Diraasad cusub oo uu soo saaray mchadka Allegheny Health Network ayaa shaaca ka qaaday in Fiitamiinka D haduu ku badanyahay cuntaa uu ka hortagyo cudurka Kansarka boqolkiiba 13%.

Waxa cilmi baadhis lagu sameeyey dad gaadhaya 79 kun oo qof, kuwaaso la naaloonaya caafimaad wanaagsan. Kadib markii la siiyey dawooyinka Fiitamiin D waxa hoos u dhacay halista cudurka Kansarka boqolkiiba sadex iyo toban.

Fiitamiinka D waxa laga helaa ilayska qorraxda, waxa kale oo laga helaa beedka, beerka, hilibka iyo kalluunka saliida leh.Dadka ayagu aan helin qorraxda sidoo kalena aan cunin cuntooyinkaas waa inay qaataan daawada Fiitamiin D ga.