Tusmo

Iminka is diiwaangali!

Maadaama aanay  kuu suurtoobayn inaad tagto machad ama iskuul Islaamiya oo lagu barto culuumta shareecada iyo waqtiga oo kugu yar awgeed, waxaan kuu furnay dugsi aad ku baranayso culuumta sharciga islaamka qaab online ah. Waxaan adeegsanaynaa qalabka ugu casriyeysan ee dunida horumartay ay wax ku bartaan.

Waxaad si fudud oo sahlan ku baranaysaa culuumta sharciga Islaamka, adigoo gurigaaga jooga.

Macalimiinta wax ku baraysaa waa kuwo khibrad iyo aqoonba u leh maadooyinka ay ku barayaan. Waxay haystaan ugu yaraan toban sanadood oo khibrad ku filan xaga wax barista, iyo la dhaqanka ardayda.

  •  

Maadooyinka aad baranayso waxa kamida:

  • Tafsiirka
  • Tajwiidka
  • Xadiiska
  • Fiqiga
  • Tawxiidka
  • Siirada
  • Ducooyinka
  • Akhlaaqda
  • Quraanka
  • Af Carabiga.

Uma baahnid inaad soo iibsato kutubta:

Dhamaan kutubta aad baranayso waxa kuu diyaarinaya dugsiga, waxaanad ku helaysaa ayagoo PDF ah, Word Documnts, ama Slides of Power Point.

Tiknalojiyada aan adeegsanayno:

Fasalkasta oo ardayda kamida waxay leeyihiin group ay ku kulmaan, halkaas oo ay su’aalaha ku waydiin karaan macalimiintooda. Sidoo kale waxa guruubka loo soo dhigayaa jadwalka casharada maalintaas la bixinayo iyo kutubta la akhrisanayaba.

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah, oo ardayga loo sharraxayo siduu u adeegsan lahaa maalintuu bilaabo waxbarashada. Waxaad casharka kala socon kartaa Kombiyuutarkaaga, Tabska ama telefoonka.

Waxaad sidoo kale lasoo dagi kartaa Application ka dhanka telefoonda iyo tabskaba. Waxaanad ka helaysaa Play Store iyo Itunes labadaba.

Ardayda aan qaadanayno:

Ardayda aan qaadanayno waa inay yihiin arday hada kahor wax soo baratay, kuwaasoo fahmi kara duruusta la siinayo. Waxa larabaa in uu dhameeyay quraanka ama meel fican ka gaadhay, sidoo kalena la qabsan karo duruusta dugsigu bixinayo.

Ardayga waxa looga baahanyahay inuu ballan qaado in waqtiga casharradu ay socdaan inuu ilaalinayo, oo uu ku dadaalayo casharradiisa.

Mudada lagu dhamaynayo machadka:

Waqtiga noo qorshaysan in ardaygu wax aad u badan uu ku barto waa mudo gaadhaysa 2 sanadood. Wixii uu dhawr sanadood ku baran lahaa ayaan kusoo koobaynaa mudadaas yar  ee ardaygu nala joogo.

Hadii ardaygu dadaal fiican sameeyo, waxa u suurtoobaysa Inshallah, inuu imtixaan galo oo is diiwaangaliyo waxbarashada heerka sare sida heer jaamicadeed.

Shaqada iyo mustqablka:

Maadaama ardaygu baranayo sharciga diinta Islaamka, waxa sidoo kale aan baraynaa qaabka ugu wanaagsan ee uu dadka wax ugu gudbin karo ama cilmiga uu bartay uu ugu shaqaysan karo meeshuu doonaba ha joogee. Waxa la barayaa ardayga qaabka uu cilmigiisa u kordhin lahaa iyo hababka loo maro in aqoon dheeraad la helo.

Qiimaha iyo kharashaadka:

Ardayga machadka dhiganaya waxa laga qaadayaa bishiiba lacag dhan 100 dollar. Taasoo uu kusoo dirayo akoonada aan xawaaladaha soomaalida kuleenahay oo loo qorayo ardaygu isla markuu is diiwaangaliyo.

Qalabka ardaygu u baahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Jadwalka ardayga:

Todobaadkii shan maalmood ayuu ardaygu baranayaa duruusta. Maalintii ugu badnaan laba saacadood ayaa la bixinayaa casharrada. Dabcan waxa ardaygygu xiisad kastaba leeyahay ugu yaraan 5 daqiiqo oo nasasho ah.

Imtixaanka Guud iyo is xaadirinta:

Maalin kasta waxa la xaadirinayaa ardayda dhiganaysa dugsiga. Waxaanu ku dadaalayna in aanu xooga saarno siduu ardaygu ufahmi lahaa casharradiisa.

Ardayga imtixaanka gala ee gooyey duruusta bishii wax ka badan 3 maalmood, cudur daar la’aan waxa imtixaanka uu ku waayayaa boqolkiiba 20% wixii laga rabay.

Joogitaanka ardayga waxay keensanaysaa inuu ardaygaasi si fiican ugu guulaysto maadooyinka uu baranayo.

Duruusta iyo duubista:

Guud ahaan casharrada la baranayo waxay noqonayaan kuwo la duubay, oo ardaygu haduu mar kale u baahdo uu si fudud u heli karo isagoo dhagaysanaya ama daawanaya.

Qaabka Casharka loo qaadanayo:

Ardaydu waxay soo galayaan qolka loogu talo galay inay wax ku bartaan, kaasoo linkigiisa maalin kasta lasoo dhigayo guruubka ardayda. Markay gaadho xilligii loo qoondeeyey in casharku baxo, waxa bilaabmaysa darsigii.

Macalinku waxa ugu horeeya ee uu ku bilaabayo waa (Xaadiriska), kadibna casharradii hore ayuu ardayda wax ka waydiinayaa.  Dabadeedna casharkii ayaa soconaya mudo gaadhaysa 40 daqiiqo ilaa ugu badnaan hal saac.

Hal saac wax kabadan lama qaadanayo duruusta. Hadii ay jiraan cashar kale oo maalintaas ku qoran, wuxuu ardaygu helayaa ugu yaraan 5 daqiiqo oo nasasho ah.

Jadwalka iyo salaadaha:

Waxaan inta badan kala fogeynaynaa jadwalka ardayda iyo waqtiyada salaadaha. Balse hadii ay isku soo beegmaan, waxa macalinku ardayda siinayaa 15 daqiiqo oo ay kusoo tukadaan salaada, kadibna casharkii ayuu sii dhamays tirayaa.

Macluumaad Dheeraada:

Hadii aad u baahato macluumaad dheeraada, waxaad soo wacaysaa telefoonkan: 0046760552713, 00447440268625, 00966509880497. Dhamaan telefoonadu waxay leeyihiin Whatsup.

Waxaad kale oo aad qoraal noogu soo qori kartaa emailka: oogle@gaaldiid.com

Facebook Page: https://www.facebook.com/diintenuwaanasteexo/

Facebook Page: https://www.facebook.com/gaaldiid/

Website: www.nasteex.com