Cilmi baadhis caalamiya ayaa cadaysay in 11 milyan oo qof ay u dhinteen sanadkii 2017 kii xaalad cunto xumo. Cuntooyinkaas oo ay ku badnayd sonkorta, milixda (cusbada) iyo hilibka la sameeyo., kuwaasoo sababaay wadno xanuun, kansar iyo cudurka macaanka.

Cilmi baadhistu waxay sheegtay in 195 dawladood ay baadhitaan ku sameeyeen. Dalka ugu badan ee cunto xumadu saamaysay waa dalka Uzbekistan, halka dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku ay kala galeen kaalmaha 43 iyo 23 aad.

Dadkaa u dhintay cunta xumada ayaa badsaday cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayn sida cabitaanada soodhaha leh (coca cola), hilibka la sameeyo (burger) iyo milixda.

Cuntooyinka laga buuxiyey caloosha ayaa waxa ka digay rasuulkii Ilaahay (scw), sababtoo ah wuxuu ogaa inay qofka bani aadamka ah ku keenayso cuduro iyo dhimasho.

عَنْ مِقْدَامِ بْنِ مَعْدِي كَرِبَ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ مَا مَلَأَ آدَمِيٌّ وِعَاءً شَرًّا مِنْ بَطْنٍ بِحَسْبِ ابْنِ آدَمَ أُكُلَاتٌ يُقِمْنَ صُلْبَهُ فَإِنْ كَانَ لَا مَحَالَةَ فَثُلُثٌ لِطَعَامِهِ وَثُلُثٌ لِشَرَابِهِ وَثُلُثٌ لِنَفَسِهِ

Miqdaam ibnu Macdi Karib waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Bani Aadam muu buuxinin wax ka shar badan caloosha, ibnu aadamka waxa ku filan hudhmooyin uu ku tiiriyo dhabarkiisa, hadii ay lagama maarmaan tahay sadex meelood hal dalool haka dhigo cuntadiisa, daloolna haka dhigo cabidiisa, daloolna neeftiisa” [Tirmadi: 2380] Wuxuu yidhi Imaamu Tirmadi: kani waa xadiis fiican oo saxiixa.

Dabcan nabigu (scw) wuxuu talada siiyey ibnu aadamka oo isugu jira muslimiin iyo gaalaba, waxayna maanta dunidu ka dharagsantahay dhibaatada ay leedahay cuntada lagu gurayoo caloosha.


Xigasho

reuters