Qajaarku waa khudrad fiican Ramadaanka maadaama ay ka buuxdo biyo, kaasoo daminaya harraadka ama oonka. Qajaarka waxa ku jira fiber kaa caawinaya inaad dharagto sidoo kale waxa ku yar duxda iyo milixda iyo kaloriga (calories).

Qajaarka waxa la cuni karaa isagoo sidiisa ah iyo ayadoo la jarjaray oo lagu daray salladh ama salaato. Qajaarku wuxuu u fiicanyahay caafimaadka, mana kacabsoonaysid baruur iyo cusbo toona.

Tusmo

Qaabka loo isticmaalo:

  • Qajaarka waxa lagu talinayaa in lagu cuno haragiisa si loo helo fiber badan, waa hadii haraga qajaarka aanu la soconin ciid ama carro.
  • Waxaad iibsan kartaa xabad wayn kadibna laba qaybdood ayaad u kala jaraysaa kadibna hoosta ayaad ka daloolinaysaa, waxaadna ku guraysaa yaanyo iyo tkhudaar kale.