Tusmo

Dumarkii Ragooda ka sheekaynayay.

Xadiiska Umu Zarci oo ah xadiis dheer oo hooyadeen Caasha soo warinayso wuxuu ka warramayaa sheeko cajiiba oo Caasha Ilaahay raali haka ahaadee ay uga warrantay rasuulkii Ilaahay (scw), sheekadaasoo ku saabsan kow iyo toban dumara xilligii jaahiliga noolaa oo ragoodii ka sheekaynaya, nabiguna uu dhagaysanayo. Xadiisku wuxuu ku yaala kitaabka Bukhaari iyo Muslimba, waana la isku waafaqay saxiixnimadiisa.

Xadiiska waxa ku jira faa’idooyin aad ubadan, balse marka hore aan idiinsoo gudbiyo xadiiska oo ku turjuman afsoomaali iyo ereyada adag oo aan macneeyey kadibna akhriso faa’idooyinka ku duugan xadiiskan ee culumada islaamku kasoo saaraan.

عن عائشة قالت جلس إحدى عشرة امرأة فتعاهدن وتعاقدن أن لا يكتمن من أخبار أزواجهن شيئا قالت الأولى زوجي لحم جمل غث على رأس جبل لا سهل فيرتقى ولا سمين فينتقل قالت الثانية زوجي لا أبث خبره إني أخاف أن لا أذره إن أذكره أذكر عجره وبجره قالت الثالثة زوجي العشنق إن أنطق أطلق وإن أسكت أعلق قالت الرابعة زوجي كليل تهامة لا حر ولا قر ولا مخافة ولا سآمة قالت الخامسة زوجي إن دخل فهد وإن خرج أسد ولا يسأل عما عهد قالت السادسة زوجي إن أكل لف وإن شرب اشتف وإن اضطجع التف ولا يولج الكف ليعلم البث قالت السابعة زوجي غياياء أو عياياء طباقاء كل داء له داء شجك أو فلك أو جمع كلا لك قالت الثامنة زوجي المس مس أرنب والريح ريح زرنب قالت التاسعة زوجي رفيع العماد طويل النجاد عظيم الرماد قريب البيت من الناد قالت العاشرة زوجي مالك وما مالك مالك خير من ذلك له إبل كثيرات المبارك قليلات المسارح وإذا سمعن صوت المزهر أيقن أنهن هوالك قالت الحادية عشرة زوجي أبو زرع وما أبو زرع أناس من حلي أذني وملأ من شحم عضدي وبجحني فبجحت إلي نفسي وجدني في أهل غنيمة بشق فجعلني في أهل صهيل وأطيط ودائس ومنق فعنده أقول فلا أقبح وأرقد فأتصبح وأشرب فأتقنح أم أبي زرع فما أم أبي زرع عكومها رداح وبيتها فساح ابن أبي زرع فما ابن أبي زرع مضجعه كمسل شطبة ويشبعه ذراع الجفرة بنت أبي زرع فما بنت أبي زرع طوع أبيها وطوع أمها وملء كسائها وغيظ جارتها جارية أبي زرع فما جارية أبي زرع لا تبث حديثنا تبثيثا ولا تنقث ميرتنا تنقيثا ولا تملأ بيتنا تعشيشا قالت خرج أبو زرع والأوطاب تمخض فلقي امرأة معها ولدان لها كالفهدين يلعبان من تحت خصرها برمانتين فطلقني ونكحها فنكحت بعده رجلا سريا ركب شريا وأخذ خطيا وأراح علي نعما ثريا وأعطاني من كل رائحة زوجا وقال كلي أم زرع وميري أهلك قالت فلو جمعت كل شيء أعطانيه ما بلغ أصغر آنية أبي زرع قالت عائشة قال رسول الله صلى الله عليه وسلم كنت لك كأبي زرع لأم زرع[1]

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: “Waxa wada fadhiistay kow iyo toban dumara oo ballan iyo axdi ku galay inaanay waxba ka qarinin warka raggooda. Tii koowaad waxay tidhi: ninkaygu waa hilib geel oo caato ah oo saaran buur dusheeda, mana fududa in la fuulo mana buurna haloo tagabee. [waxay u jeedaa ninkaygu caato ayuu ka yahay khayrka wayna adagtahay in lala hadlo]. Tii labaad waxay tidhi: ninkayga warkiisa kama hadlayo waxaan ka cabsanayaa inaanan dhamayn (warkiisa, ama waxaan ka cabsanayaa inuu i furo) hadaan ka sheekeeyo waxaan sheegayaa un xumaantiisa muuqata iyo ta qarsoonba. Tii sadexaad waxay tidhi: ninkaygu waa dheeryahay (dherer doqonimo), hadaan hadlo wuu i furi, hadaan aamusana wuu i dayacayaa. Tii afaraad waxay tidhi: ninkaygu waa sida habeenka Tuhaama oo kale (meel diiran oo wanaagsan), ma aha kulayl iyo qabow toona, mana jirto cabsi (kama cabsanayso markay la joogto) lagamana daalo. [Waxay ujeedaa in ninkeedu yahay nin aan kululayn oo aan dhib u gaysan, sidoo kalena ma qabooba oo maaha dayuus, xumaanta ku daawada reerkiisa, mana ka cabsato markay la hadlayso, mana ka daasho hadalkiisa macaan]. Tii shanaad waxay tidhi: ninkaygu markuu soo galo waa harumacad, markuu baxana waa libaax, mana warsado wuxuu bixiyey. [waxay ujeedaa in ninkeedu yahay nin wanaagsan oo guriga markuu yimaado u sexda sida harumacadka isagoon cidna dhibin, markuu banaanka tagana libaaxeeya oo ragga iska dhiciya, sidoo kale ma faaqido mana waydiiyo biilka uu biyo]. Tii lixaad waxay tidhi: ninkaygu markuu wax cuno wuu madhiyaa, markuu cabayana wuu laacaa, markuu jiifsadana wuu is duuduubaa, mana soo faro gashto inuu ogaado murugadayda ama arrimaha jacaylka. [gabadhana waxay ka cabanaysaa in ninkeedu cuno oo cabo kadibna uu iska seexdo isagoon la sheekaysanin xaaskiisa sidoo kale aan waydiinin murugadeeda iyo arrimaha jacaylku halkay marayaan]. Tii todobaad waxay tidhi: ninkaygu waa baadi cad, ama wuxuu ka hawlgabay shaqada sariirta, doqonimana way ku dhantahay, cudurkastana wuu hayaa, waa inuu ku dakhro, ama ku jabiyo ama labadaba isugu kaa daro. [ninkan waxay ku tilmaantay inuu lunsanyahay oo aanu ku qancinin gogosha, doqonimaduna ku dhantahay sidoo kalena madaxa qarxiya ama laf jabiya ama labadaba isugu dara]. Tii sideedaad waxay tidhi: ninkaygu waa taabasho bakayle, urtiisuna waa urta zarnabka. [tani way amaantay ninkeedii, waxay ku tilmaantay inuu dabacsanyahay, qurxoonyahay oo urtiisuna udgoontahay]. Tii sagaalaad waxay tidhi: ninkaygu waa laandheere, galka seeftiisu way dheertahay, danbas badan, guriguna u dhowyahay golaha lagu shiro. [tanina way amaantay, waxay ku tilmaantay ninkeedu inuu qabiil sharaf leh kasoo jeedo, qurxoonyahay oo dheeryahay oo galka seeftiisu dheertahay, danbaska gurigiisu badanyahay oo looga jeedo inuu cunto badan u kariyo martida, gurigiisuna golaha lagu shiro u dhowyahay oo ay uga jeedo inuu deeqsi yahay]. Tii tobnaad waxay tidhi: ninkaygu waa Maalik, maxaa ka wanaagsan Maalik, wuxuu leeyahay geel badan oo fadhiya, oo ay yartahay inay daaq tagaan, markay maqlaan codka cuudka waxay yaqiinsadaan in la gawracayo. [tanina waxay ku amaantay ninkeeda inuu yahay deeqsi xoola badan haysta oo geeliisu aanu meel durugsanba aanu aadin ee fadhiya gurigiisa hortiisa, markay geelu maqlaan codka durbaankana ay yaqiinsadaan in marti timid oo la gawracayo]. Tii kow iyo tobnaad waxay tidhi: ninkaygu waa Abuzarci, maxaa ka wanaagsan Abuzarci, wuxuu ka ka lulalay dahab dhagtayda, wuxuu ka buuxiyey baruur cududadayda, wuu i wayneeyey oo naftaydaan la waynaaday, wuxuu i helay anigoo la jooga reer adhi yar ku haysta buur qarkeeda, wuxuuna iga yeelay reer maqlaya codka fardaha, codka geela, beeralay iyo hufida midhaha, agtiisa waan ku hadlaa la imana xumeeyo, waan seexdaa oo xilli danbe ayaan soo kacaa, waan cabaa oo waan dharag cabaa. Umu Abu Zarci, maxaa ka wanaagsan Umu Abu Zarci, weelkeedu waa badanyahay, gurigeeduna waa waasac, wiilka Abu Zarci, makaa fiican wiilka Abu Zarci, jiifkiisu waa jirrid timireed gal la’, (waa nin dhuuban oo muruqyo leh) waxa dhargiyana waa garabka waxarta, inanta Abu Zarci, maxaa ayadana ka wanaagsan, waxay adeecdaa aabaheed iyo hooyadeed, guntinteeduna way buuxdaa (xaga danbe ayay u wayntahay), waxayna cadho galisaa dangaladeeda (gabadha lala qabo ayaa ka cadhaysan quruxdeeda iyo sharafteeda), jaariyada Abu Zarci, maxaa ayadana ka fiican, warkayaga ma faafiso (sirta guriga kama sheekayso) cuntadayana ma beer darrayso (mak u cayaarto), gurigayagana kama buuxiso xashiish (kudaafa ama qashin), waxay tidhi: Abu Zarci wuu baxay ayadoo caanaha la lulayo, wuxuuna la kulmay gabadh haysata laba caruura oo la moodo laba harumacad, oo ku cayaaraya dabadeeda laba ruumaan [waxa lagu sharraxay; in gabadhu ay xaga danbe u waynayd oo markay dhabarka u jiifsato meel banaan ka samaysmi jirta dhabarkeeda iyo badhida inta u dhaxeeya oo caruurtu ku cayaarayso laba ruumaan, waxa kale oo la yidhi; labada ruumaan waa horraadadeeda ama laabta gabadha oo qurxoonaa una ekaa sida laba ruumaan oo kale] wuuna i fuary oo wuu guursaday, waxaan aniguna guursaday nin sharaf leh oo fuushan faras fiican oo qaatay waran oo ii keenay nicmoolay (geel, lo’da iyo adhigaba) oo maalqabeena, wuxuuna i siiyey xoolo kasta laba kamida, wuxuuna yiri: cun Umu Zarciyeey oo reerkiinan cunto sii, waxay tidhi: hadii aan isu geeyo wuxuu isiiyey oo dhan ma gaadhayo weelkii ugu yaraa ee Abu Zarci!!!

Caasha waxay tidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: ”Waxaan kuu ahay Abu Zarci siduu u ahaa Umu Zarci”[2]

Faa’idooyinka ku jira xadiiska:

  • Waxaan ka faa’idaynaa xadiiskan inay banaantahay in laga sheekeeyo wararkii umadihii hore.
  • Maaha xan in xadiiskan la wariyo sababtoo ah xantu waa qofka la garanayo oo wax aanu jeclayn aad ka sheegto balse dumarkan iyo ragooda lama yaqaano ciday ahaayeen, waxay lamid tahay adigoo dhaha: magaalada waxa ku nool tuugo iwm.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in ninku xaaskiisa si wanaagsan ula dhaqmo, sababtoo ah rasuulkii Ilaahay oo ahaa wax cagta dhulka dhiga kii ugu khayrka badnaa ayaa dhagaysanaya sheekada ay Caasha uga warramayso.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa sida Caasha ay u taqaanay suugaantii carbeed iyo taariikhdoodii.
  • Gabadhii koowaad ninkeeda waxay kaga cabatay inuu ahaa nin khayrka ka madhan, haba ka madhnaadee ku darsaday macangagnimo ama hadal xun, waxayna ku shabahday hilib geel oo xun oo saaran buur dusheeda, hilibkaasi marka hore waa xunyahay, haba xumaadee haduu dhulka ooli lahaa way iska qaadan lahayd ee wuxuu saaranyahay buur dusheeda.
  • Gabadhii labaadna waxay ninkeeda kaga cabatay xumaantiisa oo badan, wuxuuna ugu hanjabaa inuu furayo haday ka war bixiso.
  • Gabadhii sadexaadna waxay ka cabatay dhererka xun ee ninkeeda iyo inuu si xun ula dhaqmo oo uu dayacay xaaskiisa, haday hadasho inuu furayo hadii kalena ay ku noolaanayso dayac xumadii.
  • Gabadha afaraad ninkeeda way amaantay waxayna ku tilmaantay inuu yahay nin aan kululayn oo aan qaboobayn, kamana cabsato la joogiisa oo ay uga jeedo inaanu gabadh dilin, waxay kale oo ay ku amaantay inuu yahay nin aan laga daalayn sheekadiisa iyo haasawihiisa.
  • Gabadha shanaad ninkeeda waxay ku tilmaantay inuu sida harumacadka usoo galo guriga oo ay uga jeedo inuu si naxariis leh u seexdo guriga, sababtoo harumacadku wuu hurdo badanyahay, balse guriga markuu ka baxo ayuu ragga iska dhiciyaa oo banaanka ayuu libaax ka yahay, maaha sida nimanka qaar guryahooda libaaxa ka ah ee cuurta huruda hurdada ka kiciya, gabadhuhuna ay lugaha isla dhacaan markuu guriga soo galo banaanka ka noqda deero indho xun, sidoo kale waxay ku amaantay inaanu faaqidin alaabooyinka guriga yaala iyo wuxuu guriga keeno. Soomaalidu qorqode ayay u taqaanaa ninka gabadha faaqida biilkeeda, cuntada guriga lagu kariyo.
  • Gabadha lixaad waxay ka yara cabanaysaa in ninkeedu ilaawo oo aanu u sheekaynin ayadoo cunto fiican iyo cabitaan wanaagsanba siisay hadan wuu is duuduubayaa oo murugada gabadha haysa lama qaybsanayo, arrimaha jacaylka wuu ka hurdaa, arrintaasna gabdhuhu way necebyihiin.
  • Gabadha todobaad ninkeed si daran ayay uga cabatay waxayna ku tilmaantay in musiibo kasta uu dheef ku leeyahay, doqonimaduna ay ku dhantahay, oo uu dilo isagoo dakhraya ama laf jabinaya ama labadaba isugu daraya. Raggana ninka sidaas ula dhaqma xaaskiisa ayaa ugu xun, sababtoo ah rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: ”ka idiinku khayrka badan waa ka idiinku khayrka badan reerkiisa, anigaana ah ka idiinku khayrka badan reerkiisa” taas caksigeeda ayuu ninkani ku sifaysnaa.
  • Gabadha in la dilo ama la garaaco oo lafaha la jabiyo kuma banaana shareecada islaamka, waa run inay jirto aayad quraana oo sheegaysa in ninku edibin karo xaaskiisa, balse aayadaas waxa edbinta Ilaahay ka horreysiiyey laba arrimood oo muhiima, waxayna kala ahaayeen: in gabadha la waaniyo, haday wax ku qaadan waydo waanada in ninku kaga fogaado gogosha oo aanu la seexanin, hadii taasi waxba tari waydo ninku inuu edbiyo xaaskiisa, edibintana waxa macneeyey Ibnu Cabbaas oo dhahay: cadayga ayuu ku dhufanayaa xaaskiisa. Halka rasuulkii Ilaahayna uu ka dhahay: waa dilmo aan nabar lahayn. Dhanka kale, rasuulkii Ilaahay (scw) oo xaasaskiisu badnaayeen oo dhibaato badan ay isla soo mareen hadana may soo aroorin inuu haweenkiisa ku edbiyey u lama garaacid.
  • Gabadhii sideedaad, sagaalaadaa iyo tobanaadba way amaaneen ragooda, ta todobaad waxay ku tilmaantay inuu ninkeedu dabacsanyahay, akhlaaqdiisu wanaagsantahay, sidoo kalena yahay nin is nadiifiya oo udgoon. Labada danbana waxay ku amaaneen in nimankoodu yihiin deeqsiyaal oo gacan furan, deeqsinimaduna waa sifo cida ku sifaysan ay koobsatay amaanta oo dhan, dumarkuna aad ayay u jecelyihiin ninka deeqsiga ah ee u gacanta furan, ninka bakhaylka ah isagoo xoolo haystana aadbay u dhibsadaan.
  • Gabadha 11aad ee Umu Zarci ayadu ninkeeda amaan aan la gaadhi karayn ayay ku tilmaantay, may amaanin Abu Zarci oo kaliya ee waxay amaantay sodohdeed, wiilkii Abu Zarci, inantii Abu Zarci iyo jaariyadii Abu Zarci. Sababtuna waxay ku sheegtay inuu kasoo kaxaystay reer dan yar ah oo adhi yar ku raacda buur qakeeda, kadibna uu dahab ka lulay dhagaheeda, jidhkeedana uu naaxiyey, waanu wayneeyey illmaa ay nafteeda ay la waynaatay, afkana kamuu cabudhin ee waxay doonto ayay ku hadlaysay lamana maagi jirin, hurdada way ku raagi jirtay ileen jaariyadu u shaqeeya ayay haystaaye, wuxuu siiyey geel, fardo iyo beero iyo midho la hufayo sida qamandida iyo gallayda. Sidaad darteed, Umu Zarci aadbay u jeclaatay ninkeeda, waxa jacaylka ay u hayso darteed ay amaantay sodohdeeda, ayadoo ay adagtahay in gabadhi sodohdeeda ku amaanto inay martida soorto oo gurigeedu waasac yahay.
  • Umu Zarci markii la furay ee ay guursatay ninka kale wuu hagaajiyey balse waxay ku cabirtay dhamaan wuxuu siiyey inaanay gaadhayn weelkii ugu yaraa Abu Zarci siin jiray. subxaanaAllah ayado la furay ayay wali sii amaanaysaa ninkeedii hore, arrintaasoo cadaynay in ninkaasi si wayn u wanaaijiyey gabadhaas, xataa rasuulkii Ilaahay ayaa Caasha ku dhahay: sida Abu Zarci oo kale ayaan kuu ahay! Waxay ka markhaati kacaysaa in ninkaasi ahaa nin u wanaagsan haweenka, waana ninka aynu rabno inaynu u guurino hablaheena.
  • Waxaan ka faa’idaynaa in la dhaqanka wanaagsan yahay waxa ugu sarreeya ee nin iyo xaaskiisu ku wada noolaadaan. Gabadhu gaajo iyo harraad way kugula noolaan kartaa balse nin akhlaaq xun oo gabadh dilaya, caayaya, been u sheegay gabdhuhu uma dulqaadan karaan. Sidaa darteed ayuu Ilaahay quraanka marar badan ku dardaarmay in wanaag lagula dhaqmo xaaska, gabadhuna ay wanaag kula dhaqanto ninkeeda.

Waxa Qoray: Abdulaziz Mohamed Oogle

[1] Bukhaari: 4893 iyo Muslim 2448

[2] Sharraxa Imaamu Nawawi ee Saxiixu Muslim