Assalaama Calaykum, waxa dugsiga Nasteex Online School ugu bishaaraynayaa dadwaynaha jecel waxbarashada diintooda macaan inay diyaartahay laba koorso oo mid kastaba muhiim u ah aqoontaada diinmeed, koorsada 1aad waa koorsada Tajwiidka iyo koorsada barashada luuqada Carabida.

Tusmo

Koorsada Tajwiidka

Tajwiidku waa cilmi waajib ah in la barto si loo saxo akhrinta kitaabka Ilaahay ee Quraanka, waa cilmi lagu baranayo xaraf kastaba xaqa uu leeyahay iyo wuxuu mudan yahay. Koorsadan waxay socon doontaa inshallah mudo 3 bilooda, waxaanad baranaysaan kitaabka Hidaayatu Al-Mustafiid. Todobaadkii 5 maalmood ayaa la baranayaa koorsadan, casharkuna wuxuu qaadanayaa ugu badnaan 1 saac iyo 10 daqiiqo.

Koorsada Carabida

Carabidu waa luuqada diinta islaamku ku qorantahay haday quraanka tahay iyo culuumta kale ee shariicada islaamka, waana lagama maarmaan in la barto luuqadan. Kitaabka aad baranaysaan waa kitaabka loo yaqaano (العربية بين يديك) Qeybtiisa 1aad, waxaad ku dhamaynaysaa mudo sadex bilooda. Waxa lagaa dhisayaa dhinaca wax akhriska, qorida iyo fahankaba.

Tiknaloojiyada aan adeegsano

Casharka waxa lagu bixinayaa qaab online ah oo ardayga loo sharraxayo siduu u adeegsan lahaa maalintuu bilaabo waxbarashada. Waxaad casharka kala socon kartaa Kombiyuutarkaaga, Tabska ama telefoonka.

Waxaad sidoo kale lasoo dagi kartaa Application ka dhanka telefoonda iyo tabskaba. Waxaanad ka helaysaa Play Store iyo Itunes labadaba.

Casharradu waa kuwo duuban

Dhamaan casharradu lagu qaadanayo koorsadan waa kuwo duuban oo dib loo heli karayo, waxa kale oo jira waydiimo, halxidhaalayaal iyo imtixaan la iska qaadi doono marka kitaabku idiin dhamaado.

Guruubka Ardayda:

Fasalkasta wuxuu leeyahay guruub dhanka Whatsupka ah, halkaasoo loo soo dhigayo linkiga casharka la qaadanayo maalintaas. Waa muhiim in ardaykasta guruubkan ku jiro si uu macalimiinta ula xiriiro iyo si uu uhelo casharka la qaadanayo.

Mudada la baranayo Koorsadan:

Koorsadan waxay soconaysaa 3 bilood, todobaadkii shan maalmood ayaa la qaadanayaa casharrada, maalintiiba hal saacad. Marka koorsadu dhamaato shahaadooyin ayaa la gudoonsiin doonaa ardayda ka qalinjabisa koorsada Tajwiidka iyo koorsada Carabida.

Qiimaha Koorsadan:

Koorsadii kasta ardayga waxa laga qaadayaa 50 dollar oo qadin ah, sadexda bilood isu gayn waa 150 dollar. Hadii labada koorso aad isku baranayso isugayn waa 300 dollar. Lacagta fiiga bishiiba 50 waad bixin kartaa, waanad isku dari kartaa oo halmar waad bixin kartaa. Wixii faahfaahina kala xiriir macallimiinta dugsiga.

Qalabka Ardaygu ubaahanyahay:

Ardaygu kaliya wuxuu u baahanyhay inuu haysto kombiyuutar ama telefoon shaqaynaya. Waana inuu haysto internet fiican, si uu casharrada ugu qaato sida ugu fudud.

Kitaabka Tajwiidka  ama Carabida uma baahnid inaad soo gadato, waxaan kuu haynaa ayagoo ah PDF, hadaad guriga ku haystana waa mid aad u fiican. Waxa ardaygu u baahanyahay sidoo kale kitaab uu ku qoro waydiimaha macallinku waydiiyo.

Qaabka Casharka loo qaadanayo:

Ardaydu waxay soo galayaan qolka loogu talo galay inay wax ku bartaan, kaasoo linkigiisa maalin kasta lasoo dhigayo guruubka ardayda. Markay gaadho xilligii loo qoondeeyey in casharku baxo, waxa bilaabmaysa darsigii.

Macalinku waxa ugu horeeya ee uu ku bilaabayo waa (Xaadiriska), kadibna casharradii hore ayuu ardayda wax ka waydiinayaa.  Dabadeedna casharkii ayaa la qaadanayaa mudo 40 daqiiqadood ah, wixii ka danbeeyana waa su’aalaha ardaydu macalinka waydiinayaan iyo sharraxaad dheeraada ama hal xidhaale macalinku waydiin doono ardayda.

Jadwalka Koorsada Tajwiidka

Maalmaha Saacada EU Saacada UK
Sabti 20:00 19:00
Axad 20:00 19:00
Salaasa 20:00 19:00
Arbaca 20:00 19:00
Jimce 20:00 19:00

Fiiro Gaara: Maalmaha Isniinta iyo Khamiista waa fasax.

Jadwalka Koorsada Carabida

Maalmaha Saacad EU Saacada UK
Isniin 21:00 20:00
Salaasa 21:00 20:00
Arbaca 21:00 20:00
Khamiis 21:00 20:00
Jimce 21:00 20:00

Fiiro Gaara: Maalmaha Sabtida iyo Axada waa fasax

 

Macallimiinta dhigaysa Koorsooyinkan:

Macalin: Sheekh Abdifatah Osman

Macalin: Sheekh Abdulaziz Oogle

Macalin Sheekh Ahmed Dhagaxtuur

Faahfaahin Dheeriya:

Wixii Faahfaahin dheeriya waxaad la xiriirta telefoonadan hoos ku qoran:

Sheekh Abdulaziz Oogle 0046760552713

Sheekh Abdifatah Osman 00966509880497

Sheekh Dhagaxtuur 00447400092871

Halkan iska Diiwaangali

Is diiwaangali koorsada Tajwiidka iyo Carabida