Tusmo

Waa maxay calaamadaha lagu garanayo habeenka Laylatul Qadriga?

Habeenka Laylatul qadrigu wuxuu ku jiraa bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan tobanka danbe. Waxa kale oo nabigu (scw) ina faray inaynu aad ugusii dadaalno habeenada witriga ah ee tiradu tahay kinsi sida habeenka 21 aad, 23 aad, 25 aad, 27 iyo habeenka 29 aad.

Culumada Islaamku waxay dhaheen: Habeenka Laylatul Qadrigu waa habeen guurguura, sanadba wuxuu ku beegmi karaa habeen ka duwan habeenadii hore, sidaas awgeed tobanka danbe in cibaadada lasii xoojiyo waa lagama maarmaan, si aad ugu guulaysato habeenkaas oo ka khayr badan kun bilood.

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ تَحَرَّوْا لَيْلَةَ الْقَدْرِ فِي الْوِتْرِ مِنْ الْعَشْرِ الْأَوَاخِرِ مِنْ رَمَضَانَ

Caasha ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Rasuulkii (scw) dhahay: “ka baadha habeenka Laylatul Qadriga tirooyinka kinsiga ah ee tobanka danbe ee Ramadaan” [Bukhaari: 1913 iyo Muslim: 1998 ]

Calaamadaha lagu garto  habeenka Laylatul-Qadriga:

Waxa jira calaamado lagu garto habeenka Laylatul-Qadriga inta lagu gudo jiro iyo marka habeenku dhamaadaba, waxaana kamid ah:

  • Waa habeen samadu saafi tahay.
  • Waa habeen iftiimaya oo la moodo in dayaxu nuurayo.
  • Waa habeen aan qabow iyo kulayl toona jirin.
  • Waa habeen dagan oo dabayshu yartahay.
  • Habeenkaas dayaxu wuxuu usoo baxaa isagoo la moodo saxan ama baafka cuntada lagu cuno kala badhkiisa.

Waxaana u daliila xadiisyadan:

Daliilka 1aad:

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ ، عَنِ النَّبِيِّ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ –فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ : ” لَيْلَةٌ طَلْقَةٌ ، لَا حَارَّةٌ وَلَا بَارِدَةٌ ،

“Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu nabiga kasoo wariyey (scw): “Habeenka Laylatu-Qadrigu waa: habeen nuuraya, maaha kulayl mana aha qabow” [Saxiix ibnu Khusaymah: 2192 ]

Daliilka 2aad:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” إِنَّ أَمَارَةَ لَيْلَةِ الْقَدْرِ أَنَّهَا صَافِيَةٌ بَلْجةٌ ، كَأَنَّ فِيهَا قَمَرًا سَاطِعًا سَاكِنَةٌ سَاجِيَةٌ ، لَا بَرْدَ فِيهَا وَلَا حَرَّ..

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “calaamada habeenka Lalatul Qadrigu waa habeen saafiya oo iftiimaya, waxaad moodaa in dayax nuurayaa soo baxay, wayna dagantahay oo xasiloontahay, ma qabooba mana kulula” [Musnadka Imaamu Axmed: 22152]

Daliilka 3aad:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: تَذَاكَرْنَا لَيْلَةَ الْقَدْرِ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ أَيُّكُمْ يَذْكُرُ حِينَ طَلَعَ الْقَمَرُ وَهُوَ مِثْلُ شِقِّ جَفْنَةٍ

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: waxaanu ka sheekaysanay habeenka Laylatul Qadriga anagoo joogna Rasuulka (scw) agtiisa, wuxuuna dhahay: “Ma idinku jiraa qof garanaya marka dayaxu usoo baxo isagoo la moodo saxan kala badhkiis” [Saxiixu Muslim: 1170 ]

Dabcan dayaxu wuxuu saxan kala badhkiisa noqdaa tobanka danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Calaamadaha Laylatul Qadrigu markuu dhamaado:

  • Marka waagu baryo habeenkii Laylatul Qadriga kadib waxay qorraxdu soo baxdaa ayadoo saafiya.
  • Qorraxdu waxay soo baxdaa ayadoo aan shucaac ama ilays lahayn.
  • Qorraxdu maalintaas waxay usoo baxdaa ayadoo midabkeedu cas yahay oo tamar yar.

Waxaana u daliila:

عَنْ زِرٍّ قَالَ قُلْتُ لِأُبَيِّ بْنِ كَعْبٍ أَنَّى عَلِمْتَ أَبَا الْمُنْذِرِ أَنَّهَا لَيْلَةُ سَبْعٍ وَعِشْرِينَ قَالَ بَلَى أَخْبَرَنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهَا لَيْلَةٌ صَبِيحَتُهَا تَطْلُعُ الشَّمْسُ لَيْسَ لَهَا شُعَاعٌ فَعَدَدْنَا وَحَفِظْنَا وَاللَّهِ لَقَدْ عَلِمَ ابْنُ مَسْعُودٍ أَنَّهَا فِي رَمَضَانَ وَأَنَّهَا لَيْلَةُ سَبْعٍ وَعِشْرِينَ وَلَكِنْ كَرِهَ أَنْ يُخْبِرَكُمْ فَتَتَّكِلُوا قَالَ أَبُو عِيسَى هَذَا حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ

Zirr waxa laga wariyey inuu ku yidhi Ubayy ibnu Kacab: wuxuu Aba Mundur noo sheegay inay tahay habeenka 27 aad, wuxuu yidhi: Haa, wuxuu Rasuulkii Ilaahay noo sheegay (scw) “inay tahay habeenka subaxiisu qorradu usoo baxdo ayadoon shucaac lahayn, markaasaanu tirinay oo xifdinay.” Ilaahbaan ku dhaartee, ibnu Mascuud wuu garanayaa inay Ramadaan ku jirto, walibana ay tahay habeenka 27 aad, hase ahaatee wuxuu karaahiyeystay inuu idiin sheego oo aad is daysataan. [Tirmadi: 793]

WQ: Abdulaziz Mohamed Oogle