Su’aal:

Waa maxay xukunka gabadha ninkeeda faafisa sirtiisa iyo ninka faafiya sirta xaaskiisa?

Jawaab:

Waa waajib in lamaanaha is qabaa ay ilaaliyaan sirtooda, gaar ahaana sirta ku saabsan xiriirka gogoleed ama galmada. Ninku waa inuu noqda qof ay xaaskiisu ku aaminayso sirteeda, xaaskuna sidaasoo kale waa in sirta ninkeeda lagu aamini karo.

عن أبي هريرة أن النبي صلى الله عليه وسلم أقبل على الرجال فقال : هل منكم الرجل إذا أتى أهله فأغلق عليه بابه وألقى عليه ستره واستتر بستر الله ؟ قالوا : نعم ، قال : ثم يجلس بعد ذلك فيقول فعلتُ كذا ، فعلتُ كذا ؟ قال : فسكتوا ، قال : فأقبل على النساء ، فقال : هل منكن من تحدث ؟ فسكتنَ ، فجثت فتاة كعاب على إحدى ركبتيها وتطاولت لرسول الله صلى الله عليه وسلم ليراها ويسمع كلامها فقالت : يا رسول الله إنهم ليتحدثون ، وإنهن ليتحدثنه ، فقال : هل تدرون ما مثل ذلك ؟ فقال : إنما مثل ذلك مثل شيطانة لقيتْ شيطاناً في السكة فقضى منها حاجته والناس ينظرون إليه .

رواه أبو داود ( 2174 ) . وصححه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 7037 ) .

Abihurayra waxa laga wariyey in nabigu (scw) soo aaday xaga nimanka oo uu yiri: “Ma idinku jiraa nin markuu u tagayo xaaskiisa albaabka korka isagasoo xidha, daahana sii daaya iskuna astura asturnaanta Ilaahay? Waxay dhaheen: Haa. Wuxuu yiri: markaana fadhiista intaa kadib oo dhaha sidaas iyo sidaas ayaan sameeyey? Wuxuu yiri (Abuhurayra) way aamuseen. Wuxuu yiri: wuxuu soo aaday xaga dumarka, wuxuuna dhahay: ma idinku jiraa cid ka sheekaysa? wayna aamuseen.  Gabadh ayaa ku fadhiisatay jilbaheeda mid kamida oo is dheeraysay si rasuulkii Ilaahay (Scw) u arko oo u maqlo hadalkeeda, waxayna tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, ayagu way ka sheekeeyaan, gabdhuhuna way ka sheekeeyaan. Wuxuuna yiri: Ma ogtihiin tusaalahooda? wuxuu yiri: Tusaalaha kuwaasi waa sida shaydaan kula kulmay shaydaan kale wadada oo ka xaajo dhamaystay ayadoo dadku ay eegayaan”

Waxa soo saaray Abudaawuud, waxa saxiixiyey Sheekh Albaani