Tusmo

Hanblyada Ciida

Ugu horeyn, munaasabad farxad ciidul fidrida awgeed waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi karayn u dirayaa walaalada ku xidhan boggan Gaaldiid iyo dhamaan muslimiinta daafaha aduunka jooga.

Waxa Ilaahay inoo dhamaystiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxaanan Ilaahay waydiisanaynaa inuu camaladii saalixa ahaa inaga aqbalo, danbiyadeeniina ku dhaafo, arzaaqadana inoogu waasiciyo, waxaan kale oo aan Ilaahay ka baryeynaa inuu sanadkan sanadkiisa kalena inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo. Hanbalyo, kullu caam wa antum bil khayr, taqabbala allahu minnaa wa minkum saalixa al-acmaal.  Munaasibada ciida awgeed waxaan idin la wadaagaynaa qisadan oo xikmad ay ku dheehantahay

Qisadii (Shanni iyo Dabaqo way is waafaqeen)

Shanni wuxuu ahaa nin caraba oo garaad badnaa, wuxuuna ballan ku galay inuu guursado gabadh sidiisoo kale maskax badan, kadibna wuu baxay isagoo raadinaya gabadhii ku haboonayd. Intii uu jidka kusii jiray ayuu la kulmay nin isaguna safar ahaa, wayna is raaceen, markaasuu Shanni ku yidhi ninkii: Ma adigaa i xanbaaraya, mise anigaa ku xanaabaara? Ninkiibaa dhahay: waar maxaa kaa xun, sawdigan saaran geelaaga!

Labadii nin way sii socdeen, waxaana kasoo hor baxay beer wayn oo dalageedii soo go’ay, markaasuu Shanni yidhi: beertan mala cunay mise lama cunin? Ninkiibaa yidhi isagoo yaaban: waar maa jaahilbaad tahay, sawdigan arka in beerta dalageedii soo baxayba, sidee loo cunay!

Markii ay labadii nin magaaladii usoo dhowaadeen ayey arkeen mayd janaasadiisii la sido, markaasu Shanni dhahay: Maydkaasi miyuu dhintay mise wuu noolyahay? Ninkiibaa cadhooday oo dhahay: Waar jaahiloow, maydba weeyee siduu u noolyahay!

Markii magaaladii ay galeen ayaa ninkii marti qaaday Shanni, wuxuuna geeyey gurigiisii. Ninkiibaa wuxuu u tagay gabadh uu dhalay, wuxuuna u sheegay in ninkan la socdaa jaahil yahay oo uu waydiiyey su’aalo waaliya. Gabadhii ayaa tidhi: aabo ma waalnee, ee anigaa kuu fasiraya su’aaluhu ku waydiiyey:

Markuu ku dhahay: Ma i xanbaari ama aan ku xanbaaro, wuxuu uga jeedaa ma adigaa ii sheekaynaya mise anaa kuu sheekeeya! Markuu ku dhahay beerta miyaa la cunay, wuxuu uga jeeday beerta miyaa la iibiyey oo lacagtii la kala qaatay, markuu ku dhahay: maydku miyuu noolyahay mise wuu dhintayna, wuxuu uga jeeday; ma cidbuu ka tagay mise wuu goblamay.

Ninkiibaa kusoo laabtay Shanni oo uga warramay jawaabihii loo soo sheegay, markaasuu Shanni yidhi: waar adigu aqoon umaad lahayn, yaa kuu fasiray? Wuxuu dhahay: inantayda ayaa fasirtay.

Dabadeedna Shanni ayaa gabadhii doonay, waana loo guuriyey. Gabadha waxa la dhihi jiray Dabaqo, kolkaasbaa carabtiina maahmaah ay ka dhigteen (Shanni iyo Dabaqo way is waafaqeen)