Tusmo

Hordhac:

Waxaynu wada ognahay arinkasta, howlkasta iyo shaqakasta oo la qabanayo inay u baahan tahay aqoonteeda iyo farsamadeeda si loogu guuleysto. Waxaa guusheeda loo maraa dariiq kaste oo lagu gaadhi karo. Runtii waxaa la galiyaa wakhti badan, fikir badan, xoog badan iyo kharash badan, kadibna waxaa dhacda mararka qaarkood in aan arintii

laguba guuleysan. Hadaba ma filaysaa in halkaas laga hadho? Maya. Qofku wuxuu u koraa keed hoose iyo mid sare siduu ku gaadhi lahaa arintaas. Waxaa arimahaas ka mid ah qofku inuu safro, inuu wax barto, inuu ganacsi furto ama inuu guursado. Laakiin inta badan waxaa dhacda inuu qofku isku diyaariyo SAFARKA / WAXBARASHADA / GANACSIGA balse nasiib darro GUURKA uu iska galo isagoona waxa sugaya ee masuuliyad ah u diyaar garoobin inta badan. Wey jiraan dadka inyar oo wax ka akhriya arimiha guurka.

 

Marka sidaas awgeed, waxaan diyaarinay Koorsadan Guurka oo lagu baranayo ahamiyadda guurka iyo maaraynta nolosha qoyska ee maraysa xaaladu kala duwan.

Halkan Iska Diiwaangali

Koorsada Guurka ee HFA
Dooro Koorsada *
Dooro Fasalka iyo Waqtiga *

 Ma Dareenta arimahan:

➔ Isfahan darro adi iyo lamaanahaaga,

Isdhagaysi la’aan iyo ixtiraam darri,

Cabsi qofka aad guursan doonto muxuu noqon doonaa,

Dhalintii guursatay 5 sano ka hor oo intooda badan burburay,

Qofka aad guursatay maaha qofkii aad rabtay,

 

Hadaad haa ku jawaabtay Koorsadani waa kuu muhiim.

 

Koorsada Guurka ee HFA:

  1. Maxay ka kooban tahay koorsadu?
  2. Iyaa loogu talo galay koorsada?
  3. Maxaa laga faaiidayaa oo qofku ka baranayaa koorsada?
  4. Goorma ayay bilaamaysaa, imisayse saconaysaa?
  5. Iyaa bixinaya, qaabkeese loo bixinayaa?
  6. Maxaa shuruud ah oo laga rabaa dadka raba?
  7. Kharash / Fee miyaa la iska rabaa?
  8. Maxay dheheen dadkii horay u qaatay?
  9. Halkee la iska diiwaangalinayaa?

 

Canaawiinta koorsda / Course Modules

Waxay ka kooban tahay koorsadu:

  1. Kobcinta Nafta / Personal Development
  2. Ahammiyadda Guurka / The Importance of Marriage
  3. Fanka wada xiriirka / The Art of Communication
  4. Korsiinta iyo kala duwanaasha (Lab/Dhig) / Upbringing & Gender Differences
  5. The Impact of Divorce / Raadka uu Furiinku leeyahay
  6. The Art of Intimacy / Fanka xiriirka isku dhawaashaha & Jinsiga
  7. Recap & Celebaration / Muraajoco, Khatin iyo Tahniyad

What can you benefit from the course? Maxaad ka faaiideysaa koorsada?

Duruusta ugu muhiimsan ee aad ku baranayso Koorsadan:

 Waxaa/d:

  1. Ogaanaysaa qofka aad tahay kadib markaad isqiimeyso
  2. Ka helaysaa sidaad ku gaadhi lahayd yoolkaaga
  3. Isbadal dhinaca fikirka, hammiga iyo dabaca
  4. Kuu cadaana waxaad nolosha ka rabto guud ahaan, gaar ahaanna nolosha qoyska
  5. Baraynaysaa qiimaha iyo muhimmadda Guurka iyo nolosha qoyska
  6. Maraaxisha uu guurku maro iyo sida loo waarin karo shahrul casalka.
  7. Waxaad u diyaar garowbeysaa guurka adoo aqoon qoys watta
  8. Ogaanaysa qaababka kala duwan ee loo wada xiriiro, gaar ahaan xiriirka lamaanaha isqaba. Gaar ahaan Qiimaha dhagaysiga iyo raadka hadalku leeyahay
  9. Garan doontaa waxaad ku dooran lahayd lamaanahaaga, ama qaybaha aad xooga saarayso markaad xulanayso.
  10. Sidaad ugu buuxin lahayd inta aad isleedahay way ka dhiman tahay lamaanahaaga
  11. Fahmi doontaa shukaansiga Ragga iyo Dumarka sida ay u kala duwanyihiin
  12. Arki doontaa Maskaxda Dumarka iyo Ragga sida u kala shiilaan macluumaatka ee ay u kala turjuntaan marka ay wada xiriirayaan.
  13. Ka baran waxa keena furiinka iyo sida looga fogaado
  14. Furniinka iyo raadkiisa iyo sidaa looga hortagi karto
  15. Maxaa ka dambeeya furiinka
  16. Ka baran doontaa sidaad uga jawaabi lahayd baahida/xaqqa lamaanahaaga
  17. Ku baraarugi maxay Raggu u arkaan ixtiraam, Dumarkuna u arkaan daryeel
  18. Qolka hurdada iyo Nooleyntiisa
  19. Ka heli doontaa inta nimco ah ee ku jirta isku tagga lamaanaha si cilmiyaysan iyo sida ay u saameyn doonto nolol maalmeedkaaga
  20. Ka fami dootaa qiimaha uu leeyahay Jacaylka muujintiisu iyo inuu yahay bilowga mucaasharada wanaagsan.
  21. Baran doontaa maxaa nooleeye Jacaylka maxaase dila.

 

Macalimiinta bixinaysa Koorsadan:

Sh. Ahmed Johari Bilal iyo Ustada Hibo Omar Geele waa lamaane isqaba mudo ka badan 22+ sano kuna nool qaarada Yurub ka badan muddo rubuc qarni ah (25+sano). Waxay degan yihiin Dalka UK gaar ahaan magaalada Birmingham. Waxay haystaan labo gabdhood oo ahlu khayr ah masha allah.

Cilmiga bulshada (Social science) iyo tarbiyada(Education) ayay barteen isla markaana waxay ku darsadeen cilmiga Nafsiga iyo dhiirigalinta (Psychology & Coaching) oo ay koorsooyin badan ka qaateen hayado waxbarasho oo caalami ah. Waxay soo qabteen

howlo bulsheed oo kala duan sida macalinnimada skoolada dawladda, xafiisyada u adeega bulshada, horomarinta dhalinta iyo ugu dambeyn Kobcinta iyo horomarinta bulshada gaar ahaan Qoysaska iyo caruurta.

Hadda waxay ku hawlanyihiin diyaarinta iyo kobcinta aqoonta da’yarta ee ku aadan Guurka iyo maareyta nolosha qoyska oo ah mid dayacan inta badan.

Waxay diyaariyeen koorsooyin dhawr ah sida midda lagu baranayo Guurka inta aanan la guursan wali iyo marka la guursadaba (Pre/Post Marriage course). Koorso loogu talagalay waalidiinta gaar ahaan da’da yarta dhawaanta guursatay ee caruurta yaryar iyo kuwa caruurta teenageka ah haysta.

Waxay u safraan dalalka caalamka gaar ahaan galbeedka oo ay ku qabtaan Seminaro isugu jira baraarujin iyo waxbarasho inta badan oo la xiriira

 

❏    Dhisidda Qof Toosan.

  • Dhisidda Guri xoogan,
  • Isfahanka Lamaanaha,
  • Isfahanka Waalidka iyo Ilmaha,

 

sidoo kale wacyi galinta bulshada ku nool dalalka qurbaha iyo sidii loola tacaali lahaa cidhiidhiga jira, sida ‘’Cunsuriyadda daahsoon’’, ‘’Islaam nacaybka’’ iyo dhexgalka bulshooyinka kala duwan.

Ahmed & Hibo are a happily married couple for about 22+ years. Living in the West for nearly 2+ decades with 2 lovely daughters.

BOTH EDUCATED AND DEDICATED TO HELP IMPROVE PEOPLE’S LIFE.

Having created courses, workshops and training for personal and family development i.e pre/post marriage ñ parenting courses

as well as counselling programs.



Qaabka loo baranayo Koorsada:

Koorsadan waxa lagu baranayaa qaab Online ah, ayadoo la adeegsanayo barnaamij loogu talo galay in lagu bixiyo duruusta onlineka ah, kaasoo aad ka helaysaan telefoonada,Taabledsyada, iyo Kombiyuutaradaba. Qaabka aad u lasoo dagayso waxa la idiin sharraxayaa maalinta aad is diiwaangaliso insha allah.

 

Goorta iyo Maalinta ay bilaamayso iyo Muddada ay soconayso Koorsadu:

Waxay bilaamaysaa koorsadu Bisha March 9 keeda waana maalin Isniin ah (9-03-2020). Waxa jiri doona hal wakhti kaliya oo la soo galayo onlineka waana 19:00 saacadda UK iA. Ardayda iyagu reer America & Canada ah waxaa loo sameyn doonaa 23.00 UK oo iyaga

ugu beegan 18:00 galabanimo.

 

Tirada Ardayda koorsada lagu bilaabi karo waxaa ugu yar 60 qof iyo wax ka badan. Koorsadu waxay soconaysa 7 maalmood, maalinkiiba 2.30 hours insha Allah.

Shuruudda koorsada

Waxaa laga rabaa qodka inuu:

  1. Isdiiwaangalinta dhamaystiro (Macluumaatka dhan)
  2. Akhriska iyo Qoraalka yaqaano
  3. Diyaar u yahay waxbarasho iyo isbadal (Suaalo laga jawaabayo ayaa jira)
  4. Soo xaadiro 7da cishoba hadii kale shahaado ka qaybgal ah baa la siini.
  5. Fiiga oo dhan dhiibaa inta koorsada bilaamin.

Iyaa ka qaybqaadan karaa koorsada.

Waxaa ka qayb qaadan kara qofkasta oo guurdoon ah ama guursaday ama guur soo maray.

 

Kharashka Koorsada

 

Koorsadan kharashkeedu waxay ahayd $160 dollar qofkii, Haddase waxaan idiin samaynay qiimo dhimis fiican oo ah $60 kaliya qofkii, hadaad lamaane tahayna waa $100 oo kaliya.

Waxaa qiimo dhimistaas helaya dadka isasoo diiwaan galiya ka hor 1da March 2020 Insha allah. Markaad koorsada dhamaysato waxaa lagu siinayaa shahaado iyo warqad ay ku qoran tahay maadooyinkii aad qaadatay insha Allah.

Waxay fiiga koorsada soo dhigayaan Xawaaladda Amal Express dadka jooga banaanka UK inta UK joogta waxaa la idiin soo diri account bangi aad ku soo shubtaan maka aad

isdiiwaangalinaysaan insha allah.

 

Maxay ka dheheen dadkii ka qaybgalay koorsada iyo seminarada HFA?

Casharkasta wax gaar ah baan ka faaiidey oo aragtidayda aan ka qabay nolosha qoyska wax weyn ka badalay. Sida kala duwanaashaha ragga iyo dumarka gabi ahaanba. Qaybaha Jacaylka iyo sida uu nolasha u saameeyo.. Khayr Allaha idin siiyo Ahmed iyo Hibo

Amina- Australia

 

Waxaa igu fiicnayd koorsadaninaan helo inta aanan kala tagin ninkayga, waayo waxaan ka bartay casharka Communicationka iyo kala duwanaashaha laba iyo dhidig caadi maahan.

Waxaan isku haysanay ninkayga aamuskiisa waxaana u arki jira xaasid diidan inuu ila hadlo. Waxaa u saaray ‘’Energy Saver’’. Mahadsandin Muna- UK

 

Qoyskaygy wuu burburi lahaa hadaan korsadan qaadan. Waayo bilowgiiba Suaalaha u diyaargarowga koorsada ‘’Readiness Questionnaire’’ ayaaban ku baraarugay oo wax aan waligay isweydiidayba ma ahayn. Waxaan bartay qiimaha dhagaysiga iyo xanuuka uu

qalbiga ku reebo hadalka adag. Sidoo kale kala duwaanashaha korsiin tayadii hore inay raad ku lahayd khilaafkayaga. Aad baad uu mahadsanitihiin Sh. Ahmed iyo Hibo. Waan na badbaadiseen. Mohamed- Uk

 

Waxaan caawa bartay sababta aan xaaskayga isku furi rabnay, kadib markaan qaadanay waxa keena furiinka iyo burburka qoyska. Anigu kaligay uu baan moodayay inaan saxanahay. Jazaka Allah Sh. Ahmed,                                                           Wiil Soomalyeed- Sweden

 

Anigu waxaan badalay sidaan u hadli jiray, waayo waxaa wax badan iga badal casharkii communicationka. Deeto ninkayga waan isku soo dhawaanay wax badan.                                                                                              Hooyo Soomaaliyeed- UK

 

Waxaan aad ula yaabi jiray hadal badnida dumarka, ilaa aan ka qaybgalay seminar aad qabateen. waxaan ka bartay macalimad Hibo oo ka waramaysa inta kalmadood ee dumarku ku hadli karaan maalinkii iyo sida ay ugu baahan yihiin in la dhagaysto oo

caafimaad u tahay haweenka. Kadib waxaan bilaabay inaan guriga habeen horey ugu

hoydo waayo awal waxaan isdhihi jiray hakaa kala seexdaan. Hadda muddo laga joogo 3 bilood waxaan dareemaya noloshu inay ka macdahay sidii hore. Aabe Soomaaliyeed Abdinaser- UK.

 

Waxaan u baahanahay koorsooyin sidaan oo kale ah oo macalin iyo macalimad wada socda gudbinayaan oo aan ka heli karno fasirka labadii jinsiba. Aragtidayda waxbaad ka

badasheen caawa. Mahadsanidin Ahmed iyo Hibo. Aqoonyahnad Deeqo- Canada.

 

Halkan iska Diiwaangali:

 

Haduu ku cajabiyay macluumaadka koorsada ee kor ku qoran oo aan ku qanacday, fadlan buuxbuuxi formka isdiiwaangalinta, adoo noo reebaya magacaaga oo saxan oo ah midka kuu qoran IDga document ama passportiga, telefoon lambarka aad ku haysato Whatsappka,

Email addresska iyo fasalka aad rabto inaad ku biirto. Kadibna waxa kulasoo xiriiraya macalimiinta bixinaysa koorsadan.

Formka isdiiwaangalinta:

Koorsada Guurka ee HFA
Dooro Koorsada *
Dooro Fasalka iyo Waqtiga *