Ilaahay subxaanahu wuxuu adoomadiisa u yeelay camalo iyo cibaadooyin lagu mudanay naxariistiisa iyo raali ahaanshihiisa, waxa kamida camaladaas lagu helayo abaalmarka wayn cibaadada Xajka iyo Cumrada, wuxuu ruuxu tagayaa baytka Ilaahay isagoo ay culeysisay danbiyo iyo macaasi wuxuuna soo laabanayaa isagoo lamoodo inuu maanta dhashay. Xajka iyo Cumraduna waxay leeyihiin fadli aad u badan oo kusoo arooray Quraanka iyo Xadiiska nabigaba (scw), waxaana kamida:

  • Xajku wuxuu kamid yahay camal la qabto camalada ugu waaweyn.

عن أبي هريرة قال سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم أي الأعمال أفضل قال إيمان بالله قال ثم ماذا قال الجهاد في سبيل الله قال ثم ماذا قال حج مبرور 

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: waxa la waydiiyey Rasuulkii Ilaahay (scw), Camalada keebaa ugu fadli badan? wuxuu dhahay: in Ilaahay la rumeeyo, waxa la dhahay: maxaa ku xiga? wuxuu yidhi: Jidka Ilaahay oo loo jihaado, wuxuu yidhi: maxaa xiga? wuxuu dhahay: Xajka baariga ah (ee aan danbi lagu samaynin). [Muslim:83]

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّهَا قَالَتْ يَا رَسُولَ اللَّهِ نَرَى الْجِهَادَ أَفْضَلَ الْعَمَلِ أَفَلَا نُجَاهِدُ قَالَ لَا لَكِنَّ أَفْضَلَ الْجِهَادِ حَجٌّ مَبْرُورٌ

Caasha hooyadii mu’miniinta waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow waxaan u aragnaa Jihaadku inuu yahay camalka ugu fadliga badan ee ma jihaadnaa? wuxuu yidhi: May, laakiin jihaadka waxa ugu fadli badan Xajka baariga ah. [Bukhaari: 1448]

  • Xajka danbiyada ayaa lagu dhaafaa:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (مَنْ حَجَّ فَلَمْ يَرْفُثْ وَلَمْ يَفْسُقْ رَجَعَ كَمَا وَلَدَتْهُ أُمُّهُ ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Cidii xajta ee aan xumaan la imanin (hadal xun ama galmo) ee aan fisqina la iman wuxuu soo laabtaa sidii ay hooyadii ku dhashay” [Bukhaari: 1521, Muslim:1350]

 وقال عليه الصلاة والسلام: «العمرة إلى العمرة كفارة لما بينهما» رواه البخاري ، ومسلم

Waxa kale oo uu dhahay Rasuulku (scw): “Cumrada ilaa cumradeeda kale waxa lagu dhaafaa wixii u dhaxeeya”

وقال صلى الله عليه وسلم لعمرو بن العاص رضي الله عنه: «أما علمت أن الإسلام يهدم ما كان قبله، وأن الهجرة تهدم ما كان قبلها، وأن الحج يهدم ما كان قبله» رواه مسلم 

Wuxuu Rasuulku (scw) ku dhahay Camru ibnu Alcaas Ilaahay raali haka ahaadee: “Miyaanad ogayn in Islaamku buriyo wixii ka horeeyey, hijraduna ay buriso wixii ka horeeyey, xajkuna buriyo wixii ka horeeyey” [Muslim:173]

  • Xajka baariga ah abaalgudkiisu waa Jannada:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الْعُمْرَةُ إِلَى الْعُمْرَةِ كَفَّارَةٌ لِمَا بَيْنَهُمَا وَالْحَجُّ الْمَبْرُورُ لَيْسَ لَهُ جَزَاءٌ إِلَّا الْجَنَّةُ

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee, in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Cumradu ilaa cumradeeda kale waxa lagu dhaafaa wixii u dhaxeeye, xajka baariga ahna malaha abaalgud aan ahayn Jannada” [Bukhaari: 1683, Muslim: 1349]

  • Xajku wuxuu keensadaa in Cadaabka naareed lagaa xoreeyo:

 قَالَتْ عَائِشَةُ إِنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَا مِنْ يَوْمٍ أَكْثَرَ مِنْ أَنْ يُعْتِقَ اللَّهُ فِيهِ عَبْدًا مِنْ النَّارِ مِنْ يَوْمِ عَرَفَةَ وَإِنَّهُ لَيَدْنُو ثُمَّ يُبَاهِي بِهِمْ الْمَلَائِكَةَ فَيَقُولُ مَا أَرَادَ هَؤُلَاءِ

Waxay tidhi Caasha: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa dhahay: Majiro maalin ay kaga badantay inuu Ilaahay ka xoreeyo adoonka naarta maalinta Carafo, waanu soo dhowaadaa wuxuuna la hadlaa malaaikta isagoo leh kuwaasi maxay doonayaan. [Muslim:1348]

  • Cumrada bisha Ramadaan waxay u dhigantaa Xaj lala xajay Rasuulkii Ilaahay (scw):

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «عمرة في رمضان تقضي حجة أو حجة معي» رواه البخاري ومسلم.

Ibnu Cabbaas Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Cumrada Ramadaanku waxay gudaa Xaj ama xaj lala xajay macayga (sidii ruux la xajay Rasuulka)”

  • Xajku waxa kale oo tirtiraa Faqriga:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ تَابِعُوا بَيْنَ الْحَجِّ وَالْعُمْرَةِ فَإِنَّهُمَا يَنْفِيَانِ الْفَقْرَ وَالذُّنُوبَ

Ibnu Mascuus waxa laga wariyey inuu dhahay: wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw) is raaciya xajka iyo cumrada maxaa yeelay waxay tirtiraan Faqriga iyo Danbiyada” [Tirmadi: 810]

  • Xajka waxa sare loogu qaada darajooyinka, waxaana lagu tirtiraa danbiyada:

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «ما ترفع إبل الحاج رجلاً ولا تضع يداً إلا كتب الله له بها حسنة، أو محا عنه سيئة، أو رفع بها درجة»  الترغيب والترهيب (2/107)، حسنه الألباني في صحيح الترغيب والترهيب (2/ 4).

Ibnu Cumar waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Waxaan maqlay nabiga (scw) oo leh: “Sare uma qaado geela xaajigu (wato) lugteeda ama gacanteeda, hadayba sare uqaado wuxuu Ilaahay qoraa xasano, ama wuxuu ku tirtiraa danbi, ama darajo ayuu sare ugu qaadaa”

  • Xaajiga ducadiisa waa la aqbalaa:

عَنْ ابْنِ عُمَرَ ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” الْغَازِي فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، وَالْحَاجُّ وَالْمُعْتَمِرُ وَفْدُ اللَّهِ ، دَعَاهُمْ فَأَجَابُوهُ ، وَسَأَلُوهُ فَأَعْطَاهُمْ “

Ibnu Cumar waxa laga wariyey inuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Qofka u duulaya jidka Ilaahay, iyo ruuxa xajaya ee cimraysanaya waa wafdiga Ilaahay, wuu uyeedhay wayna ajiibeen, wayna waydiisteen oo wuu siiyeey” [Ibnu Maajah: 2888]

Bishaaro ku socota ruuxa aan xaajiga isagu ahayn, wuxuu ruuxaasi shaqaysan karaa ajirka xaajiga xajaya ee cimraysanaya:

قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: «من صلى الفجر في جماعة، ثم قعد يذكر الله حتى تطلع الشمس، ثم صلى ركعتين كانت له كأجر حجة وعمرة تامة، تامة، تامة» (الترمذي عن أنس، صحيح الجامع 7346).

wuxuu dhahay Rasuulku (scw): cidii la tukata Fajriga jamaaco, markaana fadhiista isagoo xusaya Ilaahay illamaa ay qorraxdu kasoo baxdo, kadina tukada laba rakcadood, waxay u dhigmaysaa ajarka xajka iyo cumrada, oo dhamaystiran, oo dhamaystiran, oo dhamaystiran. [Waxa soo saaray Tirmadi, oo taxsiiniyey]