gabadhu hadii ay ninkeeda been u sheegto ayadoo ku raali galinaysa ama ku dhawraysa dareemayaashiisa dhib malaha, waxaana u daliila xadiiskii rasuulka (scw) uu lahaa:

لَيْسَ الْكَذَّابُ الَّذِي يُصْلِحُ بَيْنَ النَّاسِ فَيَنْمِي خَيْرًا أَوْ يَقُولُ خَيْرًا

“Maaha beenaale ka heshiisiinaya dadka dhexdooda ee gaadhsiinaya khayr ama ku hadlaya khayr” [Saxiix Bukhaari: 2546]

Ibnu Shihaab wuxuu yiri:

(وَلَمْ أَسْمَعْ يُرَخَّصُ في شيء مِمَّا يَقُولُ النَّاسُ كَذِبٌ إِلاَّ في ثَلاَثٍ : الْحَرْبُ ، وَالإِصْلاَحُ بَيْنَ النَّاسِ ، وَحَدِيثُ الرَّجُلِ امْرَأَتَهُ ، وَحَدِيثُ الْمَرْأَةِ زَوْجَهَا) .

“Maan maqlina ayadoo la rukhsaynayo beenta dadku ku hadlaan sadex mooyee: dagaalka, heshiisiinta dadka dhexdooda, sheekada ninku u sheegayo xaaskiisa iyo sheekada gabadhu u sheegayso ninkeeda”

Sheekh binu Cuthaymiin wuxuu ku yiri sharraxaada Riyaadhu Saalixiinka (1/1790) markuu sharraxayey xadiiskan: “Sidaasoo kale maslaxada waxa kamida; sheekada ninku u sheego xaaskiisa iyo sheekada gabadhu u sheegto ninkeeda wixii keenaya isku duubni iyo is jacayl, sida inuu dhaho: adigu agtayda qaalibaad ka tahay, adiga ayaan dumarka kuugu jeclahay iwm, xataa hadii uu been sheegayo, balse waa si is jacayl u yimaad, maslaxadaana keensanaysa arrintaas”