Bogga caanka ee Webmd.com ayaa shaaca ka qaaday cuntooyin qofka ka caawinaya inuu kordhiyo xasuustiisa. Shaki kuma jiro markasta oo cimrigeenu waynaado in xasuusteenu ay is dhimayso balse arrinta xiisaha leh waxay tahay inay jirto jaanis aad ku hagaajin karto bad qabka maskaxda, hadii aad nidaamka cuntadaada aad ku darto cuntooyin iyo cabitaano u fiican maskaxda iyo maanka.

Tusmo

Qaxwahu wuxuu kaa dhigi karaa qof taxadar iyo soojeed leh.

Majiro wax kordhin kara heerka garaadkaaga sida qaxwaha oo kale. Qaxwuhu wuxuu ku galinayaa firfircooni, wuxuuna kaa caawinayaa in xasuustaado ay joogto ahaato. Kaafeegu wuxuu ku jiraa qaxwaha, shukulaatada, cabitaanada tamarta ah iyo qaar kamida daawooyinka. Kaafeegu wuu kusoo jeedin karaa, balse saamayntiisu waa mid waqti dhow ah. Hadii aad isku badiso cabitaanka kaafeega wuxuu kugu sababayaa warwar iyo raaxo la’aan.

Sonkortu waxay xoojisaa feejignaanta.

Sonkortu waa shiidaalka maskaxdaadu jeceshahay, sonkortu maaha ta miiska saaran ee waa sonkorta guluuska (glucose) loo yaqaano, taasoo jidhkaagu kala soo baxo macmaanka aad cunto iyo kaarbohaydraytka. Sidaa darteed ayaa koob casiirka liinta ah iyo casiirada kaleba ay u kordhin karaan xasuusta, fakarka iyo awooda maskaxdaba.

Hadaad isku badiso (sonkorta) waxay dhibaato u gaysan kartaa xasuusta sidaa awgeed iska yaree sonkorta dheeraadka ah ee aad ku darayso casiirka sababtoo ah waxay sababaan cudurada wadnaha iyo xididaba.

Quraacdu waxay quudisaa maskaxdaada.

Quraacda miyaad ka boodaa? Diraasado la sameeyey waxay cadeeyeen in cunida quraacdu ay xoojiso xasuusta iyo feejignaanta waqtiga dhow. Ardayda cunta quraacda iyo kuwa aan cunin waxa shaqadoodu fiicantahay ardayda soo quraacda. Cuntooyinka ugu sareeya ee maskaxda quudiya waxay cilmi baadhayaashu ku sheegeen cuntooyinka fiberka leh, badarka iyo faakihooyinka. Kaliya ha isku badinin, sababatoo ah waxa la ogaaday in cuntooyinka fiberku ku badanyahay ay xakameeyaan xasuusta.

Waxaan dhahay: sababta Ilaahay inoo faray inaan suxuurano oo walib dib loo dhigo oo la galiyo booskii quraacda waxay inoo cadaynayda muhiimada quraacda xataa marka la soomayo.

Kalluunku waa quudka maskaxda.

Borotiinka ugu fiican ee maskaxdu waa kalluunka ay ka buuxda duxda Omega 3, taasoo lagu tiriyo inay lagama maarmaan u tahay caafimaadka maskaxda. Duxdan waxay yaraysaa khatarta inuu qofku asaasaqo ama in maskaxda uu dhiig ku furmo, waxay kale oo ay door muhiima ka qaadataa xoojinta xasuusta, gaar ahaan marka cimrigeenu waynaado. Todobaadkii laba jeer cun kalluunka ama malayga.

Lwaska iyo Shukulaatada

Lawska iyo mirahu waa il wanaagsan oo laga helo antioxidant fitamiin E, kaasoo lagu xiray daraasadaha qaarkood hoos u dhaca garashada marka aad sii gabowdaba. Shukulaatada madow waxay sidoo kale leedahay awood badan oo antioxidant taasoo ka hortaga sunta, waxay kale oo ka kooban tahay kiciyayaal dabiici ah sida kafeyn, kuwaas oo xoojin kara xasuusta.

Cunida faakihada Afokaadhaha.

Dhamaan xubnaha jidhkeenu waxay ku xidhanyihiin wareega iyo isu socodka dhiiga gaar ahaan maskaxda iyo wadnuha, cunida faakihada afokaadhadu waxay yarayn kartaa khatarta wadna xanuunka iyo kolostaroolka kiisa xun.

Cinabka buluuga ah waa cunto fiican.

Cilmi baadhisyo lagu sameeyey xaywaanaatka waxay sheegaysaa in cinabka buluuga ah uu ka hortago cudurada Alzheimer iyo xasuusta oo qofka ku yaraata. Diraasadu waxay kale oo cadaysay in cunida cinabka buluuga ah uu kordhiyo firfircoonida iyo waxbarashada xaywaanka jiirka ama dooliga kaasoo lamid noqda xaga maskaxda jiir ama dooli da’diisa aad uga yar.

Muhiimada ay leedahay cuntooyinka isu dheeliga tiran.

Cuntada aad cunayso hadii ay ka maqantahay nafaqooyinka lagama maarmaanka ah waxa kugu yaraanaya xasuusta. Hadii aad isku badiso cuntada ama hadii aad isku yarayso labaduba waxay keenaan in xasuustu hoos u dhacdo. Cuntada badan waxay kugu keenaysaa daal iyo tacbaanimo, halka cuntada yarna ay kugu keenayso inaad dareento gaajo ama baahi.

Ma rabtaa inaad kordhiso xasuustaada? Sidan yeel…

  1. ku bilow cuntadaada casiirka faakihadiisu tahay 100%
  2. Rooti ama kimis iyo kalluunka Salmon.
  3. Hal koob oo qaxwe ah.
  4. Cuntadaadu ha noqoto mid isu dheeli tiran oo nafaqooyinka oo dhan laga helayo.
  5. Habeenkii si fiican u seexo.
  6. Biyo badan Cab.
  7. Jimicsi ku samee xasuusta fikirkaaga.
  8. Samee nasasho.

WQ: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: webmd.com