Dad badan ayaa ka cawda khuurada, mararka qaarna codka khuurada ayaa sare u kaca taasoo huradada ka kicisa dadka hareertiisa hurda iyo xataa ruuxii khuurinayayba. Khuuradu waxay dhib ku keentaa lamaanaha is qaba iyo ruuxa khuurinayaba, kasoo huradadu ay ku adkaato.

Waxa jira dawooyin la iibiyo oo loo adeegsado kahortaga khuurada hase ahaatee dhakhaatiirta ayaa ka digaysa in dawooyinkaas la gato, maadaama aanay ku dhisnayn hab cilmiyeysan iyo cilmi baadhis lagu kalsoonyahay.

Si kastaba ha ahaatee bogga “Daily Health Post” ayaa sheegay inay jirto casiir ama cabitaan fudud oo guriga lagu samayn karo inay joojinayso khuurada sidoo kalena ay hagaajinayso hawo mareenka.

Casiirkuna wuxuu ka koobanyahay liin daray ah, sanjabiil, laba xabo oo tufaaxa iyo laba xabo oo kaaroota ah ama dabcase.

Tusmo

Cabitaanku wuxuu ka koobanyahay:

 

  • ΒΌ Rubuc liin daray ah.
  • 1 2- Sanjabiil.
  • 2 Tufaaxa.
  • 2 Kaaroote/Dabcase.

 

Qaabka aad isugu darayso:

  • Nadiifi dhamaan faakihooyinka.
  • Jeexjeex Sanjabiisha oo ka dhig wax yar.
  • Haraga ka saar tufaaxa iyo liinta, kadibna jarjar.
  • Isku dar dhamaantood.
  • Cabitaankan waxaad cabtaa dhawr saacadood kahor intaanad seexan.
  • Hadii dhadhanku xooganyahay, waxaad ku dartaa hal qaaddo ama malqacad malaba.
  • Ku raaxayso cabitaanka.

Liintu: way adagtahay in cuno maadaam ay leedahay (acid) aashito, hase ahaatee aashitada ayaa fudaydinaysa wadada hawadu soo marto.

Sanjabiishu waxay wadataa anitibiyootika, waxayna daawaysaa caabuqa, waxayna nadiifisaa xabka ku jira marinka sanka xilliga qaboobaha.

Tufaaxu wuxuu wataa citric acid, kaasoo awood uleh inuu suuliyo dhamaan xabka ku jira hawo mareenka. Sidaas darteed ayay fanaaniintu si maalinle ah u cunaan tufaaxa si codkoodu saafi unoqdo.

Kaarootadu waxa ka buuxa Fitamin A, kaasoo kaa caawinaya in maqaarka iyo xuubka sanku ay caafimaad qabaan. Isku daridda fitamiin C iyo fitamiin E, waxay ka hortagi karaan kansarka sanbabada iyo caabuqyada ku yimaada hawo mareenka.’

Dadka qaba xasaasiyadu waa inay iska ilaaliyaan waxyaalaha ku kicinaya xasaasiyada sababtoo ah cunista cuntooyinka xasaasiyada aad ku leedahay ayaa gacan ka gaysan kara inaad khuuriso habeenkii.

Hadii dhibtu badantahay isku day inaad qaadato qubays diirmaada iyo inaad sanka ku buufiso daawada sanka furta (neti pot). Waxaana muhiima in sankaaku qallalanyahay si aad uga hortagto in duuf ku dhago sanka oo ay adkaato neefsigu.


Xigasho:

Daily Helth Post