Tusmo

Qeexida Soonka:

Soonku waa in laga tago waxyaalaha jabiya soonka sida cuntada, cabitaanka iyo galmada laga bilaabo marka waagu baryo ilaa qorraxdu ay ka dhacayso, ayadoo loogu dhowaanayo Ilaahay ayna la socoto niyad.

Xukunka Soonka:

Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan waa faral, waxaana u daliila aayadaha quraanka iyo sunnada rasuulka. Cidii aan soomin bisha Ramadaan isagoon cudurdaar haysanin wuxuu ku dhacay danbi aaad u wayn.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ﴿١٨٣﴾

Kuwa Ilaahay rumeeyow waxa la idinku waajibiyey korkiina inaad soontaan, sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey si aad u dhawrsataan.

Waxa kale oo u daliila:

عَنْ طَلْحَةَ بْنِ عُبَيْدِ اللَّهِ أَنَّ أَعْرَابِيًّا جَاءَ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ثَائِرَ الرَّأْسِ فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَخْبِرْنِي مَاذَا فَرَضَ اللَّهُ عَلَيَّ مِنْ الصَّلَاةِ فَقَالَ الصَّلَوَاتِ الْخَمْسَ إِلَّا أَنْ تَطَّوَّعَ شَيْئًا فَقَالَ أَخْبِرْنِي مَا فَرَضَ اللَّهُ عَلَيَّ مِنْ الصِّيَامِ فَقَالَ شَهْرَ رَمَضَانَ إِلَّا أَنْ تَطَّوَّعَ شَيْئًا..

Dalxa ibnu Cubaydilahii waxa laga wariyey in nin reer baadiye ahaa u yimid rasuulkii Ilaahay (scw) kaasoo madaxiisa basaas ka muuqato, wuxuuna yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, iiga warran waxyaalaha Ilaahay igu faral yeelay salaada? Wuxuu yidhi: waa salaadaha Shanta ah marka laga reebo wixii aad ku darto (sunnayaasha). Wuxuu yidhi: iiga warran maxaa la igaga faral yeelay soonka? Wuxuu yidhi: bisha Ramadaan marka laga reebo wixii aad ku darto (sunnayaasha).” [1]

Fadliga soonka Ramadaan:

Fadliga soonka Ramadaan wuu badanyahay waxaase kamida:

  • Soonku waa camal Ilaahay naftiisa ku gaaryeelay inuu ka abaalmarinayo cidii la timaada oo ajirkiisa loo laablaabayo ayadoon loo xisaabinayn.
  • Qofka sooma ducadiisa lama celiyo.
  • Qofka sooma laba jeer ayuu farxaa, markuu afurayo iyo marka laga abaalmarinayo.
  • Soonku wuxuu u shafaaco qaadaya dadkii soomi jiray sida Quraanku ugu shafaaco qaadayo dadkii akhrin jiray.
  • Soonku waa gaashaan iyo darbi kaa difaacaya cadaabka naareed.
  • Qofkii u sooma hal maalin Ilaahay dartiis waxa wajigiisa laga fogaynayaa naarta meel looga socdo todobaatan sanadood.
  • Qofka sooman urta afkiisu waxay Ilaahay agtiisa kaga udgoon badantahay Miskiga.
  • Albaababada Jannada waxa kamida albaabka Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay ka galaan.
  • Qofka sooma Ramadaan isagoo iimaan leh, kagana ajar dalbaya Ilaahay waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo dhan.
  • Qofka istaaga habeenka Ramadaan isagoo laga helay iimaan, kagana ajar dalbaya Ilaahay waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo dhan.
  • Qofka istaaga habeenka Laylatu Alqadriga waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo dhan.
  • Quraanka Kariimka ah ayaa soo dagay bisha barakaysan ee Ramadaan.
  • Ramadaan waa tiir kamida tiirarka islaamka.
  • Waxa ku dhex jira habeen ka khayr badan kun bilood.
  • Bisha Ramadaan waxa la furaa albaabada Jannada, waxa la xidhaa albaabada naarta, waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta.
  • Soonka bisha Ramadaan wuxuu u dhigmayaa toban bilood soonkooda.

Faa’idooyinka Soonka iyo xikmadiisa:

Soonka faa’idadiisa waxa kamida; inuu seeteeyo shahwada iyo inuu ilaaliyo caafimaadka ruuxa sooman. Soonku wuxuu dadka u horseedaa inay nidaamiyaan waqtigooda iyo inay dadka baahan la dareemaan gaajada iyo harraadka.

Xikmadaha Ilaahay u faral yeelay soonka waxa kamida; in Ilaahay loogu dhowaado, in iimaanku sare u kaco, in Ilaahay la wayneeyo oo loo takbiirto markay bishu dhamaato (maalinta ciida), in la ilaaliyo wadajirka dadka muslimiinta ah.

Sunooyinka Ramadaanka:

Sunooyinka ramadaanka waxa kamida qaar waajiba iyo kuwo la jeclaysto in lala yimaado:

In dib loo dhigo suxuurta:

Waa inaad suxuurataa xilliga ugu danbeeya ee habeenku sii dhamaanayo, tusaale: 15 ka daqiiqadood ee ugu danbeeya habeenka intaan waagu dillaacin.

وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ

Cuna oo cab inta ay idiinka kala cadaanayso dunta cad (maalinta) iyo dunta madow (habeenka) ee waabarigu.[2]

Aayada sharafta leh waxay cadaynaysaa in habeenkii la cuno oo la cabo ilaa inta waabariga laga gaadhayo, taasoo si dadban u qeexaysa in la suxuurto xilliyada ugu danbeeya habeenka. Nabiguna (scw) wuxuu tilmaamay in suxuurta ay ku jirto barako:

عن أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : تَسَحَّرُوا فَإِنَّ فِي السَّحُورِ بَرَكَةً رواه البخاري (1923) ، ومسلم (1095).

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey (Rc) inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (sc[3]w) wuxuu dhahay: “Suxuurta maxaayeelay suxuurta waxa ku jira barako.”

In la dadajiyo Afurta:

Sunnada waxa kamida dadajinta Afurta iyo in lagu afuro timirta rudabka ah, hadii kalena timirta caadiga, hadii kalena biyo.

عَنْ سَهْلِ بْنِ سَعْدٍ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : لا يَزَالُ النَّاسُ بِخَيْرٍ مَا عَجَّلُوا الْفِطْر رواه البخاري (1957) ، ومسلم (1098) .

Sahal ibnu Sacad waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: ”Dadku kama suulayaan khayr intay ka dadajinayaan afurta”[4]

Marka la afuro kadib waxa lagu ducaysanayaa:

ذَهَبَ الظَّمَأُ وَابْتَلَّتْ الْعُرُوقُ وَثَبَتَ الْأَجْرُ إِنْ شَاءَ اللَّهُ

Dahaba aldama’u wabtalati alcuruuqu wa thabata al-ajru inshallah.

Harraadkii waa tagay, xididadiina way qoyeen, ajarkiina wuu sugmay inshallah.[5]

In laga fogaado hadalka xun:

Marka la soomanyahay waa in laga fogaado wax kasta oo soonka ajarkeeda yaraynaya sida muranka, aflagaadada, kaftanka ama dacaayada, hadalka kiisa liita. Sidoo kale waxyaalaha ajarka oo dhan la tagaya waxa kamida: in lagu mashquul filimaanta aan faa’idada lahayn, cayaaraha turubta, laadhuuda, dubnada iyo fadhi ku dirirka.

Cunto badan inaan la cunin:

Bisha ramadaan dadka badankoodu waxay soo adeegtaan adeeg ka badan kii bilihii hore ayadoo hadana la soomanyahay. Waxa fiican in cuntada afurta iyo cashadaba in la yaraysto, si waqti loogu helo cibaadooyinka, sidoo kale caafimaad ahaan uma wanaagsana cunida badan.

In lagu dadaalo cibaadada iyo waxbarashada:

Bisha ramadaan waa fursad iyo jaanis la khatimo quraanka, lana barto duruus cilmiya. Dhanka kale waa in lagu dadaalo cibaadooyinka sida ictikaafka, taraawiixda, tahajudka, sadaqada, afurinta dadka baahan iyo in la ciidsiiyo caruurta agoonta ah.

Axkaamta Soomka:

  • Soonka waxa kamida qeybo ay waajibtahay in la is raaciyo sida soonka ramadaan, soonka kafaaro gudka dilka, soonka kafaaro gudka Dihaarka[6] iyo soonka kafaaro gudka galmada maalinka ramadaan.
  • Soonka waxa kale oo kamida qeybo aanay waajib ahayn in la is raaciyo sida qallaha ramadaanka, soonka tobanka maalmood ee cida aan helin xoolihii la gawracayey xilliga xajka.
  • Soonka sunnaha ah wuxuu awdayaa daloolada ama nuqsaanta ku timaada soonka faralka ah.
  • Maalinta Jimcaha iyo sabtida laguma gaaryeelo soon, marka laga reebo soon faral ah mooyee.
  • Waxa kale oo aan banaanayn soonka sanadka oo dhan.
  • Soonka aan loo afurin ee maalinta ku xigtana la raaciyo ayaduna ma banaana.
  • Maalmaha ciida iyo sadexda maalmood ee ka danbeeya ciida Adxada ma banaana in la soomo.

Maxay ku sugantaa soo galida Ramadaan:

Waxa ku sugantaa in la arko bisha Ramadaan oo bilatay ama in la dhamaysto sodonka Shacbaan.

Soonku yuu ku waajibaa?

  • Soonku wuxuu ku waajibaa qof kasta oo muslima oo qaangaadhay, caqli leh, dagan magaaladiisa (oo aan socdaal ku jirin), awooda (oo aan xanuusanayn), kana nabadgalay waxyaalaha diida soonka sida (xaydka iyo nifaaska).
  • Caruurta markay da’doodu gaadho todoba sanadood waa la farayaa inay soomaan, hadii ay awoodaan. Waana lagu karbaashayaa markay toban gaadhaan sida Salaada oo kale.
  • Hadii qof gaala islaamo ama ilmo yar qaangaadho ama ruux waalnaa miyirkii usoo laabto ayadoo la soomanyahay, waxa ku laasimaya inay afkooda xidhaan (cunto aanay cunin) maalinta inta ka hadhsan. Lagumana laha inay soo qalleeyaan maalmihii dhaafay.
  • Ruuxa waalan waxaba lagama qoro, hadiise marna jirradu ku timaado marna miyirku usoo laabto, waxa laga rabaa inuu soomo inta uu miyirkiisu caadiga yahay.
  • Cidii dhimata ayadoo bisha lagu gudo jiro laguma laha maalmaha bisha ka hadhsan.
  • Cidii aan aqoon ualahayn in soonka ramadaan faral yahay ama aan garanayn in xiriirka gogoleeda xaaranyahay maalinta ramadaanka, waa loo cudur daarayaa sida ay qabaan culumada jamaahiirtoodu. Hase ahaatee qofka muslimiinta ku dhex jira ee ay u suurtoobayso inuu dadka waydiiyo, qofkaas looma cudurdaarayo.

Soonka qofka socotada ah:

  • Qofka ramadaan dhexdeeda safraya wuu afuri karaa marka la helo shuruudahan: in safarku dheeryahay oo magaaladii uu daganaa uu ka baxayo, qiyaas ahaan (80km) inuu safrayo. In safarkiisu aanu ahayn safar macsiyeed sida safarka Cayaaraha, heesaha, iwm. In ujeedada safarkiisu aanu ahayn inuu soonka buriyo oo kaliya.
  • Ruuxa safraya wuu afuri karaa hadii uu awoodo inuu soomo iyo hadii aanu awood u lahaynba, hadii soonku dhibayo iyo hadii aanu dhibaynba.
  • Qofka go’aansaday inuu safro ramadaan ma niyeysanayo jabinta soonka ilaa uu ka safrayo.
  • Hadii diyaarad uu saaranyahay oo gabalkii ugu dhacay magaaladii uu kasoo safrayey kadibna diyaaradu markii ay kacday uu arkay qorraxdii kuma laasimayso inuu afxidhnaado ee wuu iska cunayaa oo cabayaa maadaama uu magaaladii uu ka yimid uu ku dhamaystau soonkii.
  • Ruuxa u safray magaalo oo niyeystay inuu daganaanayo magaaladan wax ka badan afar maalmood waxa ku waajibaya soonka, sida culumadu u badanyihiin.
  • Qofkii soomanaa ee magaaladiisii joogay kadibna safray way u banaantahay inuu jabiyo soonta markuu safro.
  • Way u banaantahay inay afuraan dadka sida joogtada ah u safra sida dareewalada, ciidamada militariga iwm, way soo qallaynayaan maalmaha ka tagay.
  • Hadii qofkii socotada ahaa soo laabto waxa u wanaagsan inuu afxidho isagoo dhawraya xurmada bisha ramadaan, hase ahaatee mar walba waxa laga rabaa qallihii, haduu afxidho iyo hadii kaleba.
  • Hadii qof uu ka safro magaalo laga soomanyahay uuna tago magaalo kahor soomtay ama ka danbaysaba wuxuu la xukun noqonayaa magaaladaas uu tagay.

Soonka Qofka Xanuusanaya:

  • Xanuunkasta oo qof bani aadaama ka saara xaaladiisa caafimaad way banaantahay in loo afuro, balse xanuunada yaryar sida madax xanuun fudud ama wareer yar ma banaana in loo jabiyo soonka. Hadii dhakhtarku u sheego ama isaguba uu ogaado in soonku dhibaato caafimaad u gaysanayo waxa u banaan inuu afuro, waana karaahiyo inuu soomo isagoo soonku dhibayo.
  • Hadii soonku ku sababo suuxid wuu jabinayaa waanu soo qallaynayaa maalintaas. Hadii qof uu suuxo isagoo sooman kadibna miyirku usoo laabto isala maalintaas intaan la afurin kahor, soonkiisu waa u ansaxayaa maadaama uu soomanaa. Hadiise miyirku usoo laabto salaada maqrib kadib, soonku uma ansaxayo sida loo badanyahay.
  • Qofka suuxay waa waajib in maalmaha ka tagay inuu soo qalleeyo xitaa hadii ay dheeraato mudada uu suuxida ku jirayba.
  • Qofkii gaajo ama harraad daran uu qabtay oo naftiisa uga cabsaday inay halaagsanto wuu afurayaa waanu soo qallaynayaa.
  • Dadka shaqooyinka culus haya uma banaana inay jabiyaan soonta ee hadii shaqadu dhibayso waa inay ka fasax qaataan mudada ay soomanyihiin.
  • Imtixaanaadka ardaydu maaha cudurdaar lagu jabiyo soonka, mana banaana inay afuraan.

Qofka buka ee inuu caafimaado la rajaynayo:

  • Ruuxa buka ee rajo laga qabo inuu ka kacayo xanuunkan way u banaantahay inuu afuro balse wuu soo qallaynayaa markuu caafimaado, mana bixinayo fidyo.
  • Qofka ka bugsada xanuunkii oo ay suurtagal u tahay inuu qalleeyo maalmihii dhaafay oo dhinta isagoo aan la imanin qalladii waxa xoolihiisa laga bixinayaa fidyo (raashin) maalinkasta oo lagu lahaa. Hadii cidi ehelkiisa kamida uu ka soomana way ka gudmaysaa.

Qofka buka ee la rajaynayn inuu ka bugsado:

  • Ruuxa buka ee xanuunkiisa aan la rajaynayn inuu ka bugsado iyo qofka waayeelka ah ee aan soomi karayn waxay bixinayaan fido (cunto) maalinkasta, waxayna bixinayaa 1.5 kg raashina ayagoo siinayaa ruux baahan.

Qof waayeela oo aan soomi karayn:

  • Odayga ama islaanta waayeelka ah ee aan awood u lahayn inay soomaan waxay bixinayaan fidayadii ama raashinkii.
  • Qofka isku darsamay ama asaasaqay ee maankiisii tagay kuma waajibsayso soonka ramadaan, ehelkiisuna waxba kama bixinayaan sababtoo ah caqligii ayaa maqan.
  • Qofkii la dagaalama cadaw oo soonka aan awoodin ama tamartiisu ay yaraanayso haduu soomo way ubanaantahay inuu afuro, xataa hadii aanu safrin. Laakiin dagaalkiisa waa inuu yahay kii jidka Ilaahay lagu dirirayey.
  • Qofkii sababta uu la afuray ay muuqatay sida qofkii xanuusanayey, wax dhiba malaha inuu cuntada cuno isagoo la arkayo. Qofkiise sababta keentay inuu afuro ay qarsoonayd sida gabdhuhu markay helaan dhiiga xaydka waxa haboon inay u afuraan si qarsoon si aan loo tuhmin.

Soomka in la niyeysto:


[1] صحيح البخاري » كتاب الصوم » باب وجوب صوم رمضان/1792

[2] Suuratu Albaqarah: 187

[3] Bukhaari iyo Muslim

[4] Bukhaari iyo Muslim

[5] Sunan Abidaawuud: 2357

[6] Dihaarku waa ninka oo xaaskiisa ku dhaha waxaad lamid tahay sida hooyaday oo kale waxaana laga rabaa inuu soomo laba bilood oo is xigta.