Su’aal:

Asc waxaan Rabaa Sheekha Inaan Weydiiyo Suaal Xasaasi Ah Oo Laga Xishoodo Laakiin Maadaamaa Cibaadadeyda Ku Xirantahay Inaan Ku Weydiiyo Aan Go’aansaday Allena Xaqa Uusan Ka Xishoon.  Sheikh Waxaan Ahay Gabar Ay Aad Ugu Badantahay Waxaan Luuqada Igiriiska Lagu yiraahdo Vaginal Discharge (af soomaali kuma aqaan) Wax Cudur Ahna Ma Qabo Oo caafimaadkeyga Waa Taam . Waxaas Ma najaasaa?, Weysada Ma Buriyaan?  Ma Qabeys Baa Igu Waajibaayo?  Ma Shahwo Waxa La Yiraahdaa? Hadeysan Aheyn Maxey Ku kala Duwan Yihiin, Maxase Shahwo La yiraahdaa (Waan Maqlay Un) .  Dhibweyn Bey Igu Hayaan Oo Salaadeyda Iney Aqbal Tahay Iyo Inkala Makala Aqaaan.  Marna Ma dareemo Markey IgA Imaanaayaan Marna Waan Dareemaa Oo Xataa Anoo Salaada Ku Jiro Inaan Qoyaan Dareemaa Laga Yaabaa Oo Waqti iguma Simo.  Salaadii Maka Baxaayaa? Mar Waan ku tukadaa markan ku wareeray bal ila soo tali mushkilo weyn bey igu haysaa salaadeyda in la aqbalay iyo inkale.

Jawaab:

Bismillaah (ku bilaaban magaca Allah)!

– Ugu horeyn waxa la dhaho Vaginal Discharge (waxaan u malaynayaa inay afsoomaali ku noqonayso, dheecaanka caadada), dheecaankaas badanaa waa shay caadiya oo dumarku ay helaan xilliga caadada (xaydka) ama ka danbaysaba, waxayna calaamad u tahay in dhiiga caadadu uu go’ay, sidoo kalena dheecaankaasi wuxuu nadiifiya oo difaacaa hoosta. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dheecaanada qaar oo ayagu aan caadi ahay oo lagu garto midabkiisa sida midabka jaallaha ah (huruud) ama midab cagaaran, waana dheecaan cufan oo si joogta ah u yimaada, wuxuuna leeyahay ur qadhmuun, badanaana waxa sababa waa Yeast (fangay) ama caabuq bakteriyadu keento (infection of  bacteria).

Dabcan dheecaankaasi midabyo kala duwan ayuu leeyahay, sida midab cadaana, cadaan saafiya, cadaan biyo biyood ah iyo midabka bunniga ah ama midab dhiigeed ah, kuwaasina dhamaantooda waa dheecaano caadiya oo inta badan yimaada xilliga caadada (xaydka) ama maalmaha ka danbeeyaba. Balse hadii midabkiisu yahay cagaar ama jaalle, sidoo kalena uu wato xanuun, cafanyahay oo la moodo sida farmaajada oo kale oo ayna si joogta ah u imanayso kolkaas dheecaankaasi maaha mid caadiya ee waxaad u baahantahay inaad booqato Dhakhtarka ood hesho daawo.

– Dheecaankaasi ma najaasbaa? Dabcan wax kasta oo ka yimaada labada wado (xubnaha taranka iyo gadaalba) waa nijaaso, waxayna buriyaan waysada oo waa in ruuxu wayso cusub waysaystaa.

– Ma Qubaysbaa igu waajibaya? Maya, qubays kuma waajibayo, maxaa yeelay dhiigii caadadana maaha, mana aha qoyaan janaabo keentay, waxa u daliila xadiiska laga wariyey Umu-Cadaa ilaahay raali haka noqdee waxay tiri:

كنا لا نعد الصفرة والكدرة بعد الطهر شيئاً . رواه أبو داود (307 ) ، ورواه البخاري ( 320 ) ولم يذكر ” بعد الطهر ” .

“Kumaaanaan tirin jrin dheecaanka dahaarada ka danbeeya waxnaba,(kolka ay haweenaydu ka qubaysato dhiiga caadada).” budaawuud:307 iyo Bukhaari: 320] Bukhaari kumuusan darin “dahaarada ka danbeeya”

Sidaa awgeed dheecaankaasi kuma waajibayo qubays, ee kaliya waa laga wayso qaadanayaa, sidoo kalena la daahirinayaa meesha uu taabto maadaama uu najaaso yahay oo uu burinayo waysada.

– Ma shahwaa? haduuse ahayn maxay ku kala duwan yihiin? Maya, shahwo maaha, waxa shahwo la dhahaa wixii ka yimaada xubinka  taranka oo la halmaala xidhiidh gogoleed iwm, waxaana loo qaybiyaa dhawr qaybood:

  • (Madyi) waa biyo cadaana oo dhegdheg leh oo yimaada kolka lagu fakaro xidhiidh gogoleed, ama doonisteedba, mana la dareemo inta badan, waxaana ka yimaad raga iyo dumarkaba inkasta oo uu dumarka ku badanyahay. Biyahaasina waa najaaso sida culumadu isku waafaaqday, waana in la daahiriyaa maradii uu ku daatay.
  • (Wadyi) waa dareere adag oo yimaada kaadida kadib, kaasina waa najaaso oo waa waajib in laga wayso qaato.
  • (Manida) waa dareere ka yimaada ninka iyo haweenkaba, manida ninkuna waa dareere cadaana oo adag, halka haweenkana ay ka tahay mid jaale ah oo fudud, waxaana u daliila xadiiskii Umu sulaym:-

عن أُمَّ سُلَيْمٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهَا، حَدَّثَتْ أَنَّهَا: ” سَأَلَتْ نَبِيَّ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنِ الْمَرْأَةِ تَرَى فِي مَنَامِهَا مَا يَرَى الرَّجُلُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (إِذَا رَأَتْ ذَلِكَ الْمَرْأَةُ فَلْتَغْتَسِلْ ) فَقَالَتْ أُمُّ سُلَيْمٍ: وَاسْتَحْيَيْتُ مِنْ ذَلِكَ، قَالَتْ: وَهَلْ يَكُونُ هَذَا؟ فَقَالَ نَبِيُّ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ( نَعَمْ، فَمِنْ أَيْنَ يَكُونُ الشَّبَهُ؟ إِنَّ مَاءَ الرَّجُلِ غَلِيظٌ أَبْيَضُ، وَمَاءَ الْمَرْأَةِ رَقِيقٌ أَصْفَرُ، فَمِنْ أَيِّهِمَا عَلَا، أَوْ سَبَقَ، يَكُونُ مِنْهُ الشَّبَهُ).” متفق عليه .واللفظ لمسلم (363)

Umu Sulaym (I.R.H) waxa laga wariyey inay ka warantay inay nabiga (scw) waydiisay in haweenaydu aragto xilliga riyada waxa ninku arko oo kale, markaasuu dhahay Rasuulku (scw):”hadii haweenaydu taas ay aragto haka qubaysato” waxayna tidhi Umusulaym: waan ka xishooday, waxayna tidh: oo miyey jirtaas arrinkaasi? wuxuu dhahay nabigii Ilaahayna (scw): “Haa, oo hadaa sideebuu u shabahaa (ilmuhu hooyadii hadii aanay jirin) biyaha ninku waa adagayahay oo cadyahay, biyaha haweenaydana waa fududyahay oo jaale yahay, kooda saro mara ama horeeya ayaa ilmuhu u ekaadaa” [Labada Shiikh ayaa soo saaray, erayadana Muslim ayaa iska leh]

  • Waxa kale oo kamid ah: wax ka yimaad xubinka taranka ee dumarka oo aan sabab ay ku yimaadaan aan lahayn, waxayna fuqahada u taqaanaa (الرطوبات) waana qoyaan dhidid ah, waana laysku khilaafay, ma najaasaa mise waa daahir. Culumada xanafiyada iyo shaaficayadu waxay ku tageen inuu daahir yahay. Mana waajibayso in la dhaqo ama la maydho meeshii uu taabtay, hase ahaatee wuxuu buriyaa waysada maadaama uu ka yimid labadii wado.

– Salaada ma tukanayaa? Dabcan salaada waad tukanaysaa adigoo istijoonaya kadibna maro ama cudbi ku awdaya meesha dheecaankaasi uu ka imanayo. Ta labaad waa inaad salaad kastaba aad u wayso qaadato, hadii inta aad salaada ku gudo jirto uu dheecaankaasi yimaado wax dhib ah malaha ee salaadii ayaad sii wadanaysaa. Ta sadexaad ha isku furin waswaaska shaydaanka oo mararka qaar ayaa ayadoon waxna kaa iman uu shaydaanku been kuu sheegi karaa.

– Taladu waxay tahay inaad dhakhtar utagto ood u sheegto waxaad ka cabanayso, iyo inaad u wayso qaadato marka aad dareento in dheecaankaasi kaa yimid. Ilaahayna wuxuu leeyahay:

لَا يُكَلِّفُ اللَّـهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ

“Ilaahay kuma mashaqeeyo nafna waxay awoodo mooyee” [Albaqara:286]

فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ

“Ilaahay ka cabsada intii aad awoodaan” [Taqaabun:16]

Wallahu aclam


Xigasho:

  1. http://www.healthline.com/symptom/vaginal-discharge
  2. https://islamqa.info/ar/5595
  3. http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=178713
  4. http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=110928
  5. https://islamqa.info/ar/2458
  6. Quraanka Kariimka ah