Su’aal:

Asc Dhaman waxaan raba sheekha inan suaal waayiidyo sheekhow hortii waxan ahay wiil dhalin yara ah oo welba diinta aad ujecel lkn shantayda salaadood marnaba igama tagto waqtgyga wan qaata oo waan cibaadeysta xata habeenki laba sunna ah baa n tukada intaana seexan lkn laba habeen oo isku xigta aya mucjiso isku arkey habeenkii koo inyaro biya ah ba iga yimid habeenkii lbaadna waa biyo dhacdey oo dabcan waa dareemi shahwada toos iiga timid xaqa lagama xishoodo sheekhow intaas maxa xal u ah taasa ku waydiine ani weli waxsaana iguma dhicin welgey ha een igama iman maxaase ku waajibaya qubays baa haddii ay kaa timaado akhii muslim intaas iga jaahil saar wa salaamu calaykum waraxmatuLLAAH. Mahadsanidin

Jawaab:

Bismillah, marka hore waxaan ku ogaysiinaynaa in shahwada timaada xilliga qofku uu hurdo rag iyo dumarba inay tahay arrin dabiiciya oo bani aadamku uu arko, waana calaamad ku tusinaysa in ruuxaas uu qaangaadhay. Biyahaas imanaya isagoo qofku riyoonayana wax danbi ah kuma laha shakhsigu sababtoo ah wuu hurdaa, haduu qofku hurdana waxa laga dul qaaday qalinka siduu Rasuulku (scw) inoo sheegay.

عن علي : أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” رفع القلم عن ثلاثة عن النائم حتى يستيقظ وعن الصبي حتى يشب وعن المعتوه حتى يعقل ” .رواه الترمذي ( 1343 ) وابن ماجه ( 3032 ) والنسائي ( 3378 ) .

Cali waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Sadex ayaa laga dul qaaday qalinka, ruuxa hurda illamaa uu ka kacayo, iyo ilmuhu illamaa uu ka qaangaadhayo iyo qofka waalan (maskaxda ka jirran) uu ka caafimaadayo” Waxa soo saaray Tirmadi iyo Ibnu Maajah.

Dhanka kale Ilaahay wuxuu ka dhigay shahwadaas riyada lagu arkayo calaamad ku tusinaysa in ilmuhu qaangaadhay rag iyo dumarba waxaanu Allah leeyahay:

{ وإذا بلغ الأطفال منكم الحلم فليستأذنوا ….} النور / 59 .

” {Hadii caruurtu ay gaadhaan xulmiga (shahwada riyada) ha idan dalbadaan…) Suurada Nuur/59

Markaa shahwadaasi hadii ay tahay mid xaaraam ah Ilaahay kamabuu dhigi lahayn calaamad kamid ah calaamadaha lagu qaangaadho, ee waa dareen shahwadeed oo qofka hurda ka imanaysa oo dabiiciya oo rag iyo dumarba markay qaangaadhaan ay isku arkaan, sida nabigeena laga warinayo:

عن زينب ابنة أم سلمة : عن أم سلمة قالت : ” جاءت أم سليم إلى رسول الله صلى الله عليه وسلم فقالت : يا رسول الله ، إن الله لا يستحيي من الحق فهل على المرأة من غسل إذا احتلمت ؟ قال النبي صلى الله عليه وسلم : نعم إذا رأت الماء ، فغطَّت أم سلمة وجهها وقالت : يا رسول الله أو تحتلم المرأة ؟ قال نعم تربت يمينك فبم يشبهها ولدها ؟ ” . رواه البخاري ( 130 ) ومسلم ( 313 ) .

Waxa laga wariyey Zaynab inantii Umusalama inay ka warisay Umusalam inay tidhi: “Umu Sulaym ayaa utimid Rasuulkii Ilaahay (scw) waxayn tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay xaqa kama xishoodo ee gabadha qubays ma ku waajibayaa hadii ay ixtilaamto (shahwad aragto ayadoo huruda)? wuxuu dhahay nabigu (scw): Haa, hadii ay aragto biyo, markaasay Umu salama wajigeeda daboolatay oo ayna tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow miyey haweenaydu riyootaa (shahwad aragtaa)? wuxuu dhahay: “Haa, gacantaadu boodhawdaye ee sideebuu ilmaheedu ugu eekaadaa ayada?” [Bukhaari iyo Muslim]

Sidaas awgeed hadii ninku arko biyo (mani) ama gabadhuba waxa ku waajibaysa inay qubaystaan, oo u qubaystaan sida janaabada looga qubaysto, meeshii qoyaankaasi taabtayna waa ina dhaqaa ama la maydhaa. Hadii aanu ruuxu arkin biyo ama qoyaan toona kolkaas qubays kuma waajibayo.

عن عائشة قالت : سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الرجل يجد البلل ولا يذكر احتلاما قال يغتسل وعن الرجل يرى أنه قد احتلم ولم يجد بللا قال لا غسل عليه قالت أم سلمة يا رسول الله هل على المرأة ترى ذلك غسل قال نعم إنما النساء شقائق الرجال ” . رواه الترمذي ( 113 ) وأبو داود ( 236 ) .قال العجلوني :قال ابن القطان : هو من طريق عائشة ضعيف ومن طريق أنس صحيح .” كشف الخفاء ” ( 1 / 248 ) .

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: waxa la waydiiyey Rasuulkii Ilaahay (scw) ninka helaya qoyaan ee aan sheegina ixtilaam wuxuu dhahay: “wuu qubaysan” iyo ninka arkaya inuu ixtilaamay (shahwo ku riyooday) ee aan qoyaana helin, wuxuu dhahay: “Qubays korkiisa maaha kaas” Umu salamana waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, hadii gabadhu ay aragto kaas oo kale ma qubaysanaysaa? wuxuu dhahay: haa, dumarku waxa un lamid yihiin raga.

Markaa ninku iyo gabadhu hadii ay shahwo ku riyoodaan oo aanay wax qoyaan ah isku arkin kolkaas waajib kuma ah inay qubaystaan, hadii ay biyo ama qoyaan isku arkaan kolkaas way qubaysanayaan qubayska janaabada, meeshii qoyaankaasi asiibayna waa la daahirinayaa intii la awoodo.

Tusmo

Qaabkee looga qubaystaa Janaabada, daawo muuqaalkan: