Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

تَسَحَّرُوا فَإِنَّ فِي السَّحُورِ بَرَكَةً رواه البخاري (1923) ، ومسلم (1095).

“Suxuurta maxaayeelay suxuurta waxa ku jira barko”

Haayada Caafimaadka Aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo la dhaho WHO ayaa adkaysay muhiimada ay leedahay suxuurtu iyo in dib loo dhigo intii la awoodo.

Waraysi lala yeeshay Dr Ayoub Aljawaldeh oo ah la taliyaha gobolka ee cuntada ayaa wuxuu yidhi:

Tusmo

Afurta:

Afuku waa inoo noqdaa cunto fudud sida koob biyo ah iyo sadex xabo oo timira, sodon daqiiqo kadibna la cuno cuntadii waynayd oo isu dheeli tiran, taasoo ka kooban karbohaydarate (bariiska, rootida iyo khudaarta) iyo borotiin sida hilibka gaar ahaan hilibka kalluunka iyo digaaga (doorada) maadaama ay cunidoodo fududahay.

Waxa waajiba inaad ka fogaato cuntooyinka milixdu ku badantahay iyo cabitaanada soodhaha leh (coca cola), cuntaduna waa inay tahay fresh ama darray ah.

Ka fogow xilliga afurta inaad cunto cunno aad u badan, sababtoo ah calooshu xilligan way yartahay. Hadii aad ku gurto cunto badan waxaad si kadis ah u waynaysa calooshii, waxaana ka dhalan kara mushkilado xaga caloosha ah. Afurta fudud kadib waa inaad sugtaa sodon daqiiqo kadibna aad cuntaa cuntadii waynayd.

Suxuurta:

Suxuurtu waa cunto lagama maarmaan ah waana in dib loo dhigaa, cuntadana waa inay ku jirtaa karbohaydarate oo ay badantahay fiber keedu sida khubusta, rootida, xabuubta, fuulka, faakihooyinka, muuska, waxa kale oo muhiima koob caano ah. Cuntadaasi waxay kahor tagaysaa gaajada iyo harraadkaba, maadaama ay ku jirto botaasiyuum.

Biyaha:

Waa muhiim inaad ku afurto koob biyo ah si caloosha aad u nadiifiso. Si aanad maalintii u harraadin waa inaad cabtaa biyo habeenkii ilaa laba litir inaad habeenkii cabto.

Qaabkan u habee cuntadaa:

  • Afuru fudud
  • Cunto dhamaystiran (casho fiican).
  • Macmacaan ama shaah, ilaa laba saacadood kadib cuntadii waynayd.
  • Suxuur isu dheeli tiran.

Maalintii jimicis fudud waad samayn kartaa sida socodka, balse jimicsiga wayn waa inuu noqdaa habeenkii marka la casheeyo kadib.