Assalaama Calaykum Walaalayaal!

Dhamaan Muslimiinta waxaan ugu hanbalyaynaynaa munaasabada Ciida Wayn ee Ciid Al-adxaa. Meel kasta ood joogtaan walaalayaal ku ciida farxad, bashabash iyo barwaaqo. Ilaahay ha inaga aqbalo camaladii aynu la nimid maalmihii tagay ee khayrka badnaa, danbigeena iyo kii waalidkeena ha dhaafo, aduun iyo aakhiraba kuwii guulaysta Alle ha inaga yeelo, kuwii naarta laga xoreeyay Alle ha inaga yeel, khaatumada khayr Ilaahay ha inoogu khatimo, Sanadkaa sanadkiisa Ilaahay caafimaad iyo camal wanaagsan ha inagu gaadhsiiyo.