Tusmo

In Qof kale lagasoo xajo

In dadku cibaadooyinka isu qabtaan asal ahaan ma banaana marka laga reebo wixii daliil cad kusoo arooray. Halkana waxaan kusoo gudbinaynaa shuruudaha iyo axkaamta loo baahanyahay hadii qof kale lagasoo xajayo.

  1. Ma ansaxayo in lagasoo xajo qof isagu awooda inuu guto waajibaadka xajka.
  2. Waxa laga xaji karaa qof bukaana oo xanuunkiisa aan la rajaynayn inuu ka bugsado ama qofka aan awoodinba (waayeelka) ama qof dhintay. Balse haduu qofku faqiir yahay ama dhibaato siyaasadeed ama nabadgalyo xumo haysato lagama soo xajayo.
  3. Xajku waajib kuma aha qofka aan haysan lacagtii uu ku tagi lahaa xajka sababtoo ah xajku kuma waajibo qofka aan haysan hantidii uu kusoo gudan lahaa waajibaadka xajka. Waxa laga xaji karaa dadka aan awoodin caafimaad ahaan ama geeriyooday.
  4. Way banaantahay in gabadhu kasoo xajto nin, ninkuna uu kasoo xajo gabadh.
  5. Ma banaana qofku inuu ka xajo hal mar laba qof iyo wixii ka badanba. Halkii xajba wuxuu ka xaji karaa hal qof oo kaliya balse naftiisa wuu u cimraysan karaa ama cid kale ayuu usoo cimrayn karaa isagoo ka xajaya cid kale.
  6. Ma banaana in qofka ujeedadiisu noqoto lacag ka samee qofka aad usoo xajayso hase ahaatee ujeedadu waa inay tahay xajka iyo inuu gaadho dhulka barakaysan iyo inuu walaalkii u samo falo.
  7. Hadii qof muslima dhinto isagoo awood u lahaa inuu xajo waxa waajib noqonaysa in xoolihii uu ka tagay laga bixiyo xajkiisa haduu dardaarmay iyo hadii aanu dardaarminba.
  8. Waxa wanaagsan in wiilku ka xajo aabihii, balse haduu wakiisho cid kale way banaantahay.
  9. Ma banaana in qofkii la wakiishay uu sii wakiisho cid kale ayadoon qofkii isaga wakiishay aanu raali ka ahayn.
  10. Qofka cid kale kasoo xajaya waxa waajiba inuu isagu naftiisa ka xajay xajkii islaamka. Hadii aanu naftiisa ka xajin, waxa xajkaasi isu badalayaa kiisii, waana inuu xoolihii u celiyaa dadkii isaga soo wakiishay.
  11. Ugu danbayn waa inaad raadsataa dadka akhyaarta ah ee amaanada iyo run sheegnimada lagu yaqaano kuwaaso si fiican u garanaya gudashada waajibaadka xajka.