Danbigani waa mid ka wayn dilka, zinada, qawmuluudnimada, ribada, tuuganimada, budhcadnimada, agoon la xoogay, dhul xaaraana oo la boobo, argagixisnimada, beenta, xanta, isku dirka, khiyaanada, xaasidnimada, qabyaalada, caasi waalidaynka, cayda, dumarka oo la duro, markhaati beenaalaha, khamriilaha, qaadwalaha, daroogaystaha, khamaarka, dhaarta beenta, gardarrada, dayuusnimada, isbasaasida, lacnada, sixiroolaha ka utagay ee aan rumaysan, musuqmaasuqa, laaluushka, soonka ramadaan oo xaaraan la cuno iyo bakhaylnimada.

Dhammaan danbiyadaasi waa kuwo ku gayn kara cadaabka naareed hadii aan laga toobad keenin, hase ahaatee waxa jira danbi ka wayn kuwaas oo dhan oo qof muslimnimo sheegtaa uu ku dhaco, waana Salaad La’aanta.

Salaad La’aanta danbi ka wayn oo qof muslimnimo sheegta uu galo majiro, waa ruux gooyey xidhiidhka ka dhaxeeyey isaga iyo Ilaahay. Waana ruux iska hor istaagay in danbiyadiisa loo dhaafo, sababtoo ah salaadba salaada ay ku xigto danbiyadii la galay ayaa lagu dhaafaa.

 قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْعَهْدُ الَّذِي بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ الصَّلَاةُ فَمَنْ تَرَكَهَا فَقَدْ كَفَرَ

Rasuulkii Ilaahayna (scw) wuxuu yidhi: Axdiga noo dhaxeeya anaga iyo ayagu waa salaada, kii ka tagaana waa gaal [Tirmadi: 2621 ]

Ruuxa salaada ka taga waxay culumada islaamku isku khilaafeen inuu yahay gaal iyo inuu yahay faasiq. SubxaanaAllah, bal waxaad qiyaastaa qof muslimnimo sheeganaya oo ku dhex jira khilaafka culumada islaamka oo u kala dhexeeya waa gaal ama waa faasiq waynaaday.

Nacuudu Billaah, ruuxa salaada tukada wuxuu haystaa jaanis ah in danbiyadiisa la dhaafo, sababtoo ah salaadba salaada ay u dhaxayso ayay kafaaro u tahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ كَفَّارَاتٌ لِمَا بَيْنَهُنَّ مَا لَمْ تُغْشَ الْكَبَائِرُ

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: Salaadaha shanta ah iyo jumcada jumcadeeda waxay kafaaro u yihiin (danbi dhaaf) inta u dhaxaysa, hadii aan lala iman kabaa’irta (danbiyada waawayn).

Dabcan danbiyada waawayn waxay u baahanyihiin toobada, toobadana Ilaahay wuxuu waafajinayaa qofka xadhigiisa haysta ee tukanaya salaada. Laakiin nin ama gabadh gooyey xadhigii Ilaahay, kana tagay salaadii sidee loogu dhaafi danbigiisii yaraa iyo kiisii waynaaba?

Ilaahay jidka toosan hanagu hanuuniyo, hadii aad tukatay maanta shantii salaadood, Ilaahay uga mahadceli hadii kalena fadhi kuuma yaale kac iminka oo Ilaahay u toobad keeno oo salaadii Ilaahay tuko.