Naas Nuujintu waa qaabka dabiiciga ah ee hooyadu cuntada usiiso ilmaheeda, ayadoo kaga maarmi karta caanaha lo’da iyo caanaha daasadaha ee diyaarsan sida caano nidoga. 

Naaska hooyadu wuxuu u diyaarsanyahay hadafka ah inuu quudiyo ilmaha. Naas nuujintuna waxay hooyada iyo ilmahaba u leedahay faa’idooyin badan oo aan laga helin caanaha xoolaha iyo caanaha diyaarsan toona.

  1. Caanaha hooyada aad ayey ugu sahlanyihiin ilmaha.
  2. Caanaha hooyadu waxay kahortagaan qabsinka.
  3. Caanaha hooyadu waxay yareeyaan xasaasiyada ilmhu ka qaadi karo cuntooyinka, waxay kale oo yareeyaan cuduro badan oo halis ah.
  4. Naas nuujinta ilmuhu waxay ka qaybqaadataa koritaanka afka ilmaha yar, waxayna siisaa dareenka inuu afkiisa wax ku nuugo, waxayna korisaa xidhiidhka hooyada iyo ilmaha oo jidhkoodu ay kulmayaan.

Dhanka kale naas nuujintu waxay faa’ido u leedahay hooyada, ayadoo ka yareysa in dhiig furan ku yimaado, waxa kale oo ay hooyadu ku dareemaysaa raaxo sidoo kalena naas nuujintu waxay taageertaa in riximkii ururo oo uu ku laabto meeshiisii uurka kahor.