Tusmo

Dhalashadii Nabiga (SCW)

Nabigu (scw) wuxuu ku dhashay magaalada barakaysan ee Makkah, maalin isniineed oo bishu rabiicu al-awwal ay tahay sagaal[1] ee sanadkii Maroodiga. Taasoo waafaqsan labaatankii ama laba iyo labaatankii bishii April ee sanadkii 571 kii miilaadiga.

Sida lasoo wariyo, markuu dhalanayey nabigu (scw) waxa hooyadii ay aragtay iftiin ama ilays kasoo baxay farjigeeda, kaasoo nuurinaya qasriyada dhulka Shaam. Waxa culamadu ay ku fasiraan in diintiisu ay gaadhayso dhulka Shaam, wayna gaadhay Alxamdulilaah.

Wixii dhacay markuu dhashay nabigu (scw):

  1. Waxa dumay afar iyo toban barande (waab) uu lahaa qasrigii Kisra ee boqorkii Faarisiyiinta ee Anushurwaan.
  2. Waxa damay naartii iyo dabkii ay majuusiyiintu caabudayeen.
  3. Waxa dumar kaniisadii bad yarta Saawe.

Awoowgii oo dhalashadiisa loogu bishaareeyey:

Markii hooyadii ay dhashay ayey cid u dirtay awoowgii Cabdulmuadallib, waanu yimid isagoo faraxsan, wuxuun xanbaaray wiilkiisii isagoo geeyey Kacbada, wuxuuna dhalashadiisa uga mahadceliyey Ilaahay (swt).

Markuu todoba maalmood jiray ayaa la guday sidii caadada u ahayd Carabtii xilligaas noolayd. Waxa kale oo la yidhi; wuxuu dhashay isagoo gudan. Wallahu aclam.

Dumarkii nuujiyey nabiga (scw):

  1. Cidii ugu horeysay ee nuujisay waa hooyadii Aamina bintu Wahab.
  2. Thuwaybah oo ahayd adoontii Abulahab (nabiga adeerkii), ayadoo siisay caanihii wiilkeeda Masruux (waa wiil aya xaga naas nuujinta nabiga walaalo ku yihiin). Hadda kahorna waxay nuujisay Xamse ibnu Cabdulmudallib, nabiga kadibna waxay nuujisay Abasalama. Sidaas darteed ayey nabiga xaga naas nuujinta ay walaalo kula ahaayeen.
  3. Xaliimo Sacdiya.

Waxa dhaqankii carabta kamid ahaa in ilmaha dhashay loo raadiyo dumar reer baadiye ah oo nuujiya, si ilmaha looga fogeeyo cudurada magaalooyinka iyo inuu baadiyaha ku kobco iyo si uu luuqada faseexa ah u barto.

Waxa ku guulaysatay sharafta ah in la nuujiyo nabiga (scw) gabadh reer bani Sacdiya waa Xaliima bintu Du’ayb, ninkeeduna yahay Xaarith ibnu Cabdi Al-cuza oo ay isku qabiil yihiin, naanaystiisuna ay tahay Abikabashah.

Nabiga walaaladiisa xaga naas nuujinta ee reer bani Sacad:

  1. Cabdilaahi ibnu Xaarith.
  2. Aniisa bintu Xaarith.
  3. Xudaafah ama Judaamah bintu Xaarith, kuna magac dheer (Shaymaa), waxayna korin jirtay rasuulka (scw)

Mucjisadii iyo barakadii nabiga ee ay Xaliimo aragtay:

Waxa iman jiray magaalada Makkah dumar nuujiya caruurta, waxa ka mid ahayd Xaliimo Sacdiya. Waxay Xaliimo wadatay wiil yar oo ay dhashay, kaasoo habeenkii aan seexan gaajo iyo harraad darteed. Markii ay Xaliimo kasoo safartay dhulkii reer bani Sacad, waxay soo fuushay dameer dhidig ah oo gaabina, waxayna ahayd ruuxii ugu danbeeyey ee safarka.

Markii safarkii yimid Makkah ayey dumarkii raadsadeen ilmo ay nuujiyaan. Markay maqleen in nabigu (scw) yahay wiil agoona ayay iskaga tageen, ayagoo cabsi ka qabay lacag la’aan.

Xaliimo waxay raadsatay cid ay nuujiso, wayna wayday kadibna waxay kusoo noqotay wiilkan agoonka ah, waxayna ku dhiiratay inay qaadato.

Wiilkii ayey dhabta saartay, isla markiiba waxa dararay naaskeedii oo caano ayuu Ilaahay ka keenay. Waxa la yaab ku noqotay in naaskeedii caano yeesho sabatoo ah willkeedii ay dhashayba way uga wayday. Nabigu (scw) wuxuu  nuugay hal naas oo kaliya isagoo walaalkiisa kale ee naaska la nuugayey uga tagaya kan kale.

Ninkeedii ayaa baxay oo qaaday weel uu kusoo maalo hal duqa oo ay wateen, mise hashii candhadeedii ayaa dararsan, wuxuuna soo maalay hashii. Xaliimo waxay tidhi: caanihii ayaan cabnay oo waan dharagnay, wiilkaygiina wuu seexday, anaguna habeenkii noogu wanaagsanaa ayaanu jiifsanay.

Xaliimo iyo Saygeedii waxay u kaceen magaaladii ay daganaayeen, waxayna wateen dameer gaabis ahaa hase ahaatee markay nabiga soo qaateen ayuu dameerkii ka dheereeyey dameeradii kale.

Markii ay yimaadeen tuuladoodii, waxay arkeen barakadii nabiga (scw). Xilligaa waxa jirtay abaar aan biyo iyo baadba reebin, hadana xoolihii Xaliimo waxay soo carraabi jireen ayagoo dhargay oo candhadoodii dararsantahay, illamaa jiiraankii Xaliimo ay ku dhaheen ubadkoodii; Xoolaha soo daajiya meesha ay daaqaan Xaliimo xoolaheedu.

Xaliimo waxay tidhi: meesha xoolahaygu daaqaan ayey jiiraankuna keenaan xoolahoodu, hadana kuwayga oo dharagsan unbaa soo laabta.

Laba sano kadib ayey Xaliimo booqatay Aamina si loogu celiyo nabiga hooyadii, hase ahaate barakadii ay aragtay awgeed may rabin inay nabiga hooyadii u celiso.

Markay u geysay hooyadii ayey Xaliimo ku tidhi Aamina ”wiilka waxaan uga cabsanayaa xanuunada Makkah ee hayla joogo aniga. Aaminana way u ogolaatay inuu mudo kale la joogo Xaliimo Sacdiya.

Nabiga (scw) oo laabtiisa la dillaaciyey:

Maalin nabiga iyo walaaladii oo cayaaraya ayaa waxa u yimid malaku Jibriil, waanu qabtay, wuxuuna dhigay dhulka isagoo dillaaciyey laabtiisa, kanasoo saaray xinjir, wuxuuna yidhi: waa dheeftii shaydaanka, kadibna weel ay ku jiraan biyo zamzama ayuu ku dhaqay, waanu tolay meeshii. Caruurtii ayaa oraday oo u sheegay hooyadood, ayagoo leh: Muxamed waa la dilay.

Nabiga (scw) oo hooyadii ku laabtay:

Isla markay Xaliimo u timid ayey fiirisay wiilka wajigiisa oo isbadalay. Xaliimo saygeedii ayaa amray in loo celiyo wiilka hooyadii Aamina.

Hooyadii markii loo keenay ayey dareentay inay jirto sabab Xaliimo ku qasabtay inay soo celiso wiilka. Is waraysi kadib waxa Xaliimo uga warrantay dhacdadii cajiibka ahayd, sidaasbaanu ugu gacan galay hooyadii Aamina.

Nabiga wuxuu ku noolaa nolol farxad iyo barwaaqoleh, wuxuuna hooyadii la joogay illaa uu ka gaadhayey lix sanadood.

Maalintii danbe ayey Aamina doontay inay soo booqato xabaashii ninkeeda oo ku taala magaalada Madiina. Waxa la socday wiilkeeda, sodogeed oo ahaa nabiga awoowgii Cabdulmudallib iyo gabadhii u adeegaysay ee Umu Ayman.

Magaalda waxay joogtay mudo bil ah, kadibna ayadoo ku jirta safarkii dib usoo noqoshada ayaa waxa haleelay geeridii, waxayna ku dhimatay deegaanka Al-abwaa, oo u dhaxaysa magaalada Makka iyo Madiina.

Waxay ku noqotay nabiga naxdin iyo anfariir waxaanu waayey hooyadii isagoon horena u arkin aabihii oo ka hor geeriyooday intuu uurka ku jiray. Nabiga waxa loo soo qaaday magaalada Makkah, waxaana kafaalo qaatay Awoowgi Cabdulmudallib.


[1] Raxiiq Al-makhtuum: 54