Tusmo

Haaraha madaw ee indha ka hooseeya maxaa keena? Maxaa lagu cilaajiyaa?

Saacado badan oo aad habeenkii soo jeedo iyo hurdo yaridu waxay keentaa haaraha madaw ee indhaha hoostoda ka muuqada. Wajigu wuxuu waayayaa nuurkiisii, waxaana jidhka ka muuqanaya inuu ubaahanyahay nasasho.

Indhaha hoostoodu waa meel aad u jilicsan oo aan lahayn hormoono soo daaya dux, taasoo ka dhigaysa inay unuglaato isbadalka ugu yar ee jidhka ku yimaada in si la arki karo u muuqdo.

Maxaa sababa Haaraha indhaha hoostooda?

Oksajiinta oo yaraata:

Marka dhiigu si aan caadi ahayn u madoobaado waxa indhaha hoosteeda kasoo baxa xidido yaryar sababtuna waa hurdo yari. Dhiiguna ma gaynayo oksijiin ku fulin goobtaas, taasina waa ta keenta in midabka haraga ama maqaarku is badalo.

Indhaha oo daala:

Daalka badan wuxuu sababi karaa in indhaha hoostooda ay ka muuqato haaro madow, maxaa yeelay unugyada maqaarka waxa ku yar biyaha, taasoo keenaysa in xididada yaryar ee indhaha hoostoodu si la arki karo u muuqdaan.

Wareega lymphatic:

Socodka nidaamka lymphatic ee jidhka ayaa keenaya saamayn xilliga hurdada, waxaana ku ururaya indhaha hoostooda insaymyo (Enzymes).

Waa maxay Xalku?

Xalku waa in la cabo biyo kugu filan kuwaasoo dardargalinaya firfircoonida wareega dhiiga. Qofkii raba inuu ka hortaga haaraha madawo waa inuu seexdo hurdo ku filan habeenkii.


Xigasho:

DW