Maalinta Carafo waxay kamid tahay tobanka maalmood ee ugu khayrka badan sanadka, waana maalinta ugu wada wayn. Fadligeeduna wuu badanyahay, waxaana kamida:

Tusmo

Waa maalintii la dhamaystiray Diinta Islaamka:

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه أن رجلا من اليهود قال له : يا أمير المؤمنين ، آية في كتابكم تقرءونها ، لو علينا معشر اليهود نزلت لاتخذنا ذلك اليوم عيدا . قال أي آية ؟ قال : ” اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا ” المائدة :3 . قال عمر : قد عرفنا ذلك اليوم والمكان الذي نزلت فيه على النبي صلى الله عليه وسلم : وهو قائم بعرفة يوم الجمعة .

Cumar binu Khadaab Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in nin yahuudiya ku yiri: Amiirkii mu’miniintow, aayad kitaabkiina ku jirta oo aad akhridaan, hadii anaga oo reer Yahuuda ay nagu soo dagi lahayd waxaan ka yeelan lahayd ciid. Wuxuu yiri: waa aayadee? wuxuu yiri: ” اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا ” Cumar wuxuu yiri: waanu garanaynaa maalintaas iyo meeshii ay kaga soo dagtay nabiga (scw) isagoo taagan carafo oo ah maalin jimce. [Bukhaari iyo Muslim]

Waa ciida dadka taagan buurta Carafo:

قال صلى الله عليه وسلم : ” يوم عرفة ويوم النحر وأيام التشريق عيدنا أهل الإسلام ، وهي أيام أكل وشرب ” رواه الترمذي ( 773 ) وصححه الألباني في صحيح الترمذي .

Nabigu (scw) wuxuu yiri: “maalinta carafo iyo maalinta gawraca iyo maalmaha tashriiqa (sadexda maalmood ee ciida adxada ka danbeeya) waa ciideena islaamka, waana maalin cunis iyo cabida” [Dadka Xajaya ayaa cunaya oo cabaya maalinta carafo halka dadka kale ay ka soomayaan]

Waa maalin Ilaahay ku dhaartay:

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” اليوم الموعود يوم القيامة ، واليوم المشهود يوم عرفة ، والشاهد يوم الجمعة .. ” رواه الترمذي وحسنه الألباني

Abihurayra Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in nabiga (scw) yiri: “maalinta lagu yaboohay waa maalinta qayaame, maalinta markhaati laga yahayna waa carafo, maalinta maraga ahna waa jimcada”

Soonka Carafo waxa lagu dhaafaa sanadkii tagay iyo sanadka soo socda:

 عن أبي قتادة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم سئل عن صوم يوم عرفة فقال : ” يكفر السنة الماضية والسنة القابلة ” رواه مسلم

Abi Qataadah waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee in rasuulkii Ilaahay (scw) la waydiiyey soonka maalinta carafo, wuxuuna yiri: “Waxa lagu dhaafaa sanadkii tagay iyo sanadka soo socda”

Waa maalinta ugu badan ee Ilaahay dadka ka xoreeyo naarta:

عن عائشة رضي الله عنها عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة ، وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة فيقول : ما أراد هؤلاء ؟ “

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inay kasoo warisay rasuulka (scw) inuu yiri: “majiro maalin kaga badan inuu Ilaahay ka xoreeyo adoon naarta maalinta carafo, waanuu soo dhowaada markaasuu ugu faanaa malaa’ikta isagoo leh: kuwani maxa rabaan? [Saxiix Muslim: 1348]