Dabcan soonka qallaha ah waa soon lagugu leeyahay waan soon dayn ah halka soonka carafo, caashuuraa iyo maalmaha hore ee Dulxaj ay ka yihiin sunne. Culumada Islaamku way isku khilaaftay, qaar kamida way xarrimeen in soon sunne ah lala yimaado ayadoo Ramadaan lagugu leeyahay, qolo kalena way banaysay.

Sheekh binu Cuthaymiin Ilaahay ha unaxariistee wuxuu yiri:

 بالنسبة للصيام الفريضة والنافلة لا شك أنه من المشروع والمعقول أن يبدأ بالفريضة قبل النافلة ، لأن الفريضة دَيْنٌ واجب عليه ، والنافلة تطوع إن تيسرت وإلا فلا حرج ، وعلى هذا فنقول لمن عليه قضاء من رمضان : اقض ما عليك قبل أن تتطوع ، فإن تطوع قبل أن يقضي ما عليه فالصحيح أن صيامه التطوع صحيح مادام في الوقت سعة ، لأن قضاء رمضان يمتد إلى أن يكون بين الرجل وبين رمضان الثاني مقدار ما عليه ، فمادام الأمر موسعا فالنفل جائز ، كصلاة الفريضة مثلا إذا صلى الإنسان تطوعا قبل الفريضة مع سعة الوقت كان جائزا ، فمن صام يوم عرفة ، أو يوم عاشوراء وعليه قضاء من رمضان فصيامه صحيح ، لكن لو نوى أن يصوم هذا اليوم عن قضاء رمضان حصل له الأجران : أجر يوم عرفة ، وأجر يوم عاشوراء مع أجر القضاء…” مجموع فتاوى ابن عثيمين (20/438)

Markaynu eegno soonka faralka ah iyo soonka sunnada ah, waxaan shaki ku jirin inay sharci tahay caqliga ay galayso in faralka laga horeysiiyo sunnaha, sababtoo faralku waa dayn waajiba oo lagu leeyahay, soonka kalena waa sunne hadii ay fududaato hadii kalena dhib majiro. Sidaa darteed waxaan leenahay: Qofkii lagu leeyahay qallihii Ramadaanta, qallaha la imo kahor intaanad sunne soomin, hadiiba sunno soomo kahor isagoo aan qallaynin Ramadaankii, soonkiisu wuu ansaxayaa maadaama uu waqti balaadhan uu haysto, sababtoo ah qallaha ramadaan wuxuu soconayaa ilaa ramadaanka kale la gaadhayo, maadaama waqtigu balaadhanyahay soonka sunnaha waa banaanyahay. Waa sida salaada faralka oo kale, haduu qofku tukado salaad sunne ah kahor tii faralka ahayd ayadoo waqti balaadhan uu haysto way u banaantahay. Qofkii sooma Carafo ama Caashuuraa ayadoo qalle ramadaan lagu leeyahay soonkiisu wuu u ansaxayaa, balse haduu niyeysto maalintaas qallihii ramadaan wuxuu helayaa laba ajir; ajirkii maalintii carafo iyo ajirkii maalinta Caashuura iyo ajirkii qallaha.

Sidaa darteed soon sunne ah waad soomi kartaa ayadoo qalle lagugu leeyahay balse waxa ka wanaagsan  inaad niyeysato qallihii ramadaan kadibna aad hesho laba ajir inshallah