Mooska ama Muusku waa faakihooyinka aad u macaan oo soomaalidu si aada ay u cunaan, hadii marti la soorayo way adagtahay in cunnada laga waayo mooska, waxaan dhihi karnaa moosku waa mid kamida cunto dhaqameedka Soomaalida. Kaliya soomaalidu ma jecla mooska ee wuxuu kamid yahay faakihooyinka aduunka loogu jecelyahay.

Mooska waxa ka buuxa macdanada Potassium, Faytamiin C iyo Fiber. Xabada yar ee Mooska waxa ku jira 60 Calories, sidoo kale Moosku malaha wax kolestaroola iyo dux aad u badan toona.

Mooska sidiisa waa loo cuni karaa, waxaana lagu dari karaa faakihoyin kale iyo khudaartaba, waxa kale oo laga dhigi karaa casiir. Bisha barakaysan ee Ramadaana waxaad Mooska ugu raaxaysan kartaa dhawr qaab oo kala duwan:

Tusmo

Casiirka Caano Muuska.

Waxa lagu talinayaa in caanuhu ay ka madhnaadaan dufanka si loo yareeyo Calories ka. Maadaama casiirkan ay caano ku jiraan waxa ku badan macdanta Calsium (Kalsiyum).

Casiirka Mooska iyo liinta ama canbaha.

Moos iyo farawlaha

Mooska ayaa la jarjarayaa kadibna waxaad ku daraysaa faakihooyin kale sida farwlaha iyo Cananaaska.

Moos iyo Sallaato

Mooska oo salladhka ama sallaatada lagu daro sida dhaqan soomaaliga.

Casiirka Mooska markaad diyaarinayso iska ilaali inaad sonkor ku darto sababtoo ah moosku isagaa wata macaankiisa dabiiciga ah, sonkorta lagu daraana waxay kordhinaysaa Calories ka iyo halista inay badato bakteeriyada suuska ku dhalisa ilkaha.