaas la bixinayo.

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah, oo ardayga loo sharraxayo siduu u adeegsan lahaa maalintuu bilaabo waxbarashada. Waxaad casharka kala socon kartaa Kombiyuutarkaaga, Tabska ama telefoonka.

Waxaad sidoo kale lasoo dagi kartaa Application ka dhanka telefoonda iyo tabskaba. Waxaanad ka helaysaa Play Store iyo Itunes labadaba.

Ardayda aan qaadanayno:

Koorsadan waxa loogu talo galay Caruurta iyo Dhalinyarada, waxaana ka qeybgali kara ardayda da’doodu u dhaxayso 5 sano ilaa 21 sanadood, meelkasta dunida ha joogaane.

Qalabka Ardaygu ubaahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Qaabka Casharka loo qaadanayo:

Ardaydu waxay soo galayaan qolka loogu talo galay inay wax ku bartaan, kaasoo linkigiisa maalin kasta lasoo dhigayo guruubka ardayda. Markay gaadho xilligii loo qoondeeyey in casharku baxo, waxa bilaabmaysa darsigii.

Macalinku waxa ugu horeeya ee uu ku bilaabayo waa (Xaadiriska), kadibna casharradii hore ayuu ardayda wax ka waydiinayaa.  Dabadeedna casharka 1aad ayaa soconaya 30 daqiiqo, kadibna ardaydu waxay helayaan 5 daqiiqo oo nasasho ah. Isla marka lagasoo laabto nasashada waxa hore ka bilaambaya darsiga 2aad oo soconaya 30 daqiiqo.

Waqtiga Duruusta la qaadanayo:

Duruustu waxay soo galaysaa 17:00 saacada UK ama 18:00 saacada Yurubta.

Ma ballan qaadaysaa imaanshaha Ardayga?

Hadii aad ballan qaadayso in caruurtaadu ay imanayso tobankaas maalmood, oo Ilaahay kugu ogyahay inaad dadaalayso kasoo qaybgal koorsadan, hadii aanad ballan qaadayn fadlan ha is dhibin hana dhibin macalimiinta adigoo mahadsan.

Lacag la’aan weeye Koorsadu:

Koorsadan waa lacag la’aan, waxa bixinaya macalimiinta dugsiga Nasteex Online School, waana Free. Cid kasta way ka qayb gali kartaa oo  buuxinaysa shuruudaha Koorsadan ee kor ku qoran.

Koorsada Caruurta ee Sanadka Cususb 2020
Ma ballan qaadaysaa in Caruurtu imanayso Waqtigooda? *