Tusmo

Diinta Islaamku waxyaalaha ay la gaarka tahay

 

Su’aal:

Maxay Muslimiintu ugu malaynayaan in diintoodu xaq tahay? Miyey haystaan asbaab lagu qanci karo?

Jawaab:

Alxamdulilaah

Walaashan su’aasha fiican na waydiisay, waan ku salaamaynaa intaa kadibna.

 

Su’aashaadu waa mid caqliga gali karta oo la moodo inay katimid ruux aan wali soo gai diinta Islaamka, hase ahaatee qofka ku dhaqma diinta ee rumaysta waxa ku guda jira, kuna camal fala wuxuu run ahaantii garanayaa nicmada wayn ee uu ku dhex noolyahay, isagoo hadhsanaya diintan. Waxaana arrintaas ugu wacan sababo badan, oo ay kamid yihiin:

  1. Dhab ahaantii Muslimku wuxuu caabudaa Ilaah kaliya isagoon cidna la wadaajinayn cibaadadiisa, Ilaahaas oo leh magacyo wanaagsan iyo sifooyin sareeya, sidaa darteed himilada ruuxa muslimka ah iyo hadafkiisu waa mid xoogan, wuxuuna ku kalsoonyahay Rabbigiis iyo Ilaahiisii abuuray, waanu talo saaranayaa, wuxuuna ka dalbanayaa kaalmo iyo gargaar iyo taageeraba. Wuxuuna rumaysanyahay in Rabbigiis awoodo wax kasta, oo aan u baahnayn inuu yeesho xaas iyo ubad toona, wuxuuna abuuray samooyinka iyo dhulkaba, waana Allaha wax nooleeya waxna dila, ee wax abuura ee wax arzaaqa (quudiya).

Waxaanu adoonku ka dalbanayaa inuu arzaaqo, waana Allaha maqalka badan ee ajiibaya, markaasuu adoonku baryayaa oo uu rajaynayaa jawaabteeda.

Waana Ilaaha toobad aqbalka badan ee danbi dhaafka badan ee naxariista badan, ee ka toobad aqbala adoonka haduu danbaabo ama uu ka gaabiyo cibaadada Rabbigiis, waana Ilaaha wax walba cilmi uleh ee khabiirna ku ah camalada adoomihiisa, kaasoo og waxa qarsoon iyo waxa niyada iyo laabaha ku jira, markaasuu adoonku ka xishoonayaa inuu ku kaco danbiga oo uu ku gardarroodo naftiisa, ama uu dulmiyaba uunka kale, maxaa yeelay Rabbigu waa arkayaa oo markhaati ayuu ka yahay.

Muslimku waxa kale oo uu ogyahay in Rabbigiisu yahay mid aqoon u leh waxa qaybka ku maqan (mustaqbalka), markaasuu ku kalsoonaanayaa wixii Ilaahay u dooray oo loo qadaray, waxa kale oo uu ogyahay in Rabbigii marnaba aanu dulminaynin isaga, iyo in wax kasta loo qadaray uu yahay go’aan isaga khayr u leh, xitaa xikmadu haba ka maqnaato adoonkee.

  1. Saamaynta cibaadooyinka Islaamku ay ku leedahay ruuxa Muslimka ah.

 

Salaadu waa xidhiidhka u dhexeeya adoonka iyo Rabbigii, haduu adoonku ku galo khushuuc (is dullayn) salaada, wuxuu dareemayaa deganaansho, xasilooni iyo raaxo, sababtoo ah wuxuu cuskanayaa tiir adag oo ah Ilaahay (isagaa awooda iyo sharftaba iska lehe), sidaa awgeed ayaa nabiga Islaamka ee Muxamed (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu dhahay: ”noogu raaxee salaada” wuxuuna ahaa hadii ay ku timaado arrin murugo leh wuxuu ku dagdagi jiray Salaada, sidoo kale cid ksata oo ay ku dhacday musiibo oo tijaabiyey salaada wuxuu dareemayaa adkaysi, samir iyo tacsi wixii asiibay, maxaa yeelay wuxuu ku akhriyey hadalkii Ilaahay salaada dhexdeeda.

Saamaynta hadlka Ilaahayna lalama barbardhigi karo hadalka makhluuqaadka kale, hadii hadallada qaar kamida dhakhaatiirta cilmu nafsiga ay ku jirto waxooga raaxo ah iyo fudaydin, bal kawarran hadalka kii abuuray dhakhtarkii cilmi nafsigaba.

 

Hadii aynu unimaadno Zakada oo kamid tiirarka Islaamka, waxay ka daahirisaa nafta bakhaylnimada iyo dhabcaalnimadaba, waxayna caado ka dhigtaa deeqsinimada iyo in la caawiyo fuqarada iyo dadka baahan, waxa kale oo u kujira abaalmarin anfacaysa maalinta Qayaame sida cibaadooyinka kaleba.

Mana aha Zakadu wax qaaliya ama dhib ah sida cashuuraha ibnu Aadamka, ee waxa weeye kunkiiba 1000 wuxuu ka bixinayaa 25 kaliya, wuxuu Muslimku u bixinayaa si tadawuc ah, kamana baxsanayo bixinteeda xitaa hadii aanay cidina daba soconin.

 

Soonkuna waxa weeye waa in laga soomo cuntada iyo xidhiidhka gogoleedba, waxaana lala dareemayaa gaajada dadka baahan iyo kuwa aan waxba haysanin, waxaana lagu xasuusanayaa nicmada Ilaahay ku galladaystay makhluuqa, waana ajar aan xisaabteeda la koobi karayn.

 

Xajkuna waa in la aado baytka Ilaahay ee xurmaysan, baytkaasoo uu dhisaya nabi Ibraahiim naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waana in la fuliyo awaamirta Ilaahay, waxa lagu ajiiba ducooyinka, waxaana isku barta Muslimiinta joogta daafaha aduunyada.

  1. Islaamku wuxuu faray dhamaan khayrka oo dhan, wuxuuna reebay dhamaan wixii shar ah oo dhan, wuxuuna faray dhamaan aadaabta iyo akhlaqda wanaagsan sida; runta, dulqaadnimada, dadnimada, dabacsanaanta, is duldhiga, xishoodka, ballanta oo la fuliyo, sharafta, naxariista, cadaalada, geesinimada, samirka, saaxiibtinimada, qanaacada, dhawrsanaanta, samo falka, amaanada, ka mahad celinta waxa fiican, cadhada oo la qarsado.

 

Islaamku wuxuu farayaa samofalka waalidka, in la xidhiidhiyo riximka, in loo gurmado dadka tabaalaysan, in wanaag lagula dhaqmo jiiraanka, in la ilaaliyo xoolaha agoomaha, in loo naxariisto caruurta, in la ixtiraamo waayeelka, in loo dabacsanaado shaqaalaha, xayawaanada, in dhibka laga qaado wadooyinka, hadalka wanaagsan, is cafinta, isa saamaxaada markaad awoodo in aad aargoosato, in ay is waaniyaan walaalada muslimiintu, in la gudo baahiya dadka Muslimiinta, in laga bixiyo daynta cidii ay culaysisay, in aad dadka kale u hurto naftaada, in la isu tacsiyeeyo oo la isu naxariisto, inaad u dhoola cadayso wajiyada dadka, in loo gargaaro ruuxa tabaalaysan, in lasoo booqdo ruuxa buka, in loo hiiliyo qofka la dulmiyey, in asxaabtu isa siiso hadyado, in la sharfo martida, in xaaska lagula dhaqmo si wanaagsan, iyo in lasiiyo biilkeeda iyo biilka caruurteedaba, in la faafiyo salaanta waana Salaama calaykum, in ogolaansho la dalbo kahor intaanad galin guryaha, si aanu qofku u arkin cawrooyinka dadka guryaha dagan.

Hadii dadka qaar aan Muslimiin ahayn ay sameeyaan wax kamida farriimahaas, waxay u falayaan oo kaliya waa aadaab guud, balse kama rajaynayaan Ilaahay abaalmarin, ajar, liibaan iyo guul toona maalinta Qayaame.

Hadii aynu u nimaadno waxyaalaha Islaamku reebay, waxaynu helaynaa inay maslaxo u tahay qofka iyo bulshadaba. Dhamaan waxyaalaha la reebay waa in la ilaaliyo xidhiidhka ka dhexeeya adoonka iyo Rabbigii, insaanka iyo naftiisa, insaanka iyo ibnu aadamka kale. Bal aynu soo qaadano tusaalooyin badan si aynu u cadayno ujeedada:

Islaamku wuxuu uyimid inuu dadka ka reebo shirkiga Ilaahay lala wadaajinayo cibaadadiisa cid kale, cibaadada cidii aan Ilaahay ahayna waa mid lagu daalayo laguna hoogayo.

Islaamku wuxuu reebay in loo tago faaliyaha iyo sixiroolayaasha iyo in la rumaysato sixirka uu ku kala tagsiinayo laba qof ama uu isugu keenayo, sidoo kale wuxuu reebay in la rumeeyo saamaynta xidigaha iyo meerayaasha ay ku leeyihiin nolosha dadka, waxa kale oo uu reebay in la caayo zamanka ama waqtiga, maxaa yeelay Ilaahay ayaa maamula, iyo inuu reebay shinbiraysiga waana baasaysiga.

 

Waxa kale oo uu reebay in camalada la buriyo, sida inuu ujeedadiisu tahay istusnimo, ismaqashiin iyo mano sheegasho. Sidoo kale wuxuu reebay in loo sujuudo cid aan Ilaahay ahayn, iyo in lala fadhiisto munaafiqiinta iyo faasiqiinta adigoo u wehel yeelaya ama wehelba u noqonaya.

Waxa kale oo uu reebay in la isku lacnado lacnada Ilaahay, ama cadhada Ilaahay ama naartaba.

Waxa kale oo uu reebay in lagu kaajo biyaha fadhiya iyo in lagu saxaroodo jidadka iyo hooska dadku ay hadhsadaan, iyo meelaha lagasoo dhaamiyo biyaha, iyo in xaajada loola jeesto qiblada ama lagu dhabar jeediyo.

Waxa kale oo reeban in ninku gacantiisa midigta ku qabto xubinkiisa taranka markuu kaajayo, iyo in la salaamo ruux gudanaya xaajadiisa, iyo in ka hurdada ka kacay uu gacantiisa galiyo weelka illamaa uu ka dhaqayo.

Islaamku waxa kale oo uu reebay in salaad sunne ah lala yimaado marka ay Qorraxdu soo baxayso, marka ay Qorraxdu badhtanka taagantahay (illamaa ay ka aado galbeed, waana waxyar kahor salaada Duhurka), iyo marka Qorraxdu sii dhacayso, maxaa yeelay waxay qorraxdu kasoo baxdaa kuna dhacdaa laba gees oo shaydaan badhtankeeda.

Islaamku waxa kale oo uu reebay in la tukado ayadoo ay u taalo cunto uu jecelyahay, ama inuu tukado isagoo ay kaadi, neef ama saxaro hayso, sababtoo ah dhammaan waxyaalahaasi waxay ka mashquulinayaan qofka salaada, waxayna la tagayaan khushuucdii la rabay.

 

Islaamku waxa kale oo uu reebay in qofka tukanayaa codka sare u qaado oo uu dhibo Mu’miniinta, ama inuu sii wado salaada habeenkii haduu caajiso, hase ahaatee wuu seexanayaa markaasuu kacayaa, iyo in habeenka dhamaantii uu ukaco salaada habeenka gaar ahaana haduu is raaciyo dhawr habeen.

Islaamku wuxuu reebay in salaada lagaga baxo shaki neef timid, illamaa uu ka maqlayo cod, ama uu ka helayo ur.

Islaamku wuxuu reebay in wax lagu dhex ganacsado Masaajidka dhexdiisa ama wax lumay lagu raadiyo sababtoo ah waa boos cibaado, laguna xuso Ilaahay, kumana haboona ficillada arrimaha aduunyadu.

Islaamku wuxuu reebay inaad ku orodo socodka hadii la aqiimo salaada, balse wuxuu u soconayaa si ay xasilooni ka muuqato iyo deganaansho, waxa kale oo reeban in la isugu faano qarashka dhismaha masaajidada, ama in lagu qurxiyo midab cas/guduudan ama midab jaale, ama farshaxan iyo wax kasta oo ruuxa tukanaya ka mashquulinaya salaada.

Islaamku wuxuu reebay in la isku xidho soonka laba maalmood oo isku xiga ayadoon la afurin dhexdooda, waxaanu dumarka ka reebay inay soomaan soonka sunnaha ah ayadoo ninkeedu joogo illamaa ay ka idan dalbato.

Islaamku waxa kale oo uu reebay in dhismo laga dhiso xabaalaha, ama in xabaalaha sare loo qaado, ama in lagu fadhiisto korkooda, ama in lagu dhex socdo ayadoo kabo la wato, ama in korkooda laga taago nalal (laanbado), ama in wax lagu qoro, ama in lasoo qodo, waxa kale oo la reebay in xabaasha laga dhigto Masaajid.

Islaamku wuxuu reebay baroorta iyo in la jeexjeexo maryaha iyo in timaha la qaawiyo marka uu dhinto mayd, waxa kale oo reeban baroortii jaahiliga, balse hadii ay tahay in warka geerida la isu sheego oo kaliya taasi dhib malaha.

Islaamku wuxuu reebay in la cuno ribada, dhamaan noocyadeeda kala duwan ee baycooyinka (ganacsiga) taasoo koobsanaya wax aan la garanayn, marin habaabis iyo khiyaanaba.

Islaamku wuxuu reebay in la iibiyo dhiiga, khamriga, doofaarka, sanamyada, iyo dhamaan waxyaalaha Ilaahay xarrimay, sidoo kale waxa  xaaraan ah lacagtiisa lagaga baayacmushtaraysto,  waxa kale oo la reebay najshiga, waxa weeyena in qiimaha shaygaas sare loogu qaado cid aan rabin inay iibsato, sida badanaa ka dhacda waxyaalaha xaraashka ah.

Waxa kale oo reeban in la qariyo ceebaha shayga marka la iibinayo, iyo in la gado waxaanad lahayn, iyo in la iibiyo kahor intaanu imanin sahygii, waxa kale oo reeban inuu iibiyo wuxuu walaalkii gadayo, ama inuu gato wixii walaalkii iibsaday, ama inuu iibiyo wixii uu walaalkii ka iibiyey.

Waxa kale oo reeban in la iibiyo midhaha illamaa ay ka muuqanayso wanaageedu oo ay ka badbaadayso qaadhniin. Waxa kale oo reeban in la khiyaameeyo miisida iyo miisaankaba, sidoo kale waxa reeban in ganacsaduhu xakameeyo suuqa (tusaale: cuntada oo dalka ku yar ayuuxakamaynayaa ayadoo dadku ay u baahanyihiin si qiimuhu sare ugu kaco).

 

Waxa kale oo reeban qofka ku jira shuraako dhuleed ama timireed iyo wixii lamida inuu iibiyo saamigiisa illamaa uu ubandhigo cida shirkada kula jirta, waxa kale oo la diiday in loo cuno xoolaha agoomaha si dulmiya, iyo in laga fogaado cunida khamaarka, iyo inaad qasab wax ku hesho, iyo in laaluulsh la qaato ama la bixiyo, iyo in la bililqaysto xoolaha dadka, iyo in xoolahooda lagu cuno been, iyo in la qaato xoolahooda ayadoo ujeedadu tahay in la idleeyo, iyo in la bakhso dadka alaabooyinkooda, iyo in la qariyo waxyaalaha la helay ee baadida ahaa, iyo in baadida la qaato adoo garanaya mooyee.

 

Waxa reeban qishka noocyadiisa kala duwan, iyo in la qaato dayn aan la rabin in dib loo soo celiyo, iyo waxa xaaraama in Muslimku uu ka qaato xoolaha walaalkiisa muslimka ah wuxuu ogolyahay mooyee, wixii lagu qaato seefta xishoodkuna waa xaaraan (tusaale: inaad si sarbeed ah ku qasabto walaalkaas waxanau raali ka ahayn inuu ku siiyo), waxa kale oo la reebay inaad hadyad qaadato si aad ergo u noqoto.

 

Islaamku wuxuu reebay in la guursan waayo, waxa kale oo la reebay in labo gabdhood oo walaalo ah la wada guursado, waxa kale oo la diiday in gabadh iyo eedadeed lawada guursado, gabadh iyo habaryarteed, tuu doonaba ha horeysiiyee, ayadoo laga cabsanayo rixim goys.

 

Islaamku wuxuu reebay Shiqaarka; waxa weeye tusaale ahaan inuu dhaho ii guuri inantaada ama walaashaa si aan kuugu guuriyo inantayda ama walaashay, waana arrin dulmiya oo xaaran ah.

Waxa Islaamku reebay guurka mutcada, raaxaysiga; waana guurka la isku waafaqayo labada darafba inuu dhamaado xilli go’an, waxa kale oo aan banaanayn in haweenayda loo tago xilliga xaydka, balse markay is daahiriso ayuu u tagayaa, waxa kale oo reeban inuu xaaska uga tago gadaal.

Waxa reeban sidoo kale in ninku uu doono gabadh walaalkii u doonan illamaa uu ka tagayo ama uu ogolaanayo, waxa kale oo reeban in la guuriyo gabadha garoobka ah/carmalka ah illamaa laga amar qaato, gabadha bikrada ahna laga idan dalbo, waxa kale oo reeban in la isugu bogaadiyo qawlka ah Bi’l- rafaa’ wa’l-baneen, barwaaqo iyo wiilal, sababtoo ah waa bogaadintii jaahiliyadii necbayd hablaha.

Islaamku wuxuu reebay in gabadhu la furay ay qariso waxa Ilaahay ku abuuray caloosheeda, waxa kale oo aan banaanayn in ninka iyo gabadhu ay ka warramaan wixii dhex mara oo kamida xuquuqda labada isqaba, waxa reeban in haweenaydu ninka ay fasahaadiso, iyo in ninku ku cayaaro furniinka, iyo in gabadh ay waydiisato furniinka xaaskiisa, ha ahaato mid u doonan ninka ama mid uu qababa, tusaale ahaan; in gabadhi waydiiso ninka inuu furo xaaskiisa si uu uguursado ayada, waxa reeban sidoo kale in xaasku ay bixiso lacagta ninkeeda ogolaansho la’aan, iyo in xaasku ay ka haajirto furaashka ninkeeda, hadii sidaas yeeshana ayadoon cudurdaar haysanin waxa lacnadaysa malaa’ikta.

 

Islaamku wuxuu reebay in ninku guursado xaaska aabihii, waxa kale oo reeban inuu ninku u tago gabadh uur uleh nin kale, waxa reeban in ninku ka fogaado xaaskiisa xorta ah ogolaanshaheeda mooyee, waxa reeban in ninku guriga ehelkiisa soo garaaco goor habeena oo uu ku kadiyo markuu ka yimaado safar, haduu u sheego xilliguu imanayo wax dhiba malaha.

Waxa ninka ka reeban inuu qaato maherka xaaskiisa raali ahaanshaheeda mooyee, waxa kale oo reeban in ninku u dhibo xaaskiisa si ay isugu furato hanti.

 

Waxa dumarka laga reebay inay isu muujiyaan (dadka ajaanibta ah), waxa kale oo la reebay in lagu talax tago gudniinka haweenka, waxa kale oo reeban in xaasku ay gurigeeda soo galiso cid aanu ninku raali ka ahayn, waxaana ku filan ogolaanshaha guud hadii aanay kahor imanayn sharciga, waxa kale oo la reebay in la kala kaxeeyo hooyada iyo caruurteeda, waxa la reebay dayuusnimada (in ninku ehelkiisa ku daawado xumaanta), waxa la reebay in ninku uu fiiriyo gabadh ajnabi ka ah, iyo inuu aragga uu sii raaciyo mid labaad.

 

Islaamku wuxuu reebay in la cuno xoolaha bakhtiyey, haku dhimato qarqoomid (biyo ku maanshoowday), ama in neefta lagu ciijiyo, ama meel dheer laga soo tuuro, waxa kale oo aan banaanayn dhiiga, hilibka doofaarka, iyo wixii lagu gawracay magac aan ahayn magaca Ilaahay iyo wixii loo gawracay sanamyada.

 

Islaamku wuxuu reebay in la cuno hilibka xoolaha (Jalaala) waana neefka quuta kudaafada iyo nijaasooyinka, sidoo kale lama cabayo caanaheeda, waxa la reebay sidoo kale xayawaan kasta oo leh miciyo, iyo shinbir kasta oo cidiyo leh, iyo in la cuno hilibka dameerka, waxa kale oo la reebay in la silciyo xoolaha, sida in la qabto kadibna lagu dhufto walax illamaa ay ka dhimanayso, ama in la xidho ayadoon haysanin cawskeedii, waxa la reebay in lagu gawraco xoolaha ilkaha iyo cidiyahaba, iyo in la gawraco neefka ayadoo neef kale goobta joogo, iyo in mindida loo soofeeyo ama la afeeyo.

 

Dharka iyo Isqurxinta.

 

Waxa reeban in lagu talax tago dharka, ragana waxa ka reeban xidhashada dahabka, waxa kale oo reeban in la is qaawiyo iyo in la socdo qaawanaan, iyo in la baneeyo bowdada.

Waxa kale oo reeban in marada ninku uu ka hoosaysiiyo canqawga, iyo inuu dhulka jiido kibir darteeda iyo in la gashto maro kaa soocaysa dadka.

 

Waxa reeban markhaati beenaalaha, iyo in la tuhmo dumark dhawrsoon, iyo in la tuhmo nin bari ah iyo in laga been abuurto.

 

Waxa reeban in la is ceebeeyo, il jabinta, in la isku naanayso magacyo xun, xanta, isku dirka, in lagu jeesjeeso muslimiinta, in la isugu faano abtirsiinta, iyo in la duro qabiilada, in la is caayo, hadal xun lagu hadlo, hadalka liita, iyo in lala qayliyo xumaan madal ah ruux la dulmiyey mooyee.

 

Waxa reeban beenta, waxaana ugu daran beenta riyooyinka, tusaale; inuu abuuro riyo beena si uu dheef u helo, ama uu wax ugu kasbado, ama inuu ku cabsi galiyo cid ay ka dhaxayso colaad.

 

Waxa reeban in qofku naftiisa tazkiyeeyo (ku amaano danbi la’aan), waxa reeban faqa, labo islama faqi karaan ka sadexaad oo jooga, sababtoo ah way murugo galinaysaa, iyo in la lacnado ruux mu’mina ama qof aan mudnayn in la lacnado.

 

Waxa reeban in la caayo dadka dhintay, iyo in la habaaro qof dhintay, ama la rajeeyo in balaayo kusoo dagto, iyo in la habaaro nafta, ubadka, shaqaalaha, iyo xoolahaba.

 

Waxa reeban in la cuno cuntada dadka kale hortaala, iyo in cuntada laga cuno dhexda,  waxaanad kaga bilaabaysaa hareeraheeda iyo dhinacyada, maxaayeelay barkada ayaa ku soo dagaysa cuntada badhtankeeda, iyo in laga cabo daloolka weelka jabay si aanu naftiisa wax uyeelin, iyo inuu ku cabo furka weelka, waxa reeban in la cabo oo lagu dhex neefsado, iyo inuu cunto cuno isagoo beerka u jiifa, iyo inuu cunto ku cuno miis lagu cabayo khamri.

 

Waxa reeban in guriga laga tago isagoo dabku baxayo marka la seexanayo, waxa reeban inuu seexdo ninku isagoo gacanta ku haysta xantoobo cunto ah, tusaale; sida hadhaaga cuntada isagoo haysta, waxa reeban in caloosha loo seexdo, waxa reeban inuu qofku ka warramo riyooyinka xunxun, ama inuu fasiraba, sababtoo ah waa ciyaaraha shaydaanka.

 

Waxa reeban in la dilo naf ibnu aadama si dulmiya, waxa reeban in ubadka loo dilo ayadoo laga cabsanayo faqri, waxa reeban in la is dilo, waxa reeban zinada, waxa reeban qowmu luudnimada, cabida khamriga iyo casiirkiisaba, iyo qaadistiisa iyo in la iiboyaba.

Waxa reeban in dadka lagu raali galiyo cadhada Ilaahay, waxa reeban in labada waalid la xumeeyo iyo in lagu dhaho uf, waxa reeban in ilmaha loogu abtiriyo cidaan aabihii ahayn, waxa reeban in dadka lagu cadaabo naarta, waxa reeban in la gubo dad nool iyo kuwo dhintayba, waxa reeban in qofka dhintay hilibkiisa la googooyo.

 

Waxa reeban in la isku kaalmeeyo baadilka, iyo in la isku caawiyo danbiga iyo colnimada, waxa reeban in qof lagu adeeco macsida Ilaahay, waxa reeban in been lagu dhaarto, iyo dhaarta beenta ah, waxa reeban inuu dhagaysto sheekada dadka ayadoo loo ogolaado mooyee, waxa reeban inuu fiiriyo cawrooyinka, waxa reeban in la sheegto waxaanad lahayn, waxa reeban inuu iska dhargiyo waxaanu bixin, iyo inuu doono in looga mahadceliyo waxaanu qabanin.

 

Waxa reeban in la eego guryaha dadka hadii aanay kuu ogolaan, waxa reeban in lagu xadgudbo xoolaha (la dayaco), waxa reeban dhaarta danbiga ah, iyo in la is basaaso, iyo in malo xun laga fisho raga iyo dumarka wanaagsan, waxa reeban in la is xaasido, in la isu cadhoodo, in la isu dhabarjeediyo, waxa reeban in baadilka lasii wado, waxa reeban kibirka, isu faanka, is waynaynta, is cajabinta nafta, farxada iyo cayaarta ka badbadiska ah ee kibirka ah.

 

Waxa reeban inuu dib ula noqdo sadaqadiisa xitaa haba iibsadee, waxa reeban in shaqaalaha aad shaqo galisay u diido lacagtiisii, waxa reeban inaan loo cadaalad samayinin wax siinta ubadka dhexdooda, waxa reeban inuu dardaarmo xoolihiisa dhamaantood oo uu ka tago dhaxal sugayaashiisa oo fuqaro ah, haduu sidaas yeelana waxa loo oofinayaa sadex dalool hal dalool.

 

Waxa reeban jiiraanka in la xumeeyo, waxa reeban in lagu dhibtoodo dardaaranka, waxa reeban in qofka muslimka ah aan laga haajirin wax ka badan sadex maalmood ayadoo aanay jirin sabab sharci ah, waxa reeban in la tuuro qururux, sababtoo ah waxay keensataa dhibaato sida inay rido indhaha ama ilkahaba, waxa reeban in xoolo loo dardaarmo qofka ku dhaxlaya, maxaa yeelay Ilaahaybaa dhaxalsugayaasha siiyey xaqoodii,

Waxa reeban in jiiraanka la dhibo, waxa reeban in qofka muslimka ah ku tilmaamo walaalkiis hubka, waxa reeban in la isu dhiibo seefta oo galka laga siibay ayadoo laga cabsanayo inay waxyeelo gaysato,  waxa reeban in la socdo laba qof dhexdooda ogolaanshahooda mooyee, waxa reeban in la celiyo hadyada hadii aanay ku jirin wax sharcigu xarrimay mooyee, waxa reeban in lagu xadgudbo hantida, waxa reeban in la siiyo lacag dadka garaadka yar, waxa reeban in dadku isugu mano sheegtaan waxyaalaha Ilaahay ku kala fadilay dhexdooda rag iyo dumarba, waxa reeban in sadaqada lagu buriyo mano sheegasho iyo dhib.

 

Waxa reeban in la qariyo markhaatiga, waxa reeban in la xoogo agoonka, iyo in la hiifo miskiinka, waxa reeban in la isku daweeyo dawooyin xunxun, sababtoo ah Ilaahay kama yeelin dawo wixii umada laga xarrimay,

 

Waxa reeban in lagu dilo dumarka iyo caruurtaba dagaalka dhexdiisa, waxa reeban in qof u faano qof kale, waxa reeban in laga baxo ballanta, waxa reeban in la khiyaameeyo wixii amaano ah, waxa reeban in dadka aad wax waydiisato adigoon baahnayn, waxa reeban in qofa muslimka ah aanu ka nixinin walaalkiis muslima, ama inuu ka qaato alaabtiisa isagoo ku dheelaya ama ay ka dhabtahayba.

 

Waxa reeban in qofku uu dib uga laabto wixii hibo uu bixiyey, marka laga reebo waalidku inuu kala noqdo ilmihiisa mooyee, waxa reeban in dhakhtar la iska sheegato adigoon khibrad u lahayn, waxa reeban in la dilo qudhaanjada, shinnida, hudhudka.

 

Waxa reeban in ninku fiiriyo cawrada ninka iyo in gabadhu fiiriso cawrada dumarka, waxa reeban in la dhex fadhiisto laba qof dhexdooda illamaa ay kuu ogolaadaan, waxa reeban inuu salaanta ku salaamo ciduu garanayo oo kaliya ee wuxuu salaamayaa ciduu yaqaano iyo cid aanu aqooninba.

 

Waxa reeban inuu dhaarta ka yeelo gidaar u dhexeeya dhaarta iyo camalka wanaagsan, ee wuxuu badalkeed la imanayaa waxa khayrku ku jiro waanu kafaaro gudayaa, waxa reeban inuu kala xukumo laba is haysata isagoo cadhaysan, ama uu uxukumo midkood isagoo aan dhagaysanin kan kale, waxa reeban inuu nin suuqa soo maro isagoo wata wax dhibaya muslimiinta sida aalada afka leh ee wax goynkara, waxa reeban inuu ninku fadhiga uga kaco qof kale oo uuna fadhiisto, waxa reeban inuu istaago isagoo walaalkii agtiisa jooga illamaa uu ka ogolaansho dalbanayo.

 

Iyo wixii kale ee lamida awaamirta iyo waxyaalaha la iska reebay ee u timid inay barwaaqayso insaanka iyo bashariyada dhamaanteedba, miyaad aragtay hadaba diin lamid ah diintan walaashayeey?

 

Ku celi inaad akhrido jawaabta, kadibna waydii naftaada: miyaanay khasaaro ahayn inaad raaci waydo?

 

Ilaahay wuxuu ku dhahay Quraanka wayn:

( وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الإِسْلامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الآخِرَةِ مِنْ الْخَاسِرِينَ(85) سورة آل عمران

(Cidii doonta diin aan Islaam ahayn lagama aqbalayo, wuxuuna kamid yahay aakhiro kuwa khasaaray.) [Suuratu Alcimraan: 85]

 

Gabagabadii waxaan kuu rajaynayaa adiga iyo dhammaan cidii akhrida jawaabtan inuu Ilaahay waafajiyo jidka toosan iyo inuu raaco xaqa, Ilaahayna ha inaga ilaaliyo idinka iyo annagaba xumaanta.