Ma tahay waalid raba in ubadkiisu ay bartaan kitaabka Ilaahay ee Quraanka, caqiiqdada islaamka iyo xadiiska. Ma tahay Qof isagu danaynaya inuu barto Diinta Islaamka ah ee macaan, Waxaan kuu haynaa Dugsi aad ku baranaysaan xifdinta Quraanka, xadiska nabiga, caqiidada, tajwiidka, tafsiirka, higaada iyo tarbiyada islaamiga ah. Meel kasta oo aad joogtaan waxaad qaadanaysaan casharkaaga, waxaan u shaqaynaa qaab online ah.

Macallimiinta wax u dhigaysa waa kuwo jaamiciyiina oo khibrad u leh barista Quraanka Kariimka ah iyo kobcinta maskaxda ubadka. Macalimiinta waxa kamida Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle oo haysta ijaazada Quraanka kariimka gaar ahaan qiraada Xafsi, taas oo uu sheekhu siinayo cidii u qalanta ee Quraanka u barata sidii uu inagaga soo gaadhay Rasuulkii Ilaahay (scw).

Waxaan waalidiinta la yeelanaynaa wada shaqayn joogta ah iyo inaan la socodsiino marxaladaha kala duwan ee ilmahoodu marayo. Waxaan xooga saaraynaa caqiidada ilmaha anagoo ka dhisayna xaga tawxiidka iyo inay jeclaadaan diintooda Islaamka.

Casharrada ay qaadanayaan waxay kala soconayaan shaashada ayagoo arkaya macalinka sharraxaadiisa. Todobaadkii 5 maalmood ayay qaadanayaan duruusta. Sadex maalmood waxay baranayaan Quraanka Kariimka ah, maalmaha kalena waxay baran doonaan culuumta kala duwan ee islaamiga ah sida Tajwiidka, Fiqiga, Tafsiirka iyo Tawxiidka.

Ardayda u baahan inay iska dhisaan Higaada iyo Carabida waxaan u haynaa macalimiin khibrad xeel dheer u leh culuumtaas oo si kal iyo laaba usoo dhowaynaya ardayga.

Barashada Quraanka waxaan u qaybinaynaa sadex qaybood, qaybta akhriska quraanka oo ardaygu ka akhrinayo kitaabka, qaybta xifdinta oo ardaygu kor ka xifdinayo Quraanka Kariimka ah, Qaybta Ijaazada oo la siin doono qofkii xífdiya Quraanka oo dhamaystiran.

Qiimaha ardaygu ku baranayo dhamaan duruusta oo dhan waa 30 dollar oo kaliya. Run ahaatii waa qiimo aad u jaban marka la fiiriyo duruusta ay qaadanayaan iyo dadaalka la galin doono.

Ardaydu waxay soo galayaan fasalo kala duwan oo ay kula kulmayaan macalinka iyo ardayda kaleba.

Halkan Hoose iska Diiwaangali

Dugsiga Nasteex Online School
Dooro Fasalka *

Wixii Faahfaahina kala xiriir Telefoonadan Whatsup 0046760552713 ama 00252636197437